SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print


  • Gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sh.Aden iyo xildhibaano uu hogaaminayo oo maanta ka duulay Naiorbi.
  • Ra'iisulwasaaraha Dowlada FKMG oo Xalay Addis Ababa ka soo saaray Wareegto Xilal kala badalid Dowladiisa ku wajahan.

Gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sh.Aden iyo xildhibaano uu hogaaminayo oo maanta ka duulay Nairobi.

Gudoomiyaha baarlamaanka FKMG ah ee soomaaliya Shariif Xasan sh adan ayaa maanta ka dhoofay magaalada Nairobi ee Wilson Airport isagoo ku sii jeeda caasimada soomaaliya ee mogadisho.
 
Gudoomiyaha baarlamaanka waxaa ku wehliyay safarkiisa xubno ka tirsan baarlamanka iyo Gollaha wasiiradda, oo gaaraya 43 xubnood iyagoo ku sii jeeda caasimadda dalka soomaaliya ee mogadisho.
 
Safarka gudoomiyaha iyo xildhibaanada ayaa ka dambeeya kadib markii uu yimid khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay shirar kala duwanaa oo aan la isku waafaqsanayn,waxaana ka dhashay muran iyo khilaaf siyaasadeed waxaana lagu wadaa marka uu gudoomiyuhu ka dago xamar inuu ku qaban doono shir jar'aad oo uu kaga hadlayo ujeedada safarkiisa iyo mowqifka adag ee uu ka qaatay dowladda iyo shirkii dhawaan dhacay ee ay qabteen qaar ka mid ah baarlamaanka FKMG ah uuna soo agaasimay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmad.
 
Gudoomiyaha oo aan waraysi gaaban la yeeshay isagoo ku sugan saakay garoonka diyaaraha ee wilson ayaan wax ka waydiiyay ujeeda safarkiisa waxa uuna ii xaqiijiyay in uu socdo nabadayn iyo inuu la qaybsanayo dadka ku nool halkaas dadaalada ay wadaan ee nabadeed,waxa uuna gudoomiyuhu intaas ku daray in uusan aqoonsanayn shirkii dhacay 11kii bishan uuna ahaa sharci darro,waxa uuna intaas ku daray in ay uu qabsaday waqti ayna ahayd in la sugo waqtiga uu qabsaday taasna aysan ahayn mid sharci ah.
 
Gudoomiyaha waxaa kale oo uu sheegay in safarkiisa ay ku wehliyaan xubno gaaraya 43 xubnood oo labada gole ah una badan xildhibaano, beesha caalamka in ay ku taageertay ayuu sheegay shariif xasan waxa uuna u rajeeyay ummmadda soomaaliyeed Nabad isagoo ka dalbaday in khilaafyadan yaryar aysan u arkin wax dumin kara shirka laakiin ay u arkaan dimoqraadiyad siyaasadeed waxa uuna u rajeeyay in ay helaan dowlad caadil ah. 
 
Xildhibaanada baxayay oo aan waraystay qaarkood uuna ka mid ahaa Jinni boqor ayaa ii xaqiijiyay in ay iskaga baxayaan magalada Nairobi oo ay dan la'aan u joogeen muddo fara badan,waxa uuna sheegay in baarlamaanka badankiis ay ka go'an tahay in tagaan xamar halkaas oo ay ku dhamaystiri doonaan dib u heshiisiinta Soomaaliya inta ka dhiman.
 
Wafdiga gudoomiyaha waxaa sii sagotiyay xubno ka mid ah guddiga IGAD uuna mid ahaa Am.kiplagad iyo xubno kale,waxa uuna sheegay danjiraha shirka ee kenya u qaabisan shirka in uu ku faraxsan yahay safakii gudoomiyaha uuna u rajaynayo marka ay tagaan Mogadishu ay sii wadi doonaan inta ka dhiman dib u heshiisiinta Soomaaliya.

Wararkii Xalay:::

Ra'iisulwasaaraha Dowlada FKMG oo Caawa Addis Ababa ka soo saaray Wareegto Xilal kala badalid Dowladiisa ku wajahan.

(W/warfaafinta oo xilkii laga qaaday, iyo Ibraahim Maxamad deeq oo loo magacaabay w/dowlaha warfaafinta)...
Cali Maxamad Geddi Ra'iisulwasaaraha dowladda FKMG ah ayaa caawa ka soo saaray wareegto dalka itoobiya halkaas oo uu hadda ku sugan yahay, wareegtadan oo uu wasiirku xilal kala duwan uga qaaday qaar ka mid ah wasiiradda kuwo kalena u magacaabay wasiiro ayaa ku tilmaamay ujeedada uu xilalka u kala badalayo ku sheegay xil gudasho la'aan ay sameeyeen, sida uu sheegay Geeddi, qaar ka mid ah wasiirada ku jira golaha uu madaxda ka yahay. 
 
Wareegtadan oo la soo gaarsiiyay Xafiiska Madaxweynaha kadibna C/llaahi yuusuf uu saxiixay ayay ku qornayd sida loo kala badalay xilalka sidan.
 
Wasiirka warfaafinta ahaana Ra'iisulwasaare ku xigeenka 1aad Maxamuud C/llaahi Jaamac Sifir ayaa laga qaaday jagadaasi, waxaana loo magacaabay si KMG ahaan ah Maxamad cabdi xayir (maareeye).

Waxaa kale oo uu geddi xil ka qaadis ku sameeyay wasiiru dowlaha dib u dhiska iyo dib u dajinta C/xakiim Cige Guuleed.
Axmed Maxamed Laxoos dinb u dajinta iyo xiriirka Jaaliyada Dibadda.
Farxaan Cali Maxamuud wasiiru dawlaha Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamig ah.

Ibraahim Maxamed Deeq ayaa waxaa loo magacaabey Wasiiru dawlaha Warfaafinta.

Qadar Biix Caalim ayaa waxaa loo waxaa loo magacaabey wasiir ku xigeenka wasaarada aafooyinka iyo maareynta deegaanka.

Xasan Ibraahim Maxamuud ayaa waxaa loo magacaabey wasiirku xigeenka Samafalka Bulshada iyo Xuquuqal Insaanka.

C/raxmaan Cismaan Dirir ayaa waxaa loo magacaabey Wasiir kuxigeenka Dib u dhiska iyo Dib u dajinta.

Madoobe Nuunow Maxamed ayaa waxaa loo magacaabey Wasiirk ku xigeenka Patroolka.

Yuusuf Maxamed Qeyr ayaa waxaa loo magacaabey Wasiir kuxigeenka Horumarinta Iskaashatooyinka

Ismaaciil Cabdi Maxamed ayaa waxaa loo magacaabey Wasiir ku xigeenka Beeraha

Qoraalkan ka soo baxay Wasiirka koowaad Cali Maxamad Geddi ee xil ka qaadista iyo Magacaabista  ayuu saxiixay kadib markii uu aqbalay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmad.

Canab Mumtaz | SomaliTalk | Kenya
Email:
canabmumtaz@yahoo.com


Dil ka dhacay deegaanka kamja ron ee galbeed kaga began kismayo & maamulka isbahaysiga oo sheegay in ay soo gaba gaboobeen wada hadaladii ka socday deegaankaasi. 

Dadka ladilay maanta (May 14) oo ah labo qof oo loo dilay hab aano qabiil ah ayaa salka ku haya dagaalo maalmahan u dhexeeyay laba beelood oo wada dega deegaankaasi. 

Taliyaha ciidamada isbahaysiga maxamed rooble jimcaale (goobaale) & ciidamo uu horkacayo oo ka qayb qaadanayay xalinta dagaalada deegaankaasi oo 75 Km u jira magaalada kismayo ayaa maanta sheegay in ay soo gaba gabeeyeen qilaafkii u dhexeeyay labada dhinac ee dirirtu dhex martay iyada oo lagu hedhiiyay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xabadjoojin dag dag ah,in dadka deegaanka ka barakacay dib loo soo celiy,in la saxiixo in isku meel looga soo jeesanayo cidii jabisa waxa lagu heshiiyay & qodobo kale oo badan. 

Waxa uuna dilka maanta ka dhacay deegaankaas markii ay ka soo tageen wafdigii halkaa u tagay heeshiisiinta beelaha ayadoo uu kadib  ku tilmaamay mudane goobaale in uu yahay mid ay wadaan dad qas wada yaal ah waa sida uu hadalka u dhigay e,waxa uuna Goobaale ku goodiyay in ay isbahaysigu la xisaabtami doonaan cida bilowday dilka iyo dhibka oo uu ku tilmaamay in aan marnaba loo dul qaadan doonin qofkii sameeya isku day uu ku carqaladeeynayo amaanka G/J/yinka. 

Dagaalkan u dhexeeya labada beelood ayaa ahaa mid ka bilowday isku qabsi dhinaca deegaanka iyo daaqsinta ah oo ay isku hayeen dadka deegaanka oo ah dad xoolo dhaqato ah.  

Mana aha marki ugu horaysay ee uu dagaal cayn kan ah ka dhaco deegaankaasi balse waxaa jiray dagaalo hore oo ayaguna sababay dhimasho,dhawac & barakac. 

Dhanka kale

Waxaa magaalada kismayo ka soconaya diyaar garoow balaaran oo loogu jiro 15may Oo ah maalinta dhalinyarada soomaaliyeed ayada oo ay soconayaan munaasabado loogu googol xaarayo udabaaldagida maalintaasi oo la filayo in ay ka dhacdo meelo badan oo ay ka mid tahay beerta xoriyada ee magaalada kismayo oo la filayo in ay isugu soo baxaan dadwayne aad u faro badan, 

Darbiyada iyo meelaha fiyaalayaasha magaalada kismayo ayaa lagu dhajiyay boorar ka tarjumaya qiimaha dhalinyaradu ay ugu fadhido bulsho walba & in ay dhalinyaradu yihiin madaxdii mustaqbalka,balse maalinimada bari ah ayaad ka bogan doontaan faah faahinta munaasabada iyo sida loo soo agaasimay 

cabdi qadar nuur maxamed ( FILIPIIN)
cabdiqadar84@hotmail.com
kismaayo soomaaliya


  • Wasiiru-Dawlaha Madaxtooyada  oo sheegay in Gudoomiyaha Baarlamaanka FKMG aanu ogayn waxyaabaha ku qoran Axdiga
  • Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Cadaadis lagu saarayo si uusan uga baxin Dalka Kenya.
  • Baaq ku Socda Madaxdda Sare ee Dowladda Somaaliyeed
Wasiiru-Dawlaha Madaxtooyada  oo sheegay in Gudoomiyaha Baarlamaanka FKMG aanu ogayn ama uu iska indha tirayo waxyaabaha ku qoran Axdiga Qaranka iyo Xeer hoosaadka Baarlamaanka.

Wasiiru dowlaha madaxtooyada ayaa maanta (May 14, 2005) soo saaray Qoraal uu ku sheegay in uu jawaab u yahay waraysi uu bixiyay Gudoomiyaha baarlamaanka FKMG ah, wareysigaas oo ay la yeelatay BBC-da ayuu gudoomiyuhu sheegay in uusan sharci ahayn shirkii dhacay 11 bsihan iyo go'aamadii lagu gaarayba.

Hadaba qoraalkii uu soo saaray Wasiiru dowlaha madaxtooyada oo sidiisi u qoran waxa uu ka hadlaya qodobada dastuurka ee xaqqa ama sharciga ka dhigaya in baarlamaanku yeeshaan shir uu ka maqan yahay gudoomiyaha.


Bayaan

Anigoo tixraacaya waraysigii afhayeenka baarlamaanka Soomaaliyeed uu siiyey Idaacadda BBC-da laanta Af Soomaaliga shalay oo taariikhdu ahayd 13 May 2005 ee uu ku sheegay in aan Madaxweynuhu sharci u lahayn in uu Baarlamaanka isugu yeero iyo in aanu sharci ahayn go'aammadii golaha Baarlamaanku gaaray 11 May 2005,ayaa waxan halkaan ku cadaynayaa in Afhayeenka Baarlamaanku aanu ogayn ama uu iska indha tirayo waxyaabaha ku qoran Axdiga Qaranka iyo Xeer hoosaadka Baarlamaanka.

Haddaan u gudbo muujinta iyo soo bandhigida qodobada sharci ee ay ku qotomaan tallaabooyinkii Madaxweynaha, Xukuumadda iyo Baarlamaanku qaadeen 11 May 2005 waa sidaan hoos ku qoran:-

1) Sharcinimada kulan aan caadi ahayn oo Madaxweynuhu isugu yeero Baarlamaanka

a)-Qodobka 34-aad farqadiisa 2-aad ee Axdiga Qaranka KMG ah wuxuu qorayaa in kulan aan caadi ahayn ay Baarlamaanka isugu yeeri karaan Madaxweynaha ama 1/3 xubnaha Baarlamaanka,labada codsiba Afhayeenka gacanta ayaa laga geliyey ,waana diidey.

b)-Qodobka 5-aad farqadiisa T,J iyo X ee xeer hoosaadka Baarlamaanka wuxuu qorayaa in kulanin kulan aan caadi ahayn ay Baarlamaanka isugu yeeri karaan Madaxweynaha ,Xukuumadda iyo 1/3 xubnaha Baarlamaanka,saddexda codsiba Afhayeenka gacanta ayaa laga geliyey ,waana diidey.

2) Sharcinimada kulan Baarlamaan oo qabsooma Guddoomiyaha oo aan ka soo qaybgelin

a)-Qodobka 38 farqadiisa B iyo C ee Axdiga Qaranka wuxuu qorayaa in haddii Afhayeenka Baarlamaanku fadhi Baarlamaan ka maqnaado ay fadhiga jeerinayaan(Guddoominayaan)mid ka mid ah labadiisa ku xigeen ,haddii ay saddexdooduba maqnaadaana in goluhu iska dhex dooranayo shir guddoon KMG ah.

b)-Qodobka 12-aad farqadiisa 1-aad iyo 3-aad ee xeer hoosaadka Baarlamaanku wuxuu qorayaa in haddii Afhayeen ka maqnaado fadhi Baarlamaan sabab kasta ha u maqnaadee in hawshiisa ay qabanayaan ku xigeennadiisu,haddii saddexdooduba maqnaadaana goluhu iska dhex dooranayo shir guddoon KMG ah.

Haddaba ,iyadoo ay habboon tahay in mas'uuliyiinta Qaranku ay ka dhowrsadaan ku xadgudubka iyo been ka sheegidda shuruucda dalka ayaa waxaan filayaa in Ummadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkuba ay si cad u fahmi karaan in kulankii uu Baarlamaanka Soomaaliyeed yeeshay 11 May 2005 iyo go'aanadii ka soo baxayba ay sharci ku qotomaan isla markaana aanay shuruucda Adduunka iyo kan Soomaaliyeedba aanay jirin meel ay ku qoran tahay in shaqada iyo danaha ummadu qof u xayirnaadaan.

Wa Bilaahi Towfiiq

Md.Dr.Khaalid Cumar Cali
Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada

###
Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da oo Ilaa hadda Jawaab u la' Eedaymihii Kaga Yimid Reer Boosaaso (2003)

###

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Cadaadis lagu saarayo si uusan uga baxin Dalka Kenya.
 
 Maalmihiil la soo dhaafay Khilaafkii ka dhex jiray Mas'uuliyiinta ugu sareeya labada golle ee dowladda oo sii xoogaystay kadib markii uu madaxweynaha iskugu yeeray shir dag dag ah qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka ogolaansho la'aanta Af-hayeenka Baarlamaanka ayaa sababtay in uu go'aansado gudoomiyuhu in uu u ambabaxo caasimadda Somaliya ee Mogadisho.
 
Warar xog-ogaal ah ayaa muujinaya in safarkii gudoomiyaha ee lagu waday in uu maanta ka dhoofo Nairobi uu ku yimid Hakad, kadib markii sida ay xaqiijinayaan wararkaasi ay soo baxeen cadaadis gudoomiyaha uga yimdi dhinaca IGAD gaar ahaan dalka Marti galiyay shirka ee Kenya ayaa lagu waramayaa in ay ka soo horjeedaan bixidda gudoomiyaha iyadoo aan la gaarin go'aanka ugu dameeba ee guurista Labada golle.
 
Gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sh.Aden waxaa lagu waday inuu baxo maanta isaga iyo wafdi ka tirsan labada golle iyagoo tagi lahaa xamar,kadibna ka jeediyo shir ku aadan waxa uu ka qabo shirkii ka dhacay 11 kii bishan magaalada Nairobi.
 
Waxaa dhex galay diblomasiyiin ka socda jaamacadda carabya Mareykanka iyo midawga yuruub ugu dambayntii waxaana loona ogolaaday sida ay wararka sheegayaan xalay in uu baxo gudoomiyaha iyo wafdigiisa waxaana lagu wadaa in caawa uu ka ambabaxo dalka kenya isagoo ku sii jeedda dalka Somaliya Magaala madaxdiisa ee Mogadisho.
 
Lama ogga iyo gudoomiyuhu soo ku soo laabanayo dalka kenya iyo in kale,qaar ka mid ah xubnaha ku wehliya safarka gudoomiyaha ayaa ee ka tirsan baarlamaanka ayaa ii sheegay in aysan soo laaban doonin,halkaasna ay ka sii wadayaan howlihii baarlamaanka ayna ku biiri doonaan xubnaha labada golle ee ku sugan dalka gudahiisa gaar ahaan kuwa howlaha nabadeed ka wada caasimadda Somaliya ee Mogadisho.

Waxaa soo tebisey: Canab Mumtaz | SomaliTalk | Kenya
Email:
canabmumtaz@yahoo.com

Shirkii ugu Dheeraa oo ku dhamaaday in Somaliya loo gacan galinayo Itoobiya | Mumtaz

###

Baaq ku Socda Madaxdda Sare ee Dowladda Somaaliyeed

ku-cabdullaahi Yuusuf Axmed
Madaxweynaha Dowladda Somaaliyeed.
ku-Shariif Xassan Sh.Aaden
Guddoomiyaha Golaha Barlamaanka.
ku-Proff-Maxamed Cali Geedi
Ra,iisal Wasaaraha Xukuumadda.
ku-Proff-Maxamed Cumar Dalxa
Ku Xigeenka 1-aad ee Barlamaanka.
ku-Cusmaan Cilmi Boqore
ku Xigeenka 2-aad ee Barlamaanka.
ku-Dr-Maxamuud Cabdulaahi Jaamac(Sifir)
ku Xigeenka Kowaad ee Ra,iisal Wasaaraha.
ku-Inj-Xusseen Maxamed Ceydiid
ku Xigeenka 2-aad ee Ra,iisal Waasaaraha.
 
      
 Ujeedo-Badbaadinta Dowladda Somaaliyeed.
 

    Mudanayaal,sidda muuqata xaaladda Dowladda Somaaliyeed ee intii mudadda aheyd lagu dadaalaayeey dhisideeda waqtigga badana qaadatay,Ummadda Somaaliyeedna ku hanweynay helitaanka Dowladda Qaran oo la saarta dhibka mudadda 14 sano qaatay,iyadoo hadda u muuqata mid ku socota wadaddii eey martay Dowladdii Carta iyo burbur deg deg ah oo eey sabab u tahay khilaafka Shakhsigga ah ee soo kala dhex galay Masuulinta Sare.
 
    Haddba,
1-Iyadoo laga duulaayo ahamiyadda Dowladdu leedahay.
2-Duruufaha adag ee Ummadda Somaaliyeed heysta.
3-Dib u dhaca iyo burburka si weyn u saameeyeey Dalka.
4-Maamul la,aanta iyo Amaan xumadda faraha ka sii baxeeysa.
5-Dowladaha Dereska oo qaarkood u han-qaltaagaayaan soo faraha gelinta Dalka Somaaliyeed.
6-Colaadii iyo Dagaaladii sokeeye oo laga yaabo in eey dib u  soo noqdaan.
7-Qabashadda shir damo oo aan suurta galeeyn.
8-Kalsoonidda iyo is aaminidda Hoggaamiyaasha Kooxaha Somaaliyeed oo sii xumaata.
9-Beesha Caalamka oo faraha kala baxdda arrimaha Somaaliyeed.
 
Sidaas awgeed,waxaa idiinku haboon masuuliyadu dhigeeysaa ka shaqeynta xalinta khilaafka dhexdiina yaala oo ah mid arrimaha Shakhsi ah ku qotoma,lagana fekero aayaha Ummadda Somaaliyeed iyo dib u soo nooleeynta Midnimadda iyo Qaranimadda Somaaliyeed,habka Wadda hadalka iyo kalsooni abuuridda lagau dhammeeyo muranka hadda taagan.

Mudanayaal,Garta ahamiyadda Xilka Qaran ee idiin saaran iyo Ummadda Somaaliyeed ee idiin soo eegeeysa oo aad Kitaabka Quraanka karrimka ugu dhaarateen ka shaqeynta danahood iyo gudashadda Masuuliyadda culus ee idiin saaran.
 
-Mahad Alla Leh-
 
-Guuleed Geelle Nuur.
Guddoomiyaha Dhaqdhaqaaqa Somaaliyeed
Nabadda iyo Midnimadda.
Email:
gacmodhiig@yahoo.co.uk
14/04/2005.

Faafin: SomaliTalk.com | May 14, 2005

Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da oo Jawaab u Weydey Eedaymihii Kaga Yimid Reer Boosaaso (2003)


Xeer Hoosaaska Baarlamaanka FKMG ah: 2004-2009

Qodobka 4aad: Kalfadhiga Baarlamaanka:
1. Baarlamaanku wuxuu yeelanayaa laba kalfadhi sannadkiiba oo caadi ah, wuxuu yeelan kaaraa kuwo aan caadi ahayn.
2. Kalfadhi kasta wuxuu soconayaa inta uu ka dhammaanayo ajendaha hor yaalla oo ay kamid noqon karaan hindisayaasha sharci ee sida deg-degga ah kuyimaada.

Qodobka 5aad: Kalfadhiyada aan caadiga aheyn:
1. Fadhiyada aan caadiga aheyn (Extra-ordinary meetinga) baarlamaanka waxaa soo jeedin kara:-
  A. Madaxweynaha Jamhuuriyadda
  B. Codsi ka yimaadda Xukuumadda
  C. Codsi xubnaha Golaha oo gaaraya 1/3 xubnihiisa.

Qodobka 7aad: Ansixinta Kalfadhiyada Golaha:
1. Fadhiga ugu horreeya ee furitaanka Kalfadhiga Golaha Sharciga, wuxuu ku ansaxayaa marka ay joogaan ugu yaraan 2/3 xubnihiisa.
2. Fadhiyada kale ee caadiga ah goluhu yeelanaayo wuxuu ku ansaxayaa marka ay joogaan 50%+1 xubnaha golaha, marka laga reebo xaaladaha u codeyntooda u baahan tahay cod aqlabiyad fudud.


 Taariikh Kooban ee Soomaaliya: 1960-2005


Zenawi: Soomaaliya waa Argagixiso, C/laahi iyo Geedi:  Itoobiya waa saaxiibadeen!
Zenawi ayaa Markale Soomaalida Ku Sheegay "Argagixiso" kaddib markii ay waraysatay AP... Guji May 13

BFKMG oo ansaxiyay in dowladu dagto Baydhabo & Jowhar

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD