SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
              
Dowladda Soomaaliya waxay u dhow dahay inay dhaqso u dhiciso  – Robert Oakley

Dowladdii Soomaaliya waxay qarka u saaran tahay inay dhaqso u dhiciso haddii ficil degdeg ah aan la qaadin, gaar ahaan dhinacyada maaliyadda iyo heerka ammaanka oo aysan si dhaqso leh ugu guurin gudaha Soomaaliya, sidoo kalena aysan xulan diblomaasiyiin dowladda ka gada adduunka, sidaa waxaa yiri Robert Oakley oo safiir ka ahaan jiray Soomaaliya mar uu tagay magaalada Nairobi.

Waxa uu qoray inay jiraan afar arrimood oo carqaladeynaya dowladda, kuwaasoo kala ah; waxtarmo la’aanta Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, wada shaqeyn la’aanta bulshada caalamka, gaar ahaan Mareykanka, Ingiriiska, Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub, daacad-darro u dhexeysa dowladda iyo Golaha Wasiirada iyo xoog-shaqo oo aan xirfad iyo khibrad lahayn oo ka howlgala xafiiska Madaxweynaha.

Safiirku waxa uu farta ku fiiqay in Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaruhu ay u haystaan inay yihiin awoodda ugu sarreysa awoodda dowladda, iyadoo runtu tahay buu yiri inay hilmaansan yihiin kuwii iyaga doortay. Waxa uu sheegay in Ra’iisal Wasaaruhu uu dhegeysto raaciyeyaal qabiilkiisa Hawiyaha ah oo jooga xafiiskiisa, kuwaasoo intooda badan aan haysan buu yiri shuruudda shaqada looga baahan yahay.

Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaruhu ayuu carrabaabay inay qallafsan yihiin oo uu haysto wareer, laakiin ayuu yiri wareerkaasi qayb ahaan wuxuu ka imaanayaa iyaga laftooda, qayb kalena waxay ka imaanaysaa talo xun oo ah mid dhow oo qabiil riixayo.

Isagoo ka hadlaya xafiiska Madaxweynaha waxa uu tilmaamay in nin macallin ka ahaan jiray dugsi hoose uu hadda yahay ninka dejiya go’aannada xafiiska Madaxweynaha, waxaana uu xusay in sababta uu mudnaantaas ku helay ay tahay isagoo ka mid ahaan jiray jabhaddii SSDF, laakiin waxaa dad jabhadda ka tirsanaan jiray ay ii sheegeen ayuu yiri inuu jabhadda askari uun ka ahaa.

Waxaa dhacday ayuu yiri safiirku in dhowaan ballantii laga qalday ku xigeenka madax goboleedka Afrika ee Bankiga Adduunka.  Culeys kale oo xafiiskaas ka jira ayuu sheegay inuu yahay iyadoon laga jawaabaynin telefoonnada ay soo diraan madaxda Kenyaanka iyo diblomaasiyiinta ajnabiga ah, taasoo ah buu yiri qalad u baahan sixitaan degdeg ah.

Safiirku waxaa kaloo uu soo hadal qaaday inuu jiray war sii xoojin kara khilaafka dowladda ka dhex jira oo ah in hay’adda horumarinta u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNDP ay bixisay lacago la siiyey xildhibaannada jooga Nairobi iyo qabqableyaasha dagaalka si loo aado Muqdisho.

Mar uu ka hadlayey wada shaqeyn la’aanta bulshada caalamka, waxa uu sheegay in Masaarida iyo qaar ka mid ah xubnaha Jaamacadda Carabta ay sumcadda ka dilayaan IGAD oo ah kuwii qabanqaabiyey ee ka caawiyey shirkii nabadda inuu guul ku dhammeystirmo, loona helo xal Afrikaan mushkilad Afrikaan.

Waxa uu sheegay inuu jiro kala hadal iyo xiriir daacad ah oo aan ka dhex jirin Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha iyo Golaha Wasiirada. Wasiirka Arrimaha Gobolka iyo Xiriirka ayaa kala hadlaayey Bankiga Adduunka arrimo ku saabsan deynta maaliyadda, iyadoo runtu tahay ayuu yiri in waajibkaas uu leeyahay Wasiirka Maaliyadda.

Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Email: ingiriis@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Faafin: SomaliTalk.com | May 14, 2005


Zenawi: Soomaaliya waa Argagixiso, C/laahi iyo Geedi:  Itoobiya waa saaxiibadeen!
Zenawi ayaa Markale Soomaalida Ku Sheegay "Argagixiso" kaddib markii ay waraysatay AP... Guji May 13

BFKMG oo ansaxiyay in dowladu dagto Baydhabo & Jowhar

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD