- Puntland oo
dabargoyn ku haysa hantidii dawladda dhexe
-
Amin Caamir Arts iyo saamaynta Bulsho
waynta Soomaliyeed
Puntland oo
dabargoyn ku haysa hantidii dawladda dhexe
Tan iyo
intii ay meesha ka baxday dawladdii dhexe ee
soomaaliyeed sanadkii 1991dii horaantiisii,
Jamhuuriyaddi soomaaliyeed waxay u kala
qoqobantay deegaano ku soocan qabiilo iyo
kuwa magacyo la baxay iyagoo ku andacoonaya
inay yihiin xukuumad metalaysa shacbiga
deegaankaas. Waxaa la iska degay dhamaan
dhulkii ay la hayd dawladii soomaaliyeed
iyadoo si bahalnimo leh loo bililiqaystay
dhammaan wixii ku hoos jiray ee qaadmayay
sidoo kale waxaa la fiiqday tarniigyadii iyo mutoleeladii dhismayaashii
dawladda sida Iskuulada, xeryihii Ciidamada,
Wasaaradihii iyo wakaaldihii
dawladda.ayrobooradii iyo dekadihii ummadda
ka dhexaysay.
Waxaase badi
dadka xoogga ku degay hantidii dawladda u
suuroobi wayday inay ka dhigtaan hanti u
gaara amase ay sii gadaan dhulkaas ahaa
hanti dawladeed, waayo dadku waxuu ogaa in
berri la iskaga daba imaanayo oo marna
noqonayn hanti cid u gaara. Maamulka
Puntland waxaa muddooyinkaan ka soconayay
xaalufin lagu hayo hantidii ummadda u
dhexaysay gaar ahaan tii ugu darnayd ee ay
lahaayeen ciidamadii dalka difaaci jiray,
waxaa nasiib daro ah in iyadoo ragga ugu
sareeyay maamulkaas ay kulli soo wada mareen
ciidankii lagu dhaadan jiray ee huwanaa
astaantii dalka ee looga gaban jiray inuu
dhulka cadaw soo hawaysto ay hormuud ka
yihiin xaraashidda dhulkii ay ciidamadu
deganaayeen. Hore waxaa loo xaraashtay
xeradii ay lahaayeen ciidankii darwaashiista
ee hoos tagi jiray booliskii soomaaliyeed,
maanta warar naga soo gaaraya magaalada Gaalkacayo
waxay xaqiijinayaan in la rabo in la
xaraasho xeradii ugu waynayd ee loo yaqaan
xerada dayaxa oo ah xero astaan u ahayd
haybadii ay lahaayeen ciidankii xoogga
Dallka Soomaaliyeed iyadoo ku fadhida dhul
aad u baaxad wayn isla markaana leh astaan
ama calaamad taariikhiya, waayo badi dadlka
reer Gaalkacyo ku nool xeradaasi way ka
facwayntahay waxuuna ii sheegay oday reer
magaalkaas ka mid ah in xeradaasi xitaa ay
jirtay xoriyadii ka hor.
Maamulka
Puntland awood uma leh inuu xaraashto hanti
dawlad dhexe, waliba waxaa dambi wayn oo
culus noqonaya marka la isku yimaado qofkii
gaday amase gatay dhulkaas ahaa hanti guud.
Kuwii hore u gatay xeradii Daraawiishta waa
inay maskaxda ku hayaan markii la isku
yimaado oo dawlad la isla oggolyahy timaado
in waxa ay gashteen dhulkaas u yahay hanti
dawlo oo ka ka-kac tahay maalkii uga baxay
loona qabsan doono ku takri fal hanti
ummadeed. Sidoo kale dadka u hanqaltaagaya
inay gataan xeradii ciidaanka ee Dayaxa ay
ogaadaan in hantidooda ay ku khasaarinayaan
meel cidla'ah.
Waxaa
kaloo in la ogaado mudan in la dhawro
goobaha muhiimka ah ee Taariikhda leh sida
xeryahaas aan soo sheegnay oo ah astaamaha
iyo waayo waayihii lagu xasuusanayo bilowgii
magaalada Galkacyo, waxaan shaki ku jirin in
qofkii xeradaas isagoo yar oo labisan hugii
ciidankii soomaaliyeed cadawgii hawada iyo
dhulka ka soo duqaynayana uu ka difaaci
jiray gudaha xeradaas uu muraala dilaacayo
hadduu maanta arko iyadoo loo jarjartay boos
boos oo sandaqad sandaqad laga taago.
Garyaqaanada iyo dadka cilmiga u saaxiibka
ah waa inay ummadda ku baraarujiyaan in aan
la gadi karin hanti dawaladeed oo xitaa uuna
awood u lahayn Madexwaynaha Jamhuuriyadda
soomaaliyeed isla markaana la dhawro
goobihii ciidamada iyo waliba meelaha
Taariikhiga ah ee ay soomaaliya ku faani
jirtay sida xeryaha ay xaraashteen amase
hadda u hanqal taagaya inay xaraashtaan
maamulka Puntland. Waxaa sidoo kale naxdin
leh in iyana safaaradihii dibadda la rabo in
la bililiqaysto dani gaar ahaaneedna loo
xaraashto.
Amin
Caamir Arts iyo saamaynta Bulsho waynta
Soomaliyeed
Saxaafaddu
waxay soo martay heerar kala gooniya.
Qoomiyadda soomaalida oo ahayd dad reer
guuraaya waxay isugu gudbin jireen waagii
hore wararka xagga suugaanta oo intii qof
loo dhiibo ayuu gaarsiin jiray bulsho
markaas ka durugsan. Waxaa kaloo loo
isticmaali jiray baraarujinta iyo iska
caabinta xurgufta ka dhexeysa beelo wada
dega oo beeshii yeelata aftahan aan cidina
gaarin balaaqadiisa waxuu noqon jiray
halyeey ay beeshaas ku dhaadato.
Casrigaan cusub oo adduunku xag walba ka
hormaray dhanka Teknoolojiyada waxay Dunido
noqotay qol kaliya oo lagu wada
sheekaysanayo. Sidaas awgeed hal sadar oo la
soo geliyo Saxaafadda horumartay waxuu
saamayn wayn ku yeeshaa malaayiin qof oo
markaas daawanaysa,dhegaysanaysa amase
daalacanaysa sadarkaas wax kicinaya. Dhawaan
markii Majaladda lagu magacaabo News Week ay
soo daabacday in kitaabka Quraanka kariimka
ah lagu daadshay Godka lagu Xaajoodo, waxaa
dhacday intaan aqalka cad ee Maraykanku
ogaan ay gaartay meesha lagu daabacay dhul
aad uga fog, ayadoo hal mar isla kaceen
dadka ku nool Bariga fog iyo Koofur Aasiya
sida Afgaanistaan, Pakistaan iyo Maleyshiya,
taasoo mar qura kicisay dareenkii dadkaa
muslimiinta ah, waxayna qormaadaas aadka u
koobnayd laakiin warkeedu cuslaa ay
galaafatay inay naftoodii qaaliga ahaa ku
waayaan dad ku dhaw 20 qof in badanna ku
dhaawacmeen, iyadoo Majaladdii qortay ka
noqotay warkeedii oo tiri uma hayno caddayn.
Haddaba Ummadda soomaaliyeed oo la saan
qaadaysa horumarka Teknoolajiyada Saxaafadda
ayaa hadda waxay maalin walba u dhaqaajiyaan
meelaha laga heli karo shaashadda laga
daaalacdo qalabka Internetka, ayagoo si
gaara ah u xiiseeya dhacdooyinkii u
dambeeyay ee ka dhaca dunida iyo gaar ahaan
wadanka hooyo. Amiin Caamir oo aan filayo in
dalka uu ka maqnaa tan iyo burburkii ayaa
maanta haddaad waraysato qaybaha bulshada
badidoodu ay wada yaqaaniin oo waayeel iyo
dhalin yaro kaad waraystaa uu kuu sheegayaa
in hal dhacdo(Sawir/Farshaxan)uu soo geliyo
aaladda Intenetka ay udhiganto bogag badan
qoraalkood. Aamiin Caamir waxuu baal dahab
ah ka galay saxaafadda casriga ah ee runta
taabanaysa ee ka nadiifka ah Qabyaaladda
sumaysan ee halaagtay Ummadda soomaaliyeed,
Waxuu ku sifoobay wadani aan marna
qalinkiisu rabaayad gelin oo ma noqon qoraa
amase saxafi qawaday oo damiirkiisii
dhaafsaday qof jeclaysi iyo dhadhamo
jeclaysi sida kuwa badan oo saxafi iyo qoraa
sheegta oo qalinkoodii u leexiyay qaybta
caadifadda iyo dhadhamo jacaylka. Aamiin
Caamir waxuu kor u qaaday dhaqdhaqaaqa
booqashada meelaha laga daalacdo Internetka
ee loo yaqaan (Intenet Cafe) kuwaasoo
suuqoodii xaami ka dhigay.
Maalmahan Aamiin waxuu dhalinta jecel Fanka
iyo qaybta madadaalada ku so kordhiyay
farshaxan cusub oo waaqici jira taabanaya
dareenka dadka iyo Gumaysiga Zenawi sida "
Saarka Waraabe iyo Wanka", waxay dhalinta
maalmahan ka xiisa dhici waayeen Muusikada
Dabagaalha ku Ciyaaraya heestii "Guuleed
Hurdow--- Soomaadan Garan", sidoo kale
Heestii "Hohey afrikay Hurudooy","Meles oo
soo malbasanaya iyo Dameerlawayaashii
soomaaliyeed {Qabqablayaasha}oo Maandeeq
rifanaya.
Waxaa kaloo aad moodaa Amiin Caamir inuu
Wadanka joogo siduu u taabtay sawirka
Cabdillaahi Yuusuf oo iska arkay in Mels
Zenawi uu soomaalida u sun-dullayn karo,
ayadoo hooyooyinkii iyo ardaydii dugsiyada
leeyihiin meeyay madexweynihii la soo
doortay oo ula diyaar yihiin ubax inay ku
soo dhaweeyaan,balse isagu nin tiisa wata (Zenawi)
oo ah inaan soomali waligeed midoobin oo
cagaheeda isku taagin ayuu ka door biday
dadkiisii iyo dalkiisii.
Waxaan hubaa haddii Mahadi haka gaadhee
Amiin halkaas kasii wado sii amba qaadida
iyo waliba qaybtaan cusub ee kusoo korodhay
ayaamahan in xitaa ay taaban doonto in
dhalin badan oo waqtigooda ku dhammayn jiray
Qaad iyo wixii la mid ah ay usoo jeesan
doonaan daalacashada iyo dhegaysiga
Kartoonka Amiin Caamir oo durbadiiba aad
daraymayso in dhalin badan ay haddaba ku
celcelinaayaan dhagaysiga iyo daawashada
Kaartoonka Amiin Arts.Waxuu sidoo kale
saamayn weyn ku yeelan karaa in dadka lagu
baraarujiyo wadaniyadda iyo qiimaha dhulka
uu leeyahay lagana waantoobo qabyaaladda
nasteexada u ah cadawga soomaaliyeed ee
Zenawi iyo dhashiisa uu tababartay ee ku
qarwaya soomaaliya waa hoy argagixiso.