SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Qaxooti Soomaaliyeed oo ku hor banaanbaxday Baarlamaanka Sweden 
 
May 17, 2005: Lama soo koobi karro sida uu dareenkaaga isku badalayo marka aad hoos ugu dhaa dhacdo daruufaha kala duwan ee Soomaalida magangalyo doonka ah ee dalkan Sweden sharciyadda loogu diiday iyagoo xuquuqdooda qaxootinimo la duudsiiyey.
 
Inkastoo dalkani uu ahaa mid si weyn ajanabiga jooga ay ugu noolaayaan nolol caadi ah waqtiyadii hore hadana go'aanaddii adkaa ay dhawaantan dalal badan oo reer Yurub ahi kasoo saareen qaxootiga faraha badan ee ku soo qul qulaya waxaa uu si gaar ahaaneed u taabtay Soomaali badan oo dalkan si xowli ah u soo galayey mudooyinkan dambe. 
 
Maanta waxaa magaallo madaxda dalkan Sweden ee Stockholm ka dhacay banaanbax si weyn loo soo qorsheeyey oo ay badi dadkii kasoo qey galay ahaayeen kuwa sharciyada ku meel gaarka ah loo diiday qaarkoodna laga cashtay. Dadkan oo tiradadooda lugu sheegay qiyaastii 800 ayaa maanta iskugu soo baxay aqalka Baarlamaanka ee dalkan looga arrimiyo, iyagoo dhamaantood ku muujinayeen sida loogu tuntay xuquuqdoodii qaxootinimo ee dalkan. Inkastoo aanan goobtii uu ku dhacayey banaanbaxani aanan joogin hadana qaar badan oo kamid ah qaban qaabiyeyaashii oo qadka isgaarsiinta kula hadlay goor dambe ayaa ii sheegay inuu jawi wanaagsan ku dhamaaday. Maalinta berito ahana lugu wado inuu qabsoomo mid kale oo kamid ah afarta cisho ee ay ugu talagaleen gudiga qaban qaabiyey banaanxani oo ah kuwo ay iska soo xuleen sharci laawayaasha Soomaalida dalkan oo qaarkood ay ku jiraan xeryaha qaxootiga.
 
Banaanbaxan ayaa ah mid sida muuqata guul weyn u ah ummdda Soomaaliyeed ee dhibanayaasha ku ah dalkan, marba haddii dadkii kale ee kasoo horeeyey sharciyada daganaansha ah heysta ay soo dhacsan waayeen xaquuqda ay dalkan ku leeyihiin.  Talaabadan ay qaadeen soomaalida sharci laawayaasha ku ah dalkan ayaa iney abaabuleen banaanbax afar cisho ah tanoo aan weli soo marrin taariikhda dalkan.
Maalinta isniinta iyo talaadada soo socota haddii Eebbo idmo waxaa sidoo kale lugu wadaa iney dhacaan labada maalin ee ugu dambeysa ee banaabaxyadan tanoo ay Soomaalida degan Gothenbur oo sharcilaawayaasha ah kala qeyb qaadanayaan  midka maanta ka bilowday caasimadda Sweden ee Stockholm sida uu ii sheegay Maxamed Shiine oo isagana ah gudoomiyaha sharcilaawayaasha Soomaalida ee dagan magaalada Gothenburg.

Inkastoo mudanayaasha iyo axsaabta siyaasadeed ee dalkani ay hortaalo dooda la xirrirta arrimaha magangalyo doonka ah ee loo diiday sharciyada hadana waxaa laga yaabaa in Dowlada Sweden ay wax ka badasho go'aanada sharciyadda loogu diiday Soomaalida dalkan ku soo qul quleysay waaydan dambe. 

 
Bulshada Soomaalida ee ku dhaqan caalamka intiisa kale ayaa ah qowmiyada keliya ee aan isku duubneyn iyagoo texgelintoodi qaxootinimo ee dalalka reer Galbeed si weyn loogu tuntay. Halka ay u hanqaltaageen ku qaarabashadda Jaaliyad ku sheegyo ay lagac kaga cunaan dalalka ay joogaan kuwaasoo dhamaantood wato markaad sii eegto magacyo maamul goboleedyo iyo gobollo iyo tuulooyin muujinaya qob qobka siyaasadeed ee dalkooda bur buriyey.
 
 
Waxaa diyaarisay
Ikraam Cali-kaar
Gothenburg- Sweden

Faafin: SomaliTalk.com | May 17, 2005


Hawlgallo millatari oo ciidammada xoreynta Ogadeenya fuliyeen
Keligii taliye Zinawi oo mamnuucay in wax bannaanbax ah la qabto...  Guji... May 17

Siminaar Loo Furay maamulka & ciidanka nabadgalyada Airpor-ka kismayo
Siminaarkaas oo socon doona muddo 7 cish ah waxaa... Guji

Isimada Sanaag, Sool Iyo Cayn oo Beeniyey hadal Aysiideysey L/Afka Soomaaliga ee BBC
»Kismaayo & Galkacyo: Munaasabado lagu xusay SYL
»Boosaaso: Cadde Muuso oo kormeeray xarumaha dawlada
»Balcad: Degmada Hodan oo ka badisay degmada Balcad...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... May 15


Zenawi: Soomaaliya waa Argagixiso, C/laahi iyo Geedi:  Itoobiya waa saaxiibadeen!
Zenawi ayaa Markale Soomaalida Ku Sheegay "Argagixiso" kaddib markii ay waraysatay AP... Guji May 13

BFKMG oo ansaxiyay in dowladu dagto Baydhabo & Jowhar

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD