Jawaab: Ogadenia Vs Hargeysa
Maqaalka uu soo qoray ninka la yidhaaho
Hereri oo
tilmaamamy in Hargeysa iyo Burco macaluuli ka taagan tahay taasoo uu ku
sababeeyey xidhiidhkii ay la lahaayeen Ogadeenia oo joogsaday ayaa ah mid
runtii aad iiga qosliyay mararka qaarkoodna iga yaabiyay. Aan ku
horreysiiyee waxaan aad ula yaabay cida ninkaan ku tidhi macaluul ayaa
Hargeysa iyo Burco ka jirta. Muddo dhowr bilood laga joogo ayaa iigu
dambeysa labada magaalaba, horumarka ka socdaaana wuxuu ahaa mid aanan aniga
weliga horuu arag. Xaafado (suburbs) iska dhan oo ay dhan yihiin gebi ahaan
adeegii nolosha casriga looga baahnaa sida biyaha, kahrabada, iskuulada iyo
rugaha caafimdaad ayaa sannad kasta qaarna la dhameystiraa kuwo kalena la
dhagax dhigaa. Dhismayaasha ka socda daafaha magaalooyinka iyo ganacsiga
noocyada badan ee jid kasta aad ku arakaysa ayaa ah kuwo aan hore u soo
marin. Waxa intaa dheer iyada oo iskuullada iyo cisbitaalada gaarka loo
leeyahay oo aan hore u jiri jirine ay meel kasta ku yaallaan taasoo ka marag
kacaysa in dakhliga dadka caadiga ahi aad kor ugu kacay. Waxa labada
magaalaba u soo shaqo tegay dad badan oo ka kala yimi geeska Afrika oo dhan
kuwaasoo daryeel fiican u dira qoysaskii ay ka yimaadeen. Dhinaca
waxbarashada, waxa labda magaalo iyo weliba Boorameba laga hirgeliyay
jaamacado heerkoodu la siman yahay kuwa caalamka ka jira, iyaga tirada
dugsiyada hoose, dhexe iyio sareba hadalkooda iska daa. Taasi waa xaqiiqada
jirta ee maanta taagan.
Waxa aan ugu qoslay garaadka ninkan Hereri oo u haysta in nolosha iyo
ganacsiga magaalooyinka waqooyigu ku xidhnaayeen Ogaadeenka. Anigu
shakhsiyan waxaan ka soo jeedaa qoys degen Burco oo lahaa ilaa haddana leh
ganacsiga nooca jumladala (wholesale) loo yaqaan. Markii aan akhriyay
maqaalka Hereri ayaan la xidhiidhay aabbahay oo hadda da’ jooga si aan u
ogaado bal inay jiri jirtay in ganacsigiisu ku xidhnaa reerka Herei sheegay.
Odaygu wuxuu ii sheegay inuu muddo siddeed iyo afartan sannadood ah ganacsi
Burco ka waday mar keli ahna aan qof beeshaas ka soo jeeda ganacsi dhexmarin
wuxuuse intaas iigu daray in ganacsiga Ogaadeenku u badnaa dhinaca Hargeysa.
Si aan taas uga gun gaadho ayaan la xidhiidhay niman reer Hargeysa ah oo
qoysaskoodu gancasato ahaayeen haddana deggen waqooyiga Ameerika. Nimankaasi
waxay ii xaqiijiyeen inay jireen safarro ka iman jiray Dhagaxbuur iyo
nawaaxigeeda kuwaasi oo xoolo adhi u badan keeni jiray ka dibna badeecad ku
bedelan jiray. Waxay intaas iigu dareen in ganacsigaasi ahaa mid aan
baaxidiisu badnayn laakiin jiray.
Mr. Hereri waa safarradaa kuwa uu sheegayaa ee uu u haysto in nolosha iyo
ganacsiga Burco iyo Hargeysa ku xidhnaayeen. Mudane Hereri wuxuu u eeg yahay
nin aan weli cidi u sheegin in wixii ay safradaasi keeni jireen oo ahaa
adhiga muddo hadda toban sano laga joogo uu Sucuudiga oo suuqa ugu weyn ee
loo iib geeyo ahaa mamnuucay. Waxaanu ninkaas odayga ahi weli garan in
haddiiba uu xataa maanta adhi Hargeysa keeni lahaa aan cidiba ka iibsateen,
illeyn meel la geeyaaba ma jirtee.
Arrinta kale ee uu aadka ugu nuuxnuuxsaday ayaa ah in is dhexgalka dadka
sidaa lagu soo af jaray taasoo aad moodo inuu ku faanayo. Mid iyada ogow oo
dadka ehelka ahi sinaba uma kal maqnaan karaan dhinacay doonaanba ha
joogeene isu soo hilowgoofduna maaha mid siyaasad iyo wax la mid ahi toona
joojin karto.
Ta adiga ku dhibaysa ee ah xidhiidhka Ethiopia ay Somaliland la leedahay
maaha mid sina lagaala tashanayo. Waxaad ku eedaysay maamulka Somaliland
inuu weji ka doonayo Ethiopia, waxaanad taas hadda wax weyn ugu dhiganba
waxa Somalia u dhalatay dawlad doonaysa inay Ethiopia dalka qabsato, taa
iyada bal wax ka soo dheh. Aniga shakhsiyan maalintay iigu cadhada badnayd
waxay ahayd markii aan ogaaday doorashadii Ethiopia ka dhacday laga reebay
Somalida Ethiopia. Waxaan dareemay dulmiga jira. Waxase igaga sii cadho
badnayd markii la ii sheegay in qabiil keli ahi uu goostay inuu dalka
xoreeyo isgaoo magacii dalkana u bixiyay magaca qabiilkiisa jabhadii
dagaalamaysayna uu magac qabiil huwiyay. Waxase yaab yaabkiisa ah in ninka
waxan oo dhan samaynayaa uu mar ahaa taliyihii ciidankii badda ee Somalia.
Suaalo badan ayaa meesha ka soo baxaya. Sidee ayay marka horeba ku dhacday
in nin aan muwaadin ahayni uu noqdo taliyaha mid ka mid aha qaybaha muhiimka
ah ee ciidankii dalka Somalia. Waxa la ii sheegay in generals ugu badan ee
ciidankii qaranka ee Somalia ay ka soo jeedeen dalka Ethiopia. Maxaynu
markaa ula yaabsanahay in ciidankeenii qaranku uu dalkii ay ahayd inuu
difaaco uu burburiyo aakhirkiina uu ciiddanka laftiisii baaba’o. Waxa waddan
Yurub ku yaala jooga nin reer Sidaamo ah oo ciddankii Somalia ka gaadhay
darajada Dhame (Captain). Ninkaas anigu waan la kulmay si fiican baanu afka
Somaliga u yaaqaanaa, markii aan weydiiyay siday ku dhacday inuu ciidankii
Somaliya galo oo weliba derejadaa kaa gaadho wuxuu iigu jawaabay "wax
waalanaa iska ahaydeyn". Waxay u eegatahay in weli khaladkii lagu socdo.
Ugu dambayn waxaan xasuusinayaa Hereri in dadka ka tirsan ONLF ee Hargeysa
ku xidhan oo ujeedada loo xidhay ay tahay iyaga oo isku dayay inay qarxiyaan
diyaarad ay leedahay Ethiopian Airlines oo Hargesya duulimaad ka bilaabtay
berigaa ay si walba argagixiso ugu sifoobaan. Haddii dooddaadu ku salaysan
tahay aan diyaarada qarxiyee ii daaya, haddaad indhaha iyo dhegahaba qiiq ka
sii deynayso taas kaa yeeli maayo, waad og tahay dadka diyaarada Hargeysa ka
kacaysa ama soo fadhiisanaysaa sido cida ay yihiin. Haddaad doonayso inaad
diyaarad Ethiopia leedahay qarxiso adduunyada oo dhanbay martaaye meel kale
ka eego.
Axmed Ismaciil
waarrya1955@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkanw axaa leh qoraaga ku saxiixan
»OGADENYA
Vs HARGAYSA IYO HADALKI DIRIDHABA | Hereri
Faafin: SomaliTalk.com | May 25, 2005
»Madaxweyne
Hadalkaaga Qurxi Hadafkaagana Bedel!! |Abtidoon
»Shirkii
Soomaalida ee Kenya 2+2=8|A. D. Elmi
»GABADHAYDIIYEEY
2aad
!!!!!!!!! |
C/qaadir
C. Diini
»Isbaaradu
waa canshuur shacabka lagu leeyahay|Xasan Kashka
»Naxariista
iyo Dabeecad Wanaagu Ma Hooyada Uun Baa|Zahra Abdi
»KADUUDSHE|Abdifitahaam
»MAREYKANKA MAXAA U
QARSOON?|Abdifitahaam
»Qaran
diid shariif iyo muwadin Yusuf yaa guulaysan doona?|Saajinka
»Gabay: Gabay::Xog-ogaalka
waayaha|Doodi
»Gabay: Maanso::
allow|Maxamad
bashiir jaamac
»GABAY::
Manqo Koriye |
Afjano
»BARLMAANKA
QAXOOTIGA AH IYO ASTAAMIHIISA | Dr. Abdi
Dhammaan
ka Akhri Bogga
Maqaallada & Faallooyinka.. Guji...