-
AQOON
ISWEYDAARSI DHINACA NABADDA IYO MIDNIMADA OO AY MUQDISHO KU
QABATAY SSUP
-
Gudiga sharcilaawayaasha Soomaalida
Sweden oo cambaareeyey hadal kasoo yeeray nin sheegtay inuu
yahay Gudoomayaha Jaaliyadaha Iskaandaneefiyanka.
-
Baaq
nabadeed oo ku wajahan Baydhabo
-
Ururka Midowga Ardeyda Gobolka
Banaadir oo Deeqgaarsiiyay Ciidamada ku xaraysan Laanta Buur
-
Dhaqdhaqaaqa Al-Islaax oo ka
hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka.
-
SIMINAARKII SUXUFIYIINTA AFRIKA OO
LAGU SOO GABA GABEEYAY MAGAALADA QAAHIRA
AQOON
ISWEYDAARSI DHINACA NABADDA IYO MIDNIMADA OO AY MUQDISHO KU
QABATAY SSUP
www.ssup.org -
Muqdisho -Somalia -
30/05/05
Waxaa magaalada
muqdisho ka dhacay aqoon Isweydaarsi dhinaca Nabadda iyo Midnimada
oo ay soo qabanqaabisay Xafiiska SSUP ee Magaalada Muqdisho , ugu
horeyn waxaa Halkaasi ka Hadlay Saciid Ibraahim Xuseen (Buuna) oo
matalaaya Xafiiska SSUP Muqdisho asigoo sharaxaad ka bixiyay In
Aqoon isweydaarsigaani ay Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed ee
SSUP ugu Talagashay sidii ay Bulshada Soomaaliyeed ay ugu Wacyigelin
lahayd dhinaca Nabadda iyo Midnimada .

Aqoon
isweydaarsigaasi oo ay ka soo qeybgaleen qeybo ka socday dhinacyada
kala duwan Bulshada ay ka kooban tahay waxaana ka mid ahaa dadkii ka
qeybgalay Aqoon Isweydaarsigaasi ayaa waxaa ka mid ahaa mas`uuliyiin
ka socotay Ururada Bulshada Rayidka , Haweenka,Dhallinyarada, iyo
Arday ka socotay Jamacadaha muqdisho .
Waxaa halkaasi
laysku weydaarsaday Dood iyo Falaqeyn ku aadan sidii Nabadda
Midnimada loo Heli lahaa iyo qaabka ugu wanaagsan ee Ummadda
Soomaaliyeed ay ku Heli karto Nabad waarta iyo Midnimo buuxda.

Waxaa Intaasi ka dib
Aqoon Isweydaasrigaasi ka soo baxay in Qoraal guud oo ku Aadan In ay
Nabadda dhalin karaan Bulshada iyadoo laga bilaabaayo Guriga,
Deris,Xafadda,Degmo ilaa heer gobol iyadoo aan laga tagayn dowladda
oo loo isticmaalo Aalada Xukuneed, Howleed iyo Sharciyeedba. Iyadoo
Dhanka Midnimadana ay u Baahan tahay in uu ka shaqeeyo Qof kasta oo
Wadani Soomaaliyeed ah Isagoo Xilka saaran yahay sidii u Dalka ugu
Ilaalin laha in uu kala qeybsanaan ku yimaado.

Ka soo
qeybgalayaasha Aqoon isweydaarsigaasi ayaa ka Codsaday Xafiiska SSUP
ee muqdisho in ay u qabtaan marar kale Barnaamijkan Aqoon
isweydaarsi kuwo la mid si loo Helo Nabad iyo Midnimo , iyadoo
Xafiiska SSUP muqdisho uu Balan qaaday in uu mar walba qaban doono
barnaamijyo ku saabsan Nabadda iyo Midnimada Umadda Soomaaliyeed.
Wixii
faah-faahin ah kala xiriir xurinta xisbiga Midnimada Bulshada
Soomaaliyeed.
www.ssup.org
info@ssup.org
Gudiga sharcilaawayaasha
Soomaalida Sweden oo cambaareeyey hadal kasoo yeeray nin sheegtay
inuu yahay Gudoomayaha Jaaliyadaha Iskaandaneefiyanka.
Waxaa diyaarisay;
Ikraam Calikaar
May 30, 2005
Gudoomiyeyaasha ay ku bahoobeen
sharcilaawayaasha Soomaalida Sweden ayaa waxey aad u cambaareeyeen
hadal dhawaan kasoo yeeray nin isku sheegay inuu yahay Gudoomiyaha
Jaaliyadaha dalalka Iskaandaneefiyanka ee Waqooyiga Yurub.
Gudigan ayaa sheegay iney dhageysteen
barnaamijka dood wadaag oo ka baxa Idaacadda HornAfrik ee magaaladda
Muqdisho xilli ninkaasi ka qeyb qadanayey barnaamijkaasi.
Shir ay toddobaadki hore
dabayaqaadisa ku yeesheen magaaladda Stockholm ee caasimadda Sweden,
ayey gudigani ka soo saareen warsaxaafadeed wadajir ah, kaasoo ay
aad u cambaareeyeen hadalka kasoo yeeray ninka sheegtay
gudoomiyenimada Jaaliyadaha Iskaandaneefiyanka. Ninkan oo lugu
magacaabo, Cali Cabdi Cumar ayaa sheegay in magaaladda Muqdisho
tahay meel amnigeeda sugan yahay oo cid kastaa iman karto, isagoo
weliba intaa ku daray waa sida ay sheegeen inuu yiri "waxaan hayaa
cajalado Fiidiyow (Vedeo ) ah oo muujinaya in xasilooni ka jirto
magaalada Muqdisho islamarkaasina uu dhawaan geyn doono Jaaliyadaha
Soomaalida Iskaandaneefiyanka"
Gudiga ayaa intaa hadalkooda u diray
ineysan marna diideyn nabad ka islaaxdda guud ahaan dalka Soomaaliya
gaar ahaan caasimadda balse ay kasoo wareegtay maalin keliya markii
ninkaasi hadlay weerar lugu dhaawacay weriye Cabdalla Nuura-diin oo
kamid ah weriyeyaasha ugu caasan Soomaaliya. Taasina ay ku tusineyso
bey yiraahdeen inaanu weli sugneyn amniga magaalada loogase fadhiye
inuu cadeeyo nabada uu sheegay ee uu cadeynteeda hayo.
"Nabaddu cidkasta wey u baahan tahay
balse waxaan kula talineynaa shaqsiyaadka baryahan u taagan ka
ganacsiga dadka Soomaalida ee ku dhibaateysan xeryaha qaxootiga
Yurub iney ka waantoobaan oo aysan iibsan walaalahooda" ayuu yiri
Ayaanle Rooble oo isagu ah gudoomiye ku xigeenka soomaalida aan
sharciyadda laheyn ee Örebro län isagoo iigu waramayey qadka
taleefanka ee magaalada Örebro.
Shirkii dhawaan ka dhacay ee
sharcilaawayaasha Soomaalida Sweden ayaa waxaa kasoo qeybgalay
gudiyada iyo gudoomiye ku xigeenada kala ah.
C/wahaab Axmed Nuur (Gudoomiyaha
gudiga sharcilaawayasha.)
Ayaanle Rooble Dhuxul (G/Ku xigeen)
Maryan Ciise Cabdi
C/laahi Axmed Nuur
C/raxmaan Diirye
Samatar Cigaal Naaleeye
C/laahi M Salaad
Rashiid Maxamed
Maxamed Jaamac
Saleeban Buraalle Maxamed.
Gudigan oo siwada jir ah u
cambaareeyey ayaa ugu dambeyntii waxey ka codsadeen dadka Soomaalida
iney ka feejignaadan kooxaha baryahan soo baxay ee ku ganacsada iney
Soomaaliya ka fulinayaan mashaariic, balse u tagay iney ka been
sheegaan xaaladda dhabta ah ee dalku marayo iyagoo lacag ku qaata
sidey u iibsan lahaayeen walaalhooda kale.
Dhawaan ayaa shir lugu qabta magaalada
Stockhom kana soo qeyb galeen qaar katirsan mas'uulinta Sweden,
Soomaali iyo diblomaasiyiin shisheeye la sheegay in shirkoodu ku
saleysnaa u kuurgelidda xaalada Soomaaliya si ay dowladda Sweden ugu
diyaar garowdo dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed kuwaasoo ay
sheegtay in dalkoodu nabad yahay amaankoodana ay sugi karaan
hogaamiye kooxeedyada Hubeysan iyo maamulada ka jira dalka.
Sidoo kale waxaa dhawaan kadhacay
magaalada Stockholm banaanbaxyo iska daba soo laabtay oo ay dhigeen
sharcilaawayaasha Soomaaliyeed ee ku sugan xeryaha qaxootiga dalkan,
kuwaasoo dibad baxooda kaga cabanayey iney wax ka badasho go'aanka
ka dhanka ah ee ay ugu diiday shirciyada dad kor u dhaafay 2000 oo
qaxooti Soomaali ah.
Soomaalida degenaanshaha iyo
dhalashada heysta ee dalkan ayaa ah kuwo aad u mjilicsan oo
habayaraatee laheyn isku duubni, taasina ay keentay in Dowladda
Sweden ay markey doonto u soo saarto sharciyo ka dhan ah.
Sidoo kale mid kamid ah banaanbaxyadii
ay soo abuubuleen sharcilaawayaasha reer Gothenburg ayaan iyagu
helin taakuleyn af iyo adin leh, xitaa waxey waayeen cid u hadasha
oo codkooda gaarsiisa xukuumadda dalkan taasi badalkeeda waxaa u
yimid telefeyshinka channel 4- iyo wargeyska Maalinle ah ee Metro
kuwaasoo soo bandhigay dhibaatadda heysata sharcilaawayaashan
Soomaaliyeed ee wadada dhexdeeda qeylinayey.
Si kastaaba ha ahaate tani xaqiiqdii
waa mid ceeb iyo weji gabax ku ah dadka leh jaaliyaddo qabiileeyada
tiradda badan ee aan laheyn meel loo raaco ee dalkan iyo guud ahaan
caalamka intiisa kale oo ay kaga jiraan taariikh madow oo tusaale
loo soo qaato.
Waxaa diyaarisay;
Ikraam Calikaar
Gothenburg- Sweden
Ujeedo:-Baaq
nabadeed
1. waxaan ugubaaqaynaa dhamaan kuwa
kudiriraya magaalada Beydhabo in ay joojiyaan dagaalada si shuruud la’aan ah
2. dadka kudagaalamay gobolka bay waa walaalo wadadhashey waxaanna
kadhaxeeya Islaamnamida, qofmuslim ah indhiigiisa ladaadiyana mabanaanna
3. waxaankaloo kubaaqeynaa in allaah lootobadkeeno danbiyada lagu jiranna
lagabaxo
4. xalka mushkiladda digil iyo mirfle haysata iyo soomaaliya guud ahaanba
waxeykujirtaa kitaabka alaah iyo sunadda nabiga
5. waxaan uqubaaqeynaa kuwa dagaalamay in ay dagaalka joojiyaan oo
aykubadalaan wadahadal wixii khilaaf ah jirna laguxaliya is afgarasho
6. waxaan dardaarmeynaa cabsidda alaah unoqoshada diinta islaamka iyo in
ladhowro xaquuqda wallaalnimo
Qofkasta waxaa waajibku ah in uu dhowro xuquuqda walaalkiisa ee muslimka ah
ugudanbeyntii ha xasuustaan hadalkii rasuulaka uu yiri:
(لا يحل دم امرىء
مسلم إلا بإحدي ثلاث الثيب الزاني التارك لدينه المفارق للجماعة النفس
بالنفس)
حديث شريف
Baaan kala xiriir:
Maxamed Ibraahim
masruur81@globalsom.com
Ururka Midowga Ardeyda Gobolka
Banaadir oo Deeqgaarsiiyay Ciidamada ku xaraysan Laanta Buur
MuuseSuudi" Islaan Uur leh Ma
Haraatanto, Cabdullaahi Yuusufna….
Waxaa dhawaan xerada Laanta buuro
ee gobolka Shabeelaha Hoose isla markaana ay ku xaraysan yihiin
Maliishiiyadii iyo hubkii laga saaray Magaalada Muqdisha ayaa waxaa
booqday Urur ay ku mideysan yihiin Ardeyda Gobolka Banaadir oo lagu
Magacaabo Ururka Midowga Ardeyga Gobolka Banaadir, waxaana
hoggaaminayay guddoomiyaha Ururkaasi Cabduallaahi Cabdiraxmaan
Shiikh Aadan, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey Wasiirka Ganacsiga
Muuse Suudi iyo Xildhibaan Axmed Diiriuye, wuxuuna Ururku sheegay
inay halkaasi u tageen sidii ay taageero iyo Niyad dhisba ugu samayn
lahaayeen Maliishiyooyinka ku xaraysan eradaasi
Wasiirka Ganacsiga oo halkaasi ka
hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in ardeyda
Soomaaliyeed ay taageero soo gaarsiiyaan Ciidamada ku xaraysan
Xeradaasi isagoo intaa raaciyay in ardeydu ay garteen wax ay garan
waayeen Dadka waa weyn, wuxuuna sheegay in arrintanu tahay tallaabo
loo baahnaa in lagu daydo mudan kuwaasoo ka dhabeeyey baaqii
guddoomiyaha Barlamaanka ee ahaa in shacabka Soomaaliyeed ay taagero
u fidiyaan Maliishiyooyinka la dhaqan celinayo, Muuse Suudi ayaa mar
uu ka hadlayay arrimaha siyaasadda, kana jawaabayay Hadalkii ka soo
yeeray Cabdullaahi Yuusuf ee ahaa in Maliishiyooyinka la xareeyey
iyo hubka laga saaray Magaalada ay tahay mid dhalantyeed ah, wuxuuna
yiri "Islaan Uur ma haraatanto"Cabdullaahi Yuiusufna hawl baa u
taala" .
Cabdullaahi Cabdiraxmaan oo ah
guddoomiyaha Ururka Ardeyda oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay
in shan iyo toban sano kaddib in ardeyda Soomaaliyeed ay arkaan
Ciidan Qaranku leeyahay isla markaana ah mid si aad ah loogu baahnaa
oo wax ka qabanaya nabadgelyada dalka, waxa kaloo uu intaa raaciyay
guddoomiyaha in loo baahan yahay in qaybaha kale ee bulshada ay
taageero u fidiyaan Maliishiyooyinkaasi oo uu yiri waxay diyaar u
yihiin inay wax ka qabtaan xaaladda Nabadgelyo ee dalka gaar ahaan
Magaalada Muqdisho.
Ugu danbayntii wuxuu guddoomiyuhu
Wasriika ganacsigu uu guddoonsiiyay deeq ay ugu tala galeen
Ciidamadaasi oo isugu jirtey Sijaayadaha lagu seexdo, buugag iyo
qalimaan.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail.
amiinkhasaaro@hotmail.com
|
Faafin: SomaliTalk.com | May
30, 2005
Dhaqdhaqaaqa Al-Islaax oo ka hadlay
xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Dr. Ibraahim Dasuuqi “Waxaan soo
jeedinaynaa in...
Dhaqdhaqaaqa
Islaamka Soomaaliyeed ee Al-Islaax ayaa soo saaray qoraalka dheer oo kaga
waramayo xaaladda siyaasadeed ee dalka wuxuuna qoraalkaasi ku bilaabanayaa
sidatan:
Waxaa muuqata
xaalad siyaasadeed oo cakiran oo u dhexeysa qaybaha dowladda, kuna aadan
labo arrimood.
b) Meesha ay
dowladdu degayso markay Nairobi ka soo guurto.
t) In dowladaha
derisku ka mid noqdaan ciidamada sugaya nabadgelyada Soomaaliya.
kala
qaybsanaantaa waxaa ka dhashay arimo culus, oo ay ka mid yihiin:
-
1.
Niyadjab ku dhacay shacbi-weynaha Soomaaliyeed oo u hanwaynaa.
-
2.
Howlaha ay xukuumaddu qaban lahayd oo curyaamay.
-
3.
Hakad galay dadlaaladii dibuheshisinta.
-
4.
xaalad amniga oo xumaatay, iyadoo gobolada qaar ay ka abuurantay xaalad
colaaded.
-
5.
Iyadoo la dhaawacay himiladii beesha caalamka oo u gaarnayd taageeridda
geeddi socodka nabadda.
Dhibaatooyinkaa
kor ku xusani waxay keeni karaan burburka dowladda cusub haddaan laysu
kaashan badbaadinteed iyo taakuleynteed intay legaheeda isaga
taageyso.haddaba dhaqdhaqaaqa Soomaalida Al-Islaax iyadoo uu ka doolayo
maabaadi’deeda Islaamiga iyo wadaniga ah.
-
1. Waxay
adkeynaysaa taageeradeeda hagar la’aanta ah eek u aadan in dowladdu ku
soo noqoto xaalad fiyoobi ah.
-
2. Waxay
caddeynaysaa in ay diyaar u tahay ka qaybgal buuxa ee howl gasta oo ku
aadan hay’adaha dowladda.
-
3. Waxay
ugu baaqeysaa dhamaan qaybaha dowladda gaar ahan Madaxweynaha,
Xukuumadda iyo Baarlamaankaba in ay dib u heshiiyaan, lana hakiyo
khilaafaadka soo kala dhexgalay lana wada shaqeeyo isku soo dhawaansho
iyo ilaalinta mirihi dib u heeshiisiinta Kenya.
-
4.
Waxay ugu baaqeysaa dhamaanba qaybaha dowladda in ay si buuxad u
ilaaliyaan axdi qarameedkii lagu heshiiyay.
-
5. Waxay xasuusinaysaa in dowladdani tahay
mirihii ka dhashay shirkii dib u heshiisiineed ee socday labo sano kuna
taagan labo qodob:
-
b) Awood
qaybsi ku saleysan qaab beeleed
-
t) kooxaha
hubeysan oo la siiyay mudnaan iyo tixgelin dheeraad ah.
-
Halkaas
waxaa ka soo baxay isbahaysi u baahan in la ilaaliyo, masuuliyadaasina
waxay ku dhacaysaan Madaxweynaha, Ra’isul wasaaraha, Gudoomiyaha
Baarlamaanka iyo dadweynaha Soomaaliyeedba.
-
6.
Waxaan ku bogaadineysaa dadaaladda nabadeynta Muqdisho oo mudnaan leh,
waxay ugu baaqeysa xukuumadda iyo dadweynaha in ay sii wadaan in ay isu
wad taagaan taabagelinta nabadeynta caasimadda oo ah Qalbigii wadanka.
-
7.
Waxay ugu baaqeysaa dhinacayada xukuumaddu in aysan khilaafkooda u soo
gudbin dadweynaha ay dagaalada sokeeye dabaaleeyeen.
-
8.
Waxay adkeyneysaa in aysan ogoleyn in ciidamada dowladaha deriska ka
qaybgalaan howlaha nabad ilaalinta Soomaaliya.
-
9.
Waxaa xasuusinaynaa dowladaha deriska iyo IGAD-ba inay Soomaaliyadda
cusubi fure u noqon karto nabadda iyo ku dheganaashaha gobolka waase
haddii dowladdaha deriska ah iska ilaaliyaan in ay faragelin ku
sameeyaan arrimaha gudaha ee soomaaliya ama ay ku kacaan wax dhaawacaya
sharafta, kaaramaada, Diinta iyo Dhaqanka umadda Soomaalieed.
-
10. Waxay
bogaadinaysaa Beesha caalamka oo mahad ka mudan ummadda Soomaaliyeed
xukuuamad iyo shacabba waxayna ugu baaqeysaa in ay joogteyso
taageeradeeda dowladda cusub, gacanna ka siiso sidii loo dhameystiri
lahaa howsha dib u heshiisiinta Qaran loona dhisi lahaa bulsho
Dimuquraadi ah oo ilaalisa xaquuqda aadanaha loona abuuri lahaa nolol
haboon oo u qalanta qofka Soomaaliga ah qariniga kow iyo labaatanaad.
Dr. Ibraahim
Dasuuqi
Afhayeenka dhaqdhaqaaqa Islaamka Soomaaliyeed Al-Islaax
kala xirir
Amiin Yuusuf Khasaaro
amiinkhasaaro@hotmail.com
SIMINAARKII SUXUFIYIINTA AFRIKA OO LAGU SOO
GABA GABEEYAY MAGAALADA QAAHIRA
W.D.Abuukar
Yaasiin Xaaji
abuukarsom@hotmail.com
waxaa 26/5/05
magaalada qaahira lagusoo gabagabeeyay siminaar loo qabtay suxufiyiinta
wadamada afrika oo uu soo diyaariyay midowga suxufuyiita afrika siminaarkaan
oo ey ka qeyb qaateen 18-dowladood oo afrikaan ah waxaa ardaydii ka qeyb
qaadatay lasiiyay cashrro kala duwan oo kusaabsan saxaafadda kuwaasoo isugu
jiray casharro nadari ah oo casharo lagu siinayay jaamacadaha iyo kuwo
camali ah oo taba barro lagu siinayay waxeyna casharada ku qaateen
jaamacadaha iyo macaahidda wadanka masar sida jaamacadda qaahira iyo
jaamacadda mareykanka ee qaahira iyo waliba idacadaha iyo telfishinada
waddanka masar sida kanaalka koowaad iyo kuwa 2 & 3-aad iyo waliba wakaalada
wararka ee wadankaan oo looyaqaano wakaalada wararka ee bariga dhexe M I N A
Waxaa lagudoonsiiyay shahaadoouinkii ayadoo
uu gudoonsiiyay wasiirka warfaafinta ee dowlada masar Mr:Anasa Al-faqi
isagoo muda gaaban hadlay una mahad celiyay ururka midowga suxfiyiinta
afrika oo soo qaban qaabiyay siminaarkaan sidoo kalena waxaa halkaas ka
hadlay madaxa urunka saxafiyinta afrika ahna madaxa wakaalada wararka bariga
dhexe Mr:maxfuud Al Ansaari oo isaguna cadeeyay in sinaarkaan uu yahay
25-aad ee ey u qabtaan suxufiyiinta afrikaanka ah eyna jecel yihiin iney
siiwadaan wax barrida iyo taba barida suxufuyiinta afrika
siminaarkaan
aya waxa wadankeena soomaaliya uga qeyb qaatay Tifa tiraha websaitka
somalitalk Mr:fahad yaasiin xaji daahir oo kamid ahaa suxufuyiintii maanta
qaadatay shahaadooyinka isla markaan agtaagnaa calankii soomaaliyeed oo ka
dhex muuqday calamada wadamadii 18-ahaa ee meesha ka muuqday
W.D.Abuukar
Yaasiin Xaaji
abuukarsom@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | May
30, 2005
Jen.
Cadde Muuse: Hay'adaha shisheeye waxay rabaan in Dalka Maamulaan
Waraysi dheer oo uu Madaxweynaha DGPL siiyey
Telefishanka ETN ayuu shaaca kaga qaaday in...
Guji...
C/Laahi Yuusuf oo Kusoo
Laabtay Nairobi
iyo Ergadii
shirka dib u Heshiisiinta oo ku laabanaya dalka Somaliya Marxalado Adag ka
dib...
Guji.. May 29
Siciid Tumaal oo Baaq
kasoo Saaray Dilkii Khadar Cismaan Dhabar
Waraysi: Madaxweyne ku
Xigeenka DGPL
Galkacyo: Qaylo dhaan ka soo yeertay Ceelka Yamayska
Garoowe: Xasan Abshir oo ka qayb qaadanaya caana shubka
Muqdisho: Kulan looga hadlay qaadisat Isbaarooyinka...
Wararka oo dhan ka
akhri halkan... May 28
Warbixin: Natiijadii
Codbixintii Qodobka 76aad ee Dastuurka Dalka Masar..
iyo
Baydhabo oo ay ka jiraan xiisado siyaasadeed..
Guji...