SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo

17 May 2005

  • · Hawlgallo millatari oo ciidammada xoreynta Ogadeenya fuliyeen
  • · Keligii taliye Zinawi oo mamnuucay in wax bannaanbax ah la qabto
  • · Zenawi oo ku andacooday in Soomaaliya Al-Qaacida joogto
  • · Barnaamijka Fikradaha Dhegaystayaasha
  • · Iyo Barnaamijkii yidhi Abwaanku (Kooxda Gantaal)

======================

Hawlgallo millatari oo ciidammada xoreynta Ogadeenya fuliyeen

6/4/05, Garbo iyo Godey dhexdooda waxaa lagu dhaawacay labo ka mid ah Dabaqoodhiga cadowga u adeega, waxaa sidoo kale laga furtay afar qori, ka dib markii ay koox Dabaqoodhiga ka mid ahi soo raadsatay ciidammadii coreynta Ogaadeenya ee deegaankaas ku sugnaa.

12/4/05, Jig-jiga iyo Xaadow dhexdooda koox malleeshiya ah ayaa ciidamad jabhadda soo weeraray. Afar ayaa kooxdaas laga dilay uu ku jiro ninkii watay ku jiro, intii kalana iyagoon ruux-ruux la socda lahayn ayay magaalada jig-jiga carar ku galeen.

15/4/05, Cuna-dheer, oo degmada Shilaabo ka tirsan, Jeexdinna u dhow, waxaa lagu gubay Baabuur Uraal ah oo ciidan ilaa 40 ah siday. Baabuurkii iyo ciidankuu siday waxba kama fiigin.

14/4/05, Gurdumi dagaal ka dhacay waxaa ciidamada Wayaanaha lagaga dilay 5 askari, 6 kalena waa lagaga dhaawacay.

Dhinaca kale 11/5/05, Magaalada fiiq iyo agagaarkeeda waxay ciidamada wayaanuhu dadweynaha soomaalida Ogaadeenya ka ururiyeen hub faro badan, ka dibna waxay xidhxidheen dadkay hubka ka qaadeen.

Keligii taliye Zinawi oo mamnuucay in wax bannaanbax ah la qabto

Keligii taliye Meles Zenawi ayaa soo saaray go’aan uu ku mamnuucayo in muddo bil ah wax bannaanbax iyo isu-imaatin ah laga hirgeliyo magaalada Addis Ababa iyo nawaaxigeeda. Go’aankan ayuu keligii taliyuhu soo saaray, ka dib markii axaddii la hirgeliyay khiyaanadii waynaydee uu ugu magac daray doorashooyinka Itoobiya, isla markaana ay xisbiyada mucaaradka ahi sheegeen in doorasho ku-sheegtaasi ay ahayd mid aan sax u dhicin oo taliska EPRDF uu maamulanayay.

Keligii taliye Zenawi ayaa sheegay in aroornimada isniinta ah laga billaabo ilaa iyo bil aan la qaban karin bannaanbax iyo isu-imaatin dadwayne midna, wuxuu sidoo kale sheegay in ciidammada ammaanka ee caasimadu ay isaga si toos ah u hoos imanayaan oo ayna cidna kale ka amar-qaadan karin.

Si loo sugo nabadgelyada caasimada iyo nawaaxigeeda, waxay dawladu go’aan ku gaadhay in dhammaan ciidammada ammaanka, booliska iyo malleeshiyooyinkuba ay hal meel ka amar-qaataan, taasoo ah ra’iisal wasaaraha, sidaas waxaa tilifishinka gumaysiga Itoobiya ka yidhi kaligii taliye Meles Zenawi.

Dhinaca kale xisbiyada mucaaradka ah ayaa maalintii sabtida ahaydba sheegay in xukuumaddu ay xabsiga u taxaabtay boqollaal ka mid ah musharrixiintooda iyo xubnihii au u doorteen inay cod-bixinta goob-joogayaal uga noqdaan. Madaxda mucaaradku waxay sheegeen in dadka xabsiyada la dhigay wax yar ka dib markii ay daboolka ka qaadeen magacyada musharrixiintooda iyo dadka gob-joogayaasha u noqonaya.

Ana Gomes, oo madax ka ah goob-joogayaasha Midowga Yurub, ayaa sheegtay inay kooxdeeda ka codsatay inay baadhis ku sameeyaan waxa ka jira cabahsda mucaaradka.

Hase yeeshee guddoomiyaha xisbiga ugu wayn xisbiyada mucaaradka ah ee Itoobiya ayaa is-bahaysigiisa ugu baaqay inuu ku gacan saydho natiijada doorashada axaddii la hirgeliyay, taasoo uu sheegay in musuqmaasuq wayn oo dalka oo dhan ah lagu sameeyay, isla markaana ay suuragal noqon wayday in dadwaynuhu ay si xor ah wax u doortaan.

Hailu Shawel, oo hooggaamiyaha ka ah Is-bahaysiga mucaaradka ah ee CUD, ayaa sheegay in madaxda afarta kooxood ee is-bahaysigiisu ka kooban yahay ay shir degdeg ah isugu imanayaan, isla markaana ay go’aan kama denbaysa ah ka gaadhayaan riwaayadii doorasho ku-sheegtii la hirgeliyay maalintii axadda ahayd.

"Waa masiibo ak dhacday dalkoo dhan", sidaas waxaa yidhi Hailu Shawel, oo intaas ku daray in goob-joogayaashii is-bahaysigiisa laga soo caydhiyay goobihii ay cod-bixintu ka dhacyasay, isla markaana taageerayaasha is-bahaysigiisa loo diiday inay codkooda dhibtaan meelo badan oo dalka ka mid ah.

Zenawi oo ku andacooday in Soomaaliya Al-Qaacida joogto

Keligii taliye Meles Zenawi ayaa sheegey inay tahay arrin aan cidna ka qarsoonayn in ururka ururka Al-qaacida uu ka hwalgalo magaalada Muqdisho, isla markaana xukuumad dhexe oo xoog badan oo Soomaaliya ka dhalata ay cidhib tiri karto waxa uu ugu yeedhay argagixisada.

Keligii taliye Zenawi ayaa sheegay in ciidammada Itoobiya ee loo diro gudaha Soomaaliya ay difaacayaan dalka Itoobiya, isla markaana ay xukuumadda Itoobiya taageersan tahay dawlada ku meelghaadhka ah ee Soomaaliya.

Zenawi wuxuu kaloo intaas ku daray in magaalada Muqdisho ay ka jirto argagixiso muuqata, taasoo masuul ka ahayd falal argagixiso ah oo laga fuliyay dalka Kenya.

Meles Zenawi, oo ku guul darraystay riyadiisii ahayd inuu Jamhuuriyada Soomaaliya soo galo isagoo ay daadahaynayaan masuuliyiin soomaaliyeed, ayaa hadda billaabay inuu soo celiyo hadaaqiisii ahaa in Soomaaliya ay argagixiso joogto, isla markaana loo baahan yahay in dawladiisa loo wakiisho baabi'’nta argagixisadaas.

Hase yeeshee caalamka ayaa u muuqda mid ka qashaafay beenta Itoobiya iyo sida ay u dhalan-rogto xaaladda gobolka Geeska Afrika.

Dalalka masuugay wararka beenta ah ee Itoobiya ay caalamka ka siiso gobolka Geeska Afrika waxaa ka mid ah dalka Maraykanka, oo beryihii denbe oo dhan si wayn ugu kuur-gelayay xaaladda gobolka. Dawlada Maraykanka ayaa hadda sheegtay in arrimaha Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, hadda wixii ka denbeeya kala tashanayso waddanka Jabuuti oo kaliya.

Maraykanku wuxuu sidan sheegay, ka dib markii madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle bnooqasho ku tegay dalka Maraykanka. Madaxwayne Geelle wuxuu la kulmay xoghayaha arrimaha dibada ee dalak Maraykanka Condoleezza Rice, taasoo codsatay in dawlada Jabuuti ay noqoto meesha uu Maraykanku kala xidhiidhayo xogaha gobolka Darfur ee galbeedka Suudaan iyo dalka Soomaaliya iyo waliba sidii meelahaas xal waara loogu heli lahaa.

Radio Xoriyo

17 May 2005

C/nuur Sh. Mohamed

info@radioxoriyo.com 

radioxoriyo@ogaden.com

raadioxoriyo@yahoo.com 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

www.radioxoriyo.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 15, 2005


Zenawi: Soomaaliya waa Argagixiso, C/laahi iyo Geedi:  Itoobiya waa saaxiibadeen!
Zenawi ayaa Markale Soomaalida Ku Sheegay "Argagixiso" kaddib markii ay waraysatay AP... Guji May 13

BFKMG oo ansaxiyay in dowladu dagto Baydhabo & Jowhar

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD