IS EEDAYNTU IYO
AYATIINKU KALA FOG
W/Q:
Axmed Cali Aadan AC
C/O: Muqdisho,
Soomaalia
Email: ahmedaliac@hotmail.com
Waxaa nasiib daro ah
muddo ku dhow Saddex sano shirkii Soomaalida uga
socday dalka Kenya oo muruq iyo Maalba loo huray
najiidadii ka soo baxday ay noqotay Hagardaamooyin
iyo hob aruursi mar kale la doonayo in dib logu dhig
shacabka diifta iyo daruufuho ka daaleen. Dad badan
ayaa is waydiiyay hadiiba la siiyay mansabada
hugaanga dalka ugu saraysa iyo mida ugu hosaysaba
damiir laawayaasha dadka iyo dalka duugay miyay san
wali ka astaxyoon dhaqan koodi guracnaa.
OCT 10/04 C/llaahi
yuusuf Axmed oo ay itoopiya taageerto waxaa loo
doortay in ka noqdo Madaxwayne Jamhuuriyadda
Soomaaliya,--- xiliigii Codayntu socotay ayaa waxaa
ii soora gashay in aan su’aal waydiiyo midka mid
ahaa aqoonyahanadda Soomaaliya ahna siyaasi rugcadaa
ah inkasto shacuurta ka muuqatay ay aheyd mida iga
galiftay su’aasha. Waxuu yire “Waxaa nasiib daro ah
muruga iyo magaan ka guurna u ah Soomaaliya, C/llaahi
oo taariikhdiisa saqiir iyo gabeer ka dharagsan
tahay, ahna baaruudi Caddowka Soomaalia, kadib
halgalkii dheeray ee geesiyaasha birta ahaa,----Sayid
maxamed, Axmed Gurey, Dhagax tuur, SYL, MSBare
mirihii ay gureen in manta C/llaahi loo dhiibo uuna
gubo, 27 sano ayuu wuxuu ka shaqeynaayey sidii
soomaalia loo kala dirilahaa ama cadow ugu qaban
lahaa”. is kastaba ha ku yimaade,--yuusuf inta
samaha saaxiibka u ah doorashadiise sooma dhawayn
hadana ma mucaaradin balse dantaa kaa adag.
Haddaba
duurashadiise ka dib, majirin ruux ka hadla oo
mucaaradda mudane Yuusuf, asaga hortees, taas oo ku
tusinaysa bisalka shacabka, isla habeenkii la
doortay waxuu soo jeedayay Qudbad dhinacya badan loo
fasirtay, isla meeshiina wuxuu uga dhawaaqay ciidamo
ay hormood u yihiin Itoopiya maalmo ka dibna wuxuu
ka dagay Caasimadda Itoopiya ee Addis Abba, wuxuu
kulan xasaasiya la yeeshay Macalinkiisa quraafaadka,
muda yar ka dib wuxuu doortay RW oo loo xagliyo inta
biya dhaamiska Itoopiya taqaan in uu ka mid yahay,
doorashadii wasiiradda waxaa lagu qoray markale
qalin qadiiso Itoopia tahay, kuma imaan ma gudan
garaa balse bilcagse waxaa lagu qaatay Itopia
mataqaan.
C/llaahi wuxuu
bilaabay daaf wareeg iyo dibad joog, halkii gudaha
dalka oo wax ka qaban lahaa, wuxuu booqday waddama
badan oo jaar ahaayeen xiligii qalalaasaha,
gaarkoodna asaga la gulmin xitaa Jaaliyaddi
Soomaalida ayuu wuxuu dalxiis iyo fiirfiiris u galay
goobihii dalxiiska muda isboocya kabadan, Jaaliyaddu
marka ay soo codsadaan amaanka iyo ayagana hala iga
soobaaro ayuu yire hadiiba uu codsiga aqbalo.!!
Balhadaba is waydii nin qaxuuti ku ah dal shisheeye
ninka ka dowlad jecel ama ka leeta ee u yahay
Ma’uulka. Bilo ka dib waxaa kacday murunkii 17 april
oo ku salaysnaa labada qodub: Caasimada iyo
Ciidamadda Itopia, hadana waxaa ku xigay shirkii
dalxa uu gudoominaayey balse C/llahi watay iyo
dhaleecayntii Guddomiya Baarlamaanka ku weeraray iyo
dagaalo meela badan gubaladda dalka ka qarxay sida
Baay iyo Bakul, wuxuu booqusho ku yimid Guboladda
dalka qaar oo ay isku qabiil ama isku xulufo ahaayen
kana jeediyay qudbadu xanaflahaa, taas oo dad badan
u micneeyeen ilaa iyo hada in uu yahay hugaamiye
xisbi, oo ay udheerayd halhayskiise Soomaaliya
argagaxiso ayaa joogta, Mudane intaan oo qalad iyo
ka badan ayaad gashaye qiro ama qiil u geen.
Hadaba C/llaahi
maahan in aftahan ah mana yaqaan dhinaca birto
xanafta ka leedahay ayey yiraahdaan dadka wax
naqdiya hadana ma aamuso mana qaato talooyinka dadka
ka garaadka sareeya, mana la saaxiibo taladiisa mid
aan aheyn nin keene kara, eray walba uu yiraah waxay
galsooni daro iyo kala fogaansho ku ridaa kuwii
markii hore magaarka meela duldulee ka eegayey kama
dhaadhicin xaalku in yahay Ukun la dhawrayo ee wuxuu
mooday Ciidamadii Daraawiisha ee Putland in ay meel
walba uga horeeyaan awoodi iyo cagajuglayntiina u
tahay mida aasaska u ah xilkiisa. Hadaba Mudane is
eedayntu iyo ayatiinku kala fog ee aayarso.
Mudane dhamaan
hugaamiya kooxeedyada ka jira dalka waxaa la sheegaa
in ka soo bexeen Jaamacadii aad aasastay 1978 aheyn
ee Maquuste, waana dhashaadee aad soo barbaarisaye
Waaridkuna waa yaqaan ilmaha meesha laga maree, naga
qanciyo qayladooda jooje sii looqaata daruustiina
wali. Hadiis ilama ehelo belo oo caasiyay aad ka
dhigto colaaduna idinka fugaato waxaa soo bixi
doona rag daruustiina dib u aqriya
XALKA AMA XISBI
Dhamaan xubnaha labadda gole waxaa idin horyaal
laba daran mid dooro, 1aad isqabsika isku doorka in
aad ka gudubtaan oo aad Xalka raadidaan si
aaqiradiina iyo addunyadiino u samaato taariikhdiina
xuna loo ilaabo, dadka aad utihiin madaxda aad
waajibka idinka saran uga soo baxdaan, xifiltanka,
laaluusha, caayda, tiina gaar ahaaneedna ka
hormarisaan danta guud ee dadkiina tabaalaysan,
Samir iyo is aaminaadna aad la timaadaan si xalku u
soo daadago. 2aad in waxii aad u dhaarateen ka
duurbitaan xisbi iyo qabiil, Mas’uuliyadiina ay ku
sinaato debed jog, daaf wareeg iyo darxuma
shiisheeyo aad ku dhamaysataan waqtikiina.
Xaalka manta taaqan waxaa dhameyn
kartaan adinkuu Alle ka cabsada,
Aqoon iyo
waayo-aragnimu, Shakhsiyad-xooggan, oo uu ku
sifoobtaan, daacadinmo, aaminnimo, xaq-ku-dhegidd,
Dulqaad Runle, Xalaal-quudasho, wuxuu ku
kasbanaysaan Ixtiraamka iyo kalsoonida Shacabkiina kala
duwan oo ay ku jiraan xataa kuwa aad colka tihiin,
culaadaasi ma ahan mid qabiil ama shakhsi, ee waa
mid ku salaysan aragti mabaada’i iyo mid
siyaasadeed. Maa daama goluhu yahay hoy’ada la isugu
geeyay afkaar kala nooc ah, axsaab iyo kooxo kala
siyaasadd ah, waa in uu Madaxwaynuhu, Gudoomiyaha
Baarlamaanku ka noqdaan dhexdhexaad, si uu u hantiyo
kalsoonida golaha iyo xukumaddaba hadii kalase waa
in uu qeexaa in qayb meesha u joogo.
HIILWAYNE HAATAN WAA
SEE?
Maalintii jimcihii
ayaa waxaa ii sooragashay in aan safar gaaban ku
tago Xeradda maleeshiyooninka laga xarayey ee
Hiilwayne abaarihii kowdii duhurnimo, inta badan
marka aad joogto Muqdisho waxaad maqlaysa wax badan
oo aad ku farax galiya iyo hididiile nabadeed marka
laga hadlayo xirooyinka ciidamadda iyo
aroorintoodaba taas oo inta badanba waayahaan ay
saxaafaddu ku mushquulsanayd. Inkasto ay ii aheyd
Maalin aan doonayey in aan ugaado xaqiiqda ka jirta
meesha, markii aan ka degay laamiga oo u jira in yar
xeradda una daadagay dhinaca qurax u dhaca
durbadiiba waxaa iga horyimid ninman yar yar oo
garabku ugo jiro AK47 inta aan gaarin xeraddi oo
lugaynaya, markii aan soo mooday ayaan waxaan soo
galay daqiiqadu ka dib.
Xiraddu waxay
aheyd meel aad ii soo jeeday deegaan ahaan iyo ku
haboonaanshaha ku xaraynta ciidamadda, hadana markii
aan guud ahaan ku dhex wareegay Xeradda Hiilwayne
waxaa jira dhaliilo yar yar inkasto hadana howsho ay
wali bilow tahay. 1aad majirin cid kuurtaroolaysa
bixitaanka iyo soo galida maleeshiyadda ku xaraysan
meesha, 2aad nin walba wuxuu wataa qurikiisa oo ilaa
iyo hadaa ma jirto istoor loogu talagalay in looga
xareeyo hubka ay wataan maadaama ay badan tahay
halistiiso hadiiba nin walbaa qurikiisu garabka ugu
jiro, 3aad waxaa jiray xilikii aan ku sugnaa meesha
xabaddu baraawa ah oo ninkii doonaa uu iska redayo
iyo maleeshiyuunka oo qaarkood uba dagan qaab
beeleed ama sidii markii hore ay uwada daganaayeen.
Waxaan isku dayey
in aan ukuur galo xaaladda dhabta ah ee ka jirta
Xeradda hiilwayne waxaa ii sooragashay in aan su’aal
waydiiyo in badan oo ka mid ahaa raga meesha dhaqan
cilinta u jooga si aan dhenac walba uga helo xog
faahfaahsan, guudahaana waxaan lugta soo mariyay
inta ay ku sugan yihiin, inkasto badan kuudu kuwada
qanacsanaayeen joogitaanka meesha hadana qaar ayaa
waxay qabaan ay Xeradda kale ee Laanta Buure ka
haboon tahay tooda Maadaama dhex fadhiyo Wasiirka
Ganacsiga AL-Xaaji Muuse Suudi, taas oo ku tusinaysa
galsoonida kali garta hadiiba nin mas’uul ahe dhef
fadhiyo.
W/Q: Axmed Cali
Aadan Ac
C/O: Muqdisho, Soomaaliya
Email:
ahmedaliac@hotmail.com
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan