SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo

20  May 2005 

  • ·        Dad xabsiga Jigjiga madax-furasho looga sii daayay

  • ·        Saraakiil Maraykan ah oo Itoobiya canbaareeyay

  • ·        Ururadda Mucaaradka Itoobiya oo sheegtay inay doorashada ku guuleysteen

  • ·        Gallaydh oo taageerayaasha Itoobiya maangaabnimo ku eedeeyay

  • ·        Suudaan oo sheegtay in Soomaaliya ayna diyaar u ahayn ciidamo nabad ilaalineed

  • ·        Iyo Barnaamijkii Aragtida Halgamaaga oon ku soo qaadanayno Baynaan ku wajahan Soomaalida Ogaadeenya

====================== 

Dad xabsiga Jigjiga madax-furasho looga sii daayay

Wararka naga soo gaadhey magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in dad rayad ah oo soddomeeyo ku dhaw laga sii daayey xabsiga magaalada Jigjiga, ka dib markii lruux walba aga bixiyay lacag madax furasho ah oo u dhexaysa shan ilaa iyo toban kun oo Bir.

Dadkan, oo aan weligood wax maxkamad ah la horkeenin, waxaa xabsiyada loo taxaabay xilliyo kala duwan. Waxaana hadda la soo daayay, ka dib markii ay ciidammada gumaysigu ka qaateen lacago fara badan oo ganaax ah, kuwaasoo madax furasho ahaan loogu soo daayay. Qaar dadkan la sii daayay ka mid ahi waxay wali ku jiraan xabsi guri, iyagoo aan loo oggalayn inay magaalada Jigjiga ka baxaan, haddii ayna oggolaansho ka helin ciidammada gumaysiga ee Jigjiga ku sugan.

Ma aha markii ugu horraysay ee ciidammada gumaysigu ay lacago madax fursho ah ka qaadaan dad ay denbi la’aan xidhxidheen. Waxaa la wada ogyahay in kharashka ku baxa ciidammada gumaysiga Itoobiya ee ka hawlgala dalka Ogaadeenya intiisa badan laga qaado dadwaynaha rayadka ah ee Soomaalida Ogaadeenya, iyadoo siyaabo kala duwan looga qaado. Mar waxaa looga qaadaa qaab madax fursho ah, mar xoog ayaa lagaga qaataa, marna waxaa dagaalka loo isticmaalaa gaadiidkooda iyo hantidooda kale.

Saraakiil Maraykan ah oo Itoobiya canbaareeyay

Shir si wayn loo soo habeeyay oo ay ka soo qayb galeen saraakiil sarsare oo Maraykan ah oo aqoon u leh Geeska Afrika, ayaa daba-yaaqadii bishii Abriil lagu qabtay magaalada Washington. Kulankan waxaa ka qayb galay 50 qof oo isugu jira wakiillo ka socda dawlada Maraykanka iyo ururro kala duwan, waxaana ka mid ahaa dadkii muhiimka ahaa ee ka qayb galay Davin Shinn, oo ah safiirkii hore ee Maraykanka u fadhiyi jira Addis Ababa.

Wakiillada kulankan ka qayb galay ayaa si wayn uga hadlay siyaasada Itoobiya iyo dimuqraadiyada uu sheeganayo taliska ka amar-ku-taagleeya magaalada Addis Ababa. Waxay sidoo kale ka hadleen sida ay xukuumadda Addis Ababa ugu xadgudubto xuquuqda aadanaha iyo sida ay uga gaashaamato in beesha caalamku ay wax ka ogaato, waxayna isla tilmaameen sidii ay dalkeeda uga soo caydhisay ururradii Maraykanka ah ee doorashada goobjoogga ka noqon lahaa.

Ergooyinka shirkan ka qayb galay ayaa isku raacay in xukuumadda EPRDF ee Itoobiya ka talisa ayna ku dhaqmin hannaanka dimuqraadiyada, isla markaana ayna haynin waddadii saxda ahayd ee hannaanka dimuqraadiyada lagu gaadhi lahaa. Waxay kaloo isl garteen in Itoobiya ayna muddo dheer oo soo socta xasillooni ka dhici doonin, haddii aan talada dalka laga qayb gelinin ururrada dagaallamaya, gaar ahaan Ururka Oromada ee OLF.

Ururadda Mucaaradka Itoobiya oo sheegtay inay doorashada ku guuleysteen

Ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa cadaadis aan caadi ahayn saaray dadwaynaha taageersan xisbiyada mucaaradka ah markii la qabanayay doorashooyin ku-sheeggii Itoobiya dhawaan laga hirgeliyay.

Labadda Xisbi ee mucaaradka oo kala ah CUD iyo UEDF ayaa sheegtay in ay ku guulaysteen 200 oo kursi oo ka mid kuraasta guud ee Baarlamaanka Itoobiya oo dhan 547 kursi. Sidoo kale ururka EPRDF ee talada haya oo uu xukumo kaligii taliye Meles ayaa sheegtay inuu ku guuleystay ilaa iyo 300 oo kursi, wuxuun qirtay inuu ku guul darraystay dhamaan 23-kii kursi ee magaaladda Addis Ababa.

Taasi waxay makhraaati u tahay in shacabka Itoobiya ay ka soo horjeedaan maamulka keligii taliye Meles Zenawi. Sababta keentay in xisbiyadda mucaaradka ay ku guuleystaan dhamaan kuraasta Magaaladda Addis Ababa waxaa weeye iyadoo ay kormeerayaan ururadda iyo wakiillada ka socda waddamada adduunka.oo ay adag tahay in ciidammada Meles ay khayaamo ku sameeyaan goobaha codbixinta.

Madaxa goojoogayaasha Midowga Yurub u qaabilsan kormeerka doorashada Itoobiya ayaa ku eedaysay ururrada tartamaya inay ku dag-dageen guusha ay sheeganayaan iyadoon la dhamaynin tirinta warqadaha codbixinta.

Guddiga doorashada iyo codbixinta Itoobiya ayaa sheegay inay adag tahay ogaanshaha cidii guuleysatay ilaa la dhameeyo tirinta warqadaha codbixinta oo weli lagu gudo-jiro, sidaas darteed aan cidna sheegan karin wax guul ah, waxayna intaasi ku dareen in ilaa iyo sabtida ay adag tahay in la dhameeyo tirinta warqadaha codbixinta.

Dhulka Ogaadeenya wax doorasho ahi kama dhicin, wuxuuna gumaysiga Itoobiya sheegay in dib logu dhigay ilaa iyo muddo seddex bilood. Arrintaas ayaa lagu fasiray inay xukuumadda Zenawi doonayso inay soo diiwaan gashato dadka iyadu doonayso inay la sahqeeyaan, iyadoon haba yaraatee wax afti ah ka qaadin dadwaynaha Soomaalidda Ogaadeenya, arrintaasoo ay mararkii horaba samaysay.

Gallaydh oo taageerayaasha Itoobiya maangaabnimo ku eedeeyay

Ra’isal wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. Cali Khaliif Gallaydh ayaa dad maangaaban ku tilmaamay dadka qaba in ciidamo Itoobiyaan ah la keeno dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay lagama maarmaan tahay in maanta loo hiiliyo qaranimada Soomaaliya.

Gallaydh ayaa sheegay in falalka ay Itoobiya kula kacayso dalka Soomaaliya ayna ahayn kuwa lala yaabi karo, isla markaana qofka la safta uuna marna noqon karin qof waddani ah. Dr. Gallaydh ayaa daboolka ka qaaday in keligii taliye Meles Zenawi uu ku marmarsoonayo in magaalada Muqdisho ay jogaan kooxo ka tirsan dhaqdhaqaaqa Al-qaacida, taasna uu uga jeedo inuu ku guulaysto hadafka siyaasadeed ee uu k aleeyahay dalka Soomaaliya.

Dr. Cli Khaliif Gallaydh wuxuu sheegay inay muhiim tahay in lagu mintido Baarlamaanka dawlada ku meelgaadhka ah, isla markaana laga digtoonaad inuu burburo. Wuxuu sidoo kale ammaan u soo jeediyay dadaalka nabadaynta ah ee ka socda magaalada Muqdisho, oo malleeshiyooyinkii dibada loogha saaray, wuxuuna tilmaamay in tallaabadaasi ay niyad-sami muujinayso.

Suudaan oo sheegtay in Soomaaliya ayna diyaar u ahayn ciidamo nabad ilaalineed

Dawlada Suudaan ayaa sheegtay in dalka Soomaaliya uuna wali diyaar u ahayn in la geeyo ciidamo nabad ilaalineed, isal markaana xaaladda uu ku sugan yahay ayna saamaxaynin in ciidamo nabad ilaalin ah loo diro.

Midowga Afrika ayaa toddobaadkii hore ansixiyay in dalka Soomaaliya loo diro ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socda dalalka Suudaan iyo Ugaandha, si ay dawlada ku meelgaadhka ah uga caawiyaan inay u soo guurto dalka gudihiisa.

Hase yeeshee taliyaha ciidammada qalabka sida ee Suudaan Cabbaas Carabi ayaa la waydiiyay in xaaladda Soomaaliya ku habboon tahay in ciidamo nabad ilaalin ah loo diro, wuxuuna ku jawaabay in Soomaaliya ayna wali diyaar u ahayn in laga fuliyo hawl nabad ilaalineed.

Balse wuxuu intaas ku daray in Suudaan ay diyaar la tahay ciidamo nabad ilaalineed marka xaaladda Soomaaliya noqoto mid la isku hallayn karo.

 Radio Xoriyo

20 May 2005 

C/nuur Sh. Mohamed
radioxoriyo@ogaden.com
raadioxoriyo@yahoo.com
info@radioxoriyo.com 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

www.radioxoriyo.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 20, 2005

HAFZA oo ku adkaysaneysa Heshiiskii Xaafuun iyo DGPL & DFKM oo aan war cad kasoo saarin
Ciise Maxamuud Dholowaa oo ay SomaliTalk waraysi la yeelatay ayaa waxa uu DGPL ugu baaqay in ay war cad ka soo saaraan arinta shirkada Xafza maadaama shirkadaasi ku adkaysaneyso heshiiskaas Guji.. May 20

Madaxwaynaha Soomaaliya oo Markii 3aad Baaritaan Caafimaad lagu samaynayo
UK: Dhakhaatiirta Cisbitaalka Cromwell ee ku yaala koonfur galbeed London ayaa baaritaankii 3aad waxaa ay Guji May 18

Caasimadaha Addis-ababa iyo Muqdisho oo diiday Xukunka Zenaawe


Zenawi: Soomaaliya waa Argagixiso, C/laahi iyo Geedi:  Itoobiya waa saaxiibadeen!
Zenawi ayaa Markale Soomaalida Ku Sheegay "Argagixiso" kaddib markii ay waraysatay AP... Guji May 13

BFKMG oo ansaxiyay in dowladu dagto Baydhabo & Jowhar

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD