- MADAXWAYNE CADDE OO MAANTA
KORMEER KALA DUWAN KU MARAY XARUMAHA DOWLADDA MAGAALADA BOOSAASO.
- Munaasabad Lagu
Maamuusayay Sanad-guuradii 63 Ee Kasoo wareegatay SYL, Oo Maanta
Lagu Qabtay Galkacyo.
- Bayaan Ay Soo Saareen
Isimada Sanaag, Sool Iyo Cayn Ayna ku beeninayaan Warkii Shalay BBC
Laga Siidaayay.
- MUNAASABADA 15 MAY OO MAANTA si
weyn looga xusay magaalda LAGU QABTAY KISMAYO.
- Degmada Hodan oo ka badisay
degmada Balcad ciyaar kubadda…
MADAXWAYNE CADDE OO MAANTA KORMEER
KALA DUWAN KU MARAY XARUMAHA DOWLADDA MAGAALADA BOOSAASO.
Boosaaso: (Somalitalk)
Axad, May 15, 2005 .
Waxaa maanta xarumaha dowladda ee magaalada
boosaaso kormeel howleed oo kala duwan kutagay madaxwaynaha DGFSPL,
Jen, Cadde Muse Xirsi, Madaxwaynaha ayaa ugu horayn waxa uu
kormeerkiisa kutagay dakada magaalada, goobaha canshuuraha iyo daqliga
dowladda ee D/hoose iyo xarumo kale.
Madaxwaynaha ayaa waxaa kormeerkiisa
kuwehliyay qaar kamida wasiirada dowladda waxaana kamid ahaa Wasiirka
Arimaha diinta iyo owqaafta DGFSPL, Wasiirka Caafimaadka iyo xubno kale oo
ka tirsan maamulka Gobolka Bari ee magaalada Boosaaso.
Maaha markii ugu horaysay oo madaxwaynuhu
kormeer ku tago xarumaha daqliga dowaldda.
Madaxwaynaha ayaa dalka ka maqnaa mudo
gaaban asagoo ku maqnaa arimo kala duwan oo la xiriira xaaladiisa caafimaad
iyo mida dalka intaba.
Madaxwaynaha ayaan wali soo gaarin xarunta
madaxtooyada magaalada garoowe, waxa uuna haatan kusugnaa dalka intii uu dib
ugu soo laabtay mudo ku dhow todobaad gudahood.
Munaasabad Lagu Maamuusayay
Sanad-guuradii 63 Ee Kasoo wareegatay SYL, Oo Maanta Lagu Qabtay Galkacyo.
Waxaa maanta ka dhacay xarunta Gobolka ee
Magaalada Galkacyo Munaasabad balaaran oo lagu xusayay maalintii
dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL, kana soo wareegatay sanadguuradeedii 63,
ayaa maanta lagu soo bandhigay xarunta gobolka xaflad ay soo qabanqaabiyeen
uruka dhalinyarada Gobolka Mudug, iyo maamulka.
Xafladaan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay
gudoomiyaha ururka dalada dhalinyarada Puntaland Cabdinasir Badal Khalaf.
Munaasabadan ayaa waxaa ka hadlay
Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Taliyaha Ciiidamada Daraawiishta aaga Mudug iyo
Cayn iyo qaar kale oo katirsan ururada dhalinyarada, waxaana halkaa lagu soo
bandhigay masraxiyad lagu muujinayay waxqabadkii SYL, iyo heerarkii ay soo
mareen waxaana masrixiyadaas soo bandhigay fanaaniin ay ka mid
ahaayeen, Abwan C/qaadir Cali Cigaal iyo Abwaan Yaasiin Cali Dude, waxaana
ku wehliyay fanaaniin kale,
waxaana salaan calanka u bixiyay ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed .
SYL
15kii Maarso 1943kii ayaa 13 dhallinyaro ah oo magacyadoodu hoos
kuqoranyihiin asaaseen xisbigii SYC), kaas oo markay taariikhdu ahayd 1947
isubedeley xisbigii SYL:
- C/qaadir Sakhaawadiin
- Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharmaake
- Sayid Xirsi Nuur
- Maxamuud Cusmaan Baarbe
- Daahir X Cusmaan Sharmaarke
- Xaaji Muxumed Xuseen
- Khaliif Hundow Macalim
- Muxumed Faarax Hilowle
- Muxumed Cabdulle Xayeesi
- Cusmaan Geedi Raage
- Dheere X Dheere
- Muxamed Cali Nuur
- Cali Xuseen Cali
Bayaan Ay Soo
Saareen Isimada Sanaag, Sool Iyo Cayn Ayna ku beeninayaan Warkii Shalay BBC
Laga Siidaayay.
Bayaan cad oo ay soo saareen Isimada
Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ayay gaashaanka u daruureen warkii ay shalay
BBC,da laanta afka soomaaliga sii-daysay oo ahaa in Isimada Goboladan ay ka
qayb-galayaan shir lagu qabandoono Sheekh.
Isimada oo ka jawaabaya hadalkii shalay ayaa
waxay soo saareen bayaankan, oo SomaliTalk ay ka soo xigatay wariye
madaxbanaan oo ku sugan magaalada Laascaano' waxa uuna u qornaa sidatan
To:BBC.Somali
Service. 14/5/05.
To.Saxaafadda Madaxa banaan
Ka: Isimada Sool Sanaag iyo Cayn.
Kadib markii aanu maqalnay war ay
shalay sii daysay Idaacada BBC-da oo ka hadlayey shir la sheegay in
lagu qabanayo Magalaada Shiikh 1da Jun,ayaa waxaa ka dhashayb shir
deg deg ah oo ay maanta oo Taariikhdu tahay 14/5/05 ay isagu
yimaadeen Isimada Beesha Sool Sanaag iyo Cayn kaasoo looga arin
sanayey hadalkaas idacada laga sheegay ,ayaa waxaa aakhirkii Isimada
beeshu ka soo saareen bayaan u qornaa sidaan.
Anagoo ah Isimada Beesha degta
Gobollada Sool Sanaag iyo Cayn waxaanu ummada Soomaliyeed iyo
Idaacada BBC-da u sheegaynaa in aanan waxaba kala socon shirkaas la
sheegay ee lagu qabanayo Shiikh.Waxaa jiray wadahalo u socday
Isimada labada Dhinac kaa soo looga hadlayey arimaha nabad galyada
Beelaha Dariska ah ayaanan wax go’aan ah ka wada qaadan meesha
shirka lagu qabanayo iyo meesha lagu qabanayo midna,Taas macnaheedu
ahayn in aanu joojinay wadahalkii nabada,lakiin qaabkan wax u
socdaan waxba kala socono mana tagayno.
-
Garaad C/qani Garaad Jaamac
-
Garaad Saleebaan Garaad Max’ed.
-
Garaad Abshir Saalax Max’ed
-
Garaad C/salaam Xasan Max’ed.
-
Suldaan Siciid Cismaan Cali
-
Garaad Saleebaan Baraale.
###
Laanta
Af-Soomaaliga ee BBC-da oo Jawaab u Weydey Eedaymihii Kaga Yimid Reer
Boosaaso
(2003) |
Isku dubaridkii:
Sahro Sheikh
sahrosiglan@hotmail.com
MUNAASABADA
15 MAY OO MAANTA si weyn looga xusay magaalda LAGU QABTAY KISMAYO.
- cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo soomaaliya
Boqolaal
dad ah ayaa maanta isugu soo baxay in ay ka qayb qaataan u dabaal dagida
maalinata dhalinyarada soomaaliyeed oo si wayn maanta loogu qabtay beerta
xoriyada ee degmada kismayo.
Munaasabada maanta ee loogu dabaal dagayay
15 may oo ku beegnayd maalinta dhalinyarada somaliyeed ayaa waxa ay ka
dhacday beerta xoryada ee degmada.oo ay bilicdeeda hareeyeen dad aad u faro
badan.
Munaasabada maanta oo ahayd munaasabadii
ugu balaarnayd ee ka dhacda magaalada kismayo tan iyo sanadihii la soo
dhaafay tasoo loogu dabaal dagayo maalinta dhalin yarada soomaaliyeed ee 15
may ayaa waxaa soo abaabulay ururka dhalinyarada kanava & maamulka dagmada.
Waxaana munaasabadan ka soo qayb galay
masuulyiinta isbahaysiga, ururada bulshada, aqoonyahanka, culumada,iyo
dadwayne faro badan oo u sacbtumayay munaasabada maanta oo lagu soo
bandhigay riwaayado ka tarjumayay qiimaha ay dhalin yaradu ugu fadhiyaan
bulsho walba.
masuulyiintii
halkaasi ka hadashay oo aad u faro badnaa waxaa ka mid ahaa,Genaral,Axmada
Warsame Max'ed,ahana xildhibaan ka tirsan dawlada faderalka
K.M.G.,ah,afhayenka isbahaysiga Bille Cabdule Cabdi,amaanduulaha ciidamada
C/laahi Sh/ismaaciil (Fartaag)gudoomiyaha dagmada Daahir Carabeey, G/ku
xigeenka labaad ee arimaha bulshada C/rixmaan waldiiro,& qaybaha bulshada oo
aad u faro badan.
Ugu horayn waxaa munaasabada ka hadlay G/ururka
dhalinyarada Kanava,Yaxye Jaamac Samatar,oo ku xeel dheeraaday qiimaha ay
dhalinyaradii hore lahaayeen iyo sida ay dalka ugu soo halgameen,waxa uuna
asaga oo munaasabada ka faaiidaysanaya ugu baaqay dhalinyarada somalyeed in
ay in ay gacmaha is qabsadaan kana baxaan dhibaatooyinka iyo dagaalada loo
adeegsado da'yarta somalyeed.
G/ururka haweenka marwo Xaawo ugaas Xirsi
ayaa iyana dhankeeda tibaaxday in ay dhalinyaradu yihin tiir dhaxaadka
bulsho walba loona baahanyahay
in,ay dhalinyardu ka midoobaan siyaasada
guracan ee ku soo laalabanaysa somalya oo ay ku tilmaantay in awoda ay
hogaamiyayaashu ku fanaan ay yihiin dhalinyarada.
G/dagmada Daahir Carabeey ayaa dhankisa ka
muujiyay in dhalinyaradii hore ay ku dayasho mudanyihin marka loo fiiriyo
marxalada lagu jiro asaga oo amaan u
u soo jeediyay dhalnyarada goboldan oo wada
dadaalo ay wax ku qabanayaan,sida ayaga oo furay goobo ay dhalinta da'da yar
wax ku baraan iyo farsamooyin kale oo ay dhalinyaradu ku abuurtaan xirfado
shaqo,sida in la baro farsamada dabka,gaari wadida,tolida harqaamada,&
xirfado kale

bidix: daahir carabey, dhexda: jeneral axmed warsame, midig: waldiire
Ugu danbayn waxaa munaasanada ka hadlay
xildhibaan Axmad Warsame oo asagu ugu horayntii uu beerta soo gaaray
sameeyay dhagax dhig uu fiyoore saarayo taalada lagu xasuusto ururka
dhalnyaradi xornimo u dirirka ee beerta xoriyada ku taal,waxa uuna hadalksii
ku soo qaatay sida ay dhalinyaradu wax u hagaajin karto waxna u qari
karto,asaga oo soo qaatay oraah dhahaysa,dhalnyaradu waa awood hadii
aan la jahayn ku jabinaysa,waxa uuna xildhibaanka oo aan in mudaa kuna oo
siman ilaa iyo sideed sano aan meel fagaaraa kahadal uu munaasbada kaga
faa'iidaystay oraah ama hadal uu usoo jeedinayo falalka tacadigaa ee lagula
kacay kitaabka quraanka ee ay sameeyeen ciidamada maraykanka oo uu ku
tilmaamay in ay tahay mid islaamka lagu firinayo wadajirkooda iyo in la heli
karo fursado ka faaiidaysasho ah.
Sidoo kale munaasabd midan lamd ah ayaa
maanta ka dhacday magaalada Afmadow,waxa ayna munaasabadahan oo ay hareeyeen
roobab qabow ay ku soo gab gaboobeen jawi nabadeed ooo aad u wanaagsan.
cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo soomaaliya
cabdiqadar84@hotmail.com
ama cabdiqadar@somalitalk.com
Degmada Hodan oo ka
badisay degmada Balcad ciyaar kubadda…
Waxaa galabnimadii Jimcaha ahayd kulan aad u xiiso badan isaga horyimid
dhallinyaro ku ciyaaryaya Magaca degmada Hodan iyo kooxda Towfiiq oo ka
dhisan degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe, waxaan ciyaartaas
waqtigii loogu talogalay ku soo gabagabowday 1-0 oo ay guushu ku raacday
ciyaartoydii Degmada Hodan,. Waxaana goolka oo ahaa mid rigoore ah dhaliyay
ciyaaryahan Maxamed Xasan Cabdi Carrbey....
Warka oo dhan...
Qaar kamid ah Golaha Baarlamaanka oo ka
dhoofay Nairobi

Gudoomiyaha baarlamaanka FKMG ah ee
soomaaliya Shariif Xasan sh adan ayaa maanta ka dhoofay magaalada
Nairobi ee Wilson Airport isagoo ku sii jeeda caasimada soomaaliya ee
mogadisho.
Gudoomiyaha baarlamaanka waxaa ku wehliyay
safarkiisa xubno ka tirsan baarlamanka iyo Gollaha wasiiradda, oo
gaaraya 43 xubnood iyagoo ku sii jeeda caasimadda dalka soomaaliya ee
mogadisho.(Sawirka oo ay qaaday
Standard, waxa uu muujinayaa qaar ka mid ah baarlamaanka oo alaabtoodii
wata ooo ka duulaya garoonka Wilson, nairobi, May 15, 2005, ayagoo kusii
jeeda Xamar)...
Warka oo dhan..
Faafin: SomaliTalk.com | May 15, 2005
Zenawi:
Soomaaliya waa Argagixiso, C/laahi iyo Geedi: Itoobiya waa saaxiibadeen!
Zenawi ayaa Markale Soomaalida Ku Sheegay "Argagixiso"
kaddib markii ay waraysatay AP...
Guji May 13
BFKMG oo ansaxiyay
in dowladu dagto Baydhabo & Jowhar
|