SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO
Ra'iisulwasaare Geddi dowladiisa fariisin Ma uga dhigo doonaa Mogadisho?

Somali Prime Minister Ali Mohamed GhediRa'iisul wasaaraha dowlada FKMG ah ee Somaliya Prof.Cali Maxmad Gedi waxa uu Siyaasadda Soomaaliya ku Soo biiray ka hor dhowr bilood,waxa uun badalay xubinimadii Hogaamiye Kooxeedka Maxamad Dheere waxa uuna cali gedi matalaa Siyaasad ahaan Hogaamiye kooxadkaas isagoo aan ka talaabsan karin waxii uu isagu u arko Xal Siyaasadeed ama Nabad Galyo.

Ra'iisulwasaaraha dowladda FKMG ah ee Somaliya Prof.Cali Maxmad Geddi waxa uu hadda ku sugan yahay Hotel ku yaala Caasimadda Soomaaliya ee Mogadisho Gudaheeda.(Hotelka Ramadaan) halkaas oo horay uu wasiirku u sheegay in aan la tagi karin oo ay tahay meel amaankeedu xun yahay dowladdana aan u noqon karin fariisin,cod uu u qaaday Gollaha wasiiradana waxaa lagu ansaxiyay in mogadisho laga furo xafiis siyaasadeed,dowlada iyo baarlamaankuna dagaan jowhar iyo baydhabo arrintaas oo ay wasiirada qaarkood ka hor yimaadeen iyagoo ku sheegay in uu jabiyay Dastuurka u yaala dalka.

Cali Maxmad Geddi oo caasimadda si wayn loogu soo dhaweeyay,waxaan ka dhex muuqanin soo dhawayntiisi Xubanaha ku jira Gollihiisa wasiiradda ayna ka mid yihiin Maxmad Qanyare,Muuse Suudi,Maxamad Jaamac Sifir,Cismaan Caato,bootaan Ciise Caalim iyo wasiiro ku xigeeno dhamaantood ku jira dowladda kana biya diiday Go'aankii dowladda ee ahaa in ay dagto baydhabo iyo jowhar Xanarna ka furato Xafiis siyaasadeed.

Xubanahan ayaa soo dhawaynta wafdiga uu hogaaminayay Ra'iisulwasaaraha u diray Ciidamada iyaga ka amarqaata iyo gawaaridoodaba si loogu soo dhaweeyo Amaankooduna loogu sugo,Waxaa kale oo garoonka ku soo dhaweeyay amaanka garoonka iyo wafdigaba sugayay Ciidamo uu leeyahay Sheikh.Yuusuf Indha Cadde oo ku sugnaa garoonka nuber 50 guud ahaan shabeelada Hoose-na ku haya gacanta dhinaca amaanka.

Cali Maxamad Geddi Hadii uu arkay soo dhawayntaas isaga iyo martidii la socotay loo sameeyay,wasiiradii siyaasad ahaana ka soo horjeeday ay ku caawiyeen in ay gawaaridooda ku soo dhaweeyaan,dadweynaha ku nool caasimaddana ay caleema qoyan la taagnaayeen qoraxda iyagoo muujinaya taageeradooda ay u hayaan dowladda ayba uga sii baahi badan tahay in ay helaan oo kaliya Nabad Maxaa uga soo baxi kara arrimahaas oo dhan dowladiisana ma uga dhigi doonaa fariisin caasimadda soomaaliya ee uu maanta ku dhex sugan yahay isagoo waliba wada diblomaasiyiin shisheeye.

Jawaabtu waa maya.Waayo qorshahaba uguma jirto xiligan in dowladiisa dagto mogadisho sababtoo ah waa mid horay loo qorsheeyay,dowaladu halkii ay dagi lahayd,Cali geddina ma’ahan kaligiis Mid qaadan kara Go’aan ee waxa uu la tashan doonaa ka dib marka uu ka soo laabto Mogadisho Madaxdiis kale ee uga sareysa dowladda ama uu kala tashado Arrimaha siyaasadda Somaliya.

Waxaa kale oo uu ku qancin doonaa Beesha caalamka in uu tagay xamar oo ah caasimadda Soomaaliya,laakiin aanay wali ahayn meel la gayn karo dowladda balse uu ka sii shaqayn doono xafiis siyaasadeed,maadaama go’aankaas uu ahaa mid ay gaareeen wasiiradda dowladdiisa.

U guurista iyo dajista Caasimadda Somaliya ee Mogadisho ee xiligan waxaan ku qanacsanayn Wasiirada qaarkood iyo xildhibaanadaba qaar ka mid ah,waxa ayna horey u sheegeen in aysan Caasimada ahayn mid la dagi karo dowladuna ay ka shaqayn karta ilaa la keeno ciidamo Ajnabi ah oo suga Amaanka dowladda.

Madaxweynaha ayaa Laf-ahaantiisa horay usheegay in dowladiisa aysan xiligan tagi karin xamar,waxaana uu madaxweynuhu dhowr jeer ku celceliyay in caasimadda uu ka taagan yahay amaan xumo,kaas oo wiiqi kara howlagalka dowladda loona baahan yahay in la dajiyo labada magaalo midkood oo ah jowhar ama baydhabo.

Ugu dambayn marka la isku soo duubo Ra’iisul wasaaruhu ma ahan mid u hogaamin kara dowladiisa dhinaca mogadisho,xitaa hadii uu helo kalsooni badan oo ay u muujiyaan dhinacyada xamar ku nool ee kula jira dowlada iyo baarlamaanka ama qaybaha kale ee ku sugan xamar.

Laakiin waa mid uu ku qancin doono beesha caalamka oo in badan cadaadis ku saartay in uu tago caasimadda soomaaliya ee xamar,dowladiisana geeyo,laakiin waxaa laga war sugayaa diblomaasiyiinta raacay waxa ay ka sheegaan caasimada soomaaliya ee Xamar.

Canab Mumtaz | SomaliTalk | Nairobi
canabmumtaz@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 1, 2005

Booqashada R/Wasaaraha Soomaaliya uu Ku Joogo Xamar
Afhayeenka DFKMG ayaa  sheegay in uu Prof. Geedi Bilaawey Kulamadii wada tashiga uu la yeelanayey... Guji.. Apr 30


BOOSAASO & LA DAGAALANKA ANSHAX XUMIDA
Waxaa (19-04-2005) lagu qabtay Hoolka Jamacada Bariga afrika Boosaaso Shir aad u balaaran oo ay yesheen Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culumo owdiinka Gobolda Puntland Qaar ka mida... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD