SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Sidee loo soo celin kara sharaftii baasaboorka Soomaaliyeed? 

  • C.M.Cabdalle
    Dubai.UAE
    a_abdulla@thuraya.com   


Dhowaan ayaan ka akhriyey Hiraan website in dowlada soomaaliyeed ey ku mashquulsantahy sidii loo bedeli laha basaaboorki cagaarnaa heshiisna ey la gashey shirkad caalimi ah oo daabacda baasaboorada, ayena badeli doonta muddo sanad gudihiis. Waa arrin loo baahan yahey in ey dawladu ku dhaqaaqdo una qabato si degdeg ah laakin waxa ka muhiimsan habkii loo qaban laha iyo sida ugu haboon oo loo hir gelin laha arintan culus marka laga eego xaga maamulka, hirgelinta, doorashada baasaborka, qalabka iyo farsamada lagu adeegi laha, nabadsugida soosaarka baasaboorka, habkii loo bixin laha, xarumaha laga bixin lahaa iyo baahinta iyo aqoonsi u raadinta baasaboorka cusub. 

Hadaba waxyaalaha aan soo sheegey aan dadka soomaaliyeed iyo dawladaba uga muujiyo meelo laga yaabo in ey ka daahsoonyihiin. Waayo waxaa iga muuqatey habka lagu soo baahiyey internetka in uu khatar ku yahy baasaboorka cusub qiimihissa iyo nabad gelyadiisa kadibna ey saameyneyso qofka soomaaliyeed oo xambaarsan. 

1-     Baasaboorkasta oo aduunka laga bixiyo wxuu ku sal leeyahy Dawlad la ictrifaasanyahy. Dawladaana, waxa looga baahanyahy in ey aduunka u soo bandhigto basaaboorkeeda iyadoo soo marineesa heyadeheeda dublumaasiga ah sida safaaradaha iyo qunsuliyadaha ama wixi metela.Bandhigaas oo watta tusaale asli ah (original sample) oo muujinaya midabka baasaboorka, xashaadaha, tafashiisa qofka sita, sawirka noociisa, mudada u soconaya, nooca qoraalka iwm. Kadibna dawladii u soo gaarey aya ku baahineesa dhamaan ilaha soogelitaanka iyo bixida dalkeeda sida xafiisyada amagreeshanka iyo kastamada si aan loo carqladeyn qofkii sita basaaborka nocaas ah. Dawladaasi markaasey war gelineysa dawladii baasaborka laheyd in ey sugeen hawshii aqoonsiga basaboorka cusub loga baahna sida brotokoolka dublumaasigu sugaayo.Taaso mararka qarkood qaadata muddo 6-9 bilood. Hadii aan arinta loo hergelin sida ku habboon inta aan dadweenaha soomaaliyeed loo soo bandhigin basaboorka cusub waxa laga yaaba in aad ku aragtaan soomali badan oo sidata basaboorka cusub oo loo diidan yahey in ey aduunka xuriyad ku maraan sida dadka kale . Waana tii ku dhacdey baasaboorkii Somaliland.  

2-     Baasaboorkasta wuxu halis u yahey in la foojariyo (falsification).Sidaa darteed ayaa dawlad walba ku dedaasha in uu paasaborkeedu noqodo mid ey adkaato sidii loo foojarin lahaa. Waana tan iminka ku kaliftey dawlada mareykanka in ey 26 dawladood oo mareykanka ku gala fiisa la’aan in ey dadkoodu ku soo galan (Biometric passport) laga bilaabo  Oct ,2005 .

Foorjarinta passaporkuna waa laba nooc sida ey u badantahy, midi waa iyadoo lasoo daabici karo mid la midah kan dawlada, midna waa in ey sahal tahey in wax laga bedelo baasabor shraciyah sida sawirka laga fujiyo ama macluumadka kale. Labada sidii looga hortegi lahaa ayaa looga bahanyahey dawlada soomaliyeed in ey dedaal xoogan saarto.  

May 17, 04: C/laahi Yuusuf oo saddex maalmood lagu xayiray Airoprka Dubai baasaboorka Soomaaliga awgiis, Guji...

May 15, 04: C/qqasim oo ka ashtakoonaya mamnuucida baasaboorka Soomaaliga ee Kenya iyo UAE..Guji

May 13, 04: Mar uu C/Qaasim Salaad Xasan ka hadlayay baasaboorka Soomaaliyeed ay joojisay dowladda Imaaraadka Carabta waxa uu sheegay in warkaasi uu yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn.. Guji

MAY 12, 04: Xuseen Maxamed Bulaale oo ah Safiirka u fadhiya DKMG Waddanka Imaaraaadka ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin in Baasaboorka Soomaaliya laga mamnuucay Imaaraadka... Guji..

MAY 11, 04: Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka DKMG  Xuseen Saalax  ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin Go’aanka ay Imaaraadka Carabtu ku mamnuucday Baasaboorka Soomaaliga... Guji..

MAY 10, 04: Warar ayaa waxay sheegayaan in dowladda Imaraadka Carabta ay fulineyso qoraal ay dowladda KMG ah horey ugu dirtay ee ahaa in ay soo sameysanayso Baasaboor, kaasoo la sheegay in ay bixin doonaan safaaradaha Soomaaliya ku leedahay dalalka Jaamacadda Carabta. Guji..

DGPL: Maya Baasaboorka Kenya

Puntland oo Mamnuucday Baasaboorka Kenya

Kenya oo mamnuucday in dalkeeda lagu soo galo baasaboorka Soomaaliga

CUNA QABATAYNTA LAGU SOO ROGAY BAASABOORKA SOOMAALIGA
Iyo saamaynta xooggan ee uu kuyeelan doono ganacsiga iyo guud ahaan dhaqdhaqaaqa shacabka Soomaaliyeed Faalladii salxudin

May 11, 2004: Maantana waa Dalka UAE oo dadka baasaboorrada Soomaaliyeed wata ka mamnuucaya dal-ku-gal (visa)!

Tan hore waa in shirkada laga soo daabacayo baasaaborka ey noqoto  mid leh (good profile) taarikh kalsooni leh, oo aany noqon mid Maafiya ah oo marba qofkii doona u daabacda. 

Tan labad waa in uu bassaboorka noqdaaa mid kamputer daabaco sawirka iyo macluumadka kale(Printed & laminated) ee aan gacan bani aadan soo dhex gelin. 

Tan sadexaad waa in la isku xiro goobaha laga bixinaayo baasaboorka iyo ilaha socdaalka ee dalka iyo safaaradaha si loo kala ogaado kan sharciga ah iyo kan kale.Hadii aan taas la fulin mashruuca baasaboorka cusub wuxu u muuqdaa mid kala dhantaalan. 

Tan afraad waa in shaqaalaha arintu khuseyso  aad loo tababara laguna dhiiri geliyaa maamul anshaxan, aqoon isweydaarsi iyo abaalgud . 

3-     Computer Technology ama cilmiga kamputarka ayaa qeyb libaax ka ciyaaraya sidii loo heli laha baasaboor soomaaliyeed oo qurux iyo heybad iyo sharaf leh, amaankiisuna suganyahey. Taasina waxey u baahan tahy aqoon, farsamo, tababar, wakhti, iyo miisaaniyad.Hadii intaa qaar laga tago ma filaayo in la gaari karo meesha eynu la rabno baasaboorka cusub mana dhaafeyno hogtii kii hore ku dhacey. 

Shirkadaha daabaca baasaboorka waxa ey gadayaan qolofkii baasaboorka, xashiyihii iyo makiinadii qofka sawirysey iyo daabacdii soo sari laheyd basaboorka iyo tababar yar.Laakin iskuma xiri karaan goobaha laga bixinaayo baasaboorka mana sugi karaan amaankiisa. Taasina waxey keeneysa in la baadi doono cid kale oo qabata hawsha isku xidhka si mashruuci uu u noqdo mid midha leh iyana wakhti iyo daraasad ayey u baahantahy si loo sameyo (Network/Application/Database) sistamkii lagu shaqynlaha iyo tababar la siiyo shaqaalaha dawlada waxaana laga yaaba in uu ku qaato mudo 10-14 bilood. 

Ugu danbeyn.Nimankan arintan loo xil saarey iyo dawladaba waxaan leeyahey arinta ha ku eegina indha baayac mushtar iyo baasaboor baanu bedelney oo keliya ee ka eega dhinacyada kale oo ka muhiimsan oo aan qaar kor ku soo sheegey si loo soo celiyo sharaftii baasaboorka soomaaliyeed aduunkuna inagu xurmeeyo.Taaso idinkana sharaf iyo magac idin noqon hadii aad arinta sidii loorabey u qabataan, qofka soomaliyeedna uu kalsooni iyo xuriyad aduunka ugu mari doona mar labaad.

Wa billahi tacaala altowfiiq............. 

C.M.Cabdalle
Dubai.UAE
a_abdulla@thuraya.com           

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 1, 2005

XAMAR DAAWO DACALADA... SAWIRO....

 AKHRI BOGGA MAQAALADA DADWEYNAHA.. Guji


BOOSAASO & LA DAGAALANKA ANSHAX XUMIDA
Waxaa (19-04-2005) lagu qabtay Hoolka Jamacada Bariga afrika Boosaaso Shir aad u balaaran oo ay yesheen Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culumo owdiinka Gobolda Puntland Qaar ka mida... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD