Beerka ka
ogsooni ( Xaaji Gabay-Xaddi )
W/Q: Axmed Iid Aadan
Inkasta oo sidii la rabay aan diirka looga qaadin,
haddana markaynu eegno inta aynu hayno ee suugaan ah
, waxaynu garowsanaynaa in ay Soomaalidu leedahay
murti badan oo meel sare gaadhsiisan; murti bad ah,
oo tix iyo tiraabba haddii loo kuurgalo aan
qaybaheeda si hawl yar looga dhammaan karayn.
Gabayga oo ka mid ah jaadadka maanso ee ay xikmadda,
mahadhada iyo waayo'aragnimada Soomaaliyeed ku dhan
tahay ka ugu miisaanka culus, ayaa waxa uu waayadii
hore kaalin sare kaga jiray, ilaa imikana door weyn
ku leeyahay nolosha bulsho-weynta Soomaaliyeed.
Qoraaga sare ee Cabdi Yuusuf Ducaale "Boobe", ayaa
waxa uu qoraalladiisa midkood ku sheegay in Lewis
iyo Andrzejewski oo ah aqoon-baadheyaal ku xeeldheer
Taariikhda iyo Suugaanta Soomaaliyeed ay 1994kii
qoreen: in uu gabaygu kaalin mudan kaga jiro
dhaqankeenna, lana wada daneeyo; in xirfaddiisu
tahay wax la wada jecel yahay, isla-markaana aynu
karti iyo awoodba u leenahay; iyo in dhaxalka
suugaaneed ee dadkeennu uu yahay xoog nool, oo ku
taxan dhalanrogga joogtada ah , ee ku socda nolosha
bulshooyinkeenna.
Halkaas waxaynu ka garanaynaa in Soomaalida marka
laga tago, ay xataa shisheeyuhu qirsan yihiin in ay
suugaanteennu tahay xoog muhiim ah, oo xumaan iyo
samaanba nolosha dadkeenna raadad waaweyn ku dhiga;
raadadkaas oo muuqan kara xilli kasta oo la joogo.
Haddaba waxaynu halkan ku soo bandhigaynaa Gabay aad
iyo aad u qiime badan, oo aan inagu cusbayn, hase
ahaatee suugaanta Soomaalida meel sare oo lama-illoowaan
ah ka galay. Waa gabaygii caanka ahaa , ee uu
halkudhiggiisu ahaa "Beerka ka ogsooni",
uuna tiriyey Eebbe ha u naxariistee abwaankii weynaa
ee Xaaji Gabay-Xaddi , oo haddii aanan gefsanayn aan
filayo inuu daba-yaaqadii qarnigii sagaal iyo
tobnaad ama horraantii qarnigii tagay degi jiray
Hawd ama gobolka maanta loo yaqaan Togdheer.
"Sow godobi surinkaad martoba, sabab qarsoon
ma aha
Sow nabadi gogoshaada ood sida uun ma aha"
Labadaa beyd ee gabayga ah, waxaa la sheegay in ay
ka mid ahaayeen maansooyinkii qiimaha lahaa ee uu
tirin jiray abwaanku, dadkuna aadka u jeclaayeen.
Xaaji Gabay-Xaddi maanta suugaan badan kama hayno,
hase ahaatee marka aynu dhuuxno tixihiisa
inta aynu ka hayno, waxaa malaha qasab inagu
noqonaysa in aynu qirno in uu Xaajigu ka mid ahaa
abwaannadii Soomaaliyeed ee ay suugaantoodu qiimaha
sare lahayd, loona han-weynaan jiray . Waxa aynaan
ka fursanayn in aynu sheegno in maansada abwaanku
xagga tayada sare iyo laxaadka murtiyeedba ay kala
mid tahay maansooyinkii Salaan-Carrabey, Cali Jaamac
Haabiil, Ina Jadeer, Gammuute, iyo Maxamed Nuur
Fadal. Raggaas oo ahaa raggii casriyadoodii
maansooyinka Soomaalida hoggaanka u hayey,
dadweynuhuna ay afkooda ka dhawri jireen xikmad aan
duugoobayn, ilaa inta ay Soomaali nooshahayna aan
macaankeeda laga xiisa-dhacayn
Buugaagtii suugaanta ee dugsiyadii dalka manhajka u
ahaan jiray mid ka mid ah, ayaa waxaa lagu qoray in
Xaaji Gabay-Xaddi abwaannimada marka laga tago uu
ahaa Garyaqaan, uuna ka mid ahaa niman
guurti ah, oo dadka u garnaqi jiray.
Haddaba si ay wax u dhaceenba, waxaa la sheegay in
maalin maalmaha ka mid ah, uu abwaanka qaddar
asiibay, jabniinna uu lug ka gaadhay. Haddaba rag
rajo kama idlaatee, inkastoo wanaaggii uu abwaanku
rajeynayay ee uu mudnaa la mariyey, haddana waxaa
dhacday in ay dadkii dhawr qaybood u kala baxeen.
Laba bulsho oo uu abwaanku beryahaa ka hor u
garnaqay, ayaa qoladii garta laga helay sida la
sheegay ay ku diirsatay dhibtii abwaanka soo gaadhay,
sida gabayga ka muuqatana ay "Baga" tiri.
Halka qoladii kale wanaag iyo waxtar intii
karoonkooda ahayd ay la garab joogsadeen. Dadkii
kale ee abwaanka soo booqan jiray muddadii uu jiifay
qaarbay booqashadoodu daacad ahayd, qaarna waxaa
booqashadooda ku hoos lammaanaa - sida ereyga "burunji"
ee gabayga ku jira aynu ka dhadhansanayno -
dano kale. Qaarbaa dhul shisheeye ku maqnaa oo
fursaddu u saamixi weyday in ay abwaanka guurtida ah
soo booqdaan, hase ahaatee halkaa kala jiray, samona
la jeclaa.
Haddaba tixdan "Beerka ka ogsooni" ee
cajiibka ah, ayaa waxa uu abwaanku si farshaxannimo,
garasho-dheeri, iyo wacyi sare dugsanaysa inoogu
sheegayaa qolo kasta oo qaybahaa aan soo xusnay ka
mid ahi waxa ay mudan tahay, abaalka loo ogyahay
inta uu le'eg yahay iyo sida maanka loogu hayo,
oofintiisana loogu talo jiro. Waana kan gabaygii oo
hadda intan hoos ku xusan uun laga hayaa:
Bowdada markii aan ka jabay, boqonka
taaggiisa
Habeenkiiba waa i bidhan lahaa, bahalkii cawlnaaye
Raggii buurta dheer igala baxay, beerka ka ogsooni
Bah-Cillaamo goortay dhammaan, iga dul booyaysey
Bah-Sadhaysna "baga" inay i tidhi, beerka ka ogsooni
Ninkii Burunji inuu iga cuno, ii barriidinaayey
Ee aan bar kale ii tarayn, beerka ka ogsooni
Ninkii Belad shisheeye iga jiray, ee soo bixi waayey
Ee in aan bogsado uun jeclaa, beerka ka ogsooni
Laxaad waa badhaadhee hadduu, ii bogsado xooggu
Haddii uu biixiyaha Eebbahay ,isugu kay beego
Abaal badh ah abaal bur ah abaal bur iyo dheeraad
ah
Ninba kiisa kaan ugu beddeli, beerka ka ogsooni .
________________________________
F.G: Inkasta oo magaca abwaanku sidii uu igu soo
gaadhay aan u qoray, haddana waxa jira aqoonyahanno
sheegay in abwaanka la odhan jiray Xaaji Axmed
Gabay-Xaddi. Haddaba taariikh-nololeedkii abwaanka
iyo murtidiisii inta maqanba waa in la raadiyaa. Waa
hawl u taalla qof kasta oo suugaanta wax ka qora ama
ku lug leh.
Axmed Iid
Aadan
30ka May, 2005
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan