SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARAR
Daabaco Boggan | Print


 Barnaamijkii Radio Xoriyo

27  May. 2005 

  • Qaabkii loo dilay Dr. Abiib iyo dad badan oo lagu xidhxidhay magaalada Garbo. 

  •  Eriteriya oo u dabbaal degtay 14-guuradii kasoo wareegtay xornimadeeda. 

  • Guddiga doorashada ee Itoobiya oo taladu gacantoodii ka baxday.

======================

Qaabkii loo dilay Dr. Abiib iyo dad badan oo lagu xidhxidhay magaalada Garbo.

18/5/05 magaalooyinka  Shaygoosh iyo Birqod dhexdooda,ayay ciidamada cadowgu ku dileen Dr. Ahmed Gurey Abiib, oo ahaa takhtarka kaliya ee ka shaqeeya Isbitaalka magaalada Qabridaharre. Dhakhtarku wuxuu la scoday baabuur ay saarnaayeen nimanka Itoobiya u  adeega ee kala ah Jamiil Muxumed Gaas iyo Khadar Macallin. Markii ay marayeen meel Shaygoosh iyo Birqod u dhexaysa ayay ciidamo Wayaane ah oo jidka ku jiray xabbad ku fureen baabuurtii iyagoon wax digniin ah siinin ama ka codsanin inay joogsadaan.

Markii ay tacshiiradu wax yar socotay ee la is-gartay ayuu sargaal ka tirsan ciidammada Wayaanuhu xanaaqay, ka dibna rasaas huwiyay meeshii ay taagnaayeen dadkii baabuurta saarnaa, isagoo ujeeddadiisu ahayd inuu laayo. Nasiib darrose waxay xabbadaasi isla goobtii ku dishay Alla ha u naxariistee Shahiid Dr. Axmed Abiib Gurey. Waxaa kaloo halkaas ku dhaawacmay labo qof oo kale. 

19/4/05, Tuulada Buur-yare oo degmada Iimay ka tirsan ayay ciidamada gumaysiga Itoobiya ku dileen ragga kala ah: 

1-Khadar Cabdulahi Moh/ed Sulub.

2-Ahmed Sh. Barkhadle Cabdulahi. 

10 20/5/05, ayaa magaalada Garbo  lagu xid-xidhay dad 200 oo ruux ka badan, oo markay xabsiyadii qaadi waayeen xeryo loo ooday. Dadkaas faraha badan ee la xidh-xidhay waxaa ka mid ah, carruur yaryar, haween iyo dad waayeel ah oo qaarkood 90 sano da,doodu dhan tahay. Waxaa kale oo dadkaas la xidhay ka mid ah laba Ugaas oo ka mid ah ugaasyada beelaha deegaankaas dega. 

Dadkaas waxaa loo haystaa inay ku lug lahaayeen, baabuur ay ciidamada cadawgu lahaayeen oo hadda ka hor ay Jabhaddu Garbo iyo Agagarkeeda ku gubtay, kuwaasoo 8 askari oo ciidamada Wayaanaha ah oo 7 sargaal ku jiraan ayku dhinteen. 

Dhinaca kale 23/4/05, magaalada Baabili gudaheeda hawlgal laga fuliyay ayaa lagu dilay 2 askari oo ciidammada gumaysiga itoobiya ka mid ah. 

14/5/05, Kolonyo ciidamada gumeysiga itoobiya ah oo maraysay meel u dhow Yucub ayaa waxaa weerartay fallaadh ka mid ah ciidammada xoreynta Ogaadeenya, waxayna weerarkaas ciidammada gumaysiga itoobiya  kaga dileen 6 askari,halka kuwo kalana lagu  dhaawacay. 

Eriteriya oo u dabbaal degtay 14-guuradii kasoo wareegtay xornimadeeda. 

Dadka Eriteriya ayaa 24 kii Bisha May 2005 u dabaal degay sanad guuradii 14aad ee kasoo wareegtay markay gobonimadooda ka qaateen gumaysiga madoow ee itoobiya. Waxaa dalka oo dhan looga dabaal degay si aad ah oo waxyaalo badan oo dhinaca horumarka iyo dhaqanka dalka ku saabsan lagu soo bandhigay. 

Garoonka weyn ee kubbada cagta ee ku yaala caasimada Eriteriya magaalada Asmara ayaa lagu qabtay xafladda sanad guuradii 14 ee gobonimada Eriteriya. Halkaasoo madaxweynaha dalka Eriteriya Isaias Afwerki uu salaan kaga qaatay ciidanka salaan sharafta bixiya, waxaa iyadana gaardi ku maray cutubyo ka mid ah ciidanka qalabka sida dalkaasi Eriteriya. Sidoo kale ardayda dhigata dugsiyada Hoose/Dhexe iyo  sare ee dalka Eriteriya ayaa munaasabadaas kusoo bandhigay Mahrajaan cajiib ah. 

Waxaa bilowgii xafladda khudab dheer ka jeediyey Madaxweyne Isaias Afwerki oo ku dheeraaday in dhibaatada horumarka dalka Eriteriya ka hortaagan inay tahay Xukuumadda Wayaanaha oo gardaradeeda garab ku haysata. 

Wuxuu yidhi Madaxweyne Isaias, 14 sano kuma badna nolosha qaranimada; gaar ahaan dal uu burburiyey dagaal 30 sano socday. Wuxuu sheegay Madaxweynuhu,inaan muddada ay xorta ahaayeen la qiimayn karin haddii aan la soo qaadanin turunturooyinkii ay Taliska Wayaanaha iyo kuwa la jira ay dalkiisa ku hayaan. Wuxuu sheegay markii la eego muddada yar ee ay xorta ahaayeen iyo dhibaatada la soo gudboonaatay inuu horumarka ay gaadheen ka sareeyo sidii caadiga ahayd ee la filayey. 

Wuxuu Madaxweynuhu ku dheeraaday mawqifka Golaha Ammaanka ee u janjeedha dhinaca Itoobiya ee ku saabsan mushkilada degmada laysku haysto.

Wuxuuna  yidhi madaxweynuhu; Bishii la soo dhaafay ayey 3 sano ka soo wareegtay go’aankii Guddigii Xuduudda, wuxuuna sheegay in dhaqanka Golaha Ammaanku uuna ahayn oo kaliya mid  ka turjumaya xaaladda qalalaaso ee dunidu maanta ku jirto, balse uu horseedayo siyaasad  aad khatar u ah. 

Waxaa la yaab leh ayuu yidhi Madaxweynuhu, in fikirka diidan in xadka la calaamadeeyo uusan ka soo fulin Wayanaha, laakiin ay kuwa taageera ku yidhaahdeen “ku dhawaaqa inaad mabda’a ahaan ogolaateen go’aanka, inta kalena anaga noo dhaafa”.  

Madaxweyne Afawarki ayaa carrabka ku adkeeyey in taageerayaasha Wayaanaha ay u qorshaysan tahay in Eriteriya la curyaamiyo,isla markaana Wayaanaha laga caawiyo dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda, diblomaasiyada iyo dacaayadda intaba. 

Kuwa gargaara Wayaanaha waxay ka dhaafeen, dayntii, iyo gargaar loogu magac daray “cuntadii ayaa ka yaraatay Itoobiya” ayuu yidhi Madaxweyne Afwerki. Wuxuuna Madaxweynuhu cadeeyey in gaargaar Ciidan lagu siiyo Wayaanaha magaca “is kaashiga ka hortagga argagixisada” iyo waxay ku tilmaameen  “tirtiridda waxa lagu magacaabo Al Itixad oo Soomaaliya ka jira”, taasoo abuuraysa duruuf lagu farageliyo dalkaas, isla markaas laga difaaco Wayaanaha. 

Guddiga doorashada ee Itoobiya oo taladu gacantoodii ka baxday. 

Guddida doorashada Itoobiya ayaa u muuqda inay farahooda ka baxday hawshii tirinta codadka doorashadii la qabtay 15-kii May,2005 sidaasna waxaa lagu sheegay warbixin ka soo baxday kooxdii Midowga Yurub u qaabilsanayd u kuur-gelidda doorashada Itoobiya. 

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in laga yaabo in Midowga Yurub uu si muuqata u canbaareeyo qaabka ay wax u socdaan, si uu lafihiisa uga fogeeyo eedda ka dhalan karta in doorashadu ayna ahayn mid nadiif ah. 

In ka badan toban maalmood ayaa ka soo wareegtay xilligii doorashada la qabtay, hase yeeshee siyaasad ahaan iyo xog ahaanba qalalaase ayaa ka jira natiijada doorashada.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in Guddiga Doorashooyinka Itoobiya uuna si fiican uga hawl gelin sidii codadka sax loogu tirin lahaa, isla markaana uu wararka ka sugo oo kaliya shaqaalaha u qaabilsan goobaha doorashooyinka ee kala duwan. 

Natiijada doorashada ee la raajiyay ayaa laga cabsi qabaa inay keento qalalaase wayn oo dalkoo dhan ka abuurma. Ilaa iyo haddana xukuumadda Itoobiya ma ayna sheegin sababta ay dib ugu dhigayso dabool ka qaadista meesha ay marayso cod tirintu.  

Xisbiga ugu wayn xisbiyada mucaaradka ee CUD ayaa isaguna dhiniciisa ku hanjabay inuu natiijada doorashada qaaddici doono, wuxuuna xisbigu ka sheegtay dhibaatooyin fara badan oo ay xukuumaddu ku hayso, isagoo tilmaamay inuu ka cabsi qabo in isbahaysiga EPRDF uu doorashada ku shubto, sidii uu beryihii horaba yeeli jiray.

 Radio Xoriyo

27 May. 2005

C/nuur Sh. Mohamed

info@radioxoriyo.com
radioxoriyo@ogaden.com
raadioxoriyo@yahoo.com
 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

 

Faafin: SomaliTalk.com | May 27, 2005

 

DENMARK: QAXOOTIGA SOOMAALIYEED CIDNA UMA MAQNA, CEELNA UMA QODNA
Xaaladda ay ku sugan yihiin Qaxootiga Soomaalida ee ku jira xeryaha ku kala baahsan dalka Denmark ayaa.. Guji

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD