SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
March 15, 125
Daabaco Boggan | Print

:::XAYAYSIIS:::

DUKAAN: Nataional African Store.. Guji...


TAWAKAL: Xawaalad Degdeg ah.. Guji...


ALHIJAZ: Waa hoteel caalami ah.. Guji...


Salon & Restaurant :: Hargeysa.. Guji...


GOLIS: Shirkada isgaarsiinta.. Guji...


EMPIRE COMPUTERS.. Toronto Canada... Guji...


GOLIS: Shirkada isgaarsiinta.. Guji...


Xayaysiiska Shirkadaada/Ganacsigaaga ku daabaco halkan..... Sidee?... Lasoo xiriir SomaliTalk.com

Barnaamijkii Radio Xoriyo

03 May. 2005

  • Dagaallo lagu jabiyay ciidamada cadowga Itoobiya
  • Ciidamada cadowga itoobiya oo xidhay iyo dhibaatooyin kale u gaystay dadwaynaha
  • Shir wayn oo Ogaadeenya lagu taageerayay oo ka dhacay magaalada Birmingham
  • Bannaanbax wayn oo bishan shanaad kowgeedii ka dhacay magaalada Oslo
  • Saraakiil Itoobiyaan ah oo lagu dilay magaalada Muqdisho
  • Iyo waraysi aan la yeelanay afhayeenka Jaaliyada Ogaadeenya ee Norway

======================

Dagaallo lagu jabiyay ciidamada cadowga itoobiya.

Ciidammada geesiyiinta ah ee xoreynta Ogaadeenya ayaa guulo waawayn ka soo dheelmay ciidammada maxaysatada ah ee gumaysiga Itoobiya, kuwaasoo ay iskaga horyimaadeen dagaallo badan oo bishii Abriil gudeheedii ka dhacay meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah, waxaana ka mid ah dagaaladaas:

Dagaal ka dhacay meesha lagu magacaabo Malqaqa oo u dhexaysa magaalooyinka Baabili iyo Dhagaxle 06/04/05 dagaalkaas ayaa ciidamada cadowga itoobiya lagaga dilay 4 askari, 5 kalana lagaga dhaawacay.

10/04/05 CWXO ayaa ciidanka cadowga itoobiya ee fadhiya Wijiwaaji oo Qoraxay ka tirsan ka dilay 4 askari,halka ay ka dhaawaceen 3 kale.

CWXO ayaa 10/04/05 ku qabtay koox dabaqoodhi ah meesha la yidhaahdo Koraaye oo Dhagaxle u dhow, kana tirsan gobolka Nogob. Waxayna ciidanku ka furteen dabaqoodhigaas 6 qori, kadibna iska sii daayeen iyagoo dulaysan.

11/04/05 waxay CWXO ka dileen ciidanka saamaladuulka ee cadowga itoobiya 5 askari, 6na kaga dhaawacaeen meesha la yidhaahdo Dharkaynley oo ka tirsan degmada Dhagaxbuur.

CWXO ayaa 13/04/05 ku gubay Garbo baabuur ay saraakiil cadowga ahi saaraayeen. Waxaana baabuurkaas ku gubtay 7 sargaal oo saaraa.

-13/04/05 meesha la yidhaahdo Cali Ogadenya oo u dhexaysa Fiiq iyo Baabili ayaa cadowga lagaga dilay 3 askari, 5 kalena lagaga dhaawacay.

-24/04/05 Bodhley oo ka tirsan Qorraxay ayaa ciidamada cadowga itoobiya lagaga dilay 3 askari, 2 kalena laga dhaawacay. Markii la laayey askartaas ayey askartii cadowgu ku gaydhadeen shacabkii tuulada degganaa, waxayna halkaas ku dileen 2 nin oo rayad ah.

Cutubyo ka tirsan ciidammada xoreynta Ogaadeenya ayaa 26/04/05 meesha lagu magacaabo Dundumo-Cadka ku helay ciidamo cadowga itoobiya ah oo saarnaa 9 baabuur oo gurmad ah, kuwaasoo u gurmanayey ciidammadii cadowga ee lagu jabiyay Hawlgalkii Mandad. Waxaa ciidankaas la gaadhsiiyey khasaare lixaad leh, waxaana u suurageli wayday inuu meeshaas dhaafo oo horey u sii socdo.

-26/04/05 Meel u dhaxaysa Godey iyo Iimay ayaa lagu weeraray baabuur uu lahaa ciidanka cadowga itoobiya, waxaana weerarkaas lagu dilay 8 askari oo uu taliyihii Godey ku jiro, Halka dhaawucuna gaadhay 9 kale.

Dhinaca kale ciidammadii gumaysiga Itoobiya ee fadhiyay dhawr degmo oo ka mid ah gobolka Doollo ayaa 16/04/05 ka cararay fadhiyadoodii, ka dib markii uu billowday Hawlgalkii Mandad, isla markaana ay ka cabsadeen in xeryohooda loogu yimaado, waxayna ciirsi ka deyeen magaalooyinka waawayn. Meelaha uu Ciidanka Gumeysigu ka cararay waxaa ka mid ah Degmada Dannood, iyo magaalooyinka Qorile iyo Caado. Ciidammada xoreynta Ogaadeenya ayaa gacanta ku dhigay fadhiyadii ay ciidammada gumaysigu ka carareen, waxayna halkaas ku qabteen afar ka tirsan malleeshiyada Dabaqoodhiga ah ee gumaysiga la shaqeeya, waxayna ka qaateen afar qori oo ay wateen.

Ciidamada cadowga itoobiya oo xidhay iyo dhibaatooyin kale u gaystay dadwaynaha

Ciidammada gumaysiga Itoobiya oo ay caado u tahay inay dadwaynaha ku gaydhadaan markay nabarro xunxun ka soo gaadhaan goobaha dagaalka, ayaa dadwayne badan oo rayad ah ku xidhxidhay meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah, waxaana meelahaas ka mid ah:

Magaalada Wayla-lagu-Xidh oo 05/04/05 lagu xidhxidhay dad ay ka mid yihiin:

1. Nuur Colaad Cabdi Geelle

2. Maxamed Dahir Dhegacade

Waxaa labadaas nin loo qaaday oo hadda lagu hayaa Dig, waxaana lagu xukumay inay bixiyaan 20 million oo shilin Somali ah.

Meesha lagu magacaabo War-gaadsan oo iyana aaggaas ku taalla waxay ciidammada cadowgu ka dhaceen dadka rayadka ah ee ku dhaqan halkaas adduun gaadhaya 5,800 Bir.

Ciidammada nolol-diidka ah ee taliska Addis Ababa soo dhoobay dhulka Ogaadeenya waxay dadwaynaha u ciqaabaan siyaabo kala duwan, waxaana ka mid ah in dadwaynaha qasab lagu askareeyo. Magaalada Garbo waxay dhawaan ciidammada cadowgu ku xukumeen beel kasta oo halkaas ku nool inay keento 10 nin oo askar laga dhigo iyo 10-koodii qori iyo 2000 oo Bir Itoobiyaan ah. Waxayna dadka ku handadeen inay magtii saraakiishii iyo baabuurkii lagaga gubay bixiyaan.

-7/04/05 Bukudhawo oo ka tirsan Dhagaxbuur ayaa lagu xidhxidhay dad aad u badan.

Waxaa dadkaas la xidhxidhay ka mid ah:

1- Cabdi Xuseen Adar

2- Mustafe Sheikh Xasan

3- Baddal Caydiid

4- Kaad Soofe Maygaag

5- Adan Ciise

6- Macalin Cagoole

Ciidammada gumaysiga Itoobiya waxay weerar ku qaadeen tuulada Balli-Haraale oo fanka ku haysa xadka ay Ogaadeenya la leedahay gobollada Galguduud ee dalka Soomaaliya, waxayna weerarkaas ku dileen 9 qof oo rayad ah, waxay sidoo kale soo taxaabteen 13 qof oo qaarkood ay dhaawac yihiin. Dadka tuuladaas deggan ayuu gumaysigu ku eedeeyay inay gacan saar la leeyihiin ciidammada xoreynta Ogaadeenya.

Shir wayn oo Ogaadeenya lagu taageerayay oo ka dhacay magaalada Birmingham

Maalintii sabtida ahayd ee taariikhdu ku beegnayd 30/04/2005 ayaa magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska ka dhacay shir weyn oo ay isugu yimaadeen dadweynaha Soomaliyeed ee Birmingham ku dhaqan. Shirkaas waxaa loogu talagalay in lagu taageero halganka gobanimo dooka ah ee Soomaalida Ogaadeenya ay kaga soo horjeedo gumaysiga Itoobiya.

Shirkaas oo ay qabanqaabiyeen Shacabka Soomaaliyeed ee Birmingham deggan, ayaa lagu caasuumay masuulin JWXO ah oo ay ka mid ahaayeen guddoomiyaha Hooggaanka Arrimaha Dibedda iyo Jaaliyadaha Cabdiraxmaan Sh. Mahdi, Guddoomiyaha Hooggaanka Cilmi baarista iyo Qorsheynta Maxamed Siraad Dolaal, Guddoomiyaha guddiga Hantidhowrka iyo Kormeerka Maxamed Cabdi Yaasiin iyo masuuliinta iyo Odayaasha jaaliyadda Ogaadeenya ee magaalada Birmingham.

Dadwaynaha soomaliyeed ee Jamhuuriyadda Soomaliya u dhashay ayaa shirkaas ka muujiyay sida ay uga xun yihiin gumaysiga Itoobiya dhibka uu ku hayo shacabka Soomaaliyeed ee Ogaadenya ku nool, iyo faragelinta qaawan ee Itoobiya ku hayso siyaasada Soomaaliya iyo weliba siday ugu xadgudubto qaranimmada Soomaliya.

Madaxdii soomaaliyeed ee shirkaas ka hadlay ayaa sheegay inay ummada Soomaaliyeed meel uga soo wada-jeedsatay gumaysiga Itoobiya si buuxdana ay u taageerayaan JWXO oo hiil iyo hooba ay diyaar ula yihiin.

Waxaa halkaa isku qoray boqollaal mutadawac oo sheegay inay naftooda iyo maalkoodaba u huri doonaan halganka hubaysan ee gobanimada loogu raadinayo dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya.

Bannaanbax wayn oo bishan shanaad kowgeedii ka dhacay magaalada Oslo

Jaaliyadda Ogaadeenya ee dalka Norway ayaa soo qabanqaabisay bannaanbax wayn oo magaalada Oslo laga hirgeliyay kowdii bisha May oo ku aaddanayd Maalinta Shaqaalaha Adduunka. Waxaa bannaanbaxaas iyaguna qayb libaax ka qaatay dadwaynaha soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Oslo iyo nawaaxigeeda, iyagoon u kala hadhina soo buuxiyay madashii bannaanbaxu ka dhacayay.

Bannaanbaxan ayaa in muddo ahba laga soo shaqaynayay, waxaana loogu talagalay in lagu muujiyo xadgudubyada dhinac walba ah ee taliska Addis Ababa uu ku hayo dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya iyo qawmiyadaha kale ee ku hoos nool.

Bannaanbaxayaashu waxay siteen boodhadh waawayn oo ay ku qoran yihiin hal-ku-dhgyo muujinaya denbiyada bani-adanimada ka dhanka ah ee gumaysiga Itoobiya uu u geysto dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya, waxayna ku dhawaaqayeen erayo ay ku muujinayeen dareenkooda diiddan gumaysiga Itoobiya.

Qaar ka mid ah madaxda dawaynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ee bannaanbaxa ka soo qayb galay oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa caddeeyay sida ay u taageersan yihiin halganka hubaysan ee lagaga soo horjeedo gumaysiga Itoobiya ee ka socda dalka Ogaadeenya ee JWXO ay hormuudka ka tahay, waxayna ballanqaadeen inay taageero dhinac walba ah u fidinayaan gobanimo doonka Ogaadeenya, iyagoo dadwaynaha soomaaliyeed oo dhan ugu baaqay inay u midoobaan cadowga soo jireenka ah ee Soomaaliya.

Saraakiil Itoobiyaan ah oo lagu dilay magaalada Muqdisho

Warbaahinta ka soo baxda magaalada Muqdisho ayaa isniintii qortay in laba Sarkaal oo ka tirsan ciidammada sirta ee Itoobiya lagu toogtay Xaafadda Buulo-xuubay ee Magaalada Muqdisho, ka dib markii muddo 15 maalmood ah lagu raad-joogay.

Labadan Sarkaal oo magacyadooda lagu kala sheegay Digisti Haile iyo Girma Tadase, waxay ka mid ahaayeen 150 ka tirsan Ciidamada Sirdoonka Itoobiya oo muddo afar bilood ah ku sugnaa Magaalada Muqdisho.

Labadan Sarkaal ee la dilay waxay hore u fuliyeen dilal kala duwan oo loo gaystay dad soomaali ah oo aqoonyahano iyo siyaasiyiin isugu jiray. Haweenay ay gurigeeda degganaayeen ayaa saxafadda u sheegtay in nimankaasi ay dillaaliin u ekaayeen, isla markaana ay ka codsadeen inaanay cidna u sheegin, waxay kaloo intaas ku dartay inay habeenkii oo kaliya bixi jireen.

Toogashadan lagu fuliyay labadan sarkaal ayaa la sheegay inay qayb ka tahay ugaadhsi ay kooxo maleeshiyo ahi ku hayaan ciidamada sirdoonka Itoobiya oo beryahan danbe ku soo batay magaalada Muqdisho.

Radio Xoriyo

03 May. 2005

C/nuur Sh. Mohamed

radioxoriyo@ogaden.com
raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

www.radioxoriyo.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 3, 2005

Nin Jarmal ah oo Diley Xaaskiisii oo Soomaali ah, Laba Carruur ah iyo Labadiisii waalid. 


WARBIXINADII AFAR BILOOD LAHA EE QARAMADA MIDOOBEY EE SOOMAALIYA:::
APRIL 2005 | JANAAYO 2005 [.pdf]


BOOSAASO & LA DAGAALANKA ANSHAX XUMIDA
Waxaa (19-04-2005) lagu qabtay Hoolka Jamacada Bariga afrika Boosaaso Shir aad u balaaran oo ay yesheen Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culumo owdiinka Gobolda Puntland Qaar ka mida... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.



HTML CD