Saminaar socondoono mudo 7 cisho oo
maanta loo furey maamulka & ciidanka nabadgalyada Airpor-ka magaalada
kismayo
May 16, 2005:
Furitaanka munaasabadaan waxaa ka soo qeyb
galey wasiirka dibudhiska iyo dib udajinta dowalda F.D.K.G xildhibaan Barre
aadan shire iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka isbahaysiga dooxada
jubba.
Saminaarkaan oo lagu baranayo sare
uqaadista aqoonta iyo xirfadaha maamulka ayaa waxaa bixinayasa Hayada Foback
ee madasha nabada & dowladnimada .
Waxaana siminaarkaani uu noqon doonaa kii
ugu horeeyay ee ay helaan maamulka iyo ilaalada Airportka sidoo kale madaxa
hayada Foback xafiiska kismayo Prof Maxamed Xasan Cali {Kastaro} ayaa
sheegey in ay saminaarkan ka faaiideysan doonaan dadka loo furey
islamarkaana lagu bixinayo casharo ka turjumaya maamulka nabada & dowlad
wanaaga oo uu ku tilmaamey Kastaro kuwo wax ku ool ah .
Furitaanka maanta ee siminaarka ayaa ku soo
beegmaysa xili ay wali socdaan howlo lagu habaynayo Aiport ka oo ay ka mid
yahiin jarida dhirta soo gashey Airport iyo habaynta xafiisyadii uu lahaa
Airport oo intooda badan maraya meel gabo gabo ah hase yeeshee
saminaarkaan ayaa ay aad u amaanayaan ciidamada Airport oo ka tirsan
maamulka isbaheysiga dooxada jubba oo iyagu udiyaar ah in ay ka
faaiideystaan tababarkaan ay baxineyso hayada foback ee madasha nabada iyo
midnimada waana markii ugu horeysey ay hayada foback ay ka bixiso
saminaarkaan gobolka jubbada hoose qaasatan magaalada kismayo .
cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo soomaaliya
cabdiqadar84@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | may 16, 2005
Isimada Sanaag, Sool
Iyo Cayn oo Beeniyey hadal Aysiideysey L/Afka Soomaaliga ee BBC
»Kismaayo
& Galkacyo: Munaasabado lagu xusay SYL
»Boosaaso:
Cadde Muuso oo kormeeray xarumaha dawlada
»Balcad:
Degmada Hodan oo ka badisay degmada Balcad...
Wararka oo dhan ka
akhri halkan...
Gudoomiyaha BFKMG oo u
Safray Muqdisho
iyo Ra'iisulwasaaraha Dowlada FKMG oo soo saaray Wareegto
Xilal kala badalid Dowladiisa
Guji... May 15
Degmada Hodan oo ka
badisay degmada Balcad ciyaar kubadda…
Waxaa galabnimadii Jimcaha ahayd kulan aad u xiiso badan isaga horyimid
dhallinyaro ku ciyaaryaya Magaca degmada Hodan iyo kooxda Towfiiq oo ka
dhisan degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe, waxaan ciyaartaas
waqtigii loogu talogalay ku soo gabagabowday 1-0 oo ay guushu ku raacday
ciyaartoydii Degmada Hodan,. Waxaana goolka oo ahaa mid rigoore ah dhaliyay
ciyaaryahan Maxamed Xasan Cabdi Carrbey....
Warka oo dhan...
Qaar kamid ah Golaha Baarlamaanka oo ka
dhoofay Nairobi

Gudoomiyaha baarlamaanka FKMG ah ee
soomaaliya Shariif Xasan sh adan ayaa maanta ka dhoofay magaalada
Nairobi ee Wilson Airport isagoo ku sii jeeda caasimada soomaaliya ee
mogadisho.
Gudoomiyaha baarlamaanka waxaa ku wehliyay
safarkiisa xubno ka tirsan baarlamanka iyo Gollaha wasiiradda, oo
gaaraya 43 xubnood iyagoo ku sii jeeda caasimadda dalka soomaaliya ee
mogadisho.(Sawirka oo ay qaaday
Standard, waxa uu muujinayaa qaar ka mid ah baarlamaanka oo alaabtoodii
wata ooo ka duulaya garoonka Wilson, nairobi, May 15, 2005, ayagoo kusii
jeeda Xamar)...
Warka oo dhan..
Faafin: SomaliTalk.com | May 15, 2005
Zenawi:
Soomaaliya waa Argagixiso, C/laahi iyo Geedi: Itoobiya waa saaxiibadeen!
Zenawi ayaa Markale Soomaalida Ku Sheegay "Argagixiso"
kaddib markii ay waraysatay AP...
Guji May 13
BFKMG oo ansaxiyay
in dowladu dagto Baydhabo & Jowhar
|