Reer Kismaayo oo Diyaar Garow ugu Jira Soo
Dhoweynta Geedi
Diyaar garoow balaaran oo looga gol
leeyahay soo dhawaynta raysul wasaare cali maxamed geedi oo la filayo in
maalinta barri ah uu yimaado magaalada kismaayo ayaa maanta si xoogleh looga
dareemayay magaalada kismaayo
Kismaayo May 3: Diyaar garowgaan maanta ka
soday magaalada kismaayo ayaa waxaa waday maamulka isbahaysiga dooxada jubba
iyo ururada bulshada ayadoo ay indhahaagu qabanayeen heegan buuxa oo la
galiyay ciidanka ammaanka ee isbahaysiga taasoo lagu soo dhawaynayo raysul
wasaraha dowalada FKMG ah ee soomaaliyeed prof. cali maxamed geedi oo la
sheegay in maalinta barri ah (May 4) uu imaan doono magaalda kismaayo oo ah
caasimada sadexaad ee dalka somaliya.
Go`aankaan u ra`iisul-wasaare Geeddi ku
gaaray inuu booqdo magaalada Kismaayo ayaa wararku sheegayan inay ka
dambeysay wadahadal dhexmaray ra`iisul-wasaare Geeddi iyo maamulka ka
arrimiya magaalada Kismaayo.
Ra`iisul-wasaare Geeddi ayaan asagu booqan magaalada Kismaayo tan iyo markii
uu noqdey ra`iisul-wasaaraha Soomaaliya waxaana jirta in Geeddi safar horay
uugu yimid Soomaaliya uusan ku darin magaalooyinkii uu booqanayey magaalada
Kismaayo, isbaheysiga Dooxada Jubba ayaa waxaa la og yahay inay si weyn ugu
dhaw yihiin hogaamiyeyaasha hubeysan ee ka arrimiya magaaladda Muqdisho oo
ay isku arragti ka yihiin mowqifka diidmada Ciidamada Shisheeye.
Hadaba shir jaraa'id uu maanta qabtay
wasiirka dib u dhiska iyo dib u dajinta dowlada FDKMG ah ee soomaaliyeed
xildhibaan Barre aadan shire barre hiiraale ayaa waxa uu ku sheegay in ay
imaatinka raysul wasaare geedi ay ku faraxsanyahiin islamarkaana ay soo
dhawaynayaan waxaa sidoo kale barre hiiraale uu shirkaasi ku magacaabay
dhowr waxood oo kala ah waaxda maamuuska iyo soo dhawayenta, waaxda
dhaaqaalaha iyo waaxda amaanka iyo ayadoo sidoo kale ay soo dhaweynta
raysul wasaaraha ay ka qayeb qaadan doonaan dhamaan ururada bulshada ee ka
jira magaalada kismaayo.
Si kasta oo ay ahaataba imaatinka raysul
wasaare geedi ee uu imaanayo magaalada kismaayo ayaa laga cabsi qabaa in uu
hakad galiyo falkii argagaxa lahaa ee saakay ka dhacay garonka k/c/ ee
magaalada muqdisho halkaasoo ay ku dhitaan dad gaaraya ilaa 8 qof ayna ku
dhaawaxmeen sodomeeyo qof .
cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo soomaaliya
cabdiqadar84@hotmail.com
Bombaano
Lagu Qarxiyey Muqdisho
...Bomku wuxuu ku qarxay Garoonka Ciyaaraha Muqdisho oo uu markaas ka
khudbaynayey Ra'iisul wasaaraha DFKMG, waxaana ku dhintay 10 qof, waxaa
dhaawacmay 28 qof..
Muqdisho | May 3, 2005
Sawir muujina qof dhawac ah, oo ay faafisay bbc afrika | Google
search
Sawir muujinaya xamaarjajab, oo Feb 2005 ay
qaaday AP
|
Warar degdeg ah oo ka imanaya Muqdisho ayaa
tibaaxay in bombaano lagu qarxiyey garoonka weyn ee Muqdisho (stadium
Muqdisho), waxaana bomku qarxay wax yar kadib markii uu ra'iisul waraasaraha
DFKMG uu halkaas ka bilaabay in uu dad weyne farabadan oo garoonka isugu soo
baxay uu khudbad u jeediyo.
Waxaa la sheegay in ay bomkaas ugu yaraan
ku dhintay 7 qof, warar kale ayaa sheegaya in ay ku dhinteen 10 qof (7 waxay
ku dhinteen garoonka, hal qofna waxaa jiiray gaari meesha ka cararayey, laba
qof oo kalena waxay dhinteen intii loo sii wadey cisbitaalka). Waxaan
agoobtaas ku dhaawacmay ugu yaraan 28 qof.
Ra'iisul wasaaraha wax dhaawac ah ma soo
gaarin, markiiba waa laga kaxeeyey garoonka, oo waxaa la geeyey meel amaan
ah oo ka mid ah woqooyiga Muqdisho.
Waxaa la sheegay in bomkaasi uu ahaa kuwa
gacanta laga tuuro. Warar taas khilaafsan ayaa sheegaya in uu bomku dhulka
yaaley oo uu qarxay markii lagu istaagey. Waxana uu bobku qarxay ra'iisul wasaare Cali
Maxamed Geedi oo markaas khudbada bilaabay. Arintaas oo la sheegay in ay
argagax gelisey ra'iisul wasaaraha.
Daqiiqado
ka hor intii aan qaraxu dhicin waxa uu ra'iisul wasaaraha DFKMG uu dad
weynihii garoonka isugu soo baxay uu sheegay in uu qorshaynayo ka laabashada
arintii muranka dhalisay ee ahayd in dawlada la dejiyo Baydhabo iyo Jawhar.
"Xamar ayaan u soo guureynaa haddii ammaanku wanagsanaado" ayuu yiri Geedi,
asagoo ku daray "ammaanku waa waxa ugu muhiimsan".. Wax yar kadibna bomka
ayaa qarxay. Waxaana la sheegay in uu Geedi rabey in uu khudbadiisa sii wato
qarax ka dib, laakiin lagala cararay goobta oo la geeyey meel amaan ah.
Ilaa hada lama oga cidda ka dambeysey
bomkaas.
###
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo tacsi u
diray dhamaan dadkii Soomaaliyeed ee...
Ka dib
dhacdadii maanta ka dhacday Muqdisho Stadium
oo uu Ra'iisul wasaaraha dowladda federaalka
Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi kula
hadlayay isu soo baxayaal isugu yimid
halkaasi ayaa aad uga xumaaday waxyeeladii
ka soo gaartay dhamaan dadkii Soomaaliyeed
ee halkaasi wax ku gaareen.
Ra'suul
wasaaraha dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo
saxaafadda u waramayay ayaa tacsi u diray
dhamaan dadkii Soomaaliyeed ee waxyeelada ka
soo gaartay qaraxii ka dhacay maanta Stadio
Muqdisho, wuxuuna tacsi u diray dhamaan
dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan, qoyskii,
ehelladii, qaraabadii ay ka geeriyoodeen
dadkii halkaasi ku dhintay iyo kuwii ku
dhaawacmay.
Dhacdadani
waxba kama badaleyso dadaalkeena ku aadan
wax ka qabashada xaaladda amaan iyo
nabadgalyo ee caasimadda dalka Soomaaliya ee
Muqdisho, wax kasta oo sahli karana sugidda
amaanka caasimaddana waan soo dhaweyneynaa
ayuu yiri Prof. Cali Maxamed Geeddi Ra'iisul
wasaaraha Soomaaliya.
Wuxuuna ballan
qaaday in uu ku booqan doono Isbitaallada la
dhigay dadkii ay dhaawacyada ka soo gaareen
isu soo bixii ballaarnaa ee maanta ka
dhacayay halkaasi, wuxuuna ra'iisul
wasaaruhu horey u soo maray intii uusan iman
halkaasi dekedda weyn ee magaalada muqdisho,
halkaasi oo ay aad ugu soo dhaweeyeen dadkii
mas'uulka ka aha dekedda tan iyo intii ay
xirneyd.
Wariye
###
Ugandha oo Dib u Dhigtay Ciidamadii ay
Soomaaliya u diri Lahayd
Sida ay maanta (May 3) werisey jariidada ay
dawladu maamusho ee loo yaqaan 'The New Vision', dawlada Ugadha waxay
dib u dhigtay ciidamadii ay u diri lahayd dalka Soomaaliya. Ciidamadaas oo
loo yaqaan UPDF (Uganda People' Defense Force) waxaa loo diri lahaa
Soomaaliya si ay ammaanka u sugaan, isla mar ahaantaasna madaxweynaha
Soomaaliya ugu gogol xaaraan sidii uu u tegi lahaa caasimada Soomaaliya ee
Muqdisho.
Jariidadu waxay soo xigatey wasiiru dawlaha
arimaha dibada ee Ugandha, Okello Oryem, oo sheegay in qabqablayasha
dagaalka Soomaaliya ay ka soo hor jeedaan ciidamada Ugandha ee loo dirayo
Soomaaliya, asagoo intaas ku daray in arinta weli la dersayo.
Afhayeenka ciidamada Ugandha UPDF ee loo
dirayo Soomaaliya, Paddy Ankunda, ayaa maanta khadka telefoonka ugu sheegay
jariidad ka soo baxda dalka Shiinaha in ciidamada nabad ilaalinta ee Ugandha
ee loo dirayo Soomaaliya ay dhamaysanayaan tababarkoodii, laakiin uusan
ogeyn marka ay Soomaaliya ayaadayaa.
Toddobaadkan ayaa madaxweynaha Ugandha,
Yoweri Museveni, ahna hogaamiyaha hadda ee IGAD, waxa uu la kulmi doonaa
qabqalyaasha dagaalka ee Soomaaliya, waa sida ay warka u dhigtay jariida
shiinaha'e.
###
Waraysigii
SomaliTalk ee Ugaas Maxamad Wali
Ugaas Maxamad Wali oo ah Ugaaska Beesha Mareexaan, isla markaasna ah
afhayeenka salaadiinta beesha Daarood, oo aan maanta (May 3) ka waraysanay
Khilaaf ka Taagan Jagada Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya
halkan ka dhegeyso...
| May 3
::::WARARKII SHALAY:::::
- Raiisul Wasaare Geedi iyo Xubnaha
Labada Gole oo Heshiiyay.
- Wasiirka 1aad ee dowladda
soomaaliya oo maantay sheegay inuu u tanaasulay xubnaha labada gole ee
ku sugan Muqdisho.
-
Wakiilka Xoghayaha
guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Dr.Baaba femi
oo sheegay in UN-ku uu soo dhaweynayo Muqdish oo noqota Nabad
-
Wasiirka A/Dibada
Dowlada Suudaan oo Sheegay in Mareykanku Raadinayo Waddo uu ku weeraro
Dalka Somaliya.
-
Guddoomiyaha
Swidish Somali Institute oo wareysi bixiyey
- "Hal Libaax arkeeysaa ma Godlato oo
Geedi waxa uu ka baqayaa C/laahi Yuusuf" Jini boqor
Raiisul Wasaare Geedi iyo Xubnaha Labada Gole oo
Heshiiyay.
War...2..May- Muqdisho... Raiisul Wasaaraha Dowladda
Federaalka KMG ee Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi
iyo Xubnaha Labada Gole ee horay u joogay Magaaladda
Muqdisho ayaa Heshiis ku gaaray inay Iska Iloobaan
Khilaafkii Isfaham la'aan ee ka dhaxeeyay ayna u
Istaagaan Badbaadinta Ummadda Soomaaliyeed.
Heshiiskaasi oo ka dhacay xarunta Baarlamaanka ee
Xisbigii Hantiwadaaga ee hore, waxa ay ka
dambeysay,mar uu soo jeediyay Ra'iisul Wasaare Geedi
Xiraayay Seminaar loo xirayay Saraakiisha
Maleeshiyaadka oo u socday Maalmihii tagay,kadib
markuu weydistay Is-cafin iyo in leeska Iloobo wixii
horay u dhacay.
Mudane cali Maxamed Geedi oo hadalkiisa sii wata ayaa
caddeeyay inuu la qaatay Qorshihii ay soo jeediyeen
xubnaha Xukuumadda iyo Baarlamaanka ee ku wajahnaa hub
ka dhigista iyo Xareynta Maleeshiyaadka Magaalada
Muqdisho, isagoo sheegay in loo bahan yahay in ficil
laga dhigo Howshan oo la xareeyo Ciidamada
maleeshiyaadka,Hubkana leeska dhigo.
Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka KMG Mudane Cali
maxamed Geedi wuxuu intaa raaciyay in sida uu sheegay
Wasiirka ganacsiga Mudane Muuse Suudi Yalaxow ay
Dowladda Soo guuri doonto dalkeedana ku soo laaban
doonto,wuxuuna sheegay in uu ku faraxsanyahay Howshan
wax ku oolka ee ay Xubnaha labada gole qabteen, maanta
ay Ummadda soomaaliyeed ka sugeyso inay mid ahaadaan
oo ay si wadajir ah wax ugu qabtaan Ummadda
soomaaliyeed oo maanta u baahan dowlad wax u qabata oo
ka saarta dhibaatada ay k soo jireen 14-sano ee la soo
dhafaay.
Wasiirka Ganacsiga Dowladda Federaalka KMG Mudane
Xaaji Muuse suudi yalaxow oo isna munaasabaadasi ka
hadlaayay ayaa caddeeyay in Howshan ay sii wadi doonan
ilaa ay ka gaaran Horumar la taaban karo,iyadoo uu
tilmaamay ay isku tashadeen haddii ay helaan kaalmo ay
sii wadi doonaan howshaasi isagoo intaa raaciyay in
ay sii dhameystiri doonaan ka soo qeybgalinta dadka
haray.
Wasiiir ku xigeenka Iskaashi Gobaleedka Kenya Joseph
Nyaga oo isna ka hadalay ayaa aad usii dhaweeyay
kulankooda,isagoo sheegay in uu darsaayay maalmahan in
Shacbiga Soomaaliyeed ay doonayaan Dowlad, isagoo
tilmaamay in uu taasi ka arkay Ardaydii,Waxgaradkii
,aqoonyahankii uu la kulmay shalay iyo maanta.
Mr.Joseph Nyaga, wuxuu uu weydistay Xubnaha Labada
Gole,Xubnaha saraakisha sare iyo maleshiyaadka inay is
cafiyaan ay u midooban sidii ay wax u qaban
lahayeen,isagoo intaa raaciyay in loo baahan yahay in
Beesha calamka u caddeeyaan inay mid yihiin,wuxuu
kaloo ka dalbaday inay iska dayaan Qab weynida iyo is
riixriixa.
Waxaa kaloo isna halkaasi ka hadlay Wakiilka gaarka ah
ee Xoghayaha guud ee u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya
Femi Badajo wuxuuna sheegay in arrintan ay tilmaameyso
in aanu jirin wax khilaaf ah oo u dhaxeeyo labada
Gole, Madaxwynaha, raisul wasaaraha, wuxuuna amaanay
howsha ay qabteen, isagoo caddeeyay in ay sii wadi
doonaan Taageerada ay Qaramada Midoobay siiyaan Dalka
soomaaliya isagoo intaa raaciyay in uu rajeynaayo in
Xoghayaha guud inta aanu xafiiska ka tagin uu
rajeynayo in uu soo booqdo Caasimada dalkan
Soomaaliya.
Raiisul Wasaaraha Soomaaliya mudane cali Maxamed geedi
wuxuu kaloo maanta soo booqaday Dugsiga dhexe iyo Sare
ee Alfajri, Jaamacadda Muqdisho, Machadka Simad oo uu
kula Kulmay Ardayda,Macalimiinta waxayna dhamaantood
Raiisul Geedi u balanqadeen inay Taageero Hiil iyo
Hooba ay sii doonaan
Mudane Geedi wuxuu kaloo soo kormeeray Cusbitaalka
Banaadir ee Hooyada iyo Dhalaanka, wuxuuna ku soo
wareegay qeybaha uu Cisbitaalka ka kooban yahay,
wuxuuna halkasi dhaliil uga soo jeediyay Hay'adaha
Samafalka oo aan taagero wax ku ool ah siinin.
Isha: Xafiiska Afhayeenka Dawlada | Muqdisho
Wasiirka 1aad ee
dowladda soomaaliya oo maantay sheegay inuu u tanaasulay xubnaha labada
gole ee ku sugan Muqdisho.
Md.Cali Maxamad Geedi
r/wasaaraha dowladda cusub ee soomaaliy oo isaga iyo wafdi uu horkacayay
ay maalintii afaraad muqdisho kusugnaayeen ayaa maantay waxaa uu ka
qeybgalay xaflad si weyn loo soo agaasimay oo lagu soo gebagebeynayay
tababar maalmahaan usoconayay illaa 45 horjoogayaasha malleeshiyaadka
muqdisho ah, kaasoo lagu qabtay xarunta baarlamaanka .
Intii aan laguda
gelin xeritaanka tababarka ayaa waxaa r/wasaaraha hortiisa lagu
dhaariyay xubno kale oo kamid ahaa iyaguna malleeshiyada xamar intaa
kadib md Geedi waxaa uu warbixin ku saabsan xaaladda ciidamada la
sheegay in loogu talo galay sugitaanka amniga muqdisho ka dhegaystay
Jenaral Maxamed Nuur Galaal iyo saraakiil kale oo ka tirsanaa ciidamadii
qalabka siday ee soomaaliya taasoo uu Geedi aad madaxa ugu luxay.
Intaa kadib r/wasaare
geedi oo hadlay waxaa uu aad u amaanay howsha xamar ka socota isagoo
sidoo kale ammaan usoo jeediyay dhammaanba dadkii howlahan abaabulay iyo
kuwii gacanta ka geystayba wuxuuna caddeeyay inuu raalli ka yahay
islamarkaana uu qaatay mowqifkii ay qabeen xubnaha labada gole ee
horayba muqdisho u sii joogay mar qura ayaa jawigii goobta waxaa uu
isku beddelay meel aad uxammaasad badan isagoo ku sii daray cafis waaye
xaggeyga dadkii aan mowqifka ku kala duwanayn anna waxaan rabaa buu
yiri inlay cafiyo wuxuuna dalbaday in nayroobi lagu wada noqdo taasoo
isna laga aqbalay.Guud ahaan jawigu waxaa uu ahaa mid farxadeed
siwanaagsanna waa laysu marxabbeeyay.
Wakiilka Xoghayaha
guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Dr.Baaba femi
oo sheegay in UN-ku uu soo dhaweynayo Muqdish oo noqota Nabad
Dr.,Baaba Femi ayaa
maanta warkan kaga dhawaaqay shir jaraa,id oo uu saxaafada ugu qabtay
xarunta heyadda qaramada midoobay uqaabilsan horumarinta barnaamijyada
UNDP ee Muqdisho, hadalkan uu jeediyay wakiilka xoghayaha guud ee
somaaliya ayaa ku soo beegmay waxyar kadib markii uu wasiirka Amniga
Qaranka Md Maxamed Qanyare Afrax uu isna saxaafadda u sheegay in
Wasiirka 1aad iyo wafdiga la socdaahuba ay dib udhac iyo luggooyaba ku
yihiin howlihii ay muqdisho horay uga Wadeen, hase ahaatee diblumaasigan
oo isagu ka mid ahaa wafdiga r/wasaaraha kana mid ah sida muuqatay raga
uu qanyare eedeynta u soo jeediyay ayaa ku nuuxnuuxsaday ineysan
habayaraatee jirin wax qilaaf ah oo sidaa uweyn isla markaasina ay
soconayaan wadahadallo lagu xallinayo xurgufaha yaryar ee ku kala
dhexjira mas,uuliyiinta sarsare ee dowladda, waa sida uu hadalka u
dhigaye.
Ergaygan ka socday
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay waxaa kaluu sheegay inuu jecelyahay
lakulanka Qanyare isagoo waliba xusay in isla maantadanba uu rajaynayo
inuu qabsoomo kulan uu la yeesho Max,d Qanyare, waxaanan
quud-darreynayaa buu yiri kadib marka aan is aragno Qanyare in ay wax
weliba hagaagi doonaan, isagoo sidoo kalena gaashaanka u daruuray inay
dibudhac ku yihiin howlihii lagu nabadeynayay magaalada Muqdisho wuxuuna
ugu dambeyntii hadalkiisa ku soo gunaanaday qaramada midoobay waxy soo
dhaweyneysaa ,taageeraysaana magaalada Muqdisho oo yeelata Maamul iyo
Amaan laysku halleyn karo.
Xasan
dhaaleey dheel10@hotmail.com muqdisho.
Wasiirka A/Dibada Dowlada Suudaan oo
Sheegay in Mareykanku Raadinayo Waddo uu ku weeraro Dalka Somaliya.
- Canab Mumtaz | SomaliTalk
canabmumtaz@yahoo.com
Wasiirka Arrimaha Dibada ee Dalka
Suudaan Muftafa Cali ismaaciil oo Shalay ku qabtay Shir Jaraa’id
magaalada Qarduum ee Caasimadda Suudaan ayaa been abuur ku sheegay war
ku Soo baxay Wargayska “Times”ee ka soo baxa dalka Mareykanka war uu ka
qoray wasiirka oo sheegayay in sirdoonka suudaan ay soo arkeen Xarumo ku
yaalada Dalka Somaaliya oo lagu tababaro Argagaxisada(Al-qaacida) waxa
uuna warkaas ku sheegay mid ka fog xaqiiqada meelna looga dhacayo
Sirdoonka suudaan iyo sumcadda dalka suudaan iyo tiisaba.
Wasiirka waxa uu sheegay in maraykanku
raadinayo waddo uu ku weeraro dalka Soomaaliya,”warka lagu qoray
wargayskaas waa mid ka fog ayuu yiri xaqiiqada waxaana u sheegayaa
dadka Somaliyeed iyo Aduunkaba in warkaasi ahaa been abuur aan raad
lahayn ool damacsanaa in lagu xumeeyay.
“Xiriirka Wanaagsan ee ay Suudaan la
leedahay Dalalka Islaamka,Afrika iyo kuwa Caalamkaba maahan mid wax u
dhimi kara warkaas la igu been abuurta”ayaa ka mid ahaa hadaladii
wasiirka arrimaha dibadda ee dalka suudaan Mustafa Cali Ismaaciil shalay
ka jeediyay magaalada Qarduum.
Canab Mumtaz | SomaliTalk
canabmumtaz@yahoo.com
Guddoomiyaha Swidish Somali Institute
oo wareysi bixiyey
Cabdi Abshir
Dhoore “ waxaan dadaal u galney in la sii daayo shakhsiyaad u
shaqeynayey shirkadda barakaad ee uu ku jirey Aas -aasihii ururkan
Cabdi Abshir Dhoorre
oo ah gudoomiyaha ururka lagu magacaabo Swidish Somali Institute oo ka
dhisan dalka Sweden maalmahanna booqasho ku joogay magaalada Muqdisho oo
u warramayay saxaafadda ayaa sheegay in laba arrimood oo muhiim ah uu u
taagan yahay ururkooda kuwaasoo ah inuu fududeeyo xiriirka u dhexeeya
Soomaalida iyo dadka ay la nool yihiin ee reer Sweden, tan labaadna
waxay tahay in la siiyo tababarro dadka Soomaalida ah ee doonaya inay
dib ugu soo laabtaan dalkooda si ay awood u yeeshaan inay iskood u
shaqaystaan waxna ku soo kordhiyaan dalka, wuxuu kaloo sheegay Cabdi
Abshir in ay isku howlaan sidii loo heli lahaa xarun ay ku kulmaan
aqoonyahannada Soomaaliyeed.
Mar uu ka hadlayay fikirka iyo aasaaska
ururka ciddii lahayd wuxuu sheegay in C/risaaq Aadan uu ahaa shaqsigii
lahaa fikirka iyo aasaasidda ururka oo sannadkaan toban jirsaday hadana
ay ka shaqeeyaan dad badan oo Soomaali iyo Sweden isugu jira.
Gudoomiyaha SSI Cabdi Abshir Dhoorre
wuxuu mar uu sharaxaad ka bixinayay waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee la
xusi karo ee uu ururkoodu qabtay wuxuu sheegay inay aad u fara badan
yihiin balse uu jecel yahay inuu ka xuso dhowr qodob oo ay ka mid yihiin,
in ururkooda uu ku guulaystay in magaalo madaxda dalka Sweden ee
Stockholm ay isugu keenaan madaxdii hoggaanka u haysay shirkii dib u
heshiisiinta Soomaaliyeed ee magaalada Nairobi si ay uga warbixiyaan
heerka uu marayo shirka dib u heshiisiinta isla markaana talo iyo
tusaale lagu daro.
Sidoo kale bishii October ee sannaadkii
hore waxaan ka shaqaynay in ururada Caalamiga ah ee daneeya arrimaha
Soomaaliya ay shir caalami ah isugu yimaadaan magaalada Stockholm anigu
shaqsiyanna anoo matalaya magaca ururka ayaan ka qayb galay kulankaas oo
ahaa mid aan loo oggolayn wax ka baxsan hay’adahaasi caalamiga ah.
Waxaan kaloo xusi karaa in ururka
Swedish Somali Insititute oo fadhigiisu yahay magaalada Stockholm uu
dadaal xoog leh iyo ololeba u galay sidii loo sii dayn lahaa
shaqsiyaadkii Soomaaliyeed ee u shaqaynayay Shirkaddii BARAKAAT ee lagu
xiray dalka Sweden oo uu ka mid ahaa aasaasihii ururkan C/risaaq Aadan,
wuxuuna ururka ku guulaystay inuu dadwaynaha iyo mas’uuliyiinta Sweden
ka dhaadhiciyo in arrinta Barakaat aysan ahayn sida uu Maraykanka u
sheegayo.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho: Ra'uusul Wasaare geeddi iyo Waftigiisa oo Maanta Booqanaya Goobo
Muhiim ah
War: 2,May,05,Mogadishu,somalia
Raisulwasaraha xukuumada federaalka KMG ee Soomaaliya
Muddane Cali Maxamed Geedi iyo Wafdiga uu hogaaminayo
ayaa maanta booqanaya Cisbitaalada ,Iskuulada iyo
Jaamicadaha Magaalada muqdisho.
Waxaa kaloo Raisulwasaaraha Booqanayaa xarunta
Ciidanka Nabadsugida ee Dawladaii Hore,xarumaha uu
Booqanayo ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweynaya
Maamulka ,Macalimiinta iyo Ardada iyo Shaqaalaha
Xarumaha Caafimaadka, Maleeshiyooyinka xarumahaasi
jooga iyo dadweynaha ku dhaqan magaalada Muqdushu.
Raisul wasaraha ayaa u sheegay dadweynahaasi in wax
laga qaban doono baahida ka jirta goobahaasi
,xukuumadana siineyso tixgalin gaar ah .
Raisulwasaaraha Xukuumada KMG ee Soomaaliya ayaa
maalmahan wadey in uu la kulmo qaybaha kala duwan ee
Bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdishu iyadoo maalin ay
ka harsan tahay in Dadweynaha reer muqdishu kula hadlo
garoonka Stadiyo.
Amaanka magaalada muqdishu ayaa caadi ah ,gaar ahaan
amaanka Goobaha uu booqanayo Raisulwasaaraha ayaa iska
xilsaarey xoogag ka socda bulshada ku dhaqan magaalada
Muqdishu,Ciidamada Milatariga iyo Boliiska iyo
Maleshiyoonka iskood isu xilsaarey oo aaney jirin cid
dhaqaale ku bixisaa.
Ka dib markii la sheegay in Ciidamo Shisheeye
Imanayaan Soomaaliya ayaa waxaa kor u kacay qiimaha
hubka culus iyo rasaastooda,halka kuwa fudud ay iska
caadi yihiin qiimadood ilaa iyo 6-bil la soo dhaafey.
Si kastaba ha ahaatee booqashada raisulwasaaraha ayaa
wax weyn iska bedelay magaalada muqdishu.
Dhamaad .
abadikarim Aden Hussein.
Muqdishu,Somalia
Tel.2521521409.
abdikarimhussein@hotmail.com
Hal Libaax arkeeysaa ma Godlato oo Geedi waxa uu ka baqayaa
C/laahi Yuusuf,
Xidhibaan Cabdi Saciid Cabdulle Jini Boqor oo isagu ka mid ah
Xidhibaanada Golaha Baarlamaanka Soomaaliyeed ee Fadhigoodu
Yahay Nairobi ,
Xidhibaanka oo Saxaafada ugu waramayay Maanta Xafiiskiisa
Magaalada Nairobi ayaa sheegay in Booqashada Raysulwasaare Geedi
ee Muqdisho uusan Gedi ka Abaal Gudin,
Dadka reer Muqdisho Siyaasiyiinta Culumaa udiinka iyo Qeybaha kalla
duwan ee Caasimada ayaa Caleemo Qoyan ku soo dhaweeyay Prof Cali Maxamed
Geedi,
Waxa u xusay in Dr C/qaasin Salaad Xasan Madaxweynihii Hore ee
Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed, Sh Yuusuf Maxamed Siyaad indhacade ayaa
si wanaagsan u soo dhaweeyay& Ganacsatada Muqisho
Waxaa na siib Daro ah in Prof Cali Maxamed Geedi uusan Jawaab Rasmi
ah ka bixin Buu Yiri Xidhibaan Cabdi Saciid Cabdulle Jini Boqor Qodobo
dhowra oo loo ban dhigay. Ku waa oo uu ku sheegay sidan,
- 1- in Maleeshiyada Muqdisho ku sugan oo hada Xidhibaanada&
Wasiirada Muqdisho Joogaa ay Xareeyeen Xukuumadu la wareegto lana
Tababaro oo Doowladu u aqoonsato Ciidamo Qaran.
- 2- In Xidhibaanada Muqdisho Joogo uusan ku dhiiri galinin
in ay aadaan Nairobi .
- 3- in Caasimada Soomaaliya ay noqoto muqdisho Xukuumaduna
ay Muqdisho Dagto.
- 4- In u aqoonsado Natiijadii Baarlamaanka Soomaaliya Gaaray
17/3//2005,
Waxa uu xusay in Geedi uusan Wax jawaaba wali ka bixin taasina
macnaheedu waa hal Libaax arkeeysaa ma Godlato oo waxa uu ka baqayaa C/laahi
Yuusuf,
Gudoomiyaha Baarlamaanku waxa u Tixgaliyay Codsigii Madaxweynaha oo
waxaad moodaa uu yiri in uu Hoowlihii Xidhibaanadu Xamar ku aadi
lahaayeen Hakiyay,
Maxamed Cumar Dalxa waa nin leh Aqoon&Waayo aragnimo mar baa la
damcay Buu yiri in madax loo rogo mase Suuro Galin .
Axmed Muuse Idaawaqaca Kenya_Nairobi
axmeddheere65@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | May 2, 2005
Nin Jarmal ah
oo Diley Xaaskiisii oo Soomaali ah, Laba Carruur ah iyo Labadiisii
waalid.
»Madaxweynaha
Soomaaliya oo Tegi Doona Muqdisho
»Kulanka
Raisulwasaraha & Xildhibaanada ku sugan Muqdishu
»Geedi
oo Booqday Xaruntii Vila Soomaaliya ee Madaxtoyada
»Qaramada
Midoobey oo baaq u dirtay labada gole ee DFK
»Gudoomiye_Xigeenka
Midnimada Africa oo Gaadhay hargaysa
»Ugaas
Max’ed Wali “C/llaahi Yuusuf isaga iyo cadaaladda...
»C/qaasim
“Dowladeedii waxaa hor yaalay isbaaro laakiin…..
Warka oo dhan ka akhri
halkan... Guji..
Digniin Ku
Wajahan Dadka Dega Hareeraha Webiga Shabeelle
Qaylodhaan ka soo yeertay Hay’adda
wadaniga ee CCS
Guji
Madaxweynaha
Soomaaliya oo Toddobaadka Tegi Doona Muqdisho
WARBIXINADII AFAR BILOOD LAHA EE
QARAMADA MIDOOBEY EE SOOMAALIYA:::
APRIL 2005 |
JANAAYO 2005 [.pdf]
BOOSAASO
& LA DAGAALANKA ANSHAX XUMIDA
Waxaa (19-04-2005) lagu qabtay Hoolka
Jamacada Bariga afrika Boosaaso Shir aad u balaaran oo ay yesheen
Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culumo owdiinka Gobolda Puntland
Qaar ka mida...
Guji...
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|