- Baydhabo: Magaalada baydhabo oo
xalay dagaal xoogan uu ka dhacay.
- Kismaayo: Saldhiga Ciidankii
Booliska ee Dawladii Hore oo Dadkii Deganaa Laga Saaray
Magaalada baydhabo oo xalay dagaal
xoogan uu ka dhacay.
Wararka ka imaanaya magaalada baydhabo ee
gobolka Bay ayaa sheegaya in ay xalay saq dhex dagaal uu ka qarxay
magaalada gudaheeda ayna ku dhinteen ugu yaraan 15 qof iyadoo ay ku
dhaawacmeen in ka badan 40 qofood oo iskugu jira dad rayid ah iyo
garabyadii uu dagaalku ka dhaxeeyay waxaana ku barakacay dadkii
deegaanka.
Sababta dagaalkan ayaa ka dambaysay sida
ay wararku sheegayaan kadib markii ay xalay goor dambe weerar ku soo
qaadeen magaalada gaar ahaan halka uu dagan yahay Xildhibaanka Ibraahim
xaabsade ee Badhabo maliishiyaad ka amarqaata wasiiro ka mid ah Dowlada
F.Somaliya Aadan Madoobe iyo Shaati gaduud oo horay colaad ay uga
dhaxaysay iyaga iyo Ibraahim Xaabsade muddo hadda laga joogo laba
biloodna laga saaray magaalada.
Mas'uul u hadlayay garabka xaabsade ayaa
sheegay in iyaga ay hadda gacanta ku hayaan magaalada Baydhabo, kana
saareen maliishiyaadkii soo weeraray magaaladuna ay hadda dagan tahay,
dadkuna ay dib ugu soo laabanayaan guryihii ay xalay ka qaxeen,waxa uuna
intaas ku daray in wali ay ku jiraan is difaacid si uusan mar kale
dagaal uga dhicin magaalada gudaheeda.
Dowladda F.Somaliya ee KMG ah ayaa la
qorshaynayaa in maalmaha soo socda ay u guuraan magaalada baydhabo ee
xarunta u ah gobolka Bay,waxaana soo baxayay maalmihii la soo dhaafay
hadalo uu bixinayay Xaabsade oo ahaa in aysan dowladu cag soo dhigi
karin magaalada Baydhabo iyadoo aysan isla ogolaanin Baarlamanka haddii
ay yimaadana waxa uu sheegay in dhibaato xoogani ay ka qabsan doonto
Dowlada soo dagista magaalada baydhabo.
Mas'uuliyiinta ugu sareysa dowlada ee ku
sugan magaalada Nairobi ayaa sheegay in xiisahaha ka jira baydhabo aysan
ka reebi doonin Go'aankooda ah in ay u guuraan magaaladaas kana
howlagalaan,waxa ayna intaas ku dareen in ay xalin doonaan khilaafyada
siyaaasadeed ee ka jira magaaladaas.
Canab Mumtaz | SomaliTalk
canabmumtaz@yahoo.com
Kismaayo: Saldhiga Ciidankii Booliska
ee Dawladii Hore oo Dadkii Deganaa Laga Saaray
cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo soomaaliya
cabdiqadar84@hotmail.com
- Maamulka isbahayasiga dooxada
jubba oo alaabtooda ka daadgureeyey dadkii daganaa guryahii ahaa
xerada booliska ee dowladii hore ee soomaaliya.
Dadkaan shalay laga saaray guryahii
hore dowlada ee ahaan jiray xeradii booliska soomaaliya ayaa waxa ay ka
danbaysay kadib markii amar ka soo baxay maamulka sare ee isbahaysiga
dooxada jubba lagu sheegay in la faarujiyo oo ay ka guuraan dadka
shacabka ah ee dagan guryahii hore ee dowlada gaar ahaan bartii ahaan
jirtay xerada booliska soomaaliyeed oo ku taala magaalda kismaayo.

Dadkaan laga saaray guryaha ayaa waxaa
loo qabtay waqti gaaraya afar iyo labatan saac in ay oga baxaan
guryahaan islamarkaana ay raadsadaan gurya kale oo hoyaatin u noqda
ayadoo ay shalay ku ekayd waqtigii afar iyo labaatankla saac ahaa ee loo
qabtay dadkan dagan guryahii xerada booliska ee magaalda kismaayo.
Hadaba waxaa muuqanayay geedi xoog leh
oo ka soconayaya guryaha ay daganaayeen dadkaan ayagoo ay jiraan dad
diiday in ay ka guuraan guryaan balse la sheegay in ay xoog oga saareen
ciidanka booliska oo halkaa ku suganaa islamarkaana sugayaya amaanka
dadkaan ka guuraya xerada .
Dadkaan daganaa saldhigii hore ee
booliska ayaa waxa uu maamulka isbahasyiga dooxada jubba u balan qaaday
calaa qoys in uu siin doono lacag gaaraysa ilaa $105 doolar oo u
dhiganta 160,0000 oo lacag soomaali oo ay isaga bixin doonaan lix bilood
oo kiro ah guryaha ay dagi doonaan iyo waliba gaawaridii ay ku guuri
lahayeen ayadoo loo sheegay qofkii u hogaansami waaya awaamiirta
maamulka isbahaysiga dooxada juba islamarkaana isku dhajiyaa guryaha in
qasab looga soo saari doona alaabtisana banaanka loogu soo daadin doono
ayadoo dadkan dagan guryahana ay yahiin kuwo iska danyar ah oo aan
awoodin in ay iska bixiyaan lacagta kirada guryaha ayadoo qaar ka mid ah
dadkan dagan guryaha ay yahiin kuwo daganaa guryahan mudo 14 sano halka
qaar ka kalena ay sheegeen in ay daganayeen mudo sodon sano ah
islamrkaana ay ahaayeen qoysaskii ragii ka tirsanaa ciidanka booliska
soomaaliyeed .
Hadaba maamulka isbahaysiga dooxada
jubba ayaa sheegay in ay kaga golleeyahiin arintaan lagaga saarayo dadka
guryahii hore ee booliska in ay tahay mid loogu sii gogol xaarayo ku
howl galida booliskii hore ee soomaaliya oo la filayo in dhawaan la
diiwaan galiyo halka kuwa hada diiwaan gashana lagu sii tabab bari doono
loona furi doono siminaaro iyo aqoon kororsi xaga boolis nimada ah.
Isku soo wada duuboo arintaan guryo
kasaarida dadkii daganaa xeradii ciidanka booliskii hore ayaa waxa ay ku
soo beegantay xili u wasiirka dib u dhiska iyo dib u dajinta dowlada
FDKMG ah ee somaaliyeed xildhibaan Barre aadan shire (Barre hiiraale) uu
ka wado gudaha magaalda kismaayo howlo dib u dhis iyo dib u dajin isugu
jirta islamrkaan ay ka mid ahayd meelaha ay dhawaan howlaha dib u dhiska
ka socdeen Airport ka magalada kismaayo, dakada iyo waliba isbitaalka
guud ee magaalada kismayo ayadoo hadana uu sheegay in uu shaqo dib u
dhis ku bilaabayo xerada hada laga saray ee ahayed saldhigii hore ee
booliska soomaaliya.
cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo soomaaliya
cabdiqadar84@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | May
30, 2005
Jen.
Cadde Muuse: Hay'adaha shisheeye waxay rabaan in Dalka Maamulaan
Waraysi dheer oo uu Madaxweynaha DGPL siiyey
Telefishanka ETN ayuu shaaca kaga qaaday in...
Guji...
C/Laahi Yuusuf oo Kusoo
Laabtay Nairobi
iyo Ergadii
shirka dib u Heshiisiinta oo ku laabanaya dalka Somaliya Marxalado Adag ka
dib...
Guji.. May 29
Siciid Tumaal oo Baaq
kasoo Saaray Dilkii Khadar Cismaan Dhabar
Waraysi: Madaxweyne ku
Xigeenka DGPL
Galkacyo: Qaylo dhaan ka soo yeertay Ceelka Yamayska
Garoowe: Xasan Abshir oo ka qayb qaadanaya caana shubka
Muqdisho: Kulan looga hadlay qaadisat Isbaarooyinka...
Wararka oo dhan ka
akhri halkan... May 28
Warbixin: Natiijadii
Codbixintii Qodobka 76aad ee Dastuurka Dalka Masar..
iyo
Baydhabo oo ay ka jiraan xiisado siyaasadeed..
Guji...