Geeddi:
Hadday Xamar igu soo Dhoweeyeen, Anigu Xabashi ma ku soo
Dhoweynkaraa
C/Waaxid
C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah baa mahad leh.
Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Nin Mele Zenawi
macallin u yahay; C/hina madaxweyne; Maxamed-dheerana uu meesha uga baxay;
Muuse Suudina uu mucaarad ku yahay; Muqdishana ay magaaladiisii tahay wax
kasta ka filo.
Haddii Geeddi Muqdisho
iyo Jowharba uu tagay oo dadweyne intaas le’egi soo dhoweeyeen muxuu u rabaa
inuu ciidamo shisheeye Jowhar keeno? Yuu Jowhar uga baqayaa? Ma
Maxamed-dheeruu iska waardiyeynayaa? Ma dadkii reer Jowhar ee riwaayadda u
dhigay soona dhoweeyey baa Xabashi iyo kuwo Yugaandha u dhashay la iskaga
dhigin?
Madaxweynaha Maraykanka,
Bush iyo Tony Blair ka Britian midna ma heli karo shacab intaas le’eg oo isu
soo baxa si ay u soo dhoweeyaan. Qof kasta waa la socdaa tartankii
doorashooyinkii madaxweynanimada ee Maraykanka 2004-tii; markasta oo Bush,
boqolaal ka mid ah xisbigiisa oo cabsan ku soo xaraysto meel; waxaa jira
kuwo ka badan oo muddaharaad ka dhan ah ka sameeya hadba magaalada uu
markaas joogo.
Haddeertaan ooy maalmo
naga xigaan doorashada xubnaha Baarlamaanka ee dalkan Britian; waxaadan
ilsaarayn ra’iisul wasaarihii Britian meel uu ka baxay. Waxaan xasuustaa
sanooyin hore, adoo raba inaad masaajid gasho baa waxaa kaa horimaanaya
ra’iisal wasaaraha ama madaxda mucaaradka! Adoo yaabban oo is leh ma
muslimeen ayaad ogaaneysaa inay iimaamka masaajidka u dhiibeen warbixin ku
saabsan qorshaha ay doorashada ku galayaan “manifesto” , sidoo kalana ay cod
ka rabaan muslimiinta!
Sidii uu Blair
udabo-orday Bush, waxaa ku adkaatay inuu dadweynaha soo hor-istaago.
Dagaal-oogayaasha iyo madaxda dunida seddexaad keliya ayaa ku dhaca inta
dadkooda xasuuqaan inay haddana sheeko-xariir ku hor akhriyaan. Ogoow haddee
Tony Blair kama baqayo in la dilo ee wuxuu ka baqayaa inay haweeney
xanaaqsani ukun ku tuurto ama lagu orsho ama su’aal uusan jawaab u hayn la
weydiiyo. Si aysan taasi u dhicin, wuxuu goostay in hadba inta dhowr ardey
ama qof loo soo xulo meel loogu xareeyo dabadeedna sidoo kale dhowr weriye
inta la casuumo ay filim ka qaadaan hadhowna taleefishinnada iyo
raadiyayaasha laga soo daayo.
Waxaan xasuustaa
macallimiintii loo yaqaanay Biibii oo loo diyaarin jiray inay ubadka
Soomaaliyeed ay waxbaraan oo barbaariyaan in lagu xaraynjiray xerada Xalane
ooy xukumeen saraakiil ciidamadii Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka tirsanaa.
Waxaan filayaa in saraakiil hoos hoose ay horjoogayaal u ahaayeen
macallimiinta. Bal adigu suureyso macallimiin lagu gaardisiinayo garoonkii
Qalbi-dile ee ku daalay Xalane? Qof qalbi-dile kasoo qalinjabiyey, ma u
maleyneysaa in lagu aamminikaro qeybta ugu muhiimsan bulshooyinkoo dhan,
dhallaanka/ubadka?
Soow meynaan arki jirin
cunug yar oo inta waalidkii dhalay u dadaaleen oo canjeelo iyo saliid cadday
soo siiyeen (ileyn dadka badankiisu danyar bay u badnaayeene) uu macallin
Biibii ahi leeyahay dhagaha qabso! Waa ciqaab aan dhallinyaro lagula tacaali
karin iska daa carruure. Macallinka Biibiida ahi wixii Xalane looga soo
jaray buu carruurta ka jeebi jiray. Inkastoo dhallaanku ay macallimiinta u
istaagi jireen haddana dhallaanku ma helin xannaanadii la rabay.
Dhallaankaas canjeelada
laga matajiyey waxay qaadeen falsafad ah waxaan hooyadood soo siin in loogu
yeero waxa dowladda. Waxaa ugu caansanaa GD oo laga wado gaadiidka dowladda.
Waxaa jirtay marka ilmuhu dhammeeyaan sanad-dugsiyeedkaas oo la rabo inay
dib u ceshaan buugtii waaweyneyd ee aan waalidkood siin laakiinse ka soo
gaaray dhinaca iskuulka (text books) inay ku ciyaari jireen banooni/kubbad
iyagoo u qaba buug-dowladeed! Waa buugaagtii uu beri isticmaalilahaa kan
halka sano ka yar ee walaalkiis ama walaashiis ahayd. Hadda qof la arko
wuxuu u arkaa waxaan qoladiisa ahayn tuugo, maangaab, wax-iskuma-falayaal,
laangaab iyo wax la mid ah.
Cagligu wuxuu keeni
lahaa in macallimiinta loo diyaarinayo dhallaankaas wax lagu baro meesha ugu
fiican meel wax lagu barto hadday diin ama maaddi tahayba. Waxaa la rabay in
la baro sidii suubbanihii, nabi Muxamed (SCW) uu dhallaanka ula dhaqmi jiray.
Soow nabiga (SCW) isagoo tukanaya, gabar yar oo awoowe uu u yahay kama
dhigan daabbad oo dusha ugama bixin? Nabigu (SCW) wuxuu diiday inuu sujuudda
ka kaco iyadoon ka bogan. Soow Isagoo (SCW) Jimce ka khudbeyna masaajidkiisa,
mey soo gelin Xasan iyo Xuseen (RC) oo ku dhacdhaca safafka dhexdooda
dabadeedna inta naxariis is-heynwaayey mimbarkii kama soo deign oo kor uma
qaadan? Yaa maqlay nabi Muxamed (SCW) oo carruur xaarxaarinaya iska daa inuu
ciqaabo ama garaacee? Ma jirto. Marka laga reebo dad yar oo muslimiin ah oo
Ilaahay u naxariistay waxaa xaquuqda dhallaanka laga ilaashaa waddamada reer
Galbeedka. Ilaa ay gaareen inay dhahaan xitaa waalidku ilmahooda ma
dharbaaxi karo. Dadkaan aan gaalada dhahno ayaa nabiga (SCW) arrintaas ku
raacay. Nabigu xitaa ilmaha wuu la ciyaari jiray sidii qisadii “yaa Abuu
Cumayr maa facala al-naqiiru”. Xaddiiskaas waxaa weriyey Anas Binu Maalik
(RC) isagoo leh nabigu (SCW) wuxuu ahaa dadka kan ugu akhlaaq fiican. Waxaa
jiray walaalkey yar oo la oran jiray Abuu Cumeyr. Marka markii Nabigu (SCW)
noo yimaado wuxuu wiilkaas yar uga tacsiyeyn jiray shimbir yar oo ka
bakhtiday isagoo nabigu (SCW) yiri hadalkaas kore.
Waxaan uga danleeyahay
ka warran madaxdii la rabay inay qaran iyo dowlad Soomaaliyeed dhisaan
haddii la leeyahay waxaa tababar siinaya dowladda Itoobiya? Haddeer baa la
leeyahay Itoobiya waxay tabar u biloowday ciidamo ay leeyihiin “midland”.
Wasiirro badan oo Xudur jooga waxaa tababar u furay dablayaal Itoobiya u
dhashay! Ka warran “wasiirka dastuurka” oo dable tabobar u furayo? Haddii
macallimiintii Xalane lagu soo tababaray sidaas dhallaankii ula dhaqmeen
maxaad ka filayaa dad ay Xabashi tabobartay? Ama ciidamo Ugaandha iyo
Suudaan u dhashay? Dhoodaan markaas oo kale wuxuu yiraahdaa: sidii ari
qayiley oo dhurwaa shaac u karinaayo. Ma jiraa farqi u dhaxeeya arigaas uu
hal-abuurkii sheegayo iyo dad leh waxaa tabobar na siinaya cadowgeenna?
Markaan soo qoray
maqaalkii ahaa: haddii Suudaan Ciidan Soomaaliya u soo dirayso;
Samatabixintuna waxay u diraysaa Daarfuur; dhowr qof baa i yiri oo awal
Xabashi-diidkii la garaye maxaa muslin-diidka keenay? Muxuu yahay muslinka
aan isla nahay wasiirka arrimaha dibadda ee Suudaan ee leh – waxaa
Soomaaliya jooga argagixiso? Soow sheekadii Zenawi maaha? Yuu yahay qofka
dambe ee Soomaaliga ah ee soo dhoweynaya ciidamo Suudaani soo dirtay? Anigu
maahmaahdii Soomaaliyeed baan ku dheggennahay ee lahayd: nin hooyadiis
qorrax u jiiday, aayadiis hoos ma hariyo. Ciidanka Suudaan ha joojiyo
xasuuqa ay ku hayaan dadkooda.
Waxaa la arkaa in mar
loo baxsado aqoonta halka aan jaahilka marna faa’iido laga sugin. Marka qof
qof dhif ah laga reebo yaa qoomkii Fircoon ku kufriyey Fircoon oo Ilaah
rumeeyey? Waa dadkii sixirloowyaasha ahaa. Waxay fahmeen in waxa nabi Muuse
(CS) la yimid aysan sixir ahayn ee ay tahay mucjiso dabadeedna wey muslimeen.
Ma dhicikartaa in Geeddi ka faa’iideysto aqoontii lagu baray canshuurtii
laga qaadi jiray dad ay ka mid yihiin kuwii shalay cadceedda u tubnaa? Sidoo
kalana uu garto khiyaannada uu wato Mele Zenawi isagoon da’ ahaan ka weyneyn,
aqoon ahaanna uu Geeddi ka sito dabadeedna u soo jeesto dadkiisa iyo
dalkiisa?
Waxaa la sheegaa in mar
oday Soomaaliyeed ku soo baxay balli la oranjiray Ximcaddo oo biyo
ceegaagaan oo afkaas haya. Balligu wuxuu ku yaal Doollo. Odaygii inta
balligii u dhawaaqay buu yiri: Ximcaddoow, Ilaah deeq kuuguma dhimanna ee
biyaha cesho.
Waxaan Geeddi ku
leeyahay marba haddey dad intaas tiro le’eg oo Soomaaliyeed una badan
qoladaada ay saas kuu soo dhoweeyeen; ha iska lumin fursadda ee ku dadaal
sidii Soomaali wax ugu qabsoomi lahaayeen sidoo kalana loo fashilin lahaa
dhagarta nacabka Soomaaliyeed. Gabyaa Soomaaliyeed baa yiri:
-
Wararkaan masaafada u diray mahadi Iidoore
-
Marwo iyo hablaba dumarkii waa ii
mashxaradeene
-
Teer iyo marsada Saylac bay mir iska
taageene
Marka waxay ila tahay
marba haddii intaas oo qof ay Lambar 50 iyo Xamar kuu dhoobnaayeen inay
shacabkii Soomaaliyeed ku sharfeen. Marka ama shaqiyad cusub la soo bax ama
sheydaankaas Zenawi ah dhegaha wax hakuugu shubo.
Waxaa dhici karta inay
jiraan dad aan rabin inay Xamar degto oo fulinaya danaha cadowga
Soomaaliyeed sidii qolyihii dilay gabadhii weriyaha u ahayd BBC-da ama
isbitaallada ku tuura banbaanooyinka. Marka waxaa dhici karta inaad aragto
iyagoo dhib sameeya inta Geeddi Xamar joogo si loo dhaho Xamar foodda lama
siin karo.
C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusa xiixan
Faafin: SomaliTalk.com | May 1, 2005
Booqashada R/Wasaaraha
Soomaaliya uu Ku Joogo Xamar
Afhayeenka DFKMG ayaa sheegay in
uu Prof. Geedi Bilaawey Kulamadii wada tashiga uu la yeelanayey...
Guji.. Apr 30
BOOSAASO
& LA DAGAALANKA ANSHAX XUMIDA
Waxaa (19-04-2005) lagu qabtay Hoolka
Jamacada Bariga afrika Boosaaso Shir aad u balaaran oo ay yesheen
Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culumo owdiinka Gobolda Puntland
Qaar ka mida...
Guji...
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|