SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


YAA MAALI JIREY? faallo uu qoray Ugaas Maxamed Wali.

Yaa maali jirey waa eray Soomaali ah dadka intiisa badana ay garanayaan micnihiisa guud laakiin waxay xambaarsantahay murti balaaran oo u baahan in loo fasiro shacabka ama lagu sameeyo eray bixin.

Yaa maali jirey waa eray loo isticmaali jirey waqtiyo hore markii lakala dhaco geela siiba waxaa loo adeegsadaa marka la isku soo gaaro geela laguna dagaalamo. kadibna ay u muuqato ragii geela xigtada u ahaa in uu  geelu yahay mid lala tagay oo aan la ridi Karin. Waqtigaas ayaa la adeegsadaa Tola’ay yaa maali jirey war aaway hebel. Sidoo kale waxaa isticmaala abaanduulaha colka wata.

Hadii aan ugudbo ujeedadii aan lahaa, dalku wuxuu soo maray xaalado badan oo adag iyo kuwa xasiloon. Laga bilaabo waqtigii uu dagaalamayey Ahmed Gurey ilaa maanta xaalada dalka Soomaaliya, hadba dhinac ayay dhiganaysay, markastana waxaa sabab u ahaa hogaanka iyo shacabka oo aan laheyn xiriir rasmi ah ama is maqal iyo kala danbeyn. Amiir Ahmed Gurey waxay dagaalo qaraar dhex mareen isaga iyo boqortooyooyinkii xabashida ee xiligaas. Sidoo kale waxaa xaalad kale aheyd oo qalafsan xiliyadii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo ay dirirayeen gumaysigii sedex geesooka ahaa, sida Ingiriiska, Talyaaniga iyo Xabashida iyo dadkii Soomaaliyeed ee aan indheergaradka aheyn, waqtigaas marxalada ku xigtay waxay ahayd xiligii la helay xorriyada. Sida aan ognahay bini’aadamku waa wax dhib badan waxaana ka mid ah dhibabkiisa xukun jacaylka, aduun jacaylka, qabiilka, beenta, khiyaanada, jahliga, dulmiga iyo madax adeega. Dadkii Soomaaliyeed ee xiligii xorriyada la helay maamulka hayey, waxay u qaybsanaayeen inta aan kor ku soo sheegnay, marka laga reebo dad yar oo alle u naxariistay arrimahaasi waxay keeneen inay cagadhigan waydo dowladnimadii. Kadibna la dilo madaxweynihii ugu dambeeyey ee la doortay Alle ha u naxariistee. Xukunkii waxaa inqilaab kula wareegay ciidamadii xooga dalka, laga bilaabo maalintii xorriyada la qaatay ilaa maanta, dalku  wuxuu gacanta ugu jiraa dadkii aan kor ku soo sheegnay ee khayrkooda iyo shartoodu, shartoodu  badneyd.

1978 dalka waxaa ka bilowday dagaalo sokeeye, dagaaladaas sokeeyana waxay socdaan 28 sano dadku way is xasuuqeen cadowgoodiina wuu xasuuqay, waxayna gacanta u galeen dad makas ah oo aan laheyn cilmi diini ah, mid maadi ah wadaniyad iyo caqli fiican midnaba. Qofkasta wuu dareemi karaa dadka noocaas ah waxa ka imaan kara. Dhowr jeer waxaa la isku dayey in la dhiso dowlad soo celisa kala danbeyntii iyo sharaftii umada somaaliyeed, nasiib darrose way suurta gali wayday inay taaba gal noqdaan dowladahaasi. Dadkii Soomaaliyeed ee uu dhex maray dagaalka sokeeye way isdileen, wayna is kufsadeen, wayna is dhaceen, wayna is barakiciyeen. Ilaa ay arrintu gaartay qabiilba qabiilka uu necebyahay inuu xalaalaysto naftiisa iyo maalkiisa, qofba qofka uu necebyahayna inuu xalaalaysto naftiisa iyo maalkiisa. Arrintaas waxay burburisay midnimadii ummadda Soomaaliyeed isla markaana waxay sii fogeeysay xal u helidii arrimaha Soomaaliya, xaaladuna waxay isu rogtay dhinaca kale oo waxay dhalisay ninkasta inuu ku raadiyo gacanta qabiilkiisa xukunka, arrimahaas isbiirsaday ee dhowrka ah waxay sababeen is aaminid la’aan iyo dad aan shakhsiyad fiican laheyn isla markaana dhibaato loo geystay iyaga naftooda inay si fudud ugu gacan galaan cadowgii ummadda Soomaaliyeed, iyagoo si daacad ah ugu adeegaya cadawgii soo jireenka ahaa. Arrintaasna waxaa ka dhashay dhibaato balaaran waxayna u fududaysay cadowga ummadda Soomaaliyeed in uu si fudud gacmaha ula galo danihii gaarka ahaa ee ummadda. Asagoo ka faa’iidaysanaya cadowgaasi kala fogaanshahooda iyo xogaha muhiimka ah ee uu ka helayo iyaga dhexdooda. Sidoo kale waxaa gacanta ka baxay wadankii Soomaaliya haddii uu dowlad la’aan sii ahaado muddo yar kadibna waxaa la is waydiin doonaa meeshii uu kaga jirey caalamka.

Baddii waa lala wareegay oo maraakiib shisheeye ayaa la wareegtay, waxay rabaana way kala baxaan waxay rabaana way ku shubaan, barrigiina waxaa baabi’iyey dadkiisii aan aheyn indheergaradka iyo cadowgoodii soo jireenka  ahaa, oo ka faa’iidaysanaya dowlad la’aanta ka jirta dalka Soomaaliya. Tan kale sida nooga muuqanaysa istiraatiijiyadii loo dajiyey ummadda Soomaaliyeed waxaa loogu talagalay 20 sano kadib in laga helo Kiristaan gaaraya 20% kadibna la siiyo kiristaankaas dhaqaale ay ku cadaadiyaan ummadda iyo xirfado iyaga u gooni ah si ay u kasbadaan dad badan oo taagyeerayaal ah ilaa ay ka gaarto, gaalkayaga maxaa laga rabaa, ninkii gaal raba, gaal wadanka wuu ka bataye, ilaa arrintaasi ay dhacdo ninna wax uma dhisayo Soomaaliya iyaduna wax ma dhisan karto oo waxaa hortaagan dad mar hore dhintay oo loo haysto inay noolyihiin. Abwaan soomaaliyeed wuxuu yiri hadda ka hor Geelii la dhacay faaraxow waa la dheefsadaye dhoombirkiyo rasaastiina waa iga dhamaadeene raggii waa hore dhintaan sugahayaa in ay Geela dhiciyaane.

Arrintu inay sidaas tahay waxaa noo cadaynaya dhacdooyinka ama tusaalooyinka na soo maray iyo kuwa hadda na horyaala:-

1. Istiraatiijiyada reer galbeedku waxay aheyd in la dumiyo qarankii Soomaaliyeed kadibna  hubku gacanta u galo dadweynaha. Halkaasna uu ka dhaco dagaal sokeeye oo faraha looga gubto, nin kastana uu hilmaamo qarannimaddii oo uu qabiilka naf ka doono.

2. Maamulkii dhexe inaan lahelin maamul bedela isla markaana shacabku dhinac kasta u firxado kadibna loo aqoonsado shacabka  Soomaaliyeed Qaxootinimo loona daad gureeyo waddamada loo yaqaano barwaaqo sooranka reer yurub iyo dalka Maraykanka, taas oo micnaheedu yahay in la bedelo diintoodii iyo dhaqankoodii u gaarka ahaa.

3. In laga ilaaliyo wadanka Soomaaliya dowlad ka dhalata inta laga helayo qof ka mid ah qaxootigii dhaqan badelmay oo madaxweyne looga dhigo Soomaaliya iyo in ay noqoto sida Lubnaan iyo Falastiin oo kale, qayb kiristaan ah, qaby shiico ah iyo qaybo kale oo aan diinba haysan. Ilaahay baan ka magan galnay dhagarta gaaladu nala doonayso.

Dalkii dadkii iyo diintii waxay in muddo ah dhex dabaalanayeen xaalad aad u adag, haddii ay ku sii jiraan xaaladahan qallafsan oo ay hadda ku sugan yihiin waxaa laga yaabaa  inuu ku dhaco isbedel aad u weyn oo taariikhdu in badan ka sheekayso dad gaar ahna lagu eedeeyo  aakhirana la is waydiiyo.

Haddaba waxay u baahan yihiin in laga badbaadiyo xaaladahaas maxaa xal ah? ma nihin xayawaan ee waxaan nahay dad Ilaahay abuuray, bini’aadamna laga dhigay, haddana muslim laga dhigay, waa in la helo xalkii lagu badbaadin lahaa dalka, dadka iyo diinta meesha maanta ay marahayaan.

Akhristow waxaad xusuusataa maqaalka magaciisii ahaa yaa maali jirey? dad ahaan ma jirno dal ahaanna haba sheegin dulmigii dalka lagu sameeyey iyo kii dadka lagu sameeyey iyo kii diinta lagu sameeyey  qalbigu wuu xamili waayey dadkii lahaa damiirka mar hore ayay ciil u dhinteen. Qofkii ay wax yar ku hareen oo damiir ah wuxuu taagan yahay in uu is qarxiyo.

Maanta xaaladu ma taagna xininyo maleedahay waxay u baahan tahay nin raganimadiisu ay tahay qoraxda oo kale, caqligiisuna uu yahay nalka oo kale iyo gabar aan lahayn shahwo iyo hunguri. xaaladu waxay maraysaa yaa maali jirey? muusanoowdoo mayran, oloshey war yaa maali jirey.

Akhristayaasha sharafta leh waxaan idin xasuusinayaa arrintu ma taagna reer Qansax iyo reer Qurac. Cilmi ahaan iyo caqli ahaan labadaba ma jirto meel Soomaaliya ka hoosaysa oo la harsado, ninkastaba ha iska illoobo anaa ina hebel ah iyo anaa reer hebel ah, iyo anigaa wax ahaan jirey, waxaan idinka codsanayaa inaad talo ka bixisaan dalkii, dadkii iyo diintii sidii aan ku badbaadin laheyn loogana saari lahaa marxaladda maanta ay ku jiraan. Dadka la rabo inay ka tala bixiyaan waa dadka ilaahay la hadlay, waa dadka cilmiga, caqliga, wadaniyada iyo waayo aragnimada bulshada u saaxiibka ah.

FIIRO GAAR AH

waxaan idinka codsanayaa si  xushmad ku dheehantahay qof kasta in uu meel iska dhigo rabitaankiisa gaarka ah taageerada qabiilkiisa iyo qof gooni ah oo uu jecelyahay sidoo kale waxaan codsanayaa xalka in aan lagu darsanin dowladda uu hogaaminayo Madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf iyo hogaamiya kooxeedyada xamar ka taahaya, sidoo kale waxaa muhiim ah in la xusuusnaado qof wax haleeyay in uusan hagaajin Karin ilaa uu ka toobad keeno, sidaas waxaa yiri Ilaahay Subxaanahu Watacaalaa “Illaa man taaba wa aamana wa camila saalixan”. Caqliguna wuxuu leeyahay qofkii candhuuftaadu gaarto gacantaadu hala jirto, waxaan ka cudur daaranayaa wixii khalad ah waxay ka ahaadeen naftayda iyo shaydaan wixii wanaag ahna wuxuu ka ahaaday Ilaahay agtiisa.

Wabillaahi towfiiq

Emailka: kulmiyepress@hotmail.com
Tel: 254-721582761
Ugaaska Beesha Mareexaan ahna Afhaayeenka Salaadiinta beelaha Daarood
Ugaas Maxamed wali Sheekh Ahmed Nuur

Waraysigii SomaliTalk ee Ugaas Maxamad Wali: Ugaaska Beesha Mareexaan, ahna afhayeenka salaadiinta beesha Daarood Guji

 

Faafin: SomaliTalk.com | May 28, 2005

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

»OGADENYA Vs HARGAYSA IYO HADALKI  DIRIDHABA | Hereri

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD