SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARAR
WARARKII MAANTA::: MAY 24, 2005
  • Bosaso: Xafiis Qaabilsan Dhowrida Anshaxa Suuban oo Laga Furay..
  • Laascaanod: Sidee u arkeen dadweynaha ssc baaqii isimada ee ku aadanaa shirka sheekh
  • Hargeysa: IS HAYNTA SIILAANYO IYO RIYAALE IYO GARBA SIINTA SALEEBAAN GAAL XAGAY KU DANBAYN
  • Hargeysa: WAA SIDEE MAAMULKA HARGEYSA IYO WASAARADAHA RIYAALE
  • Hargeysa: Dhibaatada Roobabkii iyo Biyo La'aanta hargeysa
  • Badhan: WARBIXINTA DUGSIGA YUBE / SANAAG
  • Kismaayo: Siminaar lagu baranayay maamulka iyo maareynta dakada
  • Jilib: Robab lixaadleh oo ka da’ay G/jubba dhexe

Xafiis Qaabilsan Dhowrida Anshaxa Suuban oo Laga Furay Boosaaso

 Xaflad iridaha logu furay xafiiska (DH.A.S) Dhowrida Anshaxa Suuban ee dawlad G Puntland ayaa ka dhacday xarunta madaxtooyadda ee boosaso Xafiiskaa ayaa Xarumo ku yeelan doona Dhamaan Magaalooyinka Puntland oo Agaasime ka ahaa Xuseen Sheekh Cali (Jifo Jabsade)

Xafladaas oo si aad ah loo soo agaasima yayna soo qaban qaabisay wasaaradda arimaha diinta iyo awqaafta ayaa waxaa ka soo qayb galay madaxda dawladda, Isimo, qoonyahan, culumaa'udiin ganacsato, ururadda haweenka iyo kuwa dhalinyaradda intaba.

ugu horayntii waxaa shirkaas furay wasiirka diinta iyo awqaafta barkhad cali saalax oo sheegay ujeedada kulankan maanta in uu yahay kulam iridaha loogu furayo ha'yadda DH.A.S. oo lamid ah dhawrida anshaxa suuban ee wasaaradda diinta iyo awqaafta Agaasime kayahay Xuseen sh cali (jifo-jabsade) isla markaas waxaa soo bandhigay qorshihii iyo nadaamkii uu ku shaqayn lahaa agaasinkaas wasiir/ku xigeenka wasaaradda asaga o ka akhriyay xeer hoosaadka uu ku shaqaynayo xaafiiskaas,

  • 1. xeerkii ay uu ku shaqayn lahaa xaafisku
  • 2. ku di sare oo lashaqaynaya xaafiiska
  • 3. qaabdhismeedka xaafiiska.

Waxaa si aan caadi aheeyn uga hadlay goobtaas Beeldaaje Cali Faarax oo ku hadlay magaca isimadda, culumada oo ay kula hadleen Sh. daahir aw-cabdi iyo sh -daad iyo aqoonyahanadda oo uu ku hadlay jeenaraal cali ismaaciil dhamantood waxa ay si kal iyo laab ah u soo dhaweeyeen qorshaha ay soo bandhigeen madaxweynaha iyo wisiiradu iyo qorsha wanaaga iyo qaabdhismeedka xafiiskaan, si doo kale waxeey si wada jir ah u wada taabteen in lo bahan yahay baramijkaan ayna ku bixinayaan maal iyo mood wixii kaga aadan dhinacooda xaqna ay ku tahay iyo waajib si wada jir ah in looga wada qeeyb qaato bulshaduna u kacdo in ay bad baadiso horumarkooda iyo jiritaankoodaba,

Ugu danbayn waxaa madaxwaynaa ku soo dhaweeyay barkhad cali saalax asaga o sheegay madaxweynuhu in loo baahan yahay in laga dhabeeyo hawshaan si wada jir ahna looga hortago asaga oo sheegay somalidu in ay yihiin dad hadal ee aysan aheeyn dad ficil, asaga oo taabtay in arintan anshxumida ay dhaawacday melo badan oo kamid ah dhinacyadda bulshadda ayna diyaar u yihiin in ay u istaagaan hormarinta arimaha bulshada,

Arintaan ayaa ah markii ugu horeysay oo maamulka Puntland ku dhaqaaqo iyadoo wakhtiyadii hore aan looga baran wax qabad noocaan oo kal ah wasaaradaha dowlada iyo ha'yadda dawladda laakiin haddii sida iminka loo sheegay looga dhabeeyo arrinkan ayaa waxaay noqonaysaa talaabo taariikhi ah maadaama bulshadda reer PL ay mudo ku taamayeen wax ka qabashadda anshaxumidda. Sida daroogada aflaanta xunxun Tahriibta iyo akhlaaqiyaatka guud ee bulshada .

Xafiiska waxaa lagala xiriiri karaa: Xuseen Sheekh Cali (Jifo Jabsade)  jifo10@hotmail.com

Waxaa soo tebiyey: c/fataax jaamac | Somalitalk | Bosaso


Sidee u arkeen dadweynaha ssc baaqii isimada ee ku aadanaa shirka sheekh

Maxamed Gaaxnuug

Somalitalk Laascaanood

LAASCAANOOD: May 24:- Waxaa in dhowaalaba  dadka Sool,Sanaag iyo Cayn dhegahooda ka guuxayey shir uu maamulka isku magacaabaa soomaliland uu ugu baaqay Garaadada iyo wax garadka gobaladaa dega in ay shir isugu yimaadaan Magaalada Sheekh si ay uga mid noqdaan maamulkaa is magacaabay .

Hadaba waxa isa soo taraya diidmo iyo caro weyn oo ay dadka deegaamadaa degaa ay kaga horjeedaan in aan laga qayb gelin shirkaa isaga ah ee lawado inuu ka dhaco bishan dabayaaqadeeda sida uu sheegay u qayb samaha warfaafinta ee maamulkaa la magac baxay somaliland.

 
Si kastoo ay ahayd ayaa waxa dadka dareenkooda sii kiciyay garaadada goboladaa oo iyagu markii ugu horaysay talo isugu yimi kagana arinsaday waxa laga yeelayo shirkaa isaga taas oo ay isimadu go'aan ku gaadheen in aan laga qayb gelin meelna layskaga soo jeesto sidii layskaga ilaalin lahaa maamulkaa isaga ah iyo cidii u adeegaysa .
 
Sidaa dartee ayaa waxa dadweynaha deegaamada ssc ay aad ugu riyaaqeen talaabadaa  ay markii ugu horaysay ay isla qaateen iyadoo ah mid aan horay looga baran isimada ayaa dadweynaha ku abuurtay dareen farxadeed waxaana saaka maraan la kulmay isin kamida isimada uu ii sheegay in ay hada tahay is difaac oo aanay cid danbe ka dul qaadanayan.Go'aankuna uu yahay sida ay u soo saareen.
 
Dhanka kale waxaa saaka ka dhacay hoolka shirarka ee dawlada hoose ee laascaanood shir balaaran oo ay ka soo qayb galeen maamulka gobolka iyo waxgarad farabadan waxaana halkaa laysla qaatay in meel layskaga soo wada jeesto shirkaa isaga ah.Dhanka kalena waxa ay madaxda maamulku soo dhoweeyeen hadalkii ka soo yeedhay isimada.
 
Waxaase dhanka kale ay dadweynuhu ay dhaliilayaan sida aysan madaxda sare ee maamulka Puntland uga jawaabin faragelinta ay ku hayso somalinad deegaamada ssc oo ah kuwo iyagu ka tirsan maamulka puntland waxayna dadku inta badan ay dhaliilayaan madaxweynaha puntland Jen.Cade muuse oo ay inta badan maamulka soomaalilnd u soo qaato inuu yahay saaxiibkooda keliya ee ay kala hadli karaan dhulkan ay ku doodayaan.
 
Waxayna dadku inta badan ay soo xasuustaa hadaladii horay uga soo yeedhay madaxweynaha ee ahaa IYAGAY U TAAL mar laanta BBCdu ay wax ka weydiisay in uu ka soo dabcayo sheegashadii uu madaxweynihii ka horeeyay uu ku doodi jiray in ay yihiin gobolo ka tirsan puntland.
 
Isku soo wada duuboo waxaa iyana maalinka berito ah la filayaa inuu ka dhaco banaan bax wen magaalada laascaanood oo dadku dareenkooda ay kaga soo horjeedaan shirkaa sheekh inaysan taageersanayn.Waxaana maanta la sii wada war geliyay dhamaan mushtamaca ku nool deegaamada SSC.
 
Maxamed Gaaxnuug
Somalitalk Laascaanood
gaaxnuug10@hotmail.com

IS HAYNTA SIILAANYO IYO RIYAALE IYO GARBA SIINTA SALEEBAAN GAAL XAGAY KU DANBAYN

Hargeysa:22/05/Axad:-Waxaa in dhowaalaba ka taagnaa maamulka soomaaliland ee madaxweynaha ka yahay daahir riyaale is haysad weyn oo ay iskaga soo horjeedaan ninka xisbiga mucaaridka ah hogaamiya ee Siilaanyo iyo Riyaale

Hase ahaatee waxaa in dhowaaleba uu Siilaanyo iyo rag ay isku hayb yihiin ka shaqaynayeen sidii kursiga looga tuuri lahaa ninka isagu ka soo jeeda magaalada Boorame ee madaxweyne riyaale waxaana qabiilka Isaaqa ee uu ka soo jeedo gudoomiyaha xisbiga mucaaridku ay sameeyeen in ay soo ururiyaan lacag ku dhow ilaa 200.000$ oo loogu talo galay in loo qaybiyo xubnaha wakiilada si ay ugu codeeyaan riyaale sidii ay kursiga uga tuuri lahaayeen.

Waxayna arintani keentay tafaraaruq ku yimi maamulkaa oo isu bedelay in uu Saleebaan Gaal uu la safto Siilaanyo waxaana ka dhigtay riyaale nin biyo uu cabayey ku haftay.Sababtoo ah waxa uu saleebaan gaal ahaa ninkii u hiiliyay xiligii uu socday tartankii doorashada madaxtinimadu .

Safashadaa saleebaan gaal ayaa waxa ay sababtay in uu isku dhac weyni uu ku yimaado riyaale iyo ninkii ay saaxiibka ahaayeen waxana uu riyaale heshiis hoose la galay xubnaha Guurtida oo uu sheegay in ay u codeeyaan saleebaan gaal si looga tuuro kursiga gudoomiyenimada guurtida .

Waxaana iminka ku baahay magaalada gudaheeda is haynta labadan nin ee Riyaale iyo Saleebaan gaal Waxayna wararka qaar ii sheegeen maraan u kuur galay qaar ka tirsan mucaaridka waxa ay ii sheegeen in madaxweyne riyaale uu talo iyo tusmo uu weydiisanayo madaxweynihii hore ee Zanbia Keneth Kaunde oo booqasho ku jooga hargeysa.

Hadaba waxa aan la saadaalin karin halka ay ku danbayn doonto isu codaynta labada dhinac ee guurtida iyo wakiiladu oo qoloba looga fadhiyo kii laga tuuro meesha waa riyaale iyo Saleebaan gaale.

WAA SIDEE MAAMULKA HARGEYSA IYO WASAARADAHA RIYAALE

Hargeysa:-22/05/Axad.Waxaa ii suurto gashay inaan socdaal ku tago magaalo madaxda maamulka iskii isu magacaabay ee somaliland hadaba intii aan joogay magaaladaa waxaan la kulmay isbedel weyn oo ka muuqda qaybaha bulshada kala duwan ee ku dhaqan magaaladaas.

Hase ahaatee waxaan aad ula yaabay maraan dhex maray wasaaradaha iyo madaxtooyada somaliland oo dadku ay u yaqaanaan VILLA MOORGAN hase yeeshee ah guriga xafiisyada iyo hurdada madaxweynaha maamulka somaliland

Waxaan ku arkay wasaarado amase xarumo horay ay u lahayd dowladii hore oo iminka laga dhigay wasaarado waxaana aan ku arkay amase laygu sheegay in ay yihiin sidii dawladii hore kaga tagtay dhismahooda marka laga reebo qalabka ay kaga dhex shaqaystaan .

Wasaaradahaa inta badan waa kuwo loo soo shaqo tago 10 subaxnimo oo aan la imaan xiliga shaqada maraan wax ka weydiiyay mid ka mida shaqaalaha wasaarada arimaha gudaha waxa uu ii sheegay in la Qayilo habeenkii oo sidaa darteed aan loo soo shaqo tegin.

Dhanka kale waxa ay ii sheegeen shaqaalaha wasaaraduhu in aanay mushahar ku filan qaadan ayna ugu wacan tahay dhaqaalo la'aan ka jirta wadanka iyo musuqmaasuq ku baahay qaybaha kala duwan ee canshuurtu ka soo baxdo wixii soo hadhaana inta badan ma soo dhaafaan madaxda sare.

Sidoo kale dadku inta badan waxa ay ka cabanayaan maamulka jira oo ay siyaabo kale duwan u dhaliilayaan hase ahaatee aad moodo in aan cid kale oo dadka ku nool goboladaa u dhaantaa aysan jirin.Sababtoo ah buu yidhi Cabdi Xasan kaahin oo ka mida shacabka hargeysa in nala xukumo mooyee anagu isma xukumi karno kii na xukumaana nagama nabad gelayo.

Isku soo wada duuboo maamulka iyo wasaaradaha hargeysa ayaan ahayn kuwo isu dheeli tiran amase la oran karo waa wax jira marka laga reebo muuqaalka guud ee lagu xardhay boodhadhka ku xardhan

Dhibaatada Roobabkii iyo Biyo La'aanta hargeysa

Hargeysa:-22/05/Axad:-Waxaa in dhowaalaba ka da'ayey magaalada hargeysa iyo nawaaxigeeda roobab qasaarooyin badan geystay iyo biyo la'aan soo waajah day dadweynaha ku dhaqan magaaladaa

Hadaba waxay roobabkaasi dumiyeen guud ahaan Biriij isku xiri jiray dhinaca Hargeysa Kilaab iyo magaalada inteeda kale waxaana uu ahaa mid ka kooban laba qaybood oo akala ah mid dadku raaco iyo mid gaadiidku maro sidoo kalena waxa uu dumdumiyay guryo farabadan

Iyadoo aan la soo koobi karin qasaaraha roobabka ayaa hadana waxa dadka u dheer biyo la'aan ku baahday magaalada waxaana uu ii sheegay mid ka tirsan shaqaalaha biyuhu in dhibaato ka haysato xaga ceelasha oo ah kuwo ay dhistay dawladii  Maxamed Siyaad bare oo aan helin dayactir

Waxaana Biyahaa laga keeni jiray Geed deeble iyo meesha la yidhaahdo Biyo shiinaha oo ay ka qodnaayeen ilaa iyo 40 Ceel oo ay qoday wasaaradii hore ee macdanta iyo biyaha ee soomaaliya waana kuwo iminka wada hawlgab ku dhow marka laga reebo afar ceel mooyee.

Biyo la'aantan ayaa waxa u dheer jaahwareer siyaasadeed oo ay dadku isku hayaan siyaasada waxaadna arkaysaa dad ugu jira kayuu Jirikaamo si qof walbaaba u helo laba jirikaan oo biyo ah

Qaali Cumar Shiikhdoon ayaa igu tidhi waxaan biyo la'aanta kaga bixi karnaa anagoo walaalahayo reer soomaaliya wax la qabsana.Waayo dhowr iyo toban sano ayaa lana lahaa waxbaad helaysaan iyo wadankeenu waa barwaaqo biyihiina samaysan kari weynay oo waa nala dhaamaa

In badan ayaa hadaba waxa ay is weydiinaysaa ma ka bixi doonaan reer hargeysa biyo la'aantan soo waajahday

Maxamed gaaxnuug
Hargeysa Somalitalk
gaaxnuug10@hotmail.com


WARBIXINTA DUGSIGA YUBE / SANAAG.

Badhan :- Magaalada Yube waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu faca weyn magaalooyinka ka tirsan degmada Ceergaabo ee gobolka Sanaag.

Waxay magaalada Badhan u jirtaa 58km dhanka woqooyi, , waxana muddo si xidhiidh ah oo aan kala go’lahayn uga furnaa dugsiga H/dhexe ee Yube, waxana ka qalin jebiyey arday badan oo u gudubtey dugsiga sare ee Ceergaabo, ardaydaasi waxay noqdeen ardaydii ugu darajada sarreysey gobolka sanadihii la soo dhaafay, taasina waxay ku tusineysaa tayada waxbarasho iyo dadaalka bareyaashaba.

Maamulaha dugsigaas Sh/Cabduraxmaan Xasan Faarax ayaa wargeyska Calmadow u sheegay inaanu dugsigu meella ka helin wax jaangooyo dhaqaale ah , marka laga reebo gunno ay jaaliyadaha dibaddu siiyaan bareyaasha, fasaladana qayb ku kordhiyey intii burburka ka danbeysey , ee nin walbi u halgamay daryeelka degaankiisa.

Maamuluhu wuxu intaas ku daray in jaaliyadihiina caajis ku yimid oo ay kala dib dhacaan gunnooyinka ay siiyaan bareyaasha .

Dhismaha dugsiga ayaa wuxu ka kooban yahay 7 fasal oo wax lagu dhigto , maamulaha iyo macalimiintuse ma laha xafiis ay wax ka maamulaan ama ku nastaan, dugsiga laftiisu ma helin wax dayactir ah ama qalabayn ah , taasoo muuqaalkiisuba uu kaala hadlayo inuu u baahan yahay dayactir.

Waalidiinta ardayda iyo waxgaradka reer Yube ayaa mahad celin weyn u haya jaaliyadaha dibadda waxyaalihii ay ay hore u qabteen , waxayna ka codsanayaan inaaney hilmaamin gunnada bareyaasha oo ah waxa keliya ee ay ku joogaan .

Maxamuud Ciyoon / Badhan.
Wargeyska Calmadow
wcalmadow@yahoo.com


Minneapolis: Habeenka Waxbarashada Soomaalida Minnesota 2005


Siminaar lagu baranayay maamulka iyo maareynta dakada oo lagu qabtay magaalda kismayao ayaa manta lagu soo gabagabeeyay hotel tawakal ee magaalada kismaayo 

Xiritaanka saminaarkaan ayaa waxa ka soo qeyb galey  aqoon yahano wax garad maamulka isbaheysiga dooxada jubba

Ayadoo uu Saminaarkaan uu socdey mudo lix cisho aha  islamarkaana uu ka socday hotel tawakal ee magaalda kismaayo 

Siminaarkan ayaa  lagu tababarayey maamulka dekada islamarkaana labarayey maamulka iyo maareynta dekada xalinta iyo qilaafaadaka iyo mas uuliyad wadaaga dakada ayadoo uu siminaarkan soconayay mudo lix cisho ah. 

Siminaarkaan ayaa  waxaa bixinayay Hayada fobak ee fadhigeedu yahey magaalada kismaayo

Ugu horeen waxaa halkaasi ka Hadley mid ka mid ah macalimiintii cashirada ka bixinayey saminaarkaan

Cabdi shire warsame oo halkaasi kasoo jeediyey warbixin ku saab san cashiradii ay bixinayeen. 

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadle maareeyaha dekada C/laahi salaa yarrow oo amaan balaaran u soo jeedidey

Maamulka sare ee isbaheysiga dooxada jubba iyo macalimiintii cashirada ka bixinayey isago ku amaanay xilka ay iska saareen u faaiideynta iyo wax u bidhaaminta maamulka kala duwan ee kadakada magaalda kismaayo. 

Sikastaba ha ahaatee waxaa gunaanadkii ka Hadley wasiirka dib udhiska iyo dib udajina dowlada federalka Somalia xilibaan bare aadan shire hiiraale oo sheegey in ay muhiim tahey in ay si wanaagsan u shaqeeyaan  maamulka takada oo iyagu siminaarkaasi loo xirey isagoo sidoo kale amaan balaaran u soo jeediyay macalimiintii casharada ka bixinaysay siminaarkan oo uu ku tilmaamay kuwo u tafa xaytay baraarujinta umadooda iyo sidii xaqa loo soo saari lahaa baadil kana loo yareen lahaa oo uu kala jeeday in ay si cadaalda ah loo maamulo xoolaha dakada ee ka dhaxeeya dad weynaha waa sida uu hadalka u  yiriye 

Hadaba ma ahan markii ugu horeysay oo ay hey,ada for back ay siminaar u furto maamulayaasha illaha dhaqaalaha ay ka soo xaroodaan magaalda kismaayo ayadoo ay dabayaaqadii isbuucaan ay siminaar ay u soo xireen maamulka iyo ilaalada Airoportka magaalda kismaayo ayagoo hadana sheegay in ay sii kordhinayaan siminaarada cayen kan oo kale ah ee loo furayo madaxda iyo maamula yaasha goobaha muhiimka ah ee ay dhaqalaha xoogan kazoo galaan maamulka isbahaysiga dooxada juba iyo waliba siminaaro kale oo ay u qabanayaan bulshada nocyadeeda kala duwan . 

Robab lixaadleh oo ka da’ay G/jubba dhexe ayaa qasaarooyin ugeystey tuulooyin faro badan oo hoos yimaada degmada jilib..

In ka badan sagaal tuulo ayey dadkii deegaanka ka barakaceen ka dib markii ay biyo xoogan oo togag soorogeen ay bur bur ugeysteen dhul beereed iyo guryo ay ku hanti beeleen dadka deegaankaasi tuulooyinka laga soo barakacey waxaa ka mid ah Kamdaada, Shiib,. Mobalaynka, Sandariyo, iyo kuwa kale waxa ay dadkii ka soo barakacey tuulooyinkaasi haatan ku sugan yihiin tuulooyinka ay ka mid yihiin may-gaab  feer-gaabo iyo kuwa kale 

dadka ka soo bara kacey tuulooyinkaan oo ah dad beeraley ayaa waxa ay walaac ka muujinayaan dhibaatada soo gaartey beerahooda iyo guryihii ay dagnaayeen islamarkaana ay sheegeen in ay biyuhu xaaqeen dhulbeereed ay ka baxayeen  SISIN GALEY MUUS iyo miro kale oo xiligaan ay  rajo ka qabeen  intifacsigooda xiligaan 

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la ildaran cuduro sida maleeriyada ayaa waxa ay baaritaan iyo daaweyn u aadaan deegaamada hargaysa yarey iyo mareerey oo ay ku sugan yihiin Hayado caafimaad iyo kuwa samafal 

sikastaba ha ahaatee amuurtaan ayaa ku soo beegantay  xili uu wabiga shabeele uu  soo fatahmey iyadoo khasaaraha uu gaysanayo wabigu ay isasootarayaan. 

Hase yeeshee ilaa iyo haatan ma jiraan wax taakula ah oo lala soo gaarey daka ku soo bara kacey daadakaan 

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin) 
cabdiqadar84@hotmail.com
kismaayo soomaaliya'

Faafin: SomaliTalk.com | May 24, 2005


BAAQ NABADEED IYO HESHIIS DEG DEG AH.
Anagoo ah Salaadiinta,Culumaa'udiinka,Aqoonyahanka iyo wax garadka beesha reer Biciid yahan ee ku nool Waqooyi Ameerica waxaannu soo saaray baaqaan nabadeed, kadib markii ay is dagaaleen beeshaan ka dhalanay iyo beesha aan walaalaha iyo dariska nahay........Guji
May 23

Qaar kamida dhaawacyadii Yamaaruglay oo lasoo gaarsiiyey Gaalkacayo..
»Madaxwaynaha ku xigeenka PL oo Booqasho ku yimid......
»Mdaxwaynaha PL oo digreeto kasoo saaray Madaxtooyada...
»Baaq Nabadeed Beelaha ku dagaalamaya Yamaaruglay...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... May 23

Baaq: Dhibta Haysata Beesha Gabooyuhu Waa Maxay? Maxaase Inagu Waajib ah?
Iyada oo aynaan xaashiyo yar kusoo koobi karin dhibaatada culus ee beeshaas haysata hadana bal aynu.. Guji... May 23

Waraysi: Garaadka Beesha Gabooyaha
Nin u Dhashay Beesha Gabooyaha ayaa Hargeysa Lagu Diley, Dadkii Arintaas Ka Mudaharaadayna Xabsi ayaa la dhigay, waxaana arintaas ka waraysanay Garaad Axmed Diiriye Geylan... Guji... May 20

HAFZA oo ku adkaysaneysa Heshiiskii Xaafuun iyo DGPL & DFKM oo aan war cad kasoo saarin
Ciise Maxamuud Dholowaa oo ay SomaliTalk waraysi la yeelatay ayaa waxa uu DGPL ugu baaqay in ay war cad ka soo saaraan arinta shirkada Xafza maadaama shirkadaasi ku adkaysaneyso heshiiskaas Guji.. May 20

Madaxwaynaha Soomaaliya oo Markii 3aad Baaritaan Caafimaad lagu samaynayo
UK: Dhakhaatiirta Cisbitaalka Cromwell ee ku yaala koonfur galbeed London ayaa baaritaankii 3aad waxaa ay Guji May 18

Caasimadaha Addis-ababa iyo Muqdisho oo diiday Xukunka Zenaawe


Zenawi: Soomaaliya waa Argagixiso, C/laahi iyo Geedi:  Itoobiya waa saaxiibadeen!
Zenawi ayaa Markale Soomaalida Ku Sheegay "Argagixiso" kaddib markii ay waraysatay AP... Guji May 13

BFKMG oo ansaxiyay in dowladu dagto Baydhabo & Jowhar

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD