Waa maxay ujeedada ETHIOPIA ka leedahay
Somalia inay ciidamo u dirto?.
Qore:
Abdalle Abdirahman Farah
mobile:2522 419093
Hargeisa,Somaliland.
E-mail: abdalle30@yahoo.com
ama abdalle30@hotmail.com
Marka su'aasha kor ku xusan oo kale
lagu weydiiyo kolay waxa kugu soo dhacaaya waxyaabo aad ufaro badan oo
taabanaya xaqiiqada jirta ee Ethiopia ka leedahay soomaliya markaad
ufiirsato bulshoweynta soomaalida ee kukala nool daafaha dunida iyo
gudaha soomaaliya waxay badankoodu rumaysan yihiin fikrad qudha taasi oo
kuu caddaynaysa in soomaalidu aad utaqaano habdhaqanka Ethiopia taasi oo
soomaali badani garan karto ujeedada ay Ethiopia u rabto inay ciidamo u
dirto soomaaliya.
Hadaba hadaan gudo galo nuxurka
ujeedadayda waxaan marar badan isweydiiyaa markaan dhagaysto ama
akhristo wararka ka yimaada dalka Ethiopia kuwaas oo marba marka ka
dambaysa kasii daraya,waxaynu ognahay in Ethiopia tan iyo markii ay
burburtay jamhuuriyaddi soomaaliya ay Ethiopia faraha kula jirtay
arrimaha soomaaliya mararka qaarna ay ciidamadeedu soo galaan dhulka
soomaaliya.
Ethiopia waxay had iyo goor hub iyo
saananad milatariba siisaa qaar kamida hogaamiye kooxeedyada soomaaliya
taasi oo ah arrin cad oo soomaalidu kawar qabto iyadoo Ethiopia rabta in
soomalidu isku dilaan hubkaasi si aan soomaaliya marnaba nabad galyo uga
dhicin,dhacdooyinka noocaas ahina ay muujinayaan cadaawada Ethiopia u
qabto soomaliya iyo in Ethiopia ay aaminsantahay in cadawgeeda kowaad
yahay dalka soomaaliya iyadoo niyadda ku haysa dagaaladii dhexmaray
soomaaliya waqtiyadii 1977 iyo kuwii ka horeeyeyba.
Ethiopia waxay had iyo goor ku eedaysaa
soomaliya in ay hoy utahay ururadda argagixisada taasi oo dhawaan si cad
oo mugdi lahayn u sheegtay in Alqaacida ku sugan tahay magaalo madaxda
soomaliya ee mogadisho,hadaba waxaa isweydiin mudan Ethiopia daacad ma
ka tahay dawlad soomaaliya yeelato oo noqota quwad kusoo biirta afrika
mar labaad,jawaabtu waa maya.
Ethiopia waxay rabtaa inay soomaaliya
ay u dirto ciidamo iyadoo marsi marsiyo uga dhiganaysa inay ilaalinayso
nabad galyada kuna tagto gudaha soomaaliya iyadoo iska dhigaysa ciidamo
ladalbaday oo qaybna ka ah ciidamada midawga afrika ku rabo inuu udiro
somaaliya balse ujeedada Ethiopia wey ka weyn tahay intaasi waxaanay ku
hanweyn tahay in ciiidamadeedu markay galaan soomaaliya aanay mardambe
kasoo bixin oo ay waddo guumaysi cusub iyo halgan ay kula dagaalamayso
dadka muslimiinta ah ee soomaaliya ku nool iyadoo gumaadi doonta
shacbiga kuna tilmaami doonta falalkaasi inay la dagaalamayso
argagixisada ay imikaba sheegayso inay alqaacida joogto soomaaliya waxay
had iyo goor samayn doontaa dil,dhac,kufsi aan xad lahayn iyadoo
caalamka kale u sheegaysa inay hawl ka hayso soomaliya lana dagaalamayso
argagixo joogta soomaliya taasina waa mid dhibaato hor leh u keeni
doonta soomaalida oo dhan.
waxaynu ognahay in imika wadamada
quwadda leh markay rabaan inay dagaal qaadaan u adeegsada dagaalkooga
kelmadu siyaasadeed oo ay isaga jeedinayaan caalamka kale si uu
hawlgalkoodu u suurto galo sida weeraradii lagu qaaday Afgaanistaan iyo
ciraaq taasi oo maraykanku ku andocoonayey inuu la dagaalamayo
argagixiso markasta oo la dilo dad ama hawl gal la fuliyo lagu tilmaamo
mid qayb ka ah ladagaalanka argagixisada caalamka hadaba ta Ethiopia ay
maanta waddo taasi kama foga waxaana intaasi sii dheer in Ethiopia tahay
saaxiibka ugu weyn Africa ee maraykanku leeyahay una fulin karta danaha
maraykanka.
Ugudambayntii waxaan usoo jeedin lahaa
waxgaradka,aqoonyahanada, culumada iyo dhamman bulsho weynta
soomaaliyeed meelkastoow joogaan inay ogaadaan ujeedada Ethiopia ay ku
rabto inay ciiidamo khasaba u dirto gudaha soomaaliya tahay inay
xasuuqaan labada milyan ee mogadisho oo ay u haystaan inay yihiin
argagixiso halkaasna ay kaga faa'iidaystaan aargoosasho laxaad leh.
hadaba waa inay soomaalidu sameeyaan
isu duubni si ay uga hortagaan guumaysi dambe oo dalkooga qabsada .
Waxaan uga tagayaa akhristayaasha
su'aalahan:.
· Ethiopia ciidamadeedu ma iman
doonaan soomaaliya mar uun?
· Haddii ay ciidamada Ethiopia
yimaadaan soomaaliya yaa sabab u ah imaatinkooda?
· Waa maxay sababta madaxweyne
Abullahi yousif iyo ra'isul wasare Geedi ay u rabaan ciidamada
Ethiopia?
Qore: Abdalle Abdirahman Farah
mobile:2522 419093
Hargeisa,Somaliland.
E-mail: abdalle30@yahoo.com
or abdalle30@hotmail.com