SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO
Daabaco Boggan | Print


Yaa ku guuleysan doona doorashada wadanka Ingiriiska?

Hordhac

Sida ay la socdaan dad badani waxaa 5-ta bishan may loo dareeri doonaa goobaha coddeynta ee dhamaan gobolada iyo degmooyinka ay ka kooban tahay boqortooyada ingiriisku. Haddaba qormadaan waxaan ku faaqidi doonaa guud ahaan doorshadaas. Arimaha aan ka hadli doonana waxaa ka mid ah:

  • Xisbigee ayaa la saadaalinayaa inuu guusha la hoydo? Ma kanTony Blair ee labour mise kan garabka midig ee Michael Howard.
  • Labada nin ee xisbiyadaas kala hogaamiyase kee soo jiitey kalsoonida dadweynaha
  • Qodobada ugu waaweyn doorshada waa kuwee?
  • Maxayse labada hogaamiye ka yiraahden umuuraha: cafimaadka, waxbarashada, dadka soo galootiga ah, ciraaq iyo weliba arimaha midowga yurub?

Dhowaan ayaa la kala bixi doonaa

Saadaasha laga sameynaayo arimaha doorashada, dhamaantood waxaa ay tilmaamayaan in uu doorshada ku guuleysan doono xisbiga haatan talada haya ee labour. Balse weli waxaa jira arimo dhowr ah oo wax ka bedeli kara doorashada. Taas macnaheedu waxaa weeyaan in aanu xisbiga labour weli guusha isa siin karin. Khatarta ugu weyni waxaa ay ka iman kartaa dadka u codeeya isla xisbigan labour. Khatartaasi waxaa weeyaan iyadoo ay dhici karto in taageerayaasha labour guusha isa siiyaan ayna goàansadaan iney guryahooda iska seexdaan. Iyadgoo weliba kol hore niyadooda sii gashaday in xisbigoodu si sahlan guusha ku helayo.

Waxaa kaloo iyana dhici karta in taageerayaasha labour ay doonayaan iney yara canaantaan xisbigooda, iyagoo doonaya inuu ku guuleysto codad aan sidaas u badnayn. Taas waxaa sabab u ah iyadoo ay taagerayaal badani ka caraysan yihiin balamo hore oo uu xisbigu uga baxay.Dadkaas careysan waxaa dhici karta iney u codeeyaan xisbiga liberalka. Arinta kale ee labour guusha seejin kartaa waxaa weeyaan dadka aan weli goàansan cida ay u codeynayaan oo aad u badan. Dadkaas oo cadadkooda lagu qiyaasay ilaa 36% dadka xaqa u leh iney codeeyaan. Tiradaasi waa mid run ahaantii aad u badan wax weyna ka bedeli karta natiijada doorashada.

Haddii aan u soo leexano hogaamiyayaasha labada xisbi, Tony Blair oo ah hogaamiyaha xisbiga labour ahna Raìsul wasaaraha wadanka iyo Micheal Howard oo ah hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee garabka midig
( The conservative party).

Tony Blair waa nin in badan ku soo dhex jirey siyaasada ,talada wadankana hayey sideedii sano ee la soo dhaafay.Waana nin si aad ah dadku u yaqanaan. Waxaa kaloo u Tony Blair aad ugu horeeya xagga khudbadaha iyo isticmaalka ereyada dadka soo jiita. In kastoo ay taageerada dadku u hayaan mr Blair ay beryahan dame aad hoos ugu dhacday, hadana dadweynaha badankood waxaa ay aaminsan yihiin inuu xagga xirfada siyaasada kaga horeeyo ninka ka soo horjeeda ee mr Howard. Micheal Howard aya isagu ah nin cod jilicsan oo ay dad badani u arkaan inaanu jagada dalka ugu sareysa kuba habooneyn. Dadka arimaha siyaasada falanqeeyaa waxaa ay ku dhaliilaan Howard inuu xoog dheeraad ah geliyey dhaliilitaanka shakhsiyada Tony Blair. Tusaale ahaan waxaa loo soo qaataa kelmado uu Howard in badan kusoo celceliyey isagoo weeraraya Blair. Waxaana ka mid ah kelmadahaas: “ Kol haddii uu mr Blair ka been sheegay haysashada hubka halista ah ee ciraaq, waxaa aad suurto gal u ah inuu mar kale shicibka been u sheego”

Si kastaba ha ahaatee waxaa muuqata in aan weerarkaas xaga shakhsiyada ahi aanu waxweyn ku soo kordhin taageerada ay dadku u hayaan Howard. Arinta la rumeysan yahay iney kaalmeyneyso Tony Blair waxaa weeyaan mid ku wajahan xagga dhaqaalaha. Iyadoo uu dhaqaalaha wadanka ingiriisku aad u wanagsan yahay kolkii la garab dhigo wadamada kale ee midowga yurub. Guushaas oo ay dadku u tirinayaan inuu saldhigeeda mr Blair leeyahay. Taasi waxaa ay noqon kartaa arinta ugu weyn ee guusha u soo hoyda xisbiga labour. Waxyaalaha Lagu eedeynayo inuu ka seexday xisbiga labour waxaa ka mid ah arimaha caafimaadka iyo waxbarashada. Balse balse xisbiga garabka midig ruuxiisu lama imaanin qorshe arimahaas ku wajahan oo dadku u riyaaqaan. Tony Blair wuu qirtay in aanu arimahaas sidii la doonayey wax uga qaban balse waxaa uu codsaday in kalsooni kale la siiyo si uu u saxo qaladkaas.

Howard waxaa dad badani ku eedeyeen iney waxuun cunsuriyad ah u qarsoon tahay. Ka dib kolkii uu arimaha ajaaniibta iyo dadka magangelyo doonka ah ka digay qodob weyn. Mr Howard waxaa uu islahaa arinkaas dhibco siyaasaded ayaad ku heleysaa, balse ma aaney noqon sidii uu filaayey. Waxaa kaloo uu Howard aad uga hadlay dadka denbiyada gala, isagoo balan qaadey in ciqaab adag la marsiin doono. Taasina xitaa wax guul ah oo sidaas u weyn uma aaney soo hoyin. Beryihii ugu dameeyey ololaha doorashada waxaa uu xisbi weliba la soo baxay xeeladiisii ugu dameysey si uu codad dheraad ah u helo. Tusaale ahaan Tony Blair waxaa uu iska soo hormariyaa wasiirkiisa maaliyada Mr Gordon Brown. Ninkaas oo ah nin ay sumcadiisu maalinba maalinta ka damaysa  siyaadeyso. Waana mida uu doonayo inuu Tony Blair ka faaìideysto.

Waxyaalo badan oo ay dadku filaayeen in laga doodi doono ayaa gebi ahaanba aan doorashada lagu soo darin. Tusaale ahaan: Arimaha midowga yurub, kordhinta cashuuraha, arimaha nukliyeerka,iyo arimaha dadka howlgabka ah. Sababaha ay xisbiyadu qodobadaas uga weecdeen waxaa weeyaan iyagoo ka cabsi qaba iney xisbiyadooda dhexdoda ka dhaliso kala qaybsanaan.

Calaa kuli xaal cida ku guuleysata doorashada waxaan ogaan doonaa maalinta jimcaha ah ee bishu tahay 6-da may.

     Mahadsanidin

Cabdirisaq Maxamed Xuseen
University of Gävle
Qaybta dhaqaalaha
habdirisak@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 4, 2005

Nin Jarmal ah oo Diley Xaaskiisii oo Soomaali ah, Laba Carruur ah iyo Labadiisii waalid. 


WARBIXINADII AFAR BILOOD LAHA EE QARAMADA MIDOOBEY EE SOOMAALIYA:::
APRIL 2005 | JANAAYO 2005 [.pdf]


BOOSAASO & LA DAGAALANKA ANSHAX XUMIDA
Waxaa (19-04-2005) lagu qabtay Hoolka Jamacada Bariga afrika Boosaaso Shir aad u balaaran oo ay yesheen Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culumo owdiinka Gobolda Puntland Qaar ka mida... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD