SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARAR
  • Qaxooti Soomaaliyeed oo maalintii labaad ku horbanaanbaxay Baarlamaanka Sweden.
  • Amaandarrada ka imaan karta doorashooyinka maamulka goosadka Somaliland.
  • Xuska gooni iskutaaga Somaliland iyo jawigii Fagaaraha beerta xoriyada. Aadan Yousuf Qodax Hargeisa - somaliland

Qaxooti Soomaaliyeed oo maalintii labaad ku horbanaanbaxay Baarlamaanka Sweden.

Ikraam Cali-kaar
 
Iyadoo weli ay isa soo tareyso caddaadiska asxaabta siyaasadeed qaarkood ee dalkan Sweden iyo urruradda u dooda xuquuqda aadanaha dowladda Sweden ku saarayaan iney wax ka badasho siyaasadeeda ku wajahan dadka magangalyo doonka ah ee ay go'aanada diidamaha ka soo saartay. Ayaa maalintii shalay aheyd waxaa qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalkan maalintii labaad ku horbananabaxeen Baarlamaanka Sweden. Kadib markii Dowladda Sweden ay gebi ahaanba joojisay sharciyadda magangalyo doonka ah ee ay siin jirtay dadka Soomaalida ah qaarokoodna ay dib uga celisay meelo kamid ah Soomaaliya.
 
Banaanbixii shalay oo jawi wanaagsan ku dhamaaday ayaa dad gaaraya 150 qof oo kamid ah 1000 qofeed ee mudaharaadkan sida weyn uga qeyb qaadatay loo ogolaaday in galaan gudaha Baarlamaanka Sweden oo xilligaasi ka socday shir ay fadhiyeen mudanayaasha Baarlamanka.  Muddo afartan iyo shan daqiiqo ayey gudigii qaxootiga Soomaalida ku sugnaayeen gudaha baarlamanka iyagoo la codsaday oo keliya iney dhageystaan shirka halkaasi uga socday xildhibaanada dawacdoodana ay markaasi kadib dhiibtaan.
Ayaanle Rooble oo kamid ah gudiga qaxootigagasi sharcilaawayaasha ah oo qadka taleefanka iigu waramayey ayaa sheegay inuu mudahaaradkii shalay u muuqday mid guul weyn laga soo hoyey. Kadiba markii si daacadnimo ku jirto ay ugu soo bandhigeen Dowlada Sweden iney meel uga dhacday xaquuqdoodi Qaxootinimo una sheegen in xaaladda dalkoodu marayo meel aan la xakameyn karrin oo waqtiganinaay abuurmeen isbaheysi siyaasadeed oo hor leh cabsina laga qabo in dalka markale dagaal ka dhaco.
Waxaa kale oo ii sheegay Ayaanle in ninka madaxda ka ah xisbiga shaqaalaha ay u dhiibeen warqad cabasho ah oo ku wajahan siyaasadda Sweden ee la xirriirta Arrimahooda. Waxaanu Ayaanle u sheegay ninkaasi iney siin doonaan codkooda  hadduu wax u qabto soomaalida dalkan ku dhibaateysan marka laga gaarro xilliga doorashada dalkan oo lugu wado iney qabsoomaan sanadka dambe tanoo ninkani isku soo sharaxayo qabashada jagada ra'iisalwaasrenimada.
 
Dhanka kale Faadumo Maxamed Nuur oo ah siyaasad soomaaliyeed oo muddadii lugu jiray qabanqaabinta banaanbaxan iyo qabsoomidiisa oo habeen iyo maalin ka seexan ayaa  maalintii ugu horeysay ee banaabxan qudbad ay ka jeedisay goobtii ay iskugu yimaadeen sharcilaawayasha Soomaaliyeed u sheegtay iney tahay arrin aad looga xumaado Sweden oo isku tilmaanto dal dimoqraadiyad ah ay ku tumato qawaanidda Qaramada Midoobey u dagsan ee qaxootga. "Siyaasadda ay ku dhaqmeyso dowladda ee ka dhanka ah qaxootiga ma ahan mid loo dulqaadan karro waana iney wax ka badashaa" ayey tiri Faadumo Nuur oo si weyn mujiineysay sida ay ugu xuntay dhibaatadda heysata islamarkaasina aaney shaqsi ahaan wax uga qabin karrin iyadoo ah siyaasi kartisan xisbiga (Folk partiet)  ee Lebral-ka.
 
Dibad baxan shalay dhacay ee qaxootiga Soomaalida dalkan ku dhibaateysan ayaa sida ay mas'uulintiisa ii sheegeen ahaa mid ku dhamaaday jawi wanaagsan ay ku muujiyeen inaaney aheyn sida lugu tirinayo ee ah dad aan isku duubneyn. 
Maalinta isniinta haddii Eebbe idmo ayaa lugu wadaa inuu dhaco wejigii sadexaad ee bananabani ay soomaalida ku doonayaan in wax laga badalo go'aanada ka dhanka ah.  Soomaalida ku dhaqan magaaladda Gothenburg oo caasimadda labaad ayaa iyagana ka qeyb qaadanaya wejiga seddexaad ee banaabxani oo si weyni ay iskugu diyaarinayaan kuwa kalee iyagana dhibka lawadaaga walaalahooda kale.
Dabacsanaanta iyo kala daadsanaanta heysta Soomaalida Sweden ayaa waxa Ayaanle eeda dusha uga tuuray kuwii dalkan marhore yimid ee heysta sharciyada dagaanshaha iyo dhalashadaba inaaney meel iska saarin go'aanada ka soomaali ahaan u saameyneysa ee Dowladdu soo saarto marwalba.
Halka qowmiyadaha kale ee dalkan qaxootiga ku ah heystaan jaaliyado iyo cod mideysan oo u orda danahooda gaar ahaaneed. Nasiib darrase xaalka Soomaalida dalkan Sweden iyo guud ahaan dunida galbeedka ayaa ah mid aan dhaafin u kala qeybsanaanta siyaasadda guracan ee ku dhisan  qabyaalada iyo goboleysiga ee dalka burburiyey.
 
Isku soo wada duubo inkastoo Soomaalida dhibka heysta uu yahay mid laga wada dharagsan yahay hadana talaabada ay qaxootiga Soomaaliyeed ee sharcilaawayaasha ku ah dalkan ay qaadeen waa mid mudan kuyasho lagana doonayo soomaalida kale ee ku nool qaaradda Yurub iney sidaaso kale sameeyan si ay u soo dhacsadaan xaqooda la duudsiiyey. Haddii kale xaalkoodu waxa uu ahaanayaa abidkiis muqstabal madow iyo qaran la'aan iyo in siddii la doono laga yeeli karro.
 
Waxaa diyaarisay;
Ikraam Cali-kaar

BANNAANBIXII HORE EE Qaxootiga Soomaaliyeed ku hor banaan-baxeen Baarlamaanka Sweden


SOMALISKA RIKSFÖRBUNDET I SVERIGE (SRFS)
URURKA ISBAHAYSIGA UMMADDA SOOMAALIYEED EE ISWIIDHAN

War saxaafadeed

Bannaan bax loogu doodayo qaxootiga Soomaaliyeed ee Sweden

2005-05-19

Asalaama calaykum wr wb

Walaalayaal waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa warbixin ku saabsan bannaanbaxyo ka dhacay dalka Sweden oo loogu doodayo xuquuqda dadka Soomaaliyeed ee aan sharciga lahayn. Bannaanbaxaas oo uu isku soo dubariday ururka Isbahaysiga ummadda Soomaaliyeed ee Sweden waxaa la fuliyey laba maalmoood, waxaana loo bannasanyahay laba kale.

17-may 2005 waxaa ka dhacay magaalada Stockholm ee caasimadda Sweden bannaanbax weyn oo ay isugu yimaaddeen dadka Soomaaliyeed ee Sweden degen qaar ka mid ah iyo dad ajanabi ah. bannaanbaxu wuxuu ka dhacay guriga baarlamaanka dalka Iswiidhan hortiisaa oo dhinaca kalena uu ka xigo qasriga dawladda Sweden. Soomaalida isugu timid muddaharaadkan waxaa lagu qiyaasay ilaa 3000 qof oo u badan dadka degen magaalada Stockholm. Waxaase jiray dad qaxootiga u badan oo ka kala yimid gobollo kala duwan si ay u xoojiyaan muddaharaadka.

Barnaamijka muddaharaadka iyo hadalkaba waxaa qaybinayey madaxa arrimaha qaxootiga ururka Isbahaysiga mudane Cabdulqaadir Salaad Cali (Loonge), waxaana hadallo ka soo jeediyey guddoomiyaha ururka Cabdulqaadir Makaraan iyo guddoomiyihii ugu horreeyey ee ururka Isbahaysiga mudane Ibraahin Buraale iyo weliba Cabdibashir (M xirsi) oo ah xoghayaha isbahaysiga, kana tirsan guddiga qaban qaabada muddaharaadka.

Xisbiyada waaweyn ee dalka Sweden ka jira qaarkood ayaa muddaharaadka ka soo qayb galay oo khudbado ka soo jeediyey. Waxaa xisbiyadaas ka mid ah xisbiga garabka bidixda (V) oo ay ka socdeen laba qof oo baarlamanka sweden ku jira. Xisbiga shacbiga (fp) oo ay ka socdeen laba siyaasi oo caan ah. Iyo Xisbiga dawladda (S) oo ay ka socdeen laba xubnood oo ku kala jira baarlamaanka Yurub iyo baarlamaanka Sweden. Waxaa kaloo bannaanbaxa ka qayb qaatay kiniisadda Stockholm iyo urur u dooda in dadka qaxootiga ah sharciga la siiyo.

Dhammaan dadkaasi waxay soo jeediyeen khudbado ay isku garab taagayaan dadka qaxootiga ah. Waxaanay wada ballan qaadeen in ay ka shaqayn doonaan sidii dhibaatada dadkan haysata xal loogu heli lahaa. Xubnaha ka socday xisbiga dalka xukuma waxay noo ballan qaadeen in ay kulan nooga soo qaban doonaan wasiiradda arrimaha qaxootga BARBARO HOLMBERG. Sidoo kale wuxu ururka Isbahaysigu u gudbiyey wasaaradda arrimaha debedda warqad cabasho ah iyo liiska dad kun dhaafay magacyadooda.

Haddana waxaa mar labaad muddaharaadkii laysugu soo noqday 18 may 2005 oo isla goobtii hore loogu muddaharaaday laysugu yimid. maalintan dadku way ka yaraayeen intii hore waxaanay u badnaayeen dadka qaxootiga ah oo keliya. Habase ahaatee waxaa u soo baxay xubno muhiim ah oo ka tirsan xusbiga mucaaradka ah ee lagu magacaabo ”xisbiga dadka”. Waxaa ka mid ahaa dadkii ka yimid xisbigaas hogaamiyaha xisbigaas Lars Lejonborg, Mauricio Rojas iyo gabadha Soomaaliyeed ee caanka ah Fatima Maxamed Nuur.

Hadal iyo dhammaan hawsha loogu gurmanayo dadka qaxootiga ah waa mid halkeeda ka soconaysa, waxaana dhici doona muudaharaado dheeraad ah maalmaha 23 iuo 25 may. Ilaa haddana waxaa soo muuqda sansaan guuleed oo ah in warkeeni gaadhay dawladda Sweden.

Ururka Isbahaysiga ummadda Soomaaliyeed wuxuu u mahadnaqayaa dhammaan dadkii Soomaaliyeed ee nagu garab galay gurmadkan loogu jiro dadka soomaaliyeed, gaar ahaan dadka qaxootiga ah laftooda oo sanadkan gacan wayn ka geystay is abaabulka dhexdooda ah.

URURKA ISBAHAYSIGA UMMADDA SOOMAALIYEED EE ISWIIDHAN
+46(0)8-166961 (xafiiska)
+”-(0)737596464 (gacanta)
srfs@telia.com


Amaandarrada ka imaan karta doorashooyinka maamulka goosadka Somaliland.

May 19, 2005

Guddiga Badbaadada Gobolka Sanaag(GBGS) waxa ay dareen feejigan ka muujinayaan abaabulka doorashooyinka maamulka goosadka Somaliland uu ka qorsheenayo degaanada maamulku ka taliyo iyo gobolada la deriska ah.

Waxaan ka digeyna, waxgaradka degaanka iyo adduunka oo dhanna u sheegaynaa in waxii amaandarro ah ee ka miyaada doorashada maqaarsaarka ah, uu si toos masuuliyadooda,u qaadidoono maamulka goosadka ee Hargeysa. Waxaanu ugu baaqaynaa walaalha soomaaliyeed ee dega gololada waqooyiga Soomaaliya in ay ka digtoonaad falalka maamulka goosadka ahi uu maleegayo ee colaad horleh abuurikara.

Waxaanu soo dhowaynaynaa dedaalka ay wadaan isimadda waqooyiga ee gartay in la kala sooco doonista nabada iyo siyaasada ee ay ugu horeeyaan isimadda gobolka Sool, sidii ku cadayd baaqoodii dhowaan ay shaaciyiin.

Waxaa kaloo mudan in aan sheegno sodcaalka Suldaan Saciid Suldaan Cabdi Salaam uu ku tegey Hargeysa in uu yahay mid aan hadda la sugeyn, haboonayna xilliga hadda lagu jiro, dhalinnakara shaki iyo fasilaad khalad ahna bixinkara.

Hirasha har-qoodaarka iyo wadatashiga dhaqanka ku salaysani waa gundhig xal u noqonkarta xaaladaha bulsho ee murugsan ee maanta degaanka ka taagan. GBGS waxa ay aaminsan tahay, kuna baaqaysaa in lagoobo go’aankii geedka amase dimuqraadiya geedka ab-ogaaga ah, waayo xal bay inoo noqonkartaa.

Wabilaahi Tawfiiq.
GBGS
UK.
gbgsanaag@hotmail.com


Xuska gooni iskutaaga Somaliland iyo jawigii Fagaaraha beerta xoriyada. Aadan Yousuf Qodax Hargeisa - somaliland

Email: aadanqodax@somalitalk.com

Hargeisa - May- 18 - 05

Jawiga hargeisa ayaa ahaa mid aad u fiican kadib roobabkii shalay iyo xalay. iyadoo ay maanta tahay 18may sanadguuradii 14aad ee gooni isku taga somaliland.

Kumanaan iyokumanaan ayaa saaka ku soo kalahay fagaaraha meesha loo yaqaan beerta xoriyada.

halkaas oo ah markii u horeysay ee lagu xuso maalintan oo kale iyadoo hore loogu xusi jiray fagaaraha kheriyada. Dadweynaha ayaaku waabariistay maqalka heesaha wadaniga ah ee ka baxayey radio hargeisa iyo kuwa makarafoonada beerta xoriyada .

kumanaankaa qof ee iskugu soo baxay si ay u xusaan 18may waxaa khudbado kala duwan u jeediyey masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay madaxweynaha dahir riyaale kaanin , hadaba dadkaas waxay si aad ah u sugayeen bal halka xooga saarto khudbada madaxweynahu kuwaas oo dadka qaar sugayeen in uu ka hadlidoono mowqifka dawladiisa ee ku wajahan dowlada ku meel gadhka ah ee loo dhisay somalia iyo waliba khilaafka gobolada bari iyo shirka sheekh lagu qabandoono. balse madaxweyne riyaale arimaha kama uu hadal, waxaanay madaxweynahu khudbadiisu u badnay dufaac uu iska dufaacayo mooshinka ka dhanka ah iyosiyaasada xisbiga kulmiye.

Mr. riyaale waxaa uu balanqaaday in inta lagu jiro sanadkan hirgalinayo darajooyin ciidanka,waxaa uu si ba'an u wareeraray golaha wakiilada waxaa uu sheegay in xisbi mucaarad ah ku baayacay mudane walba $1500 si loo soo oogo maamuska xayuubin.

madaxweyne riyaale muun sheegin xisbiga uu yahay laakiinse waxaanu caadsaarnayn uu jeeday xisbiga kulmiye oo loolan siyaasadeed ka dhexeeyo. waxaa uu madaxweynaha ugu baaqay xisbiga kulmiye in uu ixtiraamo dimiqraadiyada ka hana qaaday dalka isagoo yidhi kulmiye waxaad kursiga ku helaysaan tartan ee si kale kuma helaysaan.

waxaa uu ku tilmaamay arin khaldanayd falkii boolisku ku baadhay xarunta kulmiye. waxaana kulmiye ugu baaqay in ay xidhaan idaacada radio horyaal isagoo ugu balantaaday in idaacad iyo T.V la keenayo wadanka xisbiyaduna ay dhex u noqonayaan, ugu danbeyntii waxaa uu madaxweyne riyaale ugu baaqay dhamaan aqoonyahanka somaliland meelkasta oo ay joogaan in uu ku marti qaadayo doorashada golaha wakiilada ee soo socota . dhinaca kalena munayaasha watey maamuska xayuubinta madaxweyne riyaale ayaa warsixaafadeed ay soo saareen shalay ku baaqay in dib loo furo kalfadhigii golaha.

waxaanay ku eedeeyeen madaxweyne riyaale in uu ka danbeeyey xadhigii la xidhay kalfadhiyadii golaha Mudane yuosuf Nuur maxamuud (guruuje) iyo Cabdi siciid Faahiye oo ah hogaanka iyo afhayeenka aqlabiyada golaha waxay ku eedeeyeen in uu riyaale faraaha kula jiro golaha wakiilada oo uu si toos ah u jabiyey distuurka.

waxaa uu isagana markale warsixaafadeed uu shalay soo saaray godoomiye ha xisbiga kulmiye Axmed maxamed maxamuud (siilanyo) ku baaqay in dalku marayo meel xun lagagana bixi karo maamuuskaxayuubinta ay wadaan golaha wakiilada oo la xoojiyo.

isagoo ku baaqay in xilka laga qaado si waa faqsan distuurka. waxaa uu siiraanyo hambalyo u diray shacbiga somaliland xuska sanad guurada 14aad ee gooni isku taaga somaliland. Waxaa sidoo kale lagu qabtay xusas noocan oo kale ah Gobolada Awdal, togdheer saaxil, sanaag, iyo deegaano kale sida Salaxlay.

Aadan Yuusuf Qodax Hargeisa -
somaliland Email;
Qodax28@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | May 19, 2005

Madaxwaynaha Soomaaliya oo Markii 3aad Baaritaan Caafimaad lagu samaynayo
UK: Dhakhaatiirta Cisbitaalka Cromwell ee ku yaala koonfur galbeed London ayaa baaritaankii 3aad waxaa ay Guji May 18

Caasimadaha Addis-ababa iyo Muqdisho oo diiday Xukunka Zenaawe


Zenawi: Soomaaliya waa Argagixiso, C/laahi iyo Geedi:  Itoobiya waa saaxiibadeen!
Zenawi ayaa Markale Soomaalida Ku Sheegay "Argagixiso" kaddib markii ay waraysatay AP... Guji May 13

BFKMG oo ansaxiyay in dowladu dagto Baydhabo & Jowhar

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD