Isbaarada
Wasiirka
Isbaaradu
waxay ka mid tahay dhaqamada dhawr iyo tobankii sano
ee qaran-jabka kaddib dalka sida aadka ah ugu baahay,
Beled iyo Baadiyana saameeyay, waxay qayb ka tahay
hababka qof weliba kan uu ka xoog badan yahay amaba
ka hub badan yahay hantidiisa uga meersado si dhib
yar.
Muddadaas iyada ah waxaa soo baxayay maalinba
maalinta ka dambaysa noocyo kala duwan iyo tabo kala
jaad ah oo isbaarada ka mid ah, taasna waxaa keenay
ayaan filayaa Fawdadii oo badatay, dadka isbaaradu
xirfadda u tahay o kordhay iyo dadkii oo u nuglaaday
inay bixiyaan hantidooda si ay Naftooda u bad
baadiyaan.
Isbaaradu
waxay noqotay Xirfadaha lagu shaqaysto kuwa ugu
Dakhliga badan, waa lakala gataa isbaarooyinka, ama
la kala kiraystaa, oo la kala dhaxlaa, mararka
qaarna waxaa dhici karta in xildhibaannimo,
Wasiirnimo amaba madaxweyne nimo lagu helo.
Jaadadka isbaaradu u qaybsanto hadaan u leexanno;
mar waxaa loo qaybiyaa mid guurta iyo mid degan, mar
kalana tan beledka iyo tan baadiyaha, Mar
saddexaadna tan Badda, tan Barriga iyo tan
Barri-biyoodka ( Tan dambana waxaa loola jeedaa tan
Webiyada la dhigto ee dad iyo duunyo wixii ka cabba
ama ka dhaansadaba Lacagta baadda ah looga qaato),
Mar Afraadna waxaa loo qaybiyaa Isbaarooyinka Marba
inta Jid oo soo gasaha, oo Isbaarada sadex Jidleyda
ah waa laga jecel yahay tan halka ama labada jid soo
galaan, qaybinta shanaadna waa hadba sida ay u kala
weynyihiin iyo hadba baaxaddeedu inta ay le'eg tahay.
Mararka qaar waxaa dhacda in Gobol ama magaalo dhan
iyo dadka ku nooli ay qof u isbaaraysan yihiin,
hantida kasoo baxda isbaarooyinkaasna asaga
khasnaddiisa ay ku dhacaan, ayagoo kuwa hubaysan ee
aruurinayaana ay ku leeyihiin qaadkooda iyo
Qadadooda ayadoo laga yaabo marar badan inay u
dhintaan aruurinta hantidaas.
Degaannada
soomaalida qaar waxaa ka jira wax aan ku magacaabi
karno Isbaarada Taranka taasoo ah in qofkii reer
dhista ama ilmo u dhashaan laga qaado lacag khasab
ah oo galaysa khasnada hadba dagaal-oogaha goobtaas
ku amar ku taagleeya, haddii uu bixin waayana wuxuu
mutaysanayaa ciqaab u dhaxaysa xarig, Jirdil iyo
Toogasho taasoo ku xiran kolba jifada uu ka dhashay
xoogga lagu malaynayo.
Isbaaradu waxay ka mid tahay caqabadaha hor taagan
xal u heliddda dhibka dalka ka jira, waxay qayb ka
yatay ilaha dhaqaalaha ee ay ku tiirsan yihiin qab
qablayaasha dalku u kala oodan yahay, taas waxaad ka
ogaan kartaa Daraasad ay dhawaan Idaacadda Horn
Afrik samaysay ayay ku qiyaastay in dhaqaalaha
maalintii kasoo gala Isbaarooyinka magaalada
muqdisho uu yahay ilaa 40000$ ( Afartan Kun oo
Doollar) Maalintiiba, waxaase laga yaabaa daraasaddu
inay ku ekayd Isbarooyinka kuwooda degan ee halka
goob joogtada ku ah, ayadoo laga yaabo haddii lagu
dari lahaa qiyaasta kuwa Guur guura ee hadba qof ama
reer xoolaha ka meersada inay qiyaastu intaas ka
badan lahayd.
Dagaalladii
soomaalida reer-miyiga ah haddii ay ku salasnaayeen
daaqa iyo Biyaha kuwa hada dhaca badankoodna waxaa
sal u ah gacan ku haynta isbaarooyinka iyo la kali
noqoshada lacagta xoogga ah ee dadka laga qaadayo,
inta badanna hogaamiye-kooxeedyadu waxay u kala hub
iyo hanti badanyihiin hadba sida ay u kala
Isbaaroooyin badan yihiin.
Haddaba markii dawladda lagu dhisay dalka Kenya,
inta badanna lagu saleeyay in kuwii dalka ugu
isbaarooyin badnaa lagu qanciyo nidaamka dawladnimo
iyo kala dambaynta, laguna heshiiyay xeerka qoran ee
la degsaday in lagu wada shaqeeyo, ayaa waxaa
muuqata in caqligii siyaasadda isbaarada ka bilaabay
uu halkii taagan yahay, taasna waxaadba ka ogaan
kartaa weli ma ma maqashay Wasiir hebel ama
xildhibaan hebel isbaarooyinkiisii wuu qaaday ?,
rajo lagama qabo.
Waxaabad mooddaa inay kusoo kordheen kuwa hor leh oo
magacyo kala duwan wata, aan tusaale usoo qaadanno
labo dhacdo:
Koowaad: waa
shirkii baarlamaanka ee dhacay 17 Maarso 2005 markii
la damcay in qodobo laysku hayay cod loo qaado,
halkii loo batana la ogolaado, ayaa waxay arintaasi
ka degi wayday xubno rumaysnaa in hadii codka la
qaado aragtida dhinaca kale loo badanayo, taasoo
dabadeed noqon doonta qaanuun aan la gudbi karin,
waxay is waydiiyeen arintaas sida ugu haboon ee lagu
baajin karo, allaylehe Isbaaro ha dhigteen !,
Miiskii sanduuqa codka lagu ridayay saarnaa ayay
isku gadaameen, korna ugu dhawaaqeen "ruux codayn
karaa ma jiro" in kastoo arintaas dadkii ku madax
adaygay eedeen, badan koodna isbitaal la dhigay,
dhiig aan yaraynna daatay, haddana gudoomiyaha
Baarlamaanka oo intii ragaan isbaarooyinku u
yaalleen ganacsade ahaa, wax badana ka yaqaan sida
isbaarooyinka looga xeeladaysto ayaa codkii gacan
taag u beddelay si' uu dhibka u yareeyo maadaama
uusan joojin karin. Taasina waxay noqotay Isbaaradii
cod-bixinta, oo ah mid kusoo korortay noocyadii
isbarada ee aan awel u taag la' ayn.
Labaad: waa fadhigii baarlaamnka ee dhacay 11 May
2005 kaas oo qaar ka mid ah xildhibaannadu markii ay
ogaadeen wax yaabaha loo codayn doono ay go'aan ku
gaareen inayan tagin fadhigaba si' aan loo helin
tiradii uu ku qabsoomi lahaa fadhiga baarlaamanku
maadaama xildhibaanno badan ayan joogin Nairobi oo
ah halka xarunta u ah DFKM ah, xubnihii kale markay
qabteen shirkiina waxay ku xujeeyeen inayan imaan
tiradii Dastuurku xadiday sidaas darteedna waxay soo
saareen oo idili yahay hal Bacaad lagu lisay,
Taasina waxay noqotay Isbaaradii Kooremka, oo ah mid
kusoo korortay noocyadii isbarada ee yarayntooda
lagu taamayay.
Labadaas tusaale waxaan ka garanaynaa in garaadkii
siyaasadeed ee Isbaaradu gun-dhiga u ahayd halkii
taagan yahay, haday dhacdo in xukuumaddani hawl
gasahana aan arki doono noocyo kale oo
isbaarooyinka ka mid ah, taasoo ka bilaaban doonta
Isbaarada Miisaaniyadda, waa hadii loo arko in aan
Miisaaniyadda Wasaaradaha loo qaybin 4.5 , maadaama
la yiri wasaarad hebla waxaa leh reer Hebel, taasoo
ah halka sartuba ka quruntay.
Dhacdooyinkaas foosha xun ee aan tilmaamay waxay
markhaati u yihiin in xalka dalku uusan ku jirin
midaynta Isbaarooyinka iyo isu gaynta Isbaarolayda,
dagaal-oogayasha isbaarada ku dallacayna aan
dawladnimo iyo kala dambayn marna looga fadhin,
dhibkuna uu dheeraanayo inta qof walba lagu
qiimaynayo inta uu dilay iyo tirada isbaarooyinkisa,
arintuna ay weli taagan tahay:
Xabagtii waxaa cunay kuwii, xaawo gawracay.
C/nuur F. Cali.
Qaahira, Masar
cabdi2067@hotmail.com
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan