SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARAR
Daabaco Boggan | Print


  • WARAYSI: MADAXWEYNE KU XIGEENKA PUNTLAND.
  • CABASHO WEYN OO KASOO YEERTAY CEELKA YAMAYSKA GALKACYO
  • Xasan Abshir oo ka qayb qaadanaya caana shubka Islaan Ciise
  • Kulan Looga Hadlayay Qaabkii Loo Qaadi Lahaa Isbaarooyinka Faraha Badan ..

WARAYSI DHINACYO BADAN TAABANAYA: MADAXWEYNE KU XIGEENKA PUNTLAND.

Galkacyo (Somalitalk) | Sahro Sheikh | sahrosiglan@hotmail.com

Sabti, May 28, 2005

Waxaa noo suurto gashay in aan waraysiyo kala duwan layeelano Madaxwaeyne ku xigeenka DGFSPL, Mud, Xassan Dahir Afqurac.

Waraysiyadan oo SomaliTalk ay kula yeelatay Hotel Taar maalinnimadii talaadada ahayd intii uusan ka anbabixin magaalada galkacyo oo uu kormeer howleed ku joogey muddo labo maalmood gudahooda.

Waxaa kamid ahaa waraysiyada aan la yeeshay M/kuxigeenka PL, in uu nooga warbixiyo waxa uga suurto galay howlihii shaqo ee uu soo kormeerayay.waxa uuna ku jawaabay'

Jawaab:

Waxaan marka hore u imi galkacyo in aan soo hubiyo dhisme ka socday garoonka diyaaradaha ee galkacyo iyo in aan kormeero ogaadana xaaladda ammaanka ee gobolka iyo howlo kale oo ay kamid yihiin degmada Goldogob oo iyana ay qolyo katirsan noogu yimaadeen garoowe noona sheegeen in degmada laga soo doortay mid kamid ahaa noona sheegay in gudoomiye uu isagu kanoqonayo Goldogob taasna waxa ay noqotay mid aan hirgalin oo waxaa nooyimid qaar kamid ahaa odayaasha beesha waxayna noo sheegeen in aysan wax ka jirin qoraalka oo wato ninka doonaya in uu degmada u noqdo gudoomiye dee aniguna waxaan qaatay go,aan oo degreeto kama aan soo saarin lakiin waxaan odayaasha u sheegay in ay iyagu wax sax ah layimaadaan kadibna loo ansixiyo hadii ay kii hore ama ku cusubba soo magacaabayaan dee iyagaa soo gudbinaya wixii ay isla soo gartaan, Sidoo kale waxaan soo arkay garoonka diyaaradaha waxaana ka socda dhisme wanaagsan waxaana ku baxay qarash dhan 150, malyan oo sh, Somali ah walina waxa uu u baahanyahay dayactir xoogan maadaama ay roobabkii waxyeelo u geysteen halkii ay diyaaradu soo cago dhiganaysay.


(Taagan) Xasan dahir Afqurac oo booqanaya garoonka  iyo agaasimaha airport-ka (fadhiya)

Garoonka Galkacyo, waxaa taagan Agaasimaha guud ee garoonka

Su,aal. Madaxweyne xigeen yaa bixiyay qarshka 150ka ah ee aad sheegtay?

Jawaab. Waxaa bixiyay lacagtan maamulka gobolka ee diyaarada dowladda iyo diyaaradaha fariista garoonka walow aysan ku filayn waxaase kaloo bixinaya ama balanqaaday in ay iyaguna wax kabixiyaan qarashka dayactirka ah dadka uu ganacsigoodu ka soodago walow aan wali lawada helin hadana waa loobaahanyahay in lasii kobciyo qarashka ku baxaya dhismaha oo waxaan soo kormeeray sidii dhismuhu u socday waxaan arkay oo soo kormeeray qaybaha kala duwan, aad ayayna u socotaa howsha garoonka.

Su: Madaxweyne ku xigeen Waxaad warbixin naga siisaa xarigii loo gaystay wariyayaashii wargayska shacab ee ka soo baxayay Magaalada Garoowe iyo degreetadii aad ka soo saartay xarigooda oo ahayd qodobkii dastuurka ee xeerka lanbarkiisuyahay 51 oo aad u cuskatay in laga joojiyo shaqada wargayska uu wado.

Ja: Anigu ma aan garanayo xarig loogaystay laakin waa jirtaa in la soo saaray go,aan ah in ay joojiyaan shaqada si ku meel gaar ah ayayna ahayd ee si rasmi ah looma joojin joornaalka aniguna waxaan...

Su: Waxaad u cuskatay lanbarka 51ee dastuurka oo qeexaya in lagu oogo lanbarkan denbiilayaasha ugu danbiga culus ayagana xeer ilaaliyaha guud ee maxkamadda PL, uu ku waayay danbe kadibna waa la soo daayay adiguna waxaad leedahay lagama joojin shaqada.

Ja: Magaranayo xeer ilaaliayaha in uu wax ku waayay iyo in kale ee aniga xukuumadda ayaan ka mid ahaa oo waxaa laga wada hadlayay oo laqodabeynayay waxa laga yeelayo ee sida aan kuu sheegayba majirto cid joojisay laakin waxaa noo socda wada hadal wixii ka soo baxana waa lawada arkayaa oo hadii danbi lagu waayo dee maba lahan hadii lahu helana iyana waa laga wada hadli.

Su: Waa maxay danbiga lagu helayo maxkamaddu wayba ka waydaye?

Ja: Waxaan maqlay in ay aflagaadooyin ku soo qoreen Joornaalka oo aniguba waan arkay waxaana ay ku caynayeen shaqsiyaad iyo maamulka sidii aan kuu sheegayna waxaa noo socda wada hadal.

Su: Oo Madaxweyne xigeen waxay kawaramayeen dakhliga iyo miisaaniaydda dowladda marka hadii runta laga hadlo mawaxaa lacaayay shaqsi, midakalena waxaa dastuurka lanbarka shanaad uu qeexayaa xoriyadda saxaafadda iyo madaxbanaanida wariyayaasha, mawaxaad wax ka badasheen qodobkii shanaad ee xoriyadda saxaafadda.

Ja: Anigu ma oran waxbaa labadalay manajiraan wax labadalay ee waxaad akhrisataan waxa idinka quseeya xeerka dastuurka oo maaha in la aflagadeeeyo shaqsi hadana maxkamadii majoogo oo qodabayn mayno wadahadalna waa noosocdaa sidii aan horayba kuu iri.

Su:Madaxweyn ku xigeen waxaa na soo gaaraya in magaalada Boosaaso laga furay wargays cusub waxaan maqaal nagu ah in dowladdu ay leedahay oo ku badashay kii hore oo lagu magacaabi jiray wargayska PL, kanna lagu magabo Warside Maandeeq waxa uuna ka soo baxaa daabacaadda jaamacada east africa ee magaalada Boosaaso wararkuna waxay sheegayaan in joornaalkaa dartii kan loo joojiyay adiguse maxaad ka ogtahay joornaalkan oo labo todobaad soobaxayay.

Ja:Adaan kaa maqlayaa wali mahayo in joornaal uu boosaaso ka soo baxay iyo mid ay dowladi leedahay toona oo aan ogahay majiraan. 

###dhammaad waraysiga###

YAMAYSKA GALKACYO OO LAGA CABANAYO.

Waxaa dadwaynaha magaalada Galkacyo ay ka cabanayaan baliga weyn ee yamaayska oo noqday mid ay ku dhintaan caruurta magaalada kadib marka roobabka xoogani ay ka da'aan magaalada caruurtuna ay wada galaan baliga oo buuxa.

Waxaa dhamaan ay qaylo dhaan ka yeertay shacabka magaalada, culumaaudiinka, waxgaradka oo jimcadii dhowaydna ay culimadu masaajidka ka sheegtay in la dayactiro yamayska si looga taxadaro dhimashada faraha badan ee lagala kulmo yamayska.

Waxaa 19 bishan kudintay wiil 18-jir ah oo dhiganayay dugsiga sare ee Cumar Samatar ayadoo isla bishii ka horaysayna ay ku dhinteen labo caruur ah, wali majiraan cid si rasmi ah wax uga qabatay dayactirkan la isku soo qaaday oo lasheegay in silig lagu wareejiyo, walow ay wasaaradda dalxiiska ee gobolkana sheegayeen in ay hay,adaha ka codsandoonaan in laga dhigo goob dalxiis loona sameeyo laashash ama doomo. 

XASAN ABSHIR FAARAX IYO WAFTI UU HOGAAMINAYO OO MAANTKA KA SOO DAGAY GAROOWE

Wararka ka imanaya garoowe ayaa tibaaxay in wafti ka socda DFKS oo uu hogaaminayo Xasan Abshir ay soo gaareen magaalada garoowe waxa ayna doonayaan in ay ka qayb qaataan Caana shubka iyo caleema saarka Islaan Ciise.

Waxaa maal mahanba soconayay abaabul wayn oo lagu doonayay in laga qayb qaato caana shubka Islaanka ayadoo dadka ay isaga imanayeen guud ahaan gobolada PL iyo soomaaliya qaybeheeda kale.

Sahro Sheikh | sahrosiglan@hotmail.com


Kulan Looga Hadlayay Qaabkii Loo Qaadi Lahaa Isbaarooyinka Faraha Badan ..

Waxaa maanta xarunta xaruntii Xisbiga ka dhacay shir albaabada u xiranyihiin oo ay yeesheen labada gole ee xamar ku sugan uuna shir gudoominayay Shariif Xasan Sh. Aadan.

Kulankaan oo albaada u xirnaayeen Saxaafadana aan loo ogoleen iney gudaha soo galaan, ayaa ilo xog ogaal ah iyo qaar ka tirsan labada gole ay ii sheegeen in la isku soo hadal qaaday sidii loo qaadi lahaa isbaarooyinka faraha badan ee yaala gudaha muqdisho oo lagu qiyaasay 43 Isbaaro.

C/rashiid Shire Ilqeete oo ka mid ah Ganacsatada ugu waa weyn muqdisho ayaa madasha shirkaas ka soo qeyb galay isagoo lagu eedeynayo in uu isbaarada uu qeyb ka yahay.

Waxaana halkaas lagu gorfeeyay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu qaado isbaarooyinka maleeshiyoyinka hubeysana ee u sugan isbaarooyinkana lagu soo xareeyo xerooyinka haatan lagu xareynaayo maleeshiyooyinka hubeysan ee muqdisho ku sugan.

Abdifitahaam Ahmed
Mogadishu
Email: abdifitahaam@hotmail.com
 

Qaabkii loo dilay Dr. Abiib iyo dad badan oo lagu xidhxidhay magaalada Garbo
iyo Guddiga doorashada ee Itoobiya oo taladu gacantoodii ka baxday... Guji.. May 27

 

Faafin: SomaliTalk.com | May 28, 2005

 

DENMARK: QAXOOTIGA SOOMAALIYEED CIDNA UMA MAQNA, CEELNA UMA QODNA
Xaaladda ay ku sugan yihiin Qaxootiga Soomaalida ee ku jira xeryaha ku kala baahsan dalka Denmark ayaa.. Guji

 

Gen.Morgan oo u ambabaxay Mogadisho iyo doona kismaayo
»Weriye lagu Xiray oo Bosaso, oo lasoo daayey
»Weriye laguDhaawacay Magaalada Muqdisho
Wararka oo dhan ka akhri halkan... May 25

 


KAYD::: Qaabkii ay u dhacday Doorashadii cadde Muuse loogu doortay MDGPL

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD