SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
  • Nin Jarmal ah oo Diley Xaaskiisii oo Soomaali ah, Laba Carruur ah iyo Labadiisii waalid....

  • Madaxweynaha dowlada FKMG ah oo lagu wado in uu tago Mogadisho mar dhaw.

  • Xildhibaanada dagan hotelada Nairobi oo bishan Afarteeda lagu siiyay digniin in ay uga baxaan.

  • Ra'iisul Wasaare Geedi oo soo booqday Xaruntii Vila Soomaaliya ee Madaxtoyada.

  • Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM oo u Safray Xamar si uu u Muujiyo Taageeraada DFKMG
  • Gudoomiye_Xigeenka Midnimada Africa oo soo Gaadhay hargaysa.
  • Ugaas Max’ed Wali “C/llaahi Yuusuf isaga iyo cadaaladda waxay isku jiraan meel lo socdo 27 sanno..
  • Cali Max’ed Geedi “Dadweynaha Soomaaliyeed waxaan u soo jeedinaya…
  • C/qaasim “Dowladeedii waxaa hor yaalay isbaaro laakiin midda Geedi…..  
  • Waftigii ka socday midawga afirca oo gaarey Berbera....
Nin Jarmal ah oo Diley Xaaskiisii oo Soomaali ah, Laba Carruur ah iyo Labadiisii waalid, asagiina is toogtey....

Wararka ka imanaya magaalada Berlin ee dalka Jarmalka ayaa shaaca ka qaaday in nin Jarmal ah oo daa'diisu tahay 41-jir oo degaan ahaan ka yimid magaalada galbeedka ee Rheinfelden uu diley xaaskiisii, labo carruur ah oo da'yar iyo labadiisii waalid. Waxaana warku intaas ku daray in ninkani uu maalintii Sabtida booliska digniin soo siiyey.

Saraakiisha boolisku markii ay tageen goobta dilku ka dhacay waxay halkaas ka heleen meydka xaaskii ninkaas oo u dhalatay Soomaaliya oo da'deedu ahayd 30-jir, gabar uu dhalay oo 7-jir ah, iyo wiil uu dhalay oo 4-jir ah iyo labadiisii waalid oo da'doodu tahay toddobaataneeyo. Waxa kale oo ay heleen ninkii oo sariir saaran oo si aad ah u dhaawac ah oo ay agtaal baastoolad.

Sida ay sheegeen boliska: Qoraal uu ka tegey ninku waxaa ku qoran in toogashadan ay sababtay muran u dhexeeyey ninka iyo xaaskiisa, oo sugayey in ay is-furaan, waxayna muddo bilo ahna gooni ayey u kala noolaayeen.

Waxaa boolisku rumaysan yihiin in ninkani uu markii hore toogtey labadiisa waalid iyo labadiisa carruurta ah kaddibna uu sugey inta xaaskiisu imaneysey, kaddibna uu ayadii toogtey, markaas ka dibna uu is toogtey.

Cisbitaalka ayaa dhaawacii ninka loola cararay, laakiin Axad (May 1) ayuu u dhintay dhaawacii.

Isha: Reuters Germany | Tarjumadii SomaliTalk

Madaxweynaha dowlada FKMG ah oo lagu wado in uu tago Mogadisho mar dhaw.

  • Canab Mumtaz | SomaliTalk | Nairobi |May 1, 2005
    Email:
    canabmumtaz@yahoo.com ama cmmumtaz@somalitalk.com
Somali President Abdullahi Yusuf AhmedWarar ku dhaw dhaw Madaxweynaha dowlada FKMG ah ee Somaliya C/llaahi yuusuf Axmad ayaa sheegaya in uu dhawaan tagayo Caasimada Somaliya ee Mogadisho.
 
Tagista Caasimada ee C/llaahi Yuusuf ayaa ka dambay sida ay wararkaasi sheegayaan kadib markii ay halkaasi gaareen maanta Xubno ka socda beesha caalamka ayna ka mid yihiin Safiirka Xukuumada Ingiriiska u jooga Dalka Kenya Mr.Devid Bell iyo Wasiirka iskaashiga iyo Xiriir Goboleedka ee Xukuumada Kenya John Arab Koach, xubnahan iyo kuwo kale oo ka socda Midawga yurub oo horay u tagay Mogadishu lana socday Wasiirka koowaad waxa ayna wadeen maalmihii la soo dhaafay waan waan ay ka dhex samaynayaan xubanaha labada golle ee ku sugan caasimadda Somaliya ee Xamar.
 
Wafdigan ka socda Bulshadda caalamka ayaa cadaadis ku saaraya Madaxweynaha in uu tago Caasimadda si uu wadahadalo ula sameeyo qaybaha ku sugan halkaasi,ee ka mid ah labada Golle iyo siyasiyinta kale ee aan ka mid ahaynba.
 
Madaxweynaha iyo wafdi balaaran oo labada Golle ka tirsan ayaa lagu wadaa in ay tagaan mogadisho maalin aan la shaacinin, laakiin isla todobaadkan ah sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Madaxtooyada Madaxweynaha.
Dadkii ka badbaaday Doonta iyo Dhaawacii iyo Dhimashadii oo la keenay Boosaaso
 
Xildhibaanada dagan hotelada Nairobi oo bishan Afarteeda lagu siiyay digniin in ay uga baxaan.
 
Milkiilayaasha Hotelada ay dagan yihiin xubnaha labada Golle ee Soomaaliya ayaa war galiyay in ay iskaga guraan ka hor inta aan la gaarin bishan may afarteeda oo ku beegan arbacada soo socota.
 
Digniintan la siinayo xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waayadan dambe socotay,waxa ayna ka cabanayaa inta badan milkiilayaasha hotelada in wax qarasha ah aan la siinin aysana u dulqaadan karin waqtiga dheer oo ay xildhibaanadani dagan yihiin hoteladooda.
 
Xildhibaano kor u dhaafaya lixdan ayaa xalay laga saaray hotelkii ay daganaayeen ee Chaster House,kadib markii maamulka hotelkaas uu amar ku siiyay shaqaalaha in aysan soo galin xildhibaanada albaabka hotelka.xiligaas oo roob badani ka da'ayay magaalada  Naiorbi Guud ahaan,Siyaasiyiinta xiriirka la leh Am.Kiplagad ayaa wargaliyay dhibaatada ka jirta hotelkaasi kadibna waxa uu la soo xiriiray maamulka,laakiin waxba iskama badalin diidmadaasi waxa ayna u sheegeen in ay rabaan lacagtii ay xildhibaaddani ku daganaayeen hotelka.
 
Muddo ka dib waxa waa danjiraha u geeyay maamulka hotelka Jeg ay ku qornayd lacag gaaraysa Afartan iyo sagaal kun oo dolarka maraynka ah($49.000.dolar) laakiin maamulka waxa ay sheegeen in lacagta ay leeyihiin aysan u dhigmin iyagoo diidmo qayaxan kaga horjeestay gabi ahaanba ay u furaan albaadadaba xildhibaadaas.
 
Xubnahan ayaa ugu dambayntii waxaa qolol laga dajiyya Hotelka 680 oo ay dagan yihiin in ku dhaw 150 xildhibaan,waxaana liiskooda keenay Am.kiplagad oo ka dalbaday maamulka hotelka in ay sii daayaan,sidaas ayaana lagu dajiyay.
 
Xildhibaano badan ayaa ku tala jira maalmaha soo socda in ay ku laabtaan dalka soomaaliya,waxa ayna qorshaynayaa sidi ay ku heli lahaayeen Vissaha dalka kenya looga baxo,dhibaatada ka haysta xildhibaanada Soomaaliyeed dhinaca Hotelada ayaa aad u soo badanaysa barayahaan dambe,waxaana cadaadis lagu saarayaa in ku laabtaan dalkooda.
 
Beesha caalamka ayaaa sheegta in bil walba ku bixiyaan xubin walba oo ka mid ah Baarlamaanka lacag gaaraysa kun iyo shan boqol doolar,iyadoo ay taas jirto hadana waxaa la yaab ah qarshayada ay mar walba soo sheegtaan milkiilayaasha hotelada ay dagan yihiin.

Canab Mumtaz | SomaliTalk | Nairobi |May 1, 2005
Email:
canabmumtaz@yahoo.com ama cmmumtaz@somalitalk.com

 

DIGNIIN KU WAJAHAN DADKA DEGA HAREERAHA WEBIGA SHABEELE.


War-1-1,May,05,Ramadaan Hotel,Muqdishu.

  • Hon.Bebe Feme :Qaramada Midoobey waxay soo dhaweyneysaa Dadaaal Raisul..........
  • Hon.Abdalla Alcarrimi :Jaamicada Carabta waxay aad u shaqeysay isu soo dhawey..........
  • Hon.Ali Mohamed Geedi :waxaan mahad Celinanayaa Beesha Caalamka iyo Reer Muqd......
  • Hon.Joseph Nyaga:Muqdishu waxay ka mid aheyd Caasimadaha adduunka kuwa.......
Wafdi ka Socda Q/midoobey iyo kenya oo soo gaarey Muqdishu saakey ,wafdigaasi ayaa ka soo degay garoonka dayuuradaha N0-50. wafdiga ayaa raisukwasaaraha xukuumaha Soomaaliya kulam kula yeeshay Ramadaan Hotel uu degan yahay.waxay ku soo biireen wafdiga Raisuwasaaraha Hogaaminayo oo jooga Magaalda Muqdishu Maalmahan.

kulanka ayaa ugu horeyn waxaa ka hadley ku xigeenka wakiilka Jaamicadda Carab ee arrimaha Soomaaliya Muddane Cabdalla Alcariimi oo sheegay in Jaamicada ka shaqeyneyso sidii la isigu soo dhaweynlahaa labada gole oo fikraha ku kala duwan.

waxaa kaloo uu sheegau in shacabka ku nool magaalada Muqdishu ka faaideystaan Fursada qaaliga oo ay Beesha Caalamku Siisay.

wasiir ku xigeenka wasaaradda Iskaashiga Caalamka iyo bariga Afrika ee kenya Hon.Joseph Nyaga ayaa sheegay in Dawlada Kenya Garab taagan tahbay dadaalka uu wado Raisulwasaraha xukuumada ,kaasoo la isugu soo dhaweynayo Fikradaha kala duwan ee labaada Gole,waxaa kaloo uu sheegay 15-sano ka hor in magaalada muqdioshu ku jirtey magaaloyinka ugu nabada badan ,waxcaa kalo uu ka mahad celiyey soo dhaweyntii lagu soo dhaweyey magaalada Muqdishu iyo fikirka uu ka aminsana,waxaa kaloo uu sheegay in shacabka reer muqdishu haatan doonayaan dawlad iyo nabad.

sidoo kale kulankaasi waxaa ka hadley wakiilka qaramada midoobey arrimaha siyaasada Soomaaliya Dr.Bebe Feme Bedje oo isna sheegay in beesha caalmka iyo qaramada midoobey soo dhaweyneyso dadaalka fikrad isku keenida Raisulwasaare Cali M.Geedi.

waxaa kaloo uu  Dadweynaha Reer Muqdishu u sheegay in Maanta Dawlad dhisan gacantooda ku jirto,ayna ka Faaideystaan.

ugu danbeytii kulankii ka dhacay Ramadaan Hotel waxa ka hadley Raisulwasaarajha Xukuumada Federaalaka Soomaalida Dr.Cali M.Geedi oo Mahadcelin u soo jeediyey dawladaha IGad iyo Beesha caalamka dadaalka ay uga galeen sidii Soomaaliya Dawlad iyo Baarlamaan shaqeeya u hrli lahaayeen ,sidoo kale waxa uu amaaney Dadweynaha Reer Muqdishu soo dhaweyntoodii, waxana uuna in maalmaha soo socda kual hadli doono Goob fagaro ah oo dadka reer muqdishu ku idil yihiin.

dhamaad.

War-2-1,May,05.Ramadaan Hotel,Muqdishu.

Kulanka Raisulwasaraha iyo Xildhibaanada ku sugan Muqdishu...

Raisulwasaaraha Xukuumada federaalka KMG ee Soomaaliya Muddane Cali Maxamed Geedi iyo Wafdi uu hogaaminayey ayaa maanta xildhibanada Baarlamaanka ee jooga muqdishu  kula kulmay Xaruntii hore ee Xisbiga Kacaanka.

Kulanka ayaa shir gudoominayey Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomalida Muddane Cismaan Cilmi Boqore,kulanka ayaa ugu horeyntii warbixino ka soo jeediyey xildhibaanada ku sugan Magaalada muqdishu oo sheegay in ay qabteen Hawlo xaasaasi ah ,muuqatana wax qabadkooda  shaqo ee ku aadan xaalada Magaalad Muqdishu iyo Maleeshiyooyinka ku dhaqan ,waxyna sheegeen in haatan ay wadaan qorshihii lagu xereyn lahaa iyo sidii tababaro ,aqooneed iyo xirfado kala duwanloo bari lahaa.

Raisulwasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in hawsha ay wadaan tahay mid qaranimo tahay ayan aheyn mid shaqsiyaeey ,taasoo uu sheegay in ay xildhibanada ku amaanan yihiin,laakiin loo bahan in lawada tashado waxna meel la isla ogado.

waxaa kaloo uu ku amaaney sidii ay ugu soo dhaweeyeen garoonka dayuuraha ee no-50.

ugu danbeyn waxaa kaloo halkaasi ka hadlay gudoomoye ku xigeenka labad ee Baarlamaanka Federaalka KMG soomaaliya  mudane Cismaan Cilmi Boqore oo sheegay in  Masuuliyiinta Dawlada Daacad u yihiin dhamaan xubnaha barlamaanka ee ku sugan muqdishu,laakiin ay jiraan shaqsiyaad ama xildhibaanada fikraddo kala duwan aaminsan,lana doonayo in laga wada hadlo.

kulankasi sidoo kale waxaa ka hadley qaarka tirsan xubnihii beesha caalama,safiirada wadamada qaar oo kulankaasi ku sugnaa.

dhamaad.

DR.Cali Maxamed Geedi Raisulwasaaraha dawlada Soomaaliya oo soo booqdey Villa Somaaliya.Raadiyo Muqdishu iyo taliska Ciidanka Boliska.

Raisulwasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya Dr.Cali Maxamed Geedi iyo Wafdigii uu hogaaminayey waxay maanta soo booqdeen xarumaha kala ah Gurigii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya (Villa Somaliya),Raadiyo Muqdishu iyo Xarunta taliska Ciidanka Boliiska,waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey Maleeshiyooyinka taageersan Raisulwasaarwe ku xigeenja 2aad ahna wasiirka arrimaha Guddaha ee Xukumada Federaalka KMG ee Somaaliya Xuseen Maxamed Faarax caydiid iyagoo lulaya caleemo qoyan sitaana sawirka Xuseen Caydiid kuna dhawaqaya soo DHawow Raisulwasare Cali Mxamed Geedi.

Raisulwasaare Cali maxamed geedi ayaa dadweynihii halkaa ku sugnaa u sheegay in shgaqooyin iyo tababaro la siin dpoopno dhamaan Maleeshooyinka tixgalin gaar ah la siini doono,kana mid noqon doonaan ciidamada kala duwan ee Xukumada Federalka KMG e Soomaaliya.

Raisulwasaare Dr.Cali Maxamed Geedi ayaa ah Masuulkii ee Dawlada KMG Soomaaliya ugu horeeyey ee soo booqda xarumahaasi tan iyo 1990 Dawladii hore ee Marxuum Siyad Barre.

dhamaad.

Abdikarim Aden hussein .
Ramadaan Hotel,Muqdishu. 
abdikarimhussein@hotmail.com

Wararkii Saakay:::: May 1

Ra'iisul Wasaare Geedi oo soo booqday Xaruntii Vila Soomaaliya ee Madaxtoyada.

War.1.May.. Ra'iisul; Wasaaraha Xukuumadda federaalka ee Dowladda Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi ayaa maanta Booqasho rasmi ah ku tagay Xaruntii hore ee Villa Somaaliya ee Madaxtoyada, halkaasoo ay si diiran ugu soo dhaweeyeen Dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid qeybaha Magaalada Muqdisho.

Prof Geedi oo ay Booqashadisa ku wehliyeen Wasiir ku-xigeen Xiriir Gobaleedka Dalka Kenya Joseph Nyaga, Wakiilka Xoghayaha Guud u qaabilsan arrimaha soomaaliya BabaFemi Badejo iyo danjirayaal ka socda Beesha Caalamka, gaar ahaan Midowga afrika,Jaamacada carabta, dalalka Igad, waxay xaruntaasi kala kulmeen soo dhaweyn aad u heer sareysay, iyadoo Dadweynahaasi ku dhawaaqayay soo dhawada Raisul Wasaare adiga iyo wafdigaada.

Hadal uu dadweynahaasi u jeediyay raisuil wasaare Geedi waxa uu ugu horreyntii uga mahadceliyay sidii diiraneyd ee isaga iyo wafdigiisa ugu soo dhaweeyeen Xarunta Madaxtooyada, wuxuuna sheegay in tani ay muujineyso in dadweynuhu ay baahi weyn u qabaan Dowlad,isagoo intaa raaciyay in Dowladu ay wax u qaban doonto Dhallinyarada Hubeysan ee Maleeshiyaadka oo loo qaadan doono Ciidamadfa Booliska iyo militariga, kuwa buuxiya Shuruudaha Ciidanka, kuiwa kalena la siin doono tababar farsamo ah oo ay ku shaqeystaan. Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi waxa uu u sheegay Masuuliyiinti iyo Dadwerynihii xarunta Madaxtooyada kusoo dhaweeyay in laga sugayo in ay wax ka qabtaan Amaanka iyo xasiloonida Muqdisho si Muqdisho ay usoo ceshato Sharaftii ay caanka ku aheyd, wuxuuna weydistay inay Taagero buuxda siiyaan Dowlada isagoo sheegay in Xukuumadu waddo barnaamijo wax looga qabanaaayo dhinacayadfa Amaanka,dib u dhiska iyo barnaamij ku wajahan hub ka dhigista.

Masuul ku hadlay Ururkii SNA ee Taageera Ra'iisl Wasaare ku xigeenka, ahna Wasiirka arrimaha Gudaha Mudane Injineer Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid, waxa uu sheegay in isagoo matalaya Dadweynaha iyo masuuliyiinta SNA ay Diyaar u yihiin inay furaha Xarunta Madaxtooyada,Radiyo Muqdisho iyo Taliska Booliska Soomaaliyeed ay ku wareejiyaan Dowladda Federaalka KMG ee Soomaaliya.

Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Cali Maxamed Geedi waxa kaloo maanta xarunta hore ee Xisbiga uu kula shiray Xubnaha Labada Gole ee Xukuumada iyo Baarlamaanka. Kulankaasi waxaa kaloo ka soo qeybgalay Wasiir-ku-xigeenka Xiriir Gobaleed Geeskia Afrika Joseph Nyaga iyo Wakiilka Xoghayaha guud ee Arrimaha Soomaaliya u qaabilsan Mr.Femi Badejo iyo Danjirayaasha dalalka Igad iyo Jaamacadda Carabta,waxaa kulankaasi hadal Warbixin iyo soo dhaweyn isugu jira ka jeediyay Xildhibaan Cumar Xaashi,Xildhibaan Jaamac Cali Jaamac iyo Guddomiye ku xigeenka Baarlamaanka muidane Cusmaan Cilmi Boqore waxayna sheegeen in ay qabteen Howl wax ku ool ah oo ku saabsan sidii loo nabadeyn lahaa Magalada Muqdisho iyadoo ay caddeeyeen inay agaasimeen Ciidamo wax ka qabta Nabadgelyada Magaalada Muqdisho,iyagoo caddeeyay ineysan jirin wax khilaaf ah oo dhex-yaala Labada Gole, ayna diyaar u yihiin inay ficil u badalaan waxqabadkooda.

Mudane Cali Maxamed Geedi oo isna shirkaasi ka hadalay waxa uu u sheegay xubnahaasi inuu ku faraxsanyahay wixii ay qabteen, balse ay muhiim tahay in ficil laga dhigo wax ka qabashda Nabadgalyada Magaalada Muqdisho. Prof Geedi wuxuu kaluu intaa raaciyay inay haboon tahay inb la adkeeyo Midnimada Xubnaha Dowlada islamarkaana qabashada Howlaha maamulka ay u xilsaaran tahay Xukuumada, baarlamaankana uu u xilsaaran yahay kormeerida Howlaha,wuxuuna weydistay iney meel iska dhigaan khilaafyada oo ay wax waliba ka hor mariyaan wax u qabashada Ummadda.

Waxaa iyana ka hadlay kulankaasi Wasiir ku xigeenka Xiriir Gobaleedka Geeska afrika Joseph Nyaga iyo Baba Femi Badejo oo caddeeyay inay Diyaar u yihiin iney si buuxda u taageeraan Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Mr.Jospeh Nyaga oo timaamay in Dowladiisu aanay ka hareyn tan iyo intii ay cagaheeda ay isku taageyso Dowladda Soomaaliyeed ayna u fidin doonaan Dalalka Igad Kaalmo wax ku ool ah.

Mr.Nyaga iyo Badeejo wax ay tilmaameen in Booqashada Raiisul Wasaaraha ay tahay mid wax weyn ka qaban doonta sii dhaqaajinta Howlaha lagu xaqiijinaayo sugida Amniga ee Magaalada Muqdisho waxayna sheegeen in ay u caddaatay in aanu wax khilaaf ah oo u dhaxeeya xubnaha labada Gole balse uu jirto Xiriir la'aan lana sixi karo, waxayna Raiisul Wasaaraha iyo Wasiirada kale iyo Xubnaha Barlamaanbka ay ku adkeeyeen inay gacnaha is qabsadaan oo ay xil weyn iska saaraan sidii loo samata-bixin laha Ummadda Soomaaliyeed.

Isha: Xafiiska Afhayeenka Dawlada FKMG | Muqdisho | May 1, 2005


Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM oo u Safray Xamar si uu u Muujiyo Taageeraada DFKMG

Qoraal SomaliTalk ka soo gaarey xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha soomaaliyam, Dr. Babafemi Badejo, in uu socdaalay Muqdisho si uu u muujiyo tageerada dawlada DFKMG.

Dr. Badejo waxa uu rajaynayaa in uu ra'iisul wasaaraha ka taageero sidii loo suurta gelin lahaa wada xaajood dhex mara xubnaha labada gole ee DFKMG ee ku sugan Muqdisho. Waxa kale oo safarkani fursad u siinayaa in uu dhiiri geliyo xubnaha dawlada ee muddo ku sugnaa Muqdisho sidii ay u xoojin lahaa yeen ammaanka magaalada, isla mar ahaantaasna ayagoo qayb ka noqonaya qorshaha dib u dejinta qaranka.

"Qaraamada midoobey waxay ugu baaqaysaa dhammaan xubnaha labada gole in ay wada xaajood yeeshaan, si loogu gudbo shaqada adag ee dib u dhiska daalka ee ina hortaal" ayuu yiri Dr. Badejo, waxana uu intaas ku daray "Dadka Soomaaliyeed badan koodu waa kuwo jecel in ay taageen qoysaskooda, kun anoolaadaan nlol wanaagsan, laakiin taasi waxay ku iman kartaa marka ala helo jawi leh xasilooni iyo ammaan. Fursadaan ma ahan mid aan ogolaan karno in ay ina garab marto".

Qoraalka Xafiiska Qaramada midoobey u qaabisan Soomaaliya  ka eeg halkan..[.PDF]


WARBIXINADII AFAR BILOOD LAHA EE QARAMADA MIDOOBEY EE SOOMAALIYA:::
APRIL 2005 | JANAAYO 2005 [.pdf]


Gudoomiye_Xigeenka Midnimada Africa oo soo Gaadhay hargaysa.

warbixin: Aadan yuusuf qodax hargaysa somaliland Email: aadanqodax@somalitalk.com

Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo gudoomiye kuxigeenka ururka midnimada africa(AU),ayaa shalay galab soo gaadhay hargaysa ,waftigan oo ujeedada socdaalkiisa lagu tilmaamay mid xaqiiqo raadis ah xaalada guud ee maamul iyo nololeed ee somaliland.

Wasiirka warfaafinta somaliland c/laahi maxamed ducaale ayaa sheegay in imaatinka waftigani uu yimid somaliland uu kadanbeeyay cadaadis uu maamulka somaliland saaray ururka midnimada africa oo ah in ay yimaadaan somaliland.

Waftigan kasocda ururka midnimada africa waxaa xalay casho sharaf ah usameeyay madaxweyne kuxigeenka somaliland axmed yuusuf yaasiin. waxaa waftigani ay maanta u ambabexeen magaalada berbera si,ay usoo eegaan dekeda magaalada berbera iyo hawlaha ay hayso dekadu. waxaa lafilayaa in waftigu uu caawa ilaa bari lakulmo madaxweyne daahir rayaale kaahin .

Waa waftigii ugu heersareeyay ee kasocda ururka midnimada africa oo aanay somaliland xubin ka ahayn, waxaana lasugayaa bal waxa waftigu kayidhaahdo somaliland marka ay dhamaystaan socdaalkooda. alaa mahadleh

aadan yuusuf qodax hargaysa
email: aadanqodax@somalitalk.com

Waftigii ka socday midawga afirca oo gaarey xeebta Berbera xarunta G/Saaxil warka ku saabsan hoos ka akhri.

 


Ugaas Max’ed Wali “C/llaahi Yuusuf isaga iyo cadaaladda waxay isku jiraan meel lo socdo 27 sanno..

Amiin yuusuf amiinkhasaaro@hotmail.com | Muqdisho | May 1, 2005

Ugaas Max’ed Wali Shiikh Axmed Nuur oo ah afhayeenka Suldaanada Beesha Daarood ayaa  soo gaarsiiyay saxaafadda  isagoo ku sugan magaaalda Nayroobi warqad qoraal ah waxayna warqadaasi qoraalka ah ku bilaabanaysaa sidatan.

            “C/llaahi yuusuf isaga iyo cadaaladda waxay isku jiraan meel loo socda 27 socdo wuxuu Jabhad ahaa muddo 27 sano ah walina ma dareemin in uu yahay madaxweynaha soomaaliya wuuna ka gudbay Jabhadnimadii uu mudda dheer ku soo jiray taasina waa nasiib daro u soo hoyatay shacabka soomaaliyeed isagoo horey u sheegay in uu yahay Ninkii bilaabay fidnada maanta haysata umadda Soomaaliyeed, cadaaladdiisu waa Caraweelo oo kale oo Ragga ka goysay xubintii taranka kaddibna waxay amartay in Ragga la baaro ninkii laga waayo xubinta Taranka waxaa lagu ganaaxayay in la karbaasho, cuntada laga jaro, Faras dheeraya lagu xiro taasina ma aha cadaalad loo dul qaadan karo, Madaxweynaha waxaan leeyahay 27 sano wixii dadka aad u leynaysay waad haysaa si uu shacabka uga baxo dhibaatada waa inaad garab ka dhigataa dadka cilmiga iyo aqoonta saaxiibka u ah haddii kale waxaadan hureyn wadaddii uu qaaday Charles Tayler”.       

Cali Max’ed Geedi “Dadweynaha Soomaaliyeed waxaan u soo jeedinaya…

            Ra’isul wasaare Cali Max’ed Geedi oo maalmahan ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa mar uu la kulmay qaar ka mid ah ganacsatada iyo waxgarad ayaa waxa uu u sheegay in dalka ay imaanayaan ciidamo ka socda Midowga Afrika iyo Urur goboleedka IGAD kuwaasoo uu sheegay in ay ka qayb qaadan doonaa sugida goobaha dowladda, ilaalinta goobaha ilaha dhaqaalaha iyo inay hubka ka dhigaan kooxaha maleeshiyooyink. “Haddii aan ciidamadaasi la soo dhaweynin oo aan lala shaqeyn dalka wuxuu ku sii jirayaa dhibaatada iyo nabadgelyo xumo” ayuu yiri Cali Max’ed Geedi oo sheegay in dowladda aysan soo guureen ilaa ay ka soo hor maraan ciidamda midowga Afrika iyo kuwa IGAD. “Dadka haddii aan hubka laga dhigin waligeed sidaan ayaa ku jireynaa caalamka waa naga sii jeesanayaa” ayuu yiri Cali Max’ed Geedi oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay soo dhaweeyaan ciidamda ka socda wadamada Afrika. Ra’isul wasaaraha ayaa haatan wada qorshe uu bulshada Soomaaliyeed uga dhaadhicinayo soo dhaweynta ciidamadaasi, wuxuuna sheegay in la’aantood aysan dowladdu qaban Karin wax shaqo ah, wuxuuna sheegay in ciidamaasi dalka ku sugnaan doonaan waqti kooban iyaga oo tabar siin doona kooxaha maleeshiyooyinka ah iyo iyaga oo isku duba ridi doona ciidamadii xooga dalka Soomaaliyeed.

C/qaasim “Dowladeedii waxaa hor yaalay isbaaro laakiin midda Geedi…..            

            Prof.Cali Maxamed Geedi oo ah Ra'salwasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya oo haatan booqanaya Mogaalada Muqdisho ayaa shaley  wuxuu kulan la yeeshay C/qaasim Salaad Xasan oo Madaxweyne ka ahaa Xukuumadii lagu soo dhisey Shirkii Tuulada Carta ee Wadanka Jabuuti. Kulanka masuuliyiintan oo ka dhacey Guriga C/qaasim uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa loo ogolaadey Saxaafada inay goob joog ka ahaadaan waxyaabaha laga wadahadlayo. Kulanka ayaa Ra'iisul Wasaare Cali Max'ed Geedi wuxuu uga mahadceliyey C/qaasim Salaad & Masuuliyiinta kale ee ku sugan Gobolka Banaadir, soo dhaweynta Wafdi-giisa iyo waliba Taageerada DFKMG ah ee Soomaaliya. Ra'salwasaare Cali Maxamed Geedi wuxuu ku aamaney C/qaasim dadaalkii uu ka sameeyey amaanka Muqdisho xiligii uu ahaa Madaxweynaha Xukuumadii Carta, isla markaana wuxuu ka codsadey in sidaasi si la mid ah uu xiligan u hawlgalo amaanka Magaalada Muqdishi iyo sidii ay Xukuumadu ku imaan lahayd

            Sidoo kale Cali Maxamed Geedi waxyaabaha kale ee uu ka hadley waxaa ka mid ahayd Caasimadnimada Magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in taasi aysan ku jirin gorgortan, isla markaana uusan ogeyn meesha lagu badaley Caasimadnimada Muqdisho, wuxuu sheegay in Dadka lagu qaldey hadalo uu ku tilmaamey jahwareerin. C/Qaasim Salaad Xasan oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in Xukuumada Ra'isalwasaare Geedi aaney iminka hor oolin wax isbaaro ah sida ku dhacday Xukuumadii uu Madaxweynaha ka ahaa, waxaana C/qaasim uu sheegay in inta badan Hogaamiye kooxeedyada ka jira Soomaaliya, kuwaasi oo iminka ka ah wasiiro iyo Xildhibaano dowladan, waxa uuna ku booriyay Ra'islwasaare Geedi in uu ka fa'ideysto fursada uu haysto, isla markaana uu ku dadaalo xalinta qilaafaadka iminka ka dhex jira labada Golle ee DFKMG ah ee Soomaaliya, sidoo kale waxa uu la kulmay Ra’isul wasaaraha Madax-weynihii hore Cali Max’ed Geedi wuxuuna u soo jeediyay in waayo aragnimadooda ugu faa’eedeeyaan bulshada Soomaaliyeed si ay u hesho nabad iyo xasilooni.

            Cali Mahdi oo isna halkaasi ka hadlay in dowladda looga baahan yahay in ay dalka dib ugu soo laabato.

amiin yuusuf amiinkhasaaro@hotmail.com


WEFTIGA MIDAWGA AFRICA OO SI WEYN LOOGA SOO DHOWEEYEY BERBERA.

Waftigii ka socday midawga afirca ayaa soo gaarey xeebta Berbera xarunta G/Saaxil.

  • sacad ciise cumar

Weftigan oo ay hogaaminayeen wasiirada arimaha gudaha, wasiirka wasaarada warfafinta iyo wasiirka wasarada maaliyada S/land oo uu weheliyo afhayeenka M/tooyada S/land Cabdi Idirs Ducaale.

Soo dhowayntaii waftigan oo si weyn loo sii agaasimay waxaa lagaga horyimi degmada mandheera waxaana ka mid ahaa masuuliyiinta soo showeeysay gudoomiyaha G/saaxil Maxamed C/Laahi Maxamed T/Q/Booliska G/Saaxil duqa Berbera Cabdi Jaamac Ducaale maareeyaha wakaalada Dekeda Berbera Ing Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor Xoor) iyo madax waaxeed yada iyo hawl wadeenada kala duwan ee dekada Berbera maamulaka kastamka Berbera wakaalada Biyaha Berbera ardayda dugsiyada kala duwan eee Berbera iyo Maamuladooda muruqmaalka Dekada Berbera Ururada Bulshada ee kal aduwan Haweenka Ururada dhalin yarada dad weyne tiro badan kuwaas oo wadooyinka waftigu mareyey ilaa tuulooyinka u dhexeeya madheera ilaa Berbera la taagnaa caleemo qotan iyo Boodhadh ay ku xardhan yihin weedho ay dareenkooda ka muujinayaan kuna cadaynayaan in aanay qaranimada S/land Gorgortan gelinkarin is,la markaana ay ka mid ahaayeen S/land jiraankeedu waa muqadis, S/land waa dal jira oo ka mid ah qaarada africa iyo dunidaba.

Abaaro 2dii duhurnimo ayaa weftigan midwoga afirca ka socday la dejiyey guriga qasriga Berbera oo ku yaala duleedka Haamaha kaydka shiidaalka qaaranka halkaas oo ay aftigu ku soo dhoweeyeen gudoomiyaha G/Saaxil duqa Berbera Cabdi Musbaar isla markaana weftiga loogu sii diyaariyey qado sharaf.

Wasiirka warfaafinta S/land oo ka mid ahaa wasiirada horkacayey waftigan ayaa hadal kooban oo uu saxaafada siiyey ku sheegay in ujeedada waftigan tahay sidii ay xog badan uga heli lahaayeen xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta S/land iyo waxa u qabsoomay mudadii ay madaxbanida qaadatay iyo horumarka iyo dib u dhiska dulka isla markaana ay eegayaan dumoquraadiyada ka jirtya S/land iyo inay S/land tahay dal dastuuriyan jira lana mid ah dunida kale .

Dhinaca kale waftigan oo ka kooban 7 xubnood waxaa hogaaminayey sida uu sheegay wasiirka wafraafintu gudoomiyeku xigeenka ururka midwoga afirca oo uu sheegay inuu yahay saaxiib aad u qaali ah oo S/land leedahay.

Waxaa kaloo sheegay inta ay joogaan waftigani inay soo booqdan doonan goobaha kala ah haamaha kadhka shiidlaka xeebta batalaale dekada berbera madaarka waxaa kaloo la sheegay inay caawa waftigani la kulmi doontoururada bulshada sida culmida u diinka duqayda madax dhaqmeedayada ururada haweenka ee ka jira Gobolka ama Berbera ururada dhalinyarada kulanadaa ka dib waxaa la sheegay inay caawa u hoyan doonaan huteel Biyo dhacay Berbera isla markaana ay subaxda u anbabxi doonaan dhinaca xarunta G/Togdheer ee Burco iyagoo ku sii hakan doonan magaalada sheekh oo ka tirsan deegaanka G/Saaxil.

Faafin: SomaliTalk.com | May 1, 2005


BOOSAASO & LA DAGAALANKA ANSHAX XUMIDA
Waxaa (19-04-2005) lagu qabtay Hoolka Jamacada Bariga afrika Boosaaso Shir aad u balaaran oo ay yesheen Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culumo owdiinka Gobolda Puntland Qaar ka mida... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD