Shirkii
ugu dheeraa Dib u heshiisiinta Soomaaliya ee Embaghati oo ku dhamaaday in
Somaliya loo gacan galinayo Itoobiya.
GOBANIMO OOYDAY!
Soomalida
ayaa ku maahmaahda "geel ninkii lahaa dhacayo Lama dhicin karo" taas oo
macnaheedu yahay in Soomaaliya kuwa horboodaya gaar ahaan kuwa xilligan
loogu doortay dowlada Lagu dhisay Nairobi in ay madaxda ka noqdaan oo
noqday kuwo maslaxada dalka ka doorbiday in ay Itoobiya oo ah cadawga
Soomaaliya gacanta u galiyaan waana nasiib darro usoo hoyatay dalka
Somaaliya iyo dadkiisaba.
Itoobiya waa midda abuurtay Ururka
S.R.R.C. ee lagu burburiyay dowladdii KMG ahayd ee lagu soo dhisay dalka
Jabuuti, diidayna in ay sinaba u aqoonsato dowladdaas iyadoo ku tilmaantay
mid "argagaxiso" ah ayna wadaado madax ka yihiin, sidaasna ku kala
furfurtay dowladdaas oo ahayd midii ugu rajada wanaagsanayd Nidaamyadii
laga hirgaliyay dalka Soomaaliya intii uu ku jiray burburka.
Ururka S.R.R.C.waxa uu hogaanka u hayay
bilowgii shirka ilaa dhamaadkiisi, waxaana laga dareemi karay Heerarkii
uu soo maray shirka ee Koowaad iyo Labaad, waxaa kale uu ururkan uu ka
soo ifbaxay kana abuurmay dalka Itoobiya Asal ahaan, waana mid ay
ujeedadiisu ahayd in ay itoobiya ku gaarto danaha ay ka leedahay Soomaaliya, waxa
ayna ku guulaysatay dowladda Meles Zenawi in dowladdii ka soo baxday
shirkan uu hogaanka u qabto ururkii ay soo dhisay ee S.R.R.C. waxaana
madax ka ah Jabhadkii ugu waynaa ee ururkaas Coll.C/llaahi Yuusuf
Axmad, iyo gacan yarayaashiisa kula jira dowladda iyo Baarlamaanka FKMG
ah.
Dadka Soomaaliyeed waxaa baday
dagaalka, Xabadda iyo Barakaca waa Hubka ay dowladaasi siinayso kooxaha
isku haya siyaasada dalka, balse aan fahamsanayn ujeedada loo siinayo
hubka. Muuse suudi yalaxow ayaa ka dhex sheegay shirka ay lahaayeen
hogaamiyayaasha Mogadishu bishii janaayo in itoobiya hub siin
jirtay, "waxaan ogaanay qayaanada ay ku hayso itoobiya dalkeena kadib
markii aniga iyo xuseen caydiid oo midba hub ay soo siisay kadibna aan
ku dilnay shacabka soomaaliyeed!" ayaa ka mid ahaa hadalii Muusi Suudi
Yalaxow, oo hadda Wasiirka Ganacsiga Dowladda FKMG ah ee Soomaaliya loo
dhisay.
Sidaas si la mid ah ayay u cadeeyeen
Hogaamiye kooxeedyo badan dhibka ay dowlada Melez ku hayso shacabka
Soomaaliyeed, Iyagu waa ogyihiin laakiin danta ay markaas leeyihiin
ayaase uga "wax tar badan" tan shacabka dhamaanaya, kuwa sheegay laftooda
mucaaradnimo ayaa ka hadashiisay ee haday dan soomaaliyeed wadaan horay
u sheegi lahaayeen.
Hogaamiye Kooxeedka Maxamad Dheere xiliga
aan qoray qoraalkan waxa uu ku sugan yahay Dalka Itoobiya, isaga iyo
duqqa magaalada Mas'uulka loo magacaabay, Maxay tahay danta uga
xiran? Maxamad Dheere waxa uu ka mid ahaa Qaqablayaashii madaafiicda
naxariis darada ah la beegsaday shacabka soomaaliyeed Xaafadaha
Magaalada Mogadishu, waxaa kale oo ay cabasho wayni kaga imaanaysaa halka
uu taliyo ee Jowhar inuu ku xadgudbo xaquuqda dadka ku nool deegaanka
jowhar.
Maxamad dheere waxa uu ka mid yahay intii dhidibada
u taagtay ururka itoobiya ay leedahay S.R.R.C haddana waa la taliyaha C/llaahi
Yuusuf ee dhinaca siyaasadda, waxa uu ka doonay Addis Ababa maahan wax
kale ee waa hub uu ku dhameeyo shacabka Soomaaliyeed, mid ka mid ah dadka
ay isku siyaasadda yihiin ayaa ii xaqiijiyay in uu ka doontay hub
halkaasi si uu ugu difaaco hadii la soo weeraro dowlada oo dagaysa
halka uu ka taliyo bishan marka ay dhamaato.
Waxaan shaki ku jirin in itoobiya ay
gacanta ku "dhigayso" dalka Soomaaliya!, waxaana horseed u noqon doona
sidii ay ku hanan lahayd hadaan laga hortagin hogaamiye kooxeedyada
hadda isku badalay dowlad iyo baarlamaan wax u eg, ee ka soo baxay
shirkii lagu madadaalinayay soomaalida ee mudada dheerayd kana socday
xerada Embagathi.
Ra'iisulwasaaraha dalka itoobiya iyo
xukuumadiisu waxa ay isku dayaan mar walba in ay indhaha caalamka
soomaaliya ku soo jeediyaan iyagoo u adeegsada erayo lidi ku ah
jiritaanka insaanimo, waxa ay sabab u ahaayeen in albaabada loo laabo
xawaalidihii iyo shirkadihii soomaaliyeed, kadib markii loo sheegay
aduunka in ay yihiin "Argagaxiso", sidaasna loo xayiray hanti ay lahaayeen
dadweyne caadi ah oo aanba figrad ka haysan waxa loogu yeero "Argagaxisadda". Erayga
"argagaxiso" waa midka ugu badan ee ay adeegsato
dowladda Itoobiya si aan gabasho lahayna waxa ay ugu faafisaa
warbaahinta aduunka.
Mid kaas la mid ah waxaa hadda iyo ka
horba u sheegaya Qabqablaayasha dagaalka, Xuseen caydiid, C/llahi yuusuf,
Maxmad dheere iyo Muuse suudi ,waxa ay qayb wayn ku lahaayeen xiridii
Shirkadda Al-barakaat, kadib markii ay sheegeen in ay Tahay "Argagaxiso", ujeedada ay u samaynayeen waxa ay ahayd oo kaliya iyagoo ku
eedeeynayay in ay taageerto Shirkii carta dowladdii ka soo baxday intii
hogaanka u haysay.
Halkii warbaahinta aduunku ku hungoobeen
waxa ay ahayd Shimiraale, kadib markii uu C/llaahi Yuusuf u sheegay
wakaaladaha wararka aduunka qaarkood in ay halkaasi joogaan koox
soomaali ah oo "argagaxiso" ah, markii la booqdayna waxaa lagu arkay Somali
reer guuraa ah oo halkaas iska dagan iyo kuwo ku nool kheyraadka badda
waxa ayna noqotay taariiq xun mid ku reebta siyaasadda siyaasiyiinta ay
ku dhaqmayaan illaa haddana lagu xasuusto xadgudubkaas ay ku sameeyaan
dadka soomaaliyeed.
Waxaa Magaalada Boosaso
Duleedkeeda lagu Gubay 112 Kartoon oo
Galcaar ah, sida ay noo sheegeen Mas'uuliyiintii Gubayay,
Cinjirkaa waxaa uu kasoo dagey Dekada Magaalada Boosaaso iyagoo
ay wararku sheegayaan in ay keentay Hay'ada WHO ee UN-ka u
Qaabilsan Qaybta Caafimaadka iyadoo hore u keeni jirtay
Galcaarka lakiin uu ahaan jirey mid Tiro yar, kuna wareejin
jirtay Wasaarada Caafimaadka Isbitaalaka Boosaaso, lakiin uu
ahaa kan hada la gubay mid ka badan kii hore oo lagu Qiyaasay
Konteenar.
Guji
|
Kuwa lagu sheego deeqbixiyaasha
caalamka, laftooda maahan kuwo ay daacad ka tahay in ay Soomaaliya isku
taagto lugaheeda, waxa ay ku dhex wadaan danno aan la aqoonin, qaarkood
waxa ay ku haystaan Nairobi mashaariicdi aduunku ugu tala galay oo iyaga
loo soo marsiiyay, mana rabaan marnaba in ay Soomaalida siiyaan dhaqaale ay
wax ku qabsato, Hadaad aragto Xarunta Qaramada Miboobay ku leedahay
Magalada Nairobi ee Girigiri waxa ku suran calamo wadamo iyo hay'addo la
iskula qoray calanka Soomaaliya iyo waxa ay ku qabtaanba, hadana marka
aad u kuurgasho wax qabadkooda uu yahay mid aan soo dhaafin kan madaxda
ka ah mashruucaas iyo Soomaaliga ku socda magaca NGO'yada faraha badan
ee Soomaaliya ka furan.
NGO'yada qaarkood waxa ay la shaqeeyaan
Qabqablayaasha dagaalka, iyagoo qaarkood raashin siiya maleeshiyaadka ka
amarqaata, halkii ay ahayd in ay siiyaan dadka Qaxootiga ah ee lagu soo
qaaday magacooda, Qaarkood sida ay usoo wadaan waxa ay geeyeen bakhaaro
iyagoo hab-ganacsi uga faa'iidaysta Raashinkaas, waxa ayna qayb ka tahay
dhibaatooyinka ay beesha caalamku lafteeda ku hayso shacanka Soomaaliyeed.

Col. C/Laahi Yuusuf Axmed,
MDFKMG
|
Shirkii Mudada dheeraa ee Embagathi waxaa
ka soo baxay dowlad Soomaaliya loogu gacan galinayo Itoobiya, Shaki kuma
jiro waxaan marag ma doonto ah sida ay u dhaqmayaan inta madaxda ka ah
oo uu ugu horeeyo madaxweynaha, wali madaxweyne C/llaahi yuusuf Ma jeedin
Khudbo shacabka leeyahay, inta badan marka uu hadlayo waxa uu ka faalloodaa
jabhadnimadiisa, xooggiisa, milatarinimadiisa, iyo inuu yahay nin muddo soo
dagaalamayay oo dagaal yaqaan ah. Hadaba ummadan kala luntay ee ku
faafsan dunida lana qabsaday ilbaxnimada aduunka iyo waxa ay nabadu
tahay ogaaday, aadna u danaynaya in ay helaan nabad iyo cadaalad maku
qancin karaan C/llaahi yuusuf Qudbadihiisaas? waa maya aragtidayda waa
kuwa kala fogayn kara ummadda isku keen iska daaye.
Soomaaliya waa bubursan tahay, dadkii
burburiyayna waxaa ugu horeeya Inta hadda madaxda ka ah dowladan iyo
baarlamaankeeda, waxaana ay amarqataan oo dhisatay itoobiya, meles Zenawi
waxa uu cadeeyay in ay saaxiibo yihiin C/llaahi Yusuf, Geddi iyo
isagaba, maxay ku saaxiibeen,in ay Soomaaliya hoos geeyaan Itoobiya waa
xaqiiqda jirta, wasiirka arrimaha dibada Itoobiya markuu ka hadlayay
Caleema saarkii madaxweyne C/llaahi yuusuf waxa uu xusay in itoobiya iyo
C/llaahi yuusuf Saaxiib ahaayeen hadana ay ka sii fiicnaan doonaan waxa
uuna yiri oo kale "Soomaaliya iyo anaga waxaa naga dhexeeyay Khilaaf
laakiin hadda waa dhamaan doonaa."
Warbixintii Shabeelada Hoose ee
Hay'adda Elman:waxaan
waraysanay gabar naga codsatay in aan magaceeda la sheegin ayaa
waxay noo sheegtay in bishii November iyo December in ayadu ay
beeratay daroogada waxaana iiga soogay ayay tiri sided kiish oo
daroogo ah waxayna noo sheegtay in aysan jirin wax koontoroola
beerahooda ayna jiraan rag had iyo jeer u taagan iney beeraan
daroogadaas, ayadoo weliba qaarkood ay u wareegeen dhinaca
degmada janaale ayagoo halkaa ka wada hawlo ay ku hormarinayaan
daroogada...
Guji.... |
Halgamaayaashii Soomaaliyeed waxa ay ku
fakarayeen in ay higsadaan horumar, iyagoo u hurayay Naftooda, wax
walbana waxaa kaga wayneed danta iyo Madax banaanida Soomaliyeed, qaar
badan ayaa ku nafwaayay intii ay ku jireen halkankaas, aaqiritaankiina
waa ka mira dhaliyeen kadib markii ay ka saareen gumasigii adoonsan
jiray, ilaa ay ka midoobaan Waqoyi iyi koofur, iyagoo is jecel ayayna
taageen calanka jamhuuriyadda Soomaliyeed oo ay ku taallo shan xidig
iyo,si ay ugu muujiyaan jiilalka soo koraya taariiqdana u gasho
aduunkuna u ogaado in Soomaaliya Tahay Shan qaybood waliba ay ku jiraan
halgan sidii ay soo dhacsan lahaayeen.
Balse waxaa (ka) badan wadaniyadii dalka Soo
xoreeyay Calooshood u shaqaystayaal aan ka naxayn dal iyo dad,iyaga
dilidooda waa xad la'aane u bareeray in hoos geeyaan gumaysi ay ka
baxeen nus qarni ka hor, waxaana marag ma doonto ah hadii aysan inta wax
garadka ah u istaagin maslaxadda Soomaali midaysan iyagoo aan ku taageerin
qabiilna iska celiya kuwa boholaha ku ridaya shacabkooda in ay ogaadaan
in iyaga lala xisaabtami doono Aaqiro, aduunkana ay ku jirayaan Magac
xummo iyagoo ku dhiman doona Karaama darro iyo dambi ay ka galeen
dadkooda iyo dalkood, kadib markii ay ku fiirsadeen dambi laga galayo
maalin cad.
Isku soo duub Xalka Soomaalida u furan waa
in ay ka hortagaan mushkiladan ku soo fool leh sidii ay uga hortagi
lahaayeen, si ay u helaan badbaado dadkooda iyo dalkooda ah,itoobiya inta
ay ka haysto Soomaaliya in laga soo celiyo daaye waxa ay gaaraysaa
soomaaliya heer ay la fakan wayso labada qaybood ee ka soo haray,inta
aysan taas dhicin waa in aduunka loo bandhigo dhibaatada ay itoobiya ku
hayso dadka soomaaliyeed oo ay u dhistay dowlada ay leedahay hubkana soo
siiso Hogaamiye Kooxeedyada si ay inta hartay ugu dhameeyaan.
Canab Mumtaz | SomaliTalk | kenya
EMail: canabmumtaz@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | May 14, 2005

Prof.
Ken Menkhaus:
U.S. policy-makers should avoid an
over-reliance on information from the Ethiopian government, since it has
a vested interest in exaggerating al Ittihad activities in order to
receive assistance in combating the group. They should also mistrust
rumors from Somalis. Excessive reliance on local groups willing to fight
al Ittihad must be avoided, because most of these groups are probably
more interested in continuously receiving U.S. resources than actually
eliminating terrorist threats. ...
More... [November 27, 2001] |
"Waa in aynaan kuxiraan in aan akhbaarta
keliya ka qaadano Itoobiya kuwaas oo inkasta oo ay saaxiibadeen yihiin haddana
waxay wataan qorshe iyaga u gaara oo aan caddayn, waxayna kabadbadiyaan khatarta."
sidaas waxa yiri Ken Menkhaus, oo professor sare ka ah Davidson College, USA,
kaas oo ku takhasusay Soomaaliya iyo dhaqdhaqaaq yadeeda Islaamiga ah,
islamarkaana lataliye xagga siyaasadda uga ahaa hawlgalkii Qaramada midoobey ee
Soomaaliya, marka uu hadalkaas yiri waxay ahayd talaado November 27, 2001 asagoo
ka hadlayey kulanka Carnegie Endowment for International Peace symposium
(Washington, D.C.) oo looga hadlay Afrika, Islaamka iyo argagixisada "Africa,
Islam, and Terrorism".
www.ceip.org/files/events/AfricaTerror-summary.asp
Xaggee ku
dambaysay eedeyntii ahayd in Shimbiraale ay deggan yihiin urur argagixiso?
- Weriyayaal
isugu Jira Ajnabi iyo kuwo ka yimid Muqdisho oo Booqday Boosaaso iyo
Shimbiraale. Kuma arag wax urur argagixiso oo xarun ku leh Shimbiraale..
Xataa kuma arag raad shimbireed....
- Waxaa
caddaatay in wax argagixiso la yiraahdo aysan joogin Shimbiraale, taas oo
burisey hadalkii Cabdullaahi Yuusuf ee ahaa in goobtaas joogaan urur
Argagixso ah...

Cabdullaahi Yuusuf iyo Maxamed Xaji
(Ingiriis)

Maxamed Xaji & weriye Simon Scott |
Shimbiraale, Bariga Boosaaso

Shimbiraale
(oo ah meel lagu tilmaami jiray inay argagixisadu joogto)
|
Bishii December ee
sannadkii 2001 ayaan cagta soo mariyey gobollada Puntland.
Ugu horreyntii, Col. Jaamac
Cali Jaamac ayaan ku waraystay magaalada Boosaaso.
Col. C/llaahi Yuusuf,
waxaan isaga kula kulmay hotel Meereysane oo ku yaalla magaalada Garoowe,
halkaas oo uu deggenaa intii uu ku sugnaa gobolka Nugaal. Waqti duhur ah oo
qorraxdu kulushahay ayaan u tagay, iyadoo ay ahayd maalin Ramadaan ah.
Intaanan soo gaarin Garoowe,
waxaan soo booqday meesha la yiraahdo Shimbiraale oo 30km dhinaca bari ka
xigta Boosaaso xeebta badda cas. Waa meel lagu tilmaami jiray inay ahayd
xarun argagixiso, hase ahaatee waxay ahayd meel dalxiiska ku wanaagsan oo
aan strategically ku fiican in ciidamo ay degaan.
Labada nin ayaa is
weydaarsanayey cambaareyn siyaasadeed, iyadoo midba midka kale ku eedeynayey
inuu argagixisada siiyo gacan iyo gabbaad. Waxay eedeyntaasi ka dhignayd
dagaalkii Caydiid iyo Cali Mahdi oo soo gaara waqtigan, labada nin-na waxa
ay hadda kala taagan yihiin meeshii ay kala taagnaan jireen Cali iyo Caydiid
1991-92.
Iyadoo maanta la xusayo
sannadguuradii 1-aad ee ka soo wareegatay September 11 oo ahayd markii Al-Qaacida
ay weerar ku qaaday magaalooyinka New York iyo Washington oo ay qarxisay
daarihii mataanaha ahaa (twin towers) iyo xarunta Pentagon, xaggee ku
dambaysay eedeyntii ahayd in Shimbiraale ay deggan yihiin urur argagixiso?
Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Muqdisho, Soomaaliya
E-mail:
Ingiriis@yahoo.com
Waxaa dunidu ogaatey in iska dhaaf in bini
aadam uu xeryo ciidan ka samaystay'e in xataa laga waayey raad shimbireed.....
SOMALITALK | Sept 12, 2002
2001-2003: Warbaahinta Adduunka oo Lagu Casumey
inay Booqdaan Soomaaliya
Madaxweynihii hore dawladii kumeel gaarka ahayd,
Cabdiqaasim Salaad Xasan, waxa uu si weyn dunida ugu soo bandhigay in gudaha
Soomaaliya aysan ka jirin wax loogu yeero "Argagixiso".

Booqashadii C/Qaasim ee Liibiya | Shabakada Dalka
Bishii Octobar 19keedii sannadkii 2003 mar uu
C/Qaasim booqday Liibiya oo wax laga waydiiyay argagixisada hadda ka hor lagu
tilmaamay meelo ka mid ah Soomaaliya madaxwayne Cabdiqaasim waxa uu sheegay in
intii ka dambaysay 1995 tii markii UN-ka iyo Maraykanka ay kasoo baxeen
Soomaaliya wararkii laga bixinaayay dalka ay ahaayeen kuwa ay gudbiyaan Itoobiya
Iyo niman gacan saar la leh oo ay ku sheegayaan inay saldhigyo argagixisadu ku
leeyihiin Shimbiraale, Gedo, Xamar iyo Raaskambooni hase yeeshee DKMG ah markii
ay dalka ku casuuntay warbaahinta reer galbeedka iyo wafuud Maraykan ah ay
caddeeyeen in aysan Soomaliya ka jirin wax saldhig ah iyadoo hadda ka hor laba
sano ciidammada reer galbeedka iyo marakiibtooda dagaalka ay ilaalo ka hayaan
xeebaha Soomaliya ilaa iyo haatanna ayna jirin wax raad ah.
Itaxaadka iyo aragtida Siyaasiyiinta Soomaalida.
Madaxda
Siyaasadda Soomaalida siyaalo kala duwan ayey uga hadleen Itaxaadka, walow
siyaasiyiinta Soomaalida aan la kala garan karin wax ay caqiido ahaan u rumeysan
yihiin iyo waxa ay ku dangaara isleeyihiin.
BAARIS: ITAXAADKA SOOMAALIYA.. GUJI...
|
Zenawi:
Soomaaliya waa Argagixiso, C/laahi iyo Geedi: Itoobiya waa saaxiibadeen!
Zenawi ayaa Markale Soomaalida Ku Sheegay "Argagixiso"
kaddib markii ay waraysatay AP...
Guji May 13
|