Hargeisa vs
Ogadenia
Sidaan wada
ogsoonnahay waxaa ka dhaxeeya labada shacbi
ee soomaali , ehelnimo, derisnimo, iyo wax
alle wixii ka dhaxayn kara laba dad oo jaara.
Ha yeeshee in dhawaydba waxaa dhacday in
madmadaw soo kala dhexgalo labadii shacab.
Maxaa sababay
is-afgaranwaagan?
Ummadda reer
ogadenia waxay dagaal kula jirtaa maamulka
Ethiopia. Sidaas awgeed cadawga Ethiopia
isagoo doonaya inuu xabbadda isaga ku jeedda
iska leexiyo ayuu wuxuu bilaabay inuu
adeegsado, aakhirkiina helay dad
soomaaliyeed(W.Galbeed) oo isaga u dhaga
waddan, danihiisana fulinaya. 96-dii ayay
ahayd markii ay dabinka si dhaba ugu dhaceen
maamulka waqooyi galbeed ka dib markii ay
habeen madaw guryahooda kala baxeen
masuuliyiin ka tirsan JWXO, oo xilligaas
isaga ah qaraabo-salaan ku joogay magaalada
hargeisa una dhiibeen Gumaysiga Abyssinia.
Dhacdadan oo ahayd mid ugub ah waxay si wayn
uga argagixisay ummadda soomaaliyeed. Dhab
ahaantii shacabka reer Hargeisa maysan
jeclaysan arrintan foosha xun ee uu ku kacay
maamulkii ina Cigaal (give credit where it
is due). Shacabka reer ogadenia wuu ka
jawaabi karay dulmigaas laakiinse wanaag
ayuu ka doorbiday.
Waxay ahayd
2002-dii markii xigtay ee si cad amarka
looga soo siiyay magaalada Addis oo uu
markaas booqasho ku joogay inuu safarrada,
ganacsatada iyo wixii qaraabadooda la
joogaba ee ka soo jeeda Ogadenia iyagana
xidhxidho hantidoodana dhaco. Cigaal galab
ayuu hargeisa ka soo degay aroortiina wuxuu
ku waabariistay shacabkii reer Ogadenia ee
ku sugnaa W.Galbeed oo uu ka dhigay mid uu
jeel galiyo iyo mid uu Tigreega u dhiibo.
Ina cigaal ma sii noolayn oo maalmo guduheed
geeriyoo. Shacabka reer Ogadenia way heli
kareen inay jawaab lama illoobaana ka
bixiyaan, laakiin (thanks to ONLF) waxay
doorteen inaysan ku dagmin dabinnada uu u
maleegayo Tigreegu isagoo adeegsanaya kuwa u
ah midiidinka.
Waxaa xigtay
kolkii maamulka W.Galbeed isagoo fulinaya
amar ka soobaxay saraakiisha ciidammada
Ethiopia ee ku sugan magaalada hargeisa uu
dad aad u farabadan oo isugu jira carruur ,
haween, iyo duqay uu xabsiga intuu dhigay
yidhi waa dad ONLF. Dambigoodu dadkaasi
wuxuu ahaa inay ka soo jeedeen Ogadenia.
Ceebtii ugu waynayd waxay ahayd kolkii ay
ciyaal qaarkood 10 jirro ah iyo duqay 80 kii
ku dhaw yidhaahdeen waxaa lagu soo tababaray
Eretria. Ilaa haddana qaarkood xabsiga
Hargeisa ku jiraan qaarna ciidammada
Ethiopia ku wareejiyeen.
Shacabka reer
Ogadenia arrintan go’aan cad ayay ka
gaadheen sida uu Hereri ku xusay
maqaalkiisa, kaas oo ah inaysan u dulqaadan
doonin gefefka faraha badan ee uu maamulka
W.Galbeed kula kacayo shacabwaynaha reer
Ogadenia ee u soo safar tegay degaankooda.
Wixii eegga ka
dambeeyana ay jarayaan xidhiidhkii ay la
lahaayeen Goboladaas, mid ganacsi iyo mid is
dhex socodba. Sida uu Hereri u
sheegayna waxaa rumowday hadalkii JWXO oo
ahaa inay kolka shakhsi reer Ogadenia laga
soo saaro hargeisa in mid reer Woqooyi ah
laga soo eryi doono Ogadenia.
Maxaa saamayn
ah oo uu keenay ficilkii shacabka reer
Ogadenia?
Ganacsiga: mar
aan fogayn warsaxaafadeed uu soo saaray
golaha ganacsatada W.G waxay ku xuseen in
70% ganacsigii ay la lahaayeen Ethiopia uu u
wareegay Puntland .
Waxa iswaydiin
leh yay tahay Ethiopia-yadani? Ma Addis iy
Axum baa? ma Gondar iyo Gojam baa? Maya e
waa Ogadenia. Isla ayaamaha waxaa
maamulka hargeisa waydiisanayay mag dhaqaale
kuna mudaharaadayey baabuuraydii u kula
gooshi jirtay Ogadenia iyo W.G oo wax ay
qabtaan garan la baabuurtoodiina iska
hoganayso geerashyada kuna eedaynaya
maamulkooda inay iyagu ka dambeeyaan shaqa
li’ida iyo dhaqaale xumada soo foodsaartay.
Sidoo kale
bishan horaanteedii ayaa war ku soo baxay
Jamhuuriya wuxuu qoray maqaal uu ku sheegayo
inay ganacsato iyo baabuurray ku doodaya in
Baabuurtoodii lagu gubay Ogadenia ay ka
doonayaan maamulka W.G mag dhaw iyagoo
intaas raaciyay inuu dhibkani u soo gaadhay
xasarad uu maamulka W.G abuuray aawadeed.
Waxaa aad looga dareemay W.G fashilka
dhaqaale ee ku habsaday.
Isu-socodka:
maalin dhawayd ayaa waraysi uu siiyay
Waagacusub.net mid ka mida isimada W.G waxuu
ku sheegay in isusocodkii labada shacbi
burburay, ganacsigii burburay waxaas oo
dhanna ay ka dambayso taliska hayinka u ah
Tigreega ee hargeisa ka taliya isagoo
sheegay inay bilaash safarradii Ogadenia
isaga xidhxidheen.
Waxaa waa
dhawayd dhacday in niman odayaal ah oo reer
W.G ahi tageen Ethiopia iyagoo dawladda ka
doonaya in ay ka qabtaan nimankan ONLF ah
magna doonaya oo leh baabuurtii nalaga gubay
hanalaga xaal mariyo. Waxayse odayadii
amakaageen markay dowladdii ku tidhi
baabuurta in la gubo way bannaanayd maxaa
yeelay sharci darro ayay ahaayeen, midda
kale dee dadka iyo wixii degaanka ka taliya
ordaya oo kala xaajooda.
Xalku muxuu
yahay?
Maamulka W.G
waxay ka tallaabsadeen walaaltinimadii,
darisnimadii, iyo dantii ka dhexaysay labada
shacbi. Waxay abuureen is-afgaranwaa, kala
irdhayn labad shacab iyagoo ka doorbiday
inay u heellanaadaan, hayina u noqdaan
Tigreega. Waxaan xasuustaa muddo woxoogaa
laga joogo suaal ay bbc-du waydiisay Cigaal
oo ku saabsanayd horumarka W.G oo sidii
looga filayay wax kale la soo booday “idinku
Kililka 5aad waxaad u taqaanaan Ogadenia” oo
dadkii meesha joogay iyo wariyihiiba fajac
ku riday. Sidoo kale waa dhexdaa ah mar
ciidamada W.G ay ku jabeen weerar ay ku
qaadeen kuwa Puntland ayaa wisiirka
warfaafinta u qaabilsan W.G waxa uu jabka
ciidamadooda soo gaadhay u aaneeyay inay
dagaalka soo galeen ciidamada ONLF.
Waxa ay
gaadhay heer hadday waxaryari hargeisa
dhexdeeda ka cido la yidhaahdo waxay ku lug
leedahay Ogadenia.
Xalku wuxuu la
jiraa iyada oo maamulka W.G u soo daadego
runta garwaaqsadana inaysan dan ugu jirin
kala irdhaynta labada shacab. Inay dulmiga
ka dayso dadka reer ogaadeeniya ee
goboladooda yimaadda sida aan kuw reer W.G
ee Ogadenia yimaadaba loo dhibaatayn.
Inay
garawsadaan in Ethiopia iyo iyaga ay
Ogadenia u dhaxayso. Inay ogaadaan inaysan
dibindaabyaynta shacabka reer Ogadeeniya
meel ku gaadhaynin. In cadaalad lagu wada
noolaado. Haddaan sinnaantaas lagu wada
noolaanaynin annagu raalli baan kanahay
inaynu kala joogno. Ka billow Buuhoodle ilaa
Raaskambooni ayuu shacabkayagu haybad iyo
wanaag ku mari kolka idinku bal go’aan inoo
sameeya.
Axmed
Ismail maqaalka uu
qoray waxaan ku tilmaami lahaa “cheap talk”
ONLF iyo iyada ruux u adeegaya midna uuma
baahna inuu Hargeisa Axmaar ku waxyeeleeyo.
Humaaggaagaan u maleeyay inaad wax soo waddo.
Riyaale muxuu aljazeera u caddeeyay
“wax ONLF ku lug leh oo dhulkayaga ka hawl
galay ma jirto” waxaa halkaa ka cad oo
maamulkiinu qirayaa inaad dad masaakiin ah
oo safarra ah iska –xidhxidhateen maadaama
Ethiopia idinku amartay.
Kolka sxb
waxaan ku odhan lahaa “odhaahdaada lama
dheehan karo saa waxbaaba kuu dhiman”
By: A Omar
bulaale77@yahoo.com