SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print


Baaq ka soo Baxay kulan cilmiyeedkii Boosaaso....


Kulan cilmiyeed lagu soo gabagabeeyay Boosaaso 

Waxaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Boosaaso Kulan cilmiyeedkii seddexaad  ee lagu qabtay masjidka Al-Rowda oo halkudhegiisu ahaa (CAQIIDADA ISLAAMKA), wuxuuna socday muddadii u dhaxeysay 11-23 Rabiic Al Awal 1426 oo waafaqsan 21/04-02/05/2005. 

Ujeedooyinka loo qabtay kulan cilmiyeedkaan waxaa ka mid ah: In dadweynaha loo soo bandhigo caqiidada toosan, lagana soxo khaladaadka dadka qaarkiis ka galay, In la dareensiiyo bulshada ahmiyadda caqiidadu u leedahay iyo dhibaatada ka imaanaysa haddii laga bayro, In dadkeennu yeeshaan awood ay isaga difaaci karaan duullaanada ku wajahan caqiidadooda, In dadweynaha la dareensiiyo in caqiidadu tahay aasaaska diinta. 

Waxaa ka qaybqaatay jeedinta duruusta iyo ka jawaabista su’aalihii dadweynaha qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin :

  • Sh. C/qaadir Nuur Faarax.

  • Sh. C/laahi Cali xaashi

  • Sh. Axmed-Daahir Xasan Xuseen.

  • Sh. Daahir Aw Cabdi yuunus

  • Sh. Axmed Xaaji C/ramaan.

  • Sh. C/qaadir Maxamed Cabddalla.

  • Sh. Maxamuud Xaaji Yuusuf.

  • Sh. C/naasir Xaaji Axmed.

  • Sh. Bashiir Jaamac Kite.

  • Sh. Maxamed Cali Faarax.

Duruustii halkaa laga soo jeediyay waxaa ka mid ahaa: Ahmiyadda caqiidada islaamka, Sifooyinka Ahlu sunnah waljamaaca, In Alle kaliya la caabudo, Sifooyinka iyo magacyada Alle, In Nabiga la raaco bidcadana laga fogaado, Xiriirka ka dhexeeya muslimiinta iyo kan kala dhexeeya gaalada, isku xukunka sharciga Alle I.W.M.  

Waxaa duruusta garab socday su’aalo ay ka jawaabayeen culimadu, seminar diini ah oo la siiyay haweenka iyo muxaadarooyin kale oo laga jeediyay meelo ka mid ah magaalada. 

Waxaa xusid mudan in kulan cilmiyeedekaan intii uu socday ay si toos ah u baahinayeen idaacadaha SBC, Midnimo iyo STN ee  magaalada Boosaaso, waxaana laga dhagaysanayay magaalooyinka Boosaaso, Qardho, Garoowe, Laag iyo Galgala. Waxaa kale oo magaalooyinka qaarkood loogu gudbinayay taleefoonka, sida magaalada Carmo iyo waliba taarka oo loogu xidhiidhinayay magaalada Qandala. Duruusta iyo fataawada waxaa lagu duubayay maqal iyo muuqaalba. Dadka dibaduhuna waxay  kala socdeen aaladda internetka.  

Kulan cilmiyeedkaan waxay dadweynuhu uga faa’iidaysteen si weyn meel kasta oo ay joogaanba, waxaana la rajaynayaa in si ballaaran loo faafiyo duruustii iyo fataawadii laga duubay. 

Xafladdii xiritaanka kulan cilmiyeedka waxaa ka hadlay Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax, guddoomiyaha jaamacadda bariga Afrika Prof. Cabdulqaadir Max’ed Cabdullaahi, wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha diinta Axmed cali Gamuute, Suldaan Cabdisalaan Suldaan Max’ud, waxaa kale oo xafladda laga akhriyay baaq ay soo saareen culimadii ka qayb qaadatay kulan cilmiyeedka oo uu soo jeediyay Sheekh Fu’aad Max’ud Xaaji Nuur, waana kan qoraalkii baaqa oo dhammaystiran:  

Baaq ka soo Baxay kulan cilmiyeedkii Boosaaso. 

Waxaannu ugu baaqaynaa bulshada soomaaliyeed iyo guud ahaan muslimiinta arrimahan soo socda: 

1.     In la barto caqiidada toosan ee Islaamka, maadaama ay tahay  tan lagu badbaadayo Adduun iyo Aakhiraba, lagana digtoonaado waxyaabaha dhaawici kara.

2.     Dhawridda iyo qabsashada Xadiiska Rasuulka ( NNKH),  lagana difaaco cid kasta oo duullaan ku ah.

3.     Barashada, ku dhaqanka iyo faafinta Diinta Islaamka iyadoo loo hurayo naf iyo maalba taas oo ah xil saaran qof walba oo Muslim ah, sidaa darteed waa in qof walba uu qaataa kaalintiisa ku beegan ha ahaato Culimada, Maamulka, Oday dhaqameedyada, Ganacsatada, Aqoonyahanka, Haweeynka iyo Dhalinyarada.

4.     Maadaama ummada soomaaliyeed tahay muslim boqolkiiba boqol 100%  laguma dhex faafin karo diimo iyo mabaadi’ aan ahayn islaamka.

5.     Waxaan ugu yeeraynaa masuuliyiinta Soomaaliyeed inay u tanaasulaan danta guud ee dalka iyo dadka, ayna ka fogaadaan wax kasta oo dhaawacaya diinta, qaranimada, midnimada iyo sharafta ummadda Soomaaliyeed, isla markaasna ay qiimeeyaan baahida bulshadu u qabto dawlad. Annaga oo xasuusinayna in mashaakilka ina haysta lagu xallin karo shareecada islaamka oo kaliya .

6.     Bulshada soomaaliyeed waxay soo martay waqti dheer oo ay ku  jirtay burbur , dagaallo sokeeye iyo duruufo adag oo dhamaan saameeyay, hadaba waxaa waajib ah inay si dhab ah u walaaloobaan, isgacan qabtaan, isuna naxariistaan.

7.     Manaahijta Waxbarashada Dalku waa in ay noqoto mid tayaysan, kana tarjumaysa Diinta iyo baahida bulshada Soomaaliyeed, lagana ilaaliyo faragalinta, dibindaabyada iyo marinhabaabinta ay ku hayaan Shisheeyuhu.

8.     Warbaahinta Soomaaliyeed waa inay u adeegto danaha Bulshada, kana tarjumto Diinteenna iyo Dhaqankeenna suubban, isla markaana ay ka fogaato baahinta wax kasta oo wax yeelaya Umadda Diinteeda, dadnimadeeda, akhlaaqdeeda iyo wadajirkeedaba.

9.     Waa in mudnaanta koowaad la siiyo ilaalinta iyo horumarinta qoyska, lagana hortago khatarta ku wajahan  haweenka iyo da’yarta, isla markaana loo hawlgalo xallinta mashaakilkooda, korna loo qaado aqoontooda iyo wacyigooda.

10. Waa in bulshada soomaaliyeed ay iska kaashato hirgalinta mashaariicda danta guud iyo horumarinta adeegyada bulshada sida:- dhismaha iyo dayactirka masaajidda, wadooyinka, garoomada, isbitaalada, dakadaha, jaamacadaha I.W.M. taas oo ciddii ka qayb-qaadata u  noqonaysa sadaqo ajar joogta ah leh.

11. Waxaan bogaadinaynaa mashruuca dhismaha garoonka diyaaradaha Boosaaso annaga oo bulshada ugu baaqayna meel ay joogtaba  dibad iyo gudo inay ka qayb qaataan fulintiisa.

12. Waa in dadka soomaliyeed ee u qaxay dalalka gaalada ay ku soo laabtaan dhulkooda, si ay uga badbaadaan iyaga iyo ubadkooduba khatarta haysata diintooda, waana in  maamullada iyo shacabku iska kaashadaan sidii loogu diyaarin lahaa  dadkaas jawi ku dhiirigaliya inay  soo noqdaan.

13. Waa in la joojiyo dagaallada sokeeye ee ka dhex aloosan bulshada soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan,  khilaafaadkoodana ay ku xalliyaan shareecada Islaamka, arintaana waa inay ka qayb qaataan culimada iyo waxgaradku .

14. Joojinta iyo ka fogaanshaha Cudurada bulshada ee ragaadiyay dadkeenna sida qabyaaladda , gobolaysiga, Dulmiga, musuqmaasuqa I.W.M.

15. Waa in ay iska kaashadaan maamullada iyo dadwaynuhu sidii dalka looga ciribtiri lahaa  munkaraadka   kala duwan sida: filimada xunxun, faaxishada, dhaqamada xunxun,  burcadnimada, jidgooyada, dilka, afduubka, iyo maandooriyayaasha (qaadka, xashiishada, khamriga, sigaarka I.W.M) kuwaas oo khalkhal galinaya degenaanshaha iyo dhaqanka suubban ee ummadda.

16. Waxaan si gaar ah u dhiirrigalinaynaa la shayqaynta iyo maalgalinta hay’adaha samafaridda iyo xumaan-reebka ee ka jira dalka.

17. In la joojiyo lana celiyo dadka shisheeyaha ah ee sida xad dhaafka ah ugu soo qulqulaya  dalkeenna  kuwaas oo ummadda ku haya dhibaato diimeed, caafimaad, degaameed, dhaqan, dhaqaale, nabadgalyo, akhlaaqeed iwm.

18. Waxaan si adag uga digaynaa sunta khatarta ah ee lagu aasayo xeebaha iyo gayiga soomaaliyeed, waana in loo guntado sidii arrintaa looga hortagi lahaa,  lalana xisaabtamo cid kasta oo arintaa  ku lug yeelata.

19. Waa in si adag oo wadajir ah looga hortago xaalufinta ba’an ee lagu hayo khayraadka badda iyo barriga.

20. Waxaan shacabka soomaaliyeed guud ahaan ku waaninaynaa  inay ka waantoobaan tahriibta badaha iyo saxaaraha ee ay ku hoobteen, waana in maamullada dalku  arintaa si adag wax uga qabtaan.

21.  Waxaan ugu yeeraynaa dawladaha carbeed in ay ka qaadaan xayiraadda ay ku soo rogeen xoolaha Soomaalida, taas oo dhibaato weyn u gaysatay dhaqaalaha dadweynaha oo horayba u tabaalaysnaa.

22. Waxaan muslimiinta caalamka ugu yeeraynaa in ay ku midoobaan kitaabka Alle, iskuna xukumaan sharcigiisa, ayna tuuraan qawaaniinta dadku sameeyeen, waana inay si wadajir ah uga hortagaan duulaamada milatari, dhaqaale, siyasadeed, maskaxeed iyo dhaqameed ee kaga imaanaya cadawgooda.

23. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dawladaha iyo shucuubta  muslimiinta ah in ay isgarab taagaan walaalahooda dulman meel kasta oo ay joogaanba, ayna ku baraarugaan  waxna ka qabtaan khatarta ku wajahan  masjidka barakaysan ee Al-Aqsaa.

24.  Waxaan si gaar ah u adkaynaynaa ilaalinta iyo sugidda nabadgalyada labada Xaram ee Makka iyo Madiino  iyadoo la dhawrayo xurmada Ilaahay ku gaar yeelay

25. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dawladaha iyo shucuubta muslimiinta ah inay ka digtoonaadaan kana hortagaan fitnada iyo dagaallada dhexdooda ah.

26. Waxaan ugu yeeraynaa dhammaan bulshooyinka caalamka in ay soo galaan diinta islaamka oo ah diinta kaliya ee xaqa ah laguna badbaadayo adduun iyo aakhiro.

27.  Gabagabadii waxaan ugu baaqaynaa culimada xambaarasan dhaxalkii Nabiyada inay iska ilaaliyaan khilaafaadka, ayna si wadajir ah ugu dhaqaaqaan fidinta diinta iyo badbaadinta ummadda. 

Allaah ayaa mahad leh 

Culimada soo saartay baaqa. 

  • 1.      Sheekh C/Qaadir Nuur Faarax           ______________________
  • 2.      Sheekh C/Laahi Cali Xaashi              ______________________
  • 3.      Sheekh C/Naasir Xaji Axmed             ______________________
  • 4.      Sheekh Daahir Aw Cabdi                  ______________________
  • 5.      Sheekh Axmed-Daahir  Xasan           ______________________
  • 6.      Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusf          ______________________
  • 7.      Prof. Dr. C/Qaadir Maxamed C/Laahi   _____________________
  • 8.      Prof. Dr. Axmed Xaaji C/Raxmaan       ______________________          
  • 9.       Sheekh Bashiir Jaamac Kitte             ______________________
  • 10.  Sheekh Maxamed Idriis                       ______________________
  • 11.  Prof. Maxamed Cali Faarax                  ______________________
  • 12.  Sheekh Axmed Cabdi Aadam                ______________________
  • 13.  Sheekh Xasan Maxmed Ibraahim           ______________________
  • 14.  Sheekh Axmed C/Samad                     ______________________

Boosaaso 23/03/1426 - 02/05/2004

Kala xiriir: dacwah@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 3, 2005

Nin Jarmal ah oo Diley Xaaskiisii oo Soomaali ah, Laba Carruur ah iyo Labadiisii waalid. 


WARBIXINADII AFAR BILOOD LAHA EE QARAMADA MIDOOBEY EE SOOMAALIYA:::
APRIL 2005 | JANAAYO 2005 [.pdf]


BOOSAASO & LA DAGAALANKA ANSHAX XUMIDA
Waxaa (19-04-2005) lagu qabtay Hoolka Jamacada Bariga afrika Boosaaso Shir aad u balaaran oo ay yesheen Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culumo owdiinka Gobolda Puntland Qaar ka mida... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD