SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


  • Ergadii shirka dib u Heshiisiinta oo ku laabanaya dalka Somaliya Marxalado Adag ka dib.
  • C/Laahi Yuusuf oo Xalay kusoo laabtay Naiorbi
Ergadii shirka dib u Heshiisiinta oo ku laabanaya dalka Somaliya Marxalado Adag ka dib.

Canab Mumtaz | SomaliTalk
canabmumtaz@yahoo.com

May 29, 2005

Ergadii shirka dib u heshiisiinta Somaliya ee Eldoret ka soo qaybgashay ayaa lagu wadaa dib u celin iyadoo maalmihii la soo dhaafay la siinayay Fiisooyoonkii ay kaga bixi lahaayeen dalka Kenya, waxa ayna bilaaban doontaa qaybta ugu horeysa ee dadkaas dib loogu celinayo dalka bari subax.

 
Ergada shirka oo iskugu jira kuwa rasmi ah oo haysta kaararka aqoonsiga erganimo iyo kuwii kale ee dhexda kaga soo biirayba waxa ay dowladaha IGAD iyo kuwa Caalamiga ahba  ugu tala galeen in ay siiyaan sahay ay ku dhaafaan safarka iyo mid ay iskaga bixiyaan Tikidhada diyaarada ka dib dadaal dheer oo ay ergadu wadeen sidii ay ku lahaayeen dib u celin.
 
Qarashka waxaa bixinaya Hay'addaha caalamiga ah ee bixinayay Qarashka shirka,horay waxaa ergada looga lunsaday lacag ay bixisay Hay'adda UNDP Xafiiskeeda Nairobi iyadoo ugu tala gashay in ay iskaga bixiyaan qarashka jiifka iyo raashinka kadib markii badankood laga saaray Xaruntii shirku ka socday ee Mbagathi oo ay ku noolaayeen mudo ku dhaw labada sanno.
 
Xubin ka mid ah Ergada shirka ayaa ii xaqiijiyay in lacagahaas Nasiib darro aysan helin wax ka mid ah haba yareetee,laakiin ay maqleen oo kaliya in Hay'adda UNDP ay bixisay Qarash iyadoo u marsiisay dowlada DFKMG ah ee Somaliya,laakiin ilaa hadda ma jirto wax hadal ah oo ka soo baxay dowladda F.Somaliya ee ku aadan eedaymahaas ay u soo jeedinayaan Ergadda.
 
Mas'uul u hadlay Hay'adda UNDP ayaa u qiray Ergada kulan ay iskugu yimaadeen,waxa uuna mas'uulkaas u cadeeyay ergada in ay u soo dhiibeen qarash,iyagoo usoo marsiiyay Dowladda,waxa uuna sheegay in xiligaas ay dhiibeen uu ku beegnaa markii ay Madaxweynaha iyo Ra'iisul-wasaaraha Somaliya safaradii kala duwanaa ku Mareen dalka Somaliya meelo ka mid ah. 
 
Ergaddan dib loo celiyo hadda waxa ay ka soo qayb qaateen samaynta dastuurka Dalka Somaliya iyo waliba documentiyadii lixda ahaa ee looga hadlayay hanaanka dib u dhiska dalka oo ay ka mid ahaayeen,Nabad galyada,Dib u heshiisiinta,Dhaqaalaha, xiriirka caalamiga ah iyo kan gobolada dalka la dagaalanka Argaxisada iyo kuwa kale,waxaa kale oo ay qayb wayn ka soo qaateen wajigii koowaad iyo labaad ee shirka dib u hesiisiinta oo hadda ay ka soo baxeen labada golle ee Baarlamaanka iyo Dowlada.
 
Maraxalado Adag oo ay la soo kulmeen ergada Soomaliyeed ayaa  ka mid ahaan doona waxyaabaha ay ku xasuusan doonaan dalka kenya iyo intii ka qaybqaadanayeen shirka,waxaana ugu waynaa dhibaatoyinkaas tacadiyo ay ka galeen Hogaamiyayasha siyaasada oo qaarkood waa ergadee kula kacayay falal xun hadii aysan noqonin taageerayaashooda,waxa ayna badankood u hogaansamayeen amarada hogaamiye kooxeedyada oo markii horeba iyaga u suurta galiyay in ay galaan liiska erganimo mar hadiii aysan jirin awooda madax dhaqameeyada hadii aysan taas dhicin waxaa qasab ku ahayd in ay la kulmaan handadaad ay booliisku ku sameeyaan.
 
Dhibaatooyinkaas kuwo la mid ah waxa ay ergada ka qabsan jireen sidii ay ku heli lahaayeen jiif iyo raashin oo ahaa kan kaliya ee ugu darnaa maadaama aysan joogin dalkoodi ama hoygoodi,ma yara inta jeer ay indhahaagu qabanayeen hogaamiye kooxeedyada iyo kuwa la shaqeeya oo u faylaya xiliyada raashinka iyagoo qaar badan oo ka mid ah ergadana fadhiyaan geedaha hoostooda iyagoo daris la'ahaa muddo doofaaraha iyo daayeerada ku xaraysan xarunta Embagathi Hoyga xayawaanada ee ku dhagan kuna soo faafi jiray halka ay soomaalidu joogto maadaama ay ahayd meel ku fiican daaqsinka ama ay ku yaaleen geedo ay cunaan xayawaanku. 
 
Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta iyo shaqsiyaas iskood iskood isku xilqaamay ayaa ka mdi ahaa dadkii sida wayn uga saaciday ergada in ay helaan Raashin ay iskaga difaacaan qabowga daran ee ka jiray xeradaas,waxaana ka xusi karnaa Jenlaani Cali Kadiye oo hadda ah xidlhibaan,Dr.C/qaasim Salaad Xasan oo muujiyay sida uu uga xun yahay tacadiyadaas kana codsaday beesha caalamka in ay gargaaraan dadkaas,Marwadda Madaxweyne C/llaahi Yuusuf,Xaawa Ismaacil Samatar oo dhexda u xiratay in ay ka saacido dhinaca raashinka,laakiin isku day walba oo wax badan loogu qaban lahaa ergada waxaa hortaagnaa maamulka xerada oo damacsanaa in ay helaan qarash waxaana ay sidaas ku joogeen ergada muddo laba todoaad ah.
 
Dhibaatada kale ee ugu wayneyd waxay ahayd iyadoo lagu dhibi jiray sidii ay ku lahaayeen Fiisaha dal ku jooga ee kenya,waxa ayna walwal badan ka muujinayeen sidii ay uga badbaadi lahaayeen booliiska kenya oo inta badan isku badala tuugo badasha shaararka kuna qaraabta dhinaca sharciga,waxa ayna ka qaadan jireen ergadaas waxii ay hastaan haba ugu darnaato xiliyada ay soo booqanayaan xaafadaha Soomaalida  ay ku nooshahau ee Islii,inta badan waxaa looga galaa guryaha oo laga qaataa waxii laga heli karo tira malahayn inta jeer ee ay la kulmeen dhaawacyo fudud oo loo gaystay. 
 
Ergadda ku laabanaysa dalkooda hooyo ee Somaliya waa  kuwo ku daalay shirka,kadib markii ay ka waayeen waxii ay u yimaadeen ee ahaa in ay xubin ka noqdaan baarlamaanka ama ay helaan jago kale oo ah wasiir ama kuxigeen,laakiin taas waxaa ka horaysa in aysan nasiib u yeelanin ka mid ahaanshaha baarlamaanka,balse waxa ay ku faraxsan yihiin badankood sida ay ii xaqiijiyeen in aysan ka mid noqonin baarlamaankan oo lagu tiriyo kuwo aan aqoon badan lahayn,u badan jabhadii dalka soo burburiyay iyo kuwii la shaqayn jiray,waxa ayna ku eedaynayaan baarlamanka badankiis in uusan xil iska saarin waxii loo doortay sharciyadana ka doorbiya qancinta hogaamiyaha ay markaas siyaasad ahaan taageeraan.
 
Isku soo duub waxa ay qaar badan oo ah ergada shirka macsalaamayn doonaan Nairobi maalmo yar kadib,inta is diiwaan galisay ayaa ku dhaw laba boqol,waxaana ay dib u celintooda ku ekaan doontaa tobanka juun xiligaas oo ah marka ay ay dowladda kenya u qabatay in ay dowladda FKMG ah ee Somaliya iyo ergadeedaba is raacaan kadib mudo ku dhaw sadex sano oo ay dalkeeda ku sugnaayeen. 

Madaxweynaha dowlada FKMG ah oo caawa ku soo laabtay magaalada Nairobi ee dalka kenya.

 
Madaxweynaha dowladda FKMG ah ee Somaliya C/llaahi Yuusuf Axmad ayaa caawa ku soo laabtay Magaalada Naiorbi ee Dalka kenya isagoo maanta ka soo dhoofay magaalada london ee dalka Britain.
 
C/llaahi yuusuf Axmad waxaa garoonka ku soo dhaweeyay Ra'iisul wasaaraha dowlada FKMG ah Cali Geddi iyo xubno kale oo ka socday labada Golle,Ra'iisulwasaaraha laf ahantiisa xalay ayuu ku soo laabtay dalka kenya kadib markii uu safaro ku soo maray dalalka faransiiska iyo talyaaniga oo uu magaalada Fransa uga soo qaybgalay kulan caalami ahaa oo lagu casuumay in uu furo sanadkan isagoo Somaliya ka socda.
 
Madaxweynaha oo safar caafimaad ugu maqnaa magaalada london ayaa soo dhamaystay mudo laba todobaad ah oo lagu samaynayay baaritaan caafimaad,waxa uuna horay ka gali doona howlihii siyaasadeed ee dowalada iyo baarlamaanka,waxaana wali jira khilaaf u dhaxeeya isaga iyo gudoomiyaha baaralmaanka oo hadda ku sugan Magaalada Mogadisho.
 
Isku soo aadka labada mas'uul ee dowlada ugu sareeya ee ku soo laabashadooda dalka ayaa qayb ka ah dadaal ay dowladu ku doonayso in ay xubaheeda labada golle ugu rarto magaalooyin horay loogu codeeyay oo ka mid ah dalka soomaaliya ahaana Baydhabo iyo jowhar,waxaana ayna bilaabayaan dadaaladaas waxii ka dambeeya bari iyadoo xiliga ay haystaan in ay ku guuraana uu yahay 13 casho  oo ku eg bisha juun tobankeeda.
 
Magaalooyinka ay dowladu u socota ee jowhar iyo baydhabo ma'ahan mid ay ka jirto isku halayn badan,magaalada baydhabo ee gobolka bay qayb ka mid ah waxa ay gacanta ugu jirtaa Xidhibaan ibraahim xaabsade oo horay u sheegay in dowlada aysan imaan karin baydhabo waxa uuna xaabsade xiriir siyasadeed iyo isbahaysiba la leeyahay ururka isbahasiga oo ay ka mid yihiin Indhacade,Barre Hiiraale iyo seeraar kuwaas oo la fili karo in ay dhibaato u gaystaan ama ay taageero siiyaan xaabsade hadii uu damco in uu ishortaago qorshaha dowlada ay ku dagayso baydhabo.
 
Magaalada Jowhar oo aan wax badan ka fogayn magaalada balcad ee gacanta ugu jirya Muuse suudi hadana meel u dhaw maliishiiyaad kala taageera hogaamiye kooxeedyada hada ku biiray labada golle ee dowlada iyo baarlamaanka,ayaa laga muujinayaa walwal hadii ay dowadu dagto halkaasi in ay u adeegsan karaan maliishiyooyinkaas oo hadda ay sheegayaan in ay wax uga qaban doonaan xaalada amaan xumo ee ka jira Caasimada ay gacanta ku hayaan ee Xamar,waxa ayna horay u sheegeen in dowladu hadii ay iman wayso xamar aysan cag dhigi doonin jowhar baydhao,baladweyne iyo meel kale midna.
 
Ugu dambayn dhibka soomaaliya ma dhamaan karo inta shacabka ay hubaysan yihiin,hogaamiye siyaasadeedyaduna ay maalinwalba samayanyaan isbahaysi hor leh oo aan xal lagu gaarin,waxa ayna nabad ku soo laabata soomaaliya ku xirnaan kartaa in ay talada dalka si wayn looga wada qayb qaato iyadoo kaalintooda la siiyo aqoonyahanka,Culumada iyo Madaxda dhaqanka si ay u wada keenaan figarado horu socod leh si xalka guud ee dalka loo badbaadiyo Somaliyana ay u hanato tartanka Nabada ee geeska afrika.

Canab Mumtaz | SomaliTalk
canabmumtaz@yahoo.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | May 29, 2005

 

Siciid Tumaal oo Baaq kasoo Saaray Dilkii Khadar Cismaan Dhabar

Waraysi: Madaxweyne ku Xigeenka DGPL
Galkacyo: Qaylo dhaan ka soo yeertay Ceelka Yamayska

Garoowe: Xasan Abshir oo ka qayb qaadanaya caana shubka
Muqdisho: Kulan looga hadlay qaadisat Isbaarooyinka...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... May 28

Warbixin: Natiijadii Codbixintii Qodobka 76aad ee Dastuurka Dalka Masar..
iyo Baydhabo oo ay ka jiraan xiisado siyaasadeed.. Guji...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD