Barnaamijkii Radio Xoriyo
24 May
2005
-
Guddoomiyaha JWXO oo dhanbaal
hanbalyo ah u diray madaxwaynaha iyo dadwaynaha Eritereya.
-
Shir ballaadhan oo ka dhacay dalka
Norway.
-
JWXO oo bayaan canbaarayn ah ka soo saartay
Dhakhtar caan ah oo gumaysigu dilay.
-
Dad doorashada Itoobiya goobjoogayaal ka ahaa
oo magangelyo dalbaday.
-
Iyo waraysiyo aan la yeelanay masuuliyiinta
Jaaliyadda Ogaadeenya ee Norway iyo qaar ka qayb galayaasha shirka ka
mid ah.
======================
Guddoomiyaha JWXO
oo dhanbaal hanbalyo ah u diray madaxwaynaha iyo dadwaynaha Eritereya.
Guddoomiyaha
Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya Admiral Maxamed Cumar Cismaan ayaa
isagoo ku hadlaya magaca Jabhadda iyo magaca dadwaynaha Soomaalida
Ogaadeenya, dhanbaal hanbalyo ah u diray madaxwaynaha dalka Eritereya Isaias
Afwerki iyo dadwaynaha Eritereya, isagoo ugu hanbalayeeyay sannad guurada
14aad ee ka soo wareegtay xornimadii waddanka Eritereya.
Guddoomiyahu wuxuu dhanbaalkan ku sheegay inay
farxad wayn u tahay inuu madaxwaynaha iyo dhammaan raggii iyo dumarkii
naftooda iyo maalkooda qaaliga ah u huray gaadhista madaxbannaanida uu
dhambaalkan u diro, kuwaasoo ayuu yidhi gudoomiyuhu tusaale fiican u ah
dadka u halgamaya aaya-ka-talintooda. Wuxuu, isagoo munaasabaddaas ka
faa’iidaysanaya ugu mahad celiyay taageerada walaalnimo ee Eritereya ay la
garab taagan tahay halganka gobanimo doonka.
Guddoomiyuhu wuxuu u rajeeyay dadwaynaha
Eritereya nabad iyo barwaaqo, wuxuuna ugu hanbalyeeyay sida ay isugu duuban
yihiin, si ay isaga caabiyaan gardarrada qaawan ee Itoobiya u gaysato
qaranimadooda iyo dawladnimadooda. Wuxuuna sheegay inuu dadwaynaha Eritereya
ku taageersan yahay inay la soo noqdaan dalkooda iyo nabad waarta iyo
xasillooni ka dhacda gobolka Geeska Afrika, oo aan la helaynin haddii aan
dadyowga ku dhaqan loo oggolaanin xuquuqda ay u leeyihiin inay aayahooda ka
tashadaan.
Shir ballaadhan oo ka dhacay dalka Norway.
Maalintii sabtida ahayd ee taariikhdu ku
beegnayd 21/05/05 waxaa magaalada Oslo ee dalka Norway lagu qabtay shir
ballaadhan oo dadwaynaha Jamhuuriyada Soomaaliya iyo Ogaadeenya ay kaga
arrinsanayeen sidii taageero loogu fidin lahaa gobanimo doonka Ogaadeenya,
isla markaana dadwaynaha soomaaliyeed loo dareensiin lahaa khatarta Itoobiya
ku hayso dhammaanba ummada soomliyeed. Shirkan oo dadwayne aad u fara badan
ay ka soo qayb galeen, waxaa soo qabanqaabisay Jaaliyadda Ogaadeenya ee
dalka Norway.
Shirkan waxaa xogbixino ku saabsan marxaladda
uu marayo halganka Ogaadeenya iyo jabka soo gaadhay cadowga Itoobiya ka soo
jeediyay goddoomuye ku xigeenka iyo madaxa Hooggaanka Warfaafinta ee
Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya. Masuuliyiintu waxay ergooyinkii
shirka ka soo qayb galay uga warrameen xaaladda halganka Ogaadeenya iyo
marxaladaha cusub ee uu galay.
Waxay sidoo kale u faahfaahiyeen qaabka uu
halganku u socdo iyo mabaadii'da gundhigga u ah, iyagoo tilmaamay in
halganka Ogaadeenya uu yahay halgan ku salaysan isku tashi, isla markaana si
madaxbannaan ay gacanta ugu haynaa dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya, oo
hadafka ay higsanayaan uu yahay inay aaya-ka-tashi buuxa helaan. Waxay sidoo
kale u sharraxeen siyaasada Itoobiya ee ku wajahan Jamhuuriyadda Soomaaliya
iyo siday ugu talajirto in Soomaaliya ayna marna lugeheeda dib iskugu taagin.
Ergooyinkii soomaaliyeed ee shirkaas ka soo
qayb galay ayaa iyaguna hadallo kala duwan halkaas ka soo jeediyay, waxayna
dhammaantood isku raaceen sida ay muhiimka u tahay in la taageero Jabhadda
Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya, arrintaasoo ay ku tilmaameen inay tahay
waddada kaliya ee la iskaga difaaci karro gardarrada Itoobiya, isla markaana
lagu badbaadin karo qaranka Soomaaliya, garabna lagu siin karo dadyowga
soomaaliyeed ee Itoobiya gumaysato.
Dadkii soomaaliyeed ee shirkaas ka hadlay
waxaa ka mid ahaa Kornayl Axmed Maxamed Kaasrshe, oo labo mar ku dhaawacmay
dagaalka xoryenta Ogaadeenya . Kornaly Kaarshe wuxuu sheegay inuu dagaalka
Ogaadeenya ku dhaawacmay sannadihii 1964 iyo 1977. Wuxuu ka sheekeeyay
kornaylku sababta uu u qortay ciidammada Soomaaliya oo ahayd gardarro ay
ciidammada gumaysiga Itoobiya u gaysteen, sidaas darteed, marka laga tego
dadka soomaaliyeed ee ay gumaysto, uu doonayay inuu ka aar-goosto.
Kaarshe wuxuu ka sheekeeyay sida ay quwadaha
waawayn uga hiiliyeen ummada soomaaliyeed, isla markaana ay ugu dadaalayaan
in mar kastaba ay Itoobiya gacanta sare yeelato, wuxuuna yidhi; "Way na
burburiyeen, si ay Itoobiya u difaacaan". Kaarshe wuxuu kaloo yidhi; "Haddii
aad tihiin Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya waxaad nagu abuurteen
yididiilo ah inaan Xabashi ka adkaan karno".Kornayl Karshe markii uu ka
sheekaynayay dagaalkii Qabaridaharre lagu xoreeyay oo uu ku dhaawacmay,
waxaa hadalkiisii kala goysay Oohin uu xakamayn kari waayay, hase yeeshee
waxay ilmadii ka hooraysay joogsatay markii uu ka faallooday sidii ay u
jabiyeen ciidammadii Xabashida ee Qabridaharre ku sugnaa oo qaybtii ugu
denbaysay ay ku qaqabteen magaalada Shaygoosh.
Ergooyinkii soomaaliyeed ee shirkan ka soo
qaby galay waxay ballanqaadeen inay taageero hiil iyo hooba ah la garab
istaagayaan gobanimo doonka Ogaadeenya ee dagaalka hubaysan kula jira
gumaysiga Itoobiya, waxayna iska qabteen Guddi 7 qof ka kooban oo ka soo
shaqayn doona sidii taageero dhinac walba leh loogu fidin lahaa halganka
Ogaadeenya.
Masuuliyiinyta Jaaliyadda Ogaadeenya ee dalka
Norway ayaa RX u sheegay inay ku faraxsan yihiin sida uu shirku u qabsoomay
iyo midhaha ka soo baxay, waxayna u mahad celiyeen dadwaynihii ka soo qayb
galay iyo xubnihii Jaaliyadda ee ku dadaalay inuu sidan u qabsoomo.
JWXO
oo bayaan canbaarayn ah ka soo saartay Dhakhtar caan ah oo gumaysigu dilay.
Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya ayaa
maanta oo taariikhdu tahay 24/05/05 soo saartay bayaan ay ku canbaaraynayso
dilkii waxshinimada ahaa ee ciidammada Itoobiya arbacadii la soo dhaafay u
gaysteen Alla ha naxariistee Dr Axmed Abiib Gurey, oo ahaa dhakhtar sare oo
u adeegi jiray dadwayhaha Soomaalida Ogaadeenya, gaar ahaa Isbitaalka
magaalada Qabridaharre.
Dr Gurey wuxuu ku guulaystay inuu qalab
caafimaad ka helo Hay'ado shisheeya ah oo tegay dalka Ogadeenya, arrintaasoo
qayb ka ahayd hawlihii samafalka ahaa ee ay ku caawinayeen dadwaynaha
Soomaalida Ogaadeenya, waxaana la filayaa in arrintaas darteed loo dilay
dhakhtarka.
Dilka Dr Gurey wuxuu daliil cad u yahay
tallaabooyinka xadaarada ka qaawan ee ciidammada Itoobiya qaadaan, si ay u
curyaamiyaan hawlaha samafalka ah ee sida madaxbannaanida ah loo gaadhsiiyo
dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya, iyo si ay gumaysigooda u sii cimri
dheeraayaan.
Dad doorashada Itoobiya goobjoogayaal ka ahaa oo
magangelyo dalbaday.
Toddobaatan ka mid ah dadkii uu ururka
mucaaradka ah ee Oromo National Congress (ONC) u doortay inay doorashada
goobjoogayaal uga noqdaan ayaa ku soo cararay xarunta Ururka Laanqayrta Cas
ee magaalooyinka Bedeno iyo Weter, waxayna codsadeen in magangelyo la siiyo,
ka dib markii ay soo gaadheen hanjabaadyo ka yamid dhinaca ciidammada
dawlada, isla markaana ay naftoodu khatar gashay. Hase yeeshee Ururka
Laanqayrta Cas ayaa diiday inuu magangelyo siiyo.
Masuul sare oo ka tirsan Ururka ONC ayaa
xaqiijisay in goobjoogayaasha doorashada ee Ururkeedu ay magangelyo
waydiisteen Ururka Laanqayrta Cas, ka dib markii ay naftooda u cabsadeen.
Waxay kaloo intaas ku dartay in Ururka Laanqayrta Cas uu ka diiday inuu
magangelyo siiyo, isagoo sheegay in magangelyada la siiyo oo kaliya dadka ku
waxyeellooba isku dhacyada iyo masiibooyinka dabiiciga ah.
Waxay kaloo sheegtay in dadkaasi ay kaalmo ka
codsadeen koox goobjoogayaal doorashada ahaa oo ka socday Midowga Yurub oo
deegaankaas ku sugan, ka dib markii uu Ururka Laanqayrta Cas codsigoodii ka
diiday, isla markaana ay hadda qoxooti ku yihiin guryo gaar ah oo kala duwan.
Radio
Xoriyo
24 May
2005
C/nuur Sh.
Mohamed
info@radioxoriyo.com
radioxoriyo@ogaden.com
raadioxoriyo@yahoo.com
Radio
Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670
KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
Xafiis Qaabilsan
Dhowrida Anshaxa Suuban oo Laga Furay Bosaso
»Laascaanod:
dadweynaha SSC iyo baaqii isimada..
»Hargeysa:
Siilaanyo & Riyaale iyo garabsiinta saleebaan G..
»Maamulka
Hargeysa iyo Wasaaradaha Riyaale...
»Dhibaatada
Roobabkii iyo Biyo La'aanta hargeysa..
»Badhan:
Warbixin Dugsiga Yube/Sanaag...
»Kismaayo:
Siminaar lagu baranayay maamulka...
»Jilib:
Robab lixaadleh oo ka da’ay G/jubbada dhexe...
Wararka oo dhan halkan ka akhri.... Guji... May 24