SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


OGADENYA Vs HARGAYSA IYO HADALKI  DIRIDHABA EE SANADO HORE  

Maqaalkani waxa uu jawaab u ayahay warar kusoo  baxay shabakada haatuf  May 13 2005 iyo qoraalkii diridhaba ku qoray shabakada somalitalk 2003dii ee cinwaankeedu ahaa  “Somaliland xaq ayay u leedahay in ay argagixisada dhulkeedka ka difaacdo 

Sida ay qortay shabakada Haatuf ee ku hadaasha afka xukuumada somaliland waxaa si wayn looga dareemay magaalooyinka Burco iyo Hargaysa saamaynta dhaqaale ee ay keentay xidhiidhkii ganacsi ee  shacabka Ogadenya  iyo deegaanada Waqooyi ka dhaxayn jiray kadib markii  dalka Ogaadeenya gebi ahaanba joojiyey xidhiidhkii ganacsi ee  uu la lahaa reer waqooyi. 

Hadaba xaalada dhaqaale ee ku cakirantay ayaan ka faaloon waxyaabaha dhaliyey in lagu kaco talaabadaasi calool adayga leh iyo sidii loo furdaamin lahaa mar hadii ay maanta dareemeen dhibka jira. 

Maamulka Hargaysa wax yar kadib markii ay ku dhawaaqeen in ay ka madax banaanyihiin Soomaaliya inteeda kale waxa ay bilaabeen gadaafayn jooogta ah oo ay  ku hayaan shacabka reer Ogaadeenya ee deriskkooda ah iyaga  oo u samaynhaya oo kali ah weji ay kaga dalbanhayaan Itoobiya,isla markaana ku garab galeen dagaalka khadhaadh ee ay ku la jirto itoobiya shacabka Ogadenya iyo ONLF. 

Maamulka Hargaysa iyaga oo kaashan haya shacabkooda ayaa waxay ay xidheen Itoobiyana u dhiibeen dad reer Ogadenya ah oo dano gaaban kusoo galay Hargaysa.  

Sidoo kale waxa ay inta uruuriyeen iskarogo ku qaadeen xuduuda  Ogadenyana  ku daadiyeen dad shacab ah oo usoo  dukaamaysi tegey magaalada Hargaysa iyo Burco safaro na ah  sidoo kale qaar kale ayay inta xabsi u taxaabeen iyaga oo ku eedayn haya in ay yihiin ONLF!  

Maamulka Hargaysa waxa ay ka dhamaan waayeen fulinta siyaasada Itoobiya ee ka dhanka ah dadk iyo dalka Ogaadeenya waxa ay na joogteeyeen u gacan yaraynta Itoobiya iyaga oo geed dheer ku laalay danihii walaaltinimo ee labada shacab waxayna u qaateen in danta dalkooda lagu gaadhi karo dhibaataynta dadka Ogaadeenya iyo ugar gaarka Itoobiya balse waxaa ku lumay danihii dhaqaale ee ay ku qabeen Ogaadeenya. 

Waxaa hada u xaqiiqoowday hadalkii gudoomiyaha ONLF   uu BBC da ka sheegay dabayaaqadii 2003 ee ahaa in dadka iyo dalka Ogaadeenya ay iyagu xukumaan socona amarkoodu waxbana aysan ku helayn Itoobiya oo ay gacan yare u noqdaan, saamaynta arintan ay hada dareensantihiin waxaan ka dignay sanadkii 1994 sidoo kale waxaan kusoo celinay 1997 waxaanan go;aanka cad qaadanay 2003 ninkii xasuustoow. 

Dadka Ogadenya waxaa ku teedsan xuduuda Soomaaliya oo dhan1600KM ee marka hadii ba aad garanhaysaan dantiina sidee ayay idiinka hoostay massalo xisaabeedani markaad aad xidhataan 400KM ee aad la wadaagtaan Dhagaxbuur iyo Jigjiga saw nooma soo hadhin 1200KM oo kale oo xuduudii Soomaaliya ahi. 

Maanta uun ayaa waxaa u cadaatay in isha dhaqaale ee lagu maamulo Hargeysa ay ku xidhnayd xoolaha nool ee laga keeno wadanka Ogaadeenya isla markaana laga dhoofiyo dekada Berbera iyo badeecada dadka Ogadenya kasoo gadan jireen Burco iyo Hargeysa. 

waxa ay la  anoqotay in xaqdhowrka iyo walaalnimada aan leenahay  ku ymaadeen dooniska Itoobiya balse sida maanta cadaatay waxaa ay ku timid dooniska shacabka Ogaadeenya, midna maanta ayaad ogaateen in Itooobiya anaga naga haysato oo kali ah dalka balse aysan dadnimadayada qaabayn. 

                                         MAXAA XAL AH  

Kadib markii ay shacabka Ogaadeenya gadodeen una dulqaadan waayeen gefafka joogtada ah  ee maamulka Hargaysa ku hayaan dadka Ogadenya ayaa waxa ay go’aansadeen in gebi ahaanba la joojiyo xidhiidhkii ganacsi  ee  ay goboladaasi la leeyihiin lana mamnuuco isla markaana gebi ahaanba dadkaasi laga horistaago soo gelitaanka, ka ganacsig,   badeeco keenka iyo dhamaan xarakaadka dadkasi ku yeelan karaan gudaha Ogadenya arintan oo dhalisay in dhawr gaadhi dab la qabadsiiyo. 

Halkaasi waxaa ku burburay guud ahaanba dantii dhaqaale ee ay reer waqooyi ku qabeen   dadka iyo dalka Ogaadeenya oo  ahayd in xoolaha nool ee Ogaadeenya laga dhoofiyo dakada Berbera isla markaana reer waqooyi ka  helaan dhaqaale kooban, sidoo kale waxay ay dadka Ogaadeenya kasoo gadan jireen badeecado magaalooyinka Hargaysa iyo Burco. 

Waxaana cadaatay in shilka dhacay xalkiisa lagu heli karo oo keli ah in si fool ka fool ah loola xaalo dadka Ogadenya iyo ONLF waxaana meesha ka baxay hoosiiskii reer Waqooyi u muuqday ee ahaa in Itoobiya ay maamulato dadka iyo dalka Ogaadeenya una gadhwadi hadba meeshi ay doonto,waxaana la waayay moodistoodii ahayd in dadka reer Ogaadeenya yihiin dad aan aar gudan karin. 

Hada ma cadda wax xal ah oo laga gaadhi karo isla markaana reer Waqooyi kuso ceshan karaan  dantii dhaqaale iyo xidhiidhkii gacansi ee ay lalahaayeen Ogadenya mar hadiiba hada reer Ogadenya la leeyihiin xidhiidh ganacsi oo meel fiican maraya gobolada Puntland. 

xalka ay hada reer waqooyi shacab ugu heli karaan magaalooyinka Hargaysa iyo Burco ee bisaarada looga calaacalahayo ayaa waxa ay tahay in ay gobolada Axmaarada iyo Tigraha u doontaan xoolo nool oo ay ka dhoofiyaan dekada magaalada Berbera, isla markaana ay shacabkaasi bedelaan kaalintii dadka reer Ogaadeenya, mar hadii ba reer waqooyin iyaga hore uga doorbideen dadka Ogadenya. 

Hadaba reer waqoyi waxaa aad niyada gelisaan in sidii ay u dhamaatay ku dhamaatay xihiidhkii iyo macaamiladii gacansi ee   ay dadka Ogaadeenya idinla lahaan jireen, isla markaana aysan jiraynin waxa gorgortana ama wada hadal ah  oo sida aad sheegteen lala geli Boqor Cismaan iyo oday dhaqameed kale toona, jiraynna fadhi arintaasi loo qaban karo haba yaraatee. 

Maqaalkayga waxaan kusoo afjari tix gaaban oo aan ugu jawaab celin wiilka la yidhaahdo Diridhaba oo tix uu soo raacshay maqaal uu 2003dii somalitalk ku qoray oo cinwaankeedu ahaa “Somaliland xaq ayay u leedahay in ay argagixisada dhulkeedka ka difaacdo”

  •  Doqonbaala yidhi jeer hadii

  • xaalku daba maro usha dacal

  •  kasoo fiiq hadii diir kasaarmo

  • Garanwaydo duur xulid gogga

  • xoog dem Ugu sii xanuunkay dareemiye

  •  

  • Inagoo degaankiyo dal kaganacsi

  • waynlaad Doorateen Xumaantoo

  • Axmaar Rabbi duleeyiyo Doorbideen

  • Kufaartoo dano aanu leenahay

  • dalshisheeye siiseen Dabeed aad ku

  • sheegteen in uu daris aad leediin

  • Danahooda kala furi  ar ma tiinuu daakhilay?

  • Digniin aan ka bixinoo  diideen warcelintana

  •  

  • Mar hadii gamaan iyo geel iyo lo’

  • iyo adhi geyigiin abaaryahay

  • Dantaad nagu qabteen iyo  dabki

  • idiin shidnaan jiray Saaka dacal

  •  madawyahay dekediina waydeen

  • duunyo aydun marisaan Madadkaydun iibgayn

  •  

  • Hadii jeer dadkaygii danihiisa iibkiyo

  • ganacsi idinka diran jiray Dekad aad u

  • hayseen hada wuxu idinka Doorbiday

  • dacalada Puntland iyo deked bariku tilee

  • Xumahaad dareentiyo xaalufka

  • Hargaysaan waa xeer aydun weriseen raggi

  • aydun xidhateen Xabashida ka gadateen buu

  • yahay xaq loo fulin iyo qaar kaloo xidhan

  •  xabsiyada  haysaan

  •  

  • ******************

  • Dad walba iyo kalaamkii

  • Nin waliba siduu doorbiduu dadka

  • Ula macaamili iyo darajada hankiisee

  • Diridhaboow hadaad tidhi deeq ilaah

  • nasiiyaa dad Nagaga masayreen

  • Dal uun lagu masruufuun duunyo aadan

  • garan hayn dalka  ay ka fooftoo dekeduun ku

  • aragtaad u digiriday kolkasiye

  • Haday daacad kaa tahay oo dacalada

  • Hargaysaad duunyo kuugu dhaqantahay

  • amaad dalal u gaysan Digirin lagu masaalaa

  •  dalkii hodan idiin yahay

  • Maxaa dacal Harygasiyo Burco loogu gaajoon

  • Kolkaan duunyadaydi leexsaday dal kalena u iib tegey?

  •  

  • Cuud magaalo iibsiga carrigii galbeed iyo

  • wadada Ina guxaa ee gelin hore awaariyo

  • Dhagaxbuurba Soo gala ama galabba qoraxay

  •  galbeed iyo jigjiga wayn ama Godey

  • Laba habeen leey  kol aad gaalo  qoratoo

  • Axmaar daba gindhiish iyo Tigre

  • Kuu gadhwado oo jidka nabad kusoo galo

  • Amaan looba gubin oo Goday nabad yimaadaan

  • Ama gobolka Ciideed illaa gayiga Fiiqeed

  • Inaan gadanno cuudkaa gini aad la noqotaan iyo

  • in aad gurtaayoo Qolo kale u gaysaa ama

  • Awr gabraar muush geyigiin ku caanbaxay

  •  Gudub ula lugaysaan gobolkiin ku celisaan

  • Gudbantaasi soo fura

 Hereri Haji
hereri01@hotmail.com

 

Afeef: Aragtida qoraalkanw axaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Faafin: SomaliTalk.com | May 25, 2005

 

»Madaxweyne Hadalkaaga Qurxi Hadafkaagana Bedel!! |Abtidoon
»
Shirkii Soomaalida ee Kenya 2+2=8|A. D. Elmi
»GABADHAYDIIYEEY 2aad !!!!!!!!! |
C/qaadir C. Diini
»Isbaaradu waa canshuur shacabka lagu leeyahay|Xasan Kashka

»Naxariista iyo Dabeecad Wanaagu Ma Hooyada Uun Baa|Zahra Abdi
»KADUUDSHE|Abdifitahaam
»MAREYKANKA MAXAA U QARSOON?|Abdifitahaam
»Qaran diid shariif iyo muwadin Yusuf yaa guulaysan doona?|Saajinka
»Gabay: Gabay::Xog-ogaalka waayaha|Doodi
»Gabay: Maanso:: allow|Maxamad bashiir jaamac
»GABAY:: Manqo Koriye | Afjano
»BARLMAANKA QAXOOTIGA AH  IYO ASTAAMIHIISA | Dr. Abdi
Dhammaan ka Akhri Bogga Maqaallada & Faallooyinka.. Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD