SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARAR
  • Ra'iisulwasaaraha dowlada FKMG ah oo lagu casuumay in uu magaca soomaaliya ku furo shir sanadedka xoolaha oo ka furmaya Paris.
  • Wasiirka Amniga Maxamad Qanyare oo ka horyimid magacaabista Taliyaha Ciidanka booliiska.
  • Labo qof ayaa dhimatay shalay galinkii danbe kadib markii ay tacshiirad la is weydaarsadeen
  • Reer Kismaayo oo Ka bannanbaxay Kitaabka Quraanka ee La Shegay Musqusha Lagu Ridey

Ra'iisulwasaaraha dowlada FKMG ah oo lagu casuumay in uu magaca soomaaliya ku furo shir sanadedka xoolaha oo ka furmaya Paris.

Ra'iisulwaaraha Soomaaaliya Cali gedi ayaa u sheegay maanta labada golle in lagu casuumay in uu ku furo magaca Somaliya shir sanadeedka looga hadlo arrimaha xoolaha iyo ka ganacsigoodaba, "kursigii Soomaaliya ee banaanaa 14sano kadib ayaan ku fariisan doonaa anigoo matalaya Dalka Somalia waana sharaf aan ku kasbanay sida dalkeenu qaniga ugu yahay xoolaha,waxaan daaha ka qaadi doonaa in aysan xoolaha soomaaliya cuduro qabin waxa aduunka loo sheegayna ay yihiin cadawtooyo lala damcay kheyraadka Somaliya" Cali Geddi.

 
Cali Maxamad Geddi oo ka hadlayay kulan qaddo ah oo uu u qabtay labada Golle ee ku sugan magaalada Naiorobi maanta ayaa ka hadlay qodobo badan oo ay ka mid ahaayeen shirkii dhawaan uu ka soo laabtay ee Addis Ababa ka dhacay,goorta ay dowladiisu guurayso iyo arrimo badan ayaa daboolka ka qaaday ugu horeyn in nasiib wanaag ay u tahay labada golle ee dowladda iyo baarlamaanka in loo ogolaaday ciidamo ka socday midawga afirka iyo dhaqaalahoodaba si ay wax uga qabtaan amaanka guud ee dalka gaar ahaan caasimadda dalka ee Mogadisho.
 
Waxaa kale oo uu labada Golle u sheegay in ay dowladiisu dhawaan u guurayso magaalooyinka jowhar iyo baydhabo waxii ka dambeeya bishan marka ay dhamaato si qaas ahna waxa uu carabka ugu dhuftay bishan 28keeda oo ay naga xigto mudo sideed casho ah,beesha caalamka wax badan waxay nagu xireen ayuu yiri inaan dalka tagno si aan u helno dhaqaale iyo taageero ilaa hadana go'aankoodaas wax iska badalay malahan ayuu yiri,laakiin kuma tashan doono waxaan sugi doonaa marka aan dalka tagno waxii ay noogu talagaleen in ay na siiyaan.
 
Mar uu ka hadlayay amaanka magaalada Baydhabo oo baryahaan ay ka jireen arrimo siyaasadeed oo laf-ahaantooda ka dhashay khilaaf ku aadan dagista dowlada magaalada baydhabo ayuu ku tilmaamay Geddi in uusan halkaasi ka jirin khilaaf wayn oo ay wadaan dadaal nabadeed kaas oo mardhaw lagu soo afjari doono ismaandhaafka halkaas ka jira,dowladana kama baajin doonto ayuu yiri wararkaas lagu cabsida galinayo in ay dagto halkaas. 
 
Waxaa kale oo uu xusay mar uu ka hadlayay arrimaha ciidamada in dhawaan ay ka dagi doonaan mogadisho kadibna uga sii gudbi doonaan wadamada dariska la ah Soomaaliya,shirkii Addis ee uu ka qaybgalayna uu ku soo guulaystay kadib markii halkaasi ka sheegay sida uu hadalka u dhigay in labada golle ay dalbadeen in soomaaliya la geeyo ciidamao ka socda midwga afirka,waxa uuna nasiib wanaag ku tilmaamay in somaliya ciidamadii ay dalbatay loo ogolaaday kuwaas oo gaaraya wajigooda ugu horeeya todoba kun iyo shan boqol waxa ayn ka howlagalayaan ayuu yiri Caasimadda Somaliya ee Mogadisho.
 
Waxaa kale oo uu kulanka ka hadlay Cali Baashi xaaji Maxamuud oo ah xildhibaan dhawaan ka yimid xamar,isagoo ku hadlayay magaca labada golle ee ka soo horjeestay siyaasada Madaxweynaha iyo Ra'iisulwasaaraha waxa uu sheegay in xubnaha jooga xamar ay soo dhawaynayaan go'aankii ay gaareen dhawaan xubnaha nairobi ee lagu go'aamiyay in ciidamo la geeyo mogadisho,dowladuna ay ka howlgasho magaaloyinka baydhabo iyo jowhar,caqabadna aysan ku ahayn,waxa uu farta ku fiiray cali baashi in loo baahan yahay in aan aduunka la tusin in waxii lagu dhisay Nairobi loo arko laba koox oo awood ku dagaalanta,wax walba oo la qabo waxaa muhiim ah inaan kula laabano dalka ayaa ka mid ahaa hadaladii uu soo jeediyay xildhibaanka.

waxaa kale oo kulankan ka hadlay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamanka Maxamad Cumar dalxa oo sheegay in ay dhibaato xoogan ku tahay hadii ay yihiin madaxdii baarlamanka ay arkaan gollahoodi oo ah labada awoodood oo ay tartamaysa,waxa uu sheegay in xaalku isbadali doono oo aan waligeed sidan la ahaan doonin ayna imaan doonaan sharci yaqaano wax ka qabta sharciga u yaala.
 
Waxa uu gudoomiyuhu xusay in gudoomiyaha baarlamaanka (shariifk xasan) yahay garsooraha garoonka ciyaarta,labadiisa ku xigeena ay yihiin sida uu hadalka u dhigayay calanwadayaal,hadii ay ciyaarta qalad ku yimaadana loo baahan yahay garsooraha in uu si cadaalad ah ugu garsooro laakiin hadii uu dhinac la safto ay dhib keeni karto,waxaa laga fahmayay in Prof dalxa uu ula jeeday in gudoomiyaha baarlamaanka ay ku foorarto kadib markii uu dhinac la saftay.
 

Wasiirka Amniga Maxamad Qanyare oo ka horyimid magacaabista Taliyaha Ciidanka booliiska.
 
Taliyaha ciidanka booliiska Somaliya oo waayadan dambe uu ka jiray khilaaf beeleed iyo mid siyaasadeeda ayaa shalay waxaa markii ugu horeysay waxaa ku dhawaaqay Wasiirka koowad ee dowlada Somaliya  waxaana loo magacaabay Coll Cali Xasan Maxamad (cali madoobe) oo ka mid ahaa ergadii shirka ku sugnayd in mudo ah.
 
Jagadan waxaa horay loogu magacaabay Cabdi xasan cawaale Qaybdiid,laakiin soo jeedin hab beeleeed ku timid ayaa la isla ogolaaday sida uu sheegay ugaas Maxamad wali in  beesha mareexaan jagadan lagu wareejiyo,jufo ka mid ah beesha ayaana lagu waday in ay helaan,laakiin waxaa gaashaanka ku dhuftay oo nin keenay Madaxweynaha kaas oo hadda loo magacaabay jagadan.
 
Hadaba wasiirka amniga dowlada federalka oo hadda ku sugan mogadisho ayaa ka hadlay magacabistan,isagoo ka ka soo horjeeda in lagu celiyay shaqo uu qabtay isaga hada ka hor jagadan qofkii uu u magacaabayna uu wato shaqadiisa,waxa uuna qanyare sheegay in aysan jirin xilka qaadistaas.
 
Ra'iisulwasaaraha waxa kale oo uu magacaabay shalay hanti dhowraha guud oo u magacaabay Cumar Maxamad muxuyadiin (cumareey)  iyo xisaabiyaha guud oo loo magacabay Maxamad Rashiid SH.Daahir.
 
xubnahan ayaa lagu magacaabay shir ay iskugu yimaadeen gollaha wasiiraha oo uu shir gudoomiyanayay prof geddi kana dhacay KICC ee nairobi.

Canab Mumtaz | SomaliTalk.com | kenya
Email:
canabmumtaz@yahoo.com


Labo qof ayaa dhimatay shalay galinkii danbe kadib markii ay tacshiirad is weydaarsadeen nin maleeshiyo ah iyo ciidamada amaanka ee isbahaysiga dooxda jubba 

Labdaan qof ee shalay galinkii danbe dhimatay ayaa waxa ay kala ahaayeen nin dabley ah oo watay qori nooca akee  iyo hal qof oo shacab ayadoo dilka labadaan nin ay ka danbeysay kadib markii ay tacshiirad is weydaarsadeen cidamada amaanka ee isbahaysiga dooxada jubba iyo ninka watay qoriga oo isagu isku dhajiyaya qoriga kadib markii ay ciidanku ka dalbadeen in uu soo dhiibo qoriga uu wato halkaana ay xabada ka bilaabatay. 

Falkan lagu dilay labada nin ayaa waxa uu dhacay shalay galinkii danbe ayada oo uu falkaan ka dhacay halka loo yaqaan shiir kole oo ku taal magaalda kismaayo. 

Hadaba waa qofkii shanaad  oo ay ciidamada amaanka ee isbahaysiga dooxada jubba tacshiirad ku firaan kadib markii uu isku dhajiyo qoriga uu wato ayadoo haatan ay magaalda ku yaraatay wadashada qoryaha ay maleeshiyooyinka hubaysan ee aan cidana ka amar qaadan ay ku dhex wadan jireen gudaha magaalda kismaayo. 

Sidoo kale waxaa baryahaan ku yaraday magaalda kismaayo dhaca iyo falalkii loo gaysan jiray dadka shacabka ah ee ku dhaqan gudaha magaalda kismaayo tasoo ay ka danbeysay kadib markii ay ciidamada amaanka  ay bilaabeen in ay rondo ku sameeyaan xaafadaha magaalda islamarkaana ayna soo qabqabtaan qofkii ay oga shakiyaan burcadanimo iyo falalka la halmaala islamarkaana lagu qaado maxakamad taasoo soo wanaajisay niyada dadka ku dhaqan gobolada jubbooyinka gaar ahaan magaalda kismaayo islamarkaana ka dhigtay mid ay maanta ku naaloon karaan nabada iyo howlaha burcad sifeynta ah ee ay soo iftiimiyeen ciidamada amaanka ee isbahaysiga dooxada jubba balse looga bahaan yahay cidama isbahaysiga in ay sii xoojiyaan sugida amaanka siina dardar galiyaan  howlaha ay gacanta ugu dhigayaan dhaqdhaqaaq amaan ee magaalda kismaayo. 

Reer Kismaayo oo Ka bannanbaxay Kitaabka Quraanka ee La Shegay Musqusha Lagu Ridey

Dhanka kale waxaa maata banaanbax balaran isugu soo baxay salaadii jumcaha kadib dad aad u tiro badan ayagoo kaso horjeeday islamrkaana dhaleecaynayaya falalka anashax xumada ah ee cidamada Maraykanka ee jooga xabsiga guatanama bay ay kula kaceen kitaabka quraanka kariin ayagoo ku ridey musqusha. 

Dadkaan maanta banaanbaxa sameynayay ayaa waxa ay wateen boorar ay kaga soo horjeedaan alle ka furashaday ey ku kaceen ciidamada maraykanaka aygoo islamarkaana ku dhawaaqayay kalmada allaahu akbar. 

Hadaba waxaa sidoo kale maanta aad looga  hadal hayay masaajida waaweyn ee magaalda kismayao intii lagu guda jiray salaadii qudba jimcaha sida waxuushnidama ah ee ay ciidamda Maraykan ah ay ugu tunteen qowlkii eebe islamarkaana ay waajib muqdis ah ay wadaadada ku tilmaameen in islaamku ay ka hortagaan falaalka ay gaalada u geysanayaan kitaabka Alle. 

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo soomaaliya
cabdiqadar84@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | May 20, 2005

Waraysi: Garaadka Beesha Gabooyaha
Nin u Dhashay Beesha Gabooyaha ayaa Hargeysa Lagu Diley, Dadkii Arintaas Ka Mudaharaadayna Xabsi ayaa la dhigay, waxaana arintaas ka waraysanay Garaad Axmed Diiriye Geylan... Guji... May 20

HAFZA oo ku adkaysaneysa Heshiiskii Xaafuun iyo DGPL & DFKM oo aan war cad kasoo saarin
Ciise Maxamuud Dholowaa oo ay SomaliTalk waraysi la yeelatay ayaa waxa uu DGPL ugu baaqay in ay war cad ka soo saaraan arinta shirkada Xafza maadaama shirkadaasi ku adkaysaneyso heshiiskaas Guji.. May 20

Madaxwaynaha Soomaaliya oo Markii 3aad Baaritaan Caafimaad lagu samaynayo
UK: Dhakhaatiirta Cisbitaalka Cromwell ee ku yaala koonfur galbeed London ayaa baaritaankii 3aad waxaa ay Guji May 18

Caasimadaha Addis-ababa iyo Muqdisho oo diiday Xukunka Zenaawe


Zenawi: Soomaaliya waa Argagixiso, C/laahi iyo Geedi:  Itoobiya waa saaxiibadeen!
Zenawi ayaa Markale Soomaalida Ku Sheegay "Argagixiso" kaddib markii ay waraysatay AP... Guji May 13

BFKMG oo ansaxiyay in dowladu dagto Baydhabo & Jowhar

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD