SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORRIYO

Barnaamijkii Radio Xoriyo

13  May. 2005 

  • Xukuumada Itoobiya oo lagu eedeey inay ururada mucaaradka ah cadaadiso. 

  •  Xildhibaano badan oo Itoobiya ku canbaareeyay hubka ay Soomaaliya u soo dirto.

  • Ciidammada Itoobiya oo xayiraad ku soo rogay magaalada Waajid.

  • Doorashada Itoobiya iyo ONLF

  • Iyo barnaamijkii Muxuu yidhi Abwaankii

======================

Xukuumada Itoobiya oo lagu eedeey inay ururada mucaaradka ah cadaadiso. 

Ururka xuquuqda aadnaha udooda ee Human Rights Watch HRW ayaa warbixin cusub oo uu soo saaray ku sheegay in xukuumadda Itoobiya ay si nidaamsan u cadaadiso dadwaynaha Oromiya, arrintaasoo ka dhigaysa doorashada 15 May mid aan macno ku fadhiyin. Ururku wuxuu intaas ku daray in doorashadu si ay u noqoto xaq muhiim u ah qofka muwaadinka ah, ay lagama maarmaan tahay in la helo xorriyad siyaasadeed oo muwaadinka u saamaxaysa inuu dawladiisa wax ka soo doorto. Hase yeeshee xorriyada noocaas ah ayna haysanin dadwaynaha Itoobiya intooda badan. 

Gobolka Oromiya ayaa waxaa ka jira cadaadis siyaasadeed oo nidaamsan iyo xadgudub xuquuqda aadanaha oo xawli aad ah ku socota, waxaana dadwaynaha loo diidaa inay si xor ah ururro u samaystaan iyo inay six or ah u sheegaan fikradohooda siyaasadeed. Ururka Human Rights Watch wuxuu rumaysan yahay in dad badan oo ku dhaqan gobolka Oromiya ayna doorashada 15-ka May ikhtiyaarkooda uga qayb qaadan doonin. 

Ururku wuxuu kaloo intaas ku daray in dawlada iyo ciidammadeeda ammaanku ay jidhdil, xadhig iyo xadgudubyo kale u gaystaan dadka siyaasad ahaan uga soo horjeeda iyo dadka caadiga ah ee ku dhaqan gobolka Oromiya, iyagoo ku gabbanaya inay la dagaallamayaan mucaarad hubaysan ama argagixiso. 

Ururka OPDO, oo ah urur Oroma ah oo ku jira isbahaysiga EPRDF, oo kuraas badan ku leh Baarlamaanka Itoobiya, ayaa inta badan loo adeegsadaa ciqaabta la mariyo dadka dawlada ka soo horjeeda. Ururka HRW wuxuu tilmaamay in beesha caalamku ay ilaa iyo hadda ka aamusan tahay xadgudubyada ay xukuumadda Itoobiya u gaysato dadwaynaha rayadka ah. 

Warbixinta HRW waxaa lagu saleeyay hawl baadhiseed  seddex toddobaad qaadatay, taasoo uu bishii Maarso 2005 ku tegay magaalada Addis Ababa iyo magaalooyin badan oo ku yaalla gobolka Oromiya, wuxuuna waraystay dad badan oo beeralay caadi ah iyo reer miyi u badan. 

Xildhibaano badan oo Itoobiya ku canbaareeyay hubka ay Soomaaliya u soo dirto. 

Mudanayaal ka mid ah xilidhibaannada Baarlamaanka dawlada ku meegaadhka ah ee Soomaaliya ayaa talaadadii xukuumadda Itoobiya ku canbaareeyay in ciidammadeedu ay ku soo duuleen meelo ka tirsan gobollada dhex ee Soomaaliya, isla markaana ay hub siiyeen kooxo hubaysan oo meelahaas ka jira, taasoo ka dhigan inay jabiyeen xayiraadii hubka ee Qaramada Midoobey ay Soomaaliya ku soo rogtay 13 sano ka hor. 

Xildhibaannadan oo 83 xildhibaan gaadhaya, isla markaana ay ku jiraan wasiirro ka tirsan dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya, ayaa sheegay in dhaqadhaqaaqa ay Itoobiya ka waddo Soomaaliya uu horseedi karo qarax kale oo ka dhaca magaalada Baydhabo. 

Marka laga tego hubka ay Itoobiya siisay kooxo iyada gacan-saar la leh, waxaa saacadihii ugu denbeeyay xadka ka soo gudbay oo ku sugnaa magaalooyinka ku yaalla gobollada Bay iyo Bakool saraakiil Itoobiyaan ah, sidaas waxaa sheegay xildhibaan C/llaahi Xaaji Cali oo ah afhayeenka xilidhibaannada canbaarayntan soo saaray. 

Wuxuu kaloo intaas ku daray xildhibaanku inay waqti uun ku xidhan tahay inuu magaalada Baydhabo ka dillaaco dagaal ay Itoobiya soo abaabushay, isagoo intaas ku sii daray inay jiraan warar sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah oo 500 oo askari gaadhaya ay la socdaan ciidammada la filayo inay maalmaha soo socda soo weeraraan magaalada Baydhabo. 

Xildhibaannadan ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ka codsaday inuu tallaabo degdeg ah ka qaado wax ka qabashada colaadda ay Itoobiya ka oogayso dalka Soomaaliya oo keeni doonta in dagaal lagu hoobto uu Soomaaliya mar kale dib uga billowdo, isla markaana uu burburo dadaalkii nabadeed ee lagu dhisay dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya.  

Xubnaha sarsare ee dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya ayaa sii kala fogaanaya, isla markaana u muuqda inay ka quusteen heshiis dhex mara. 

Madaxwaynaha dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa ku hanjabay in guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sh Aaden xilkiisa laga qaadi doono haddii uu ka waantoobi waayo waxa uu ugu yeedhay ”is-hortaagga sharciyada qaranka”.  C/llaahi Yuusuf wuxuu hanjabaadan bixiyay mar uu la hadlayay koox Baarlamaanka ka mid ah oo isugu timid kulan lagu qabtay magaalada Nayroobi, kaasoo lagu ansixiyay qodobo ay dawladu u soo gudbisay oo ay ka mid yihiin in ciidammo shisheeye Soomaaliya la keeno iyo inay dawladu u guurto magaalooyinka Baydhabo iyo Jawhar. 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan, oo markii kulankan la qabtay ku sugnaa magaalada Nayroobi, ayaan kulankan laga qayb gelinin, sidaas darteed wuxuu isaguna kulankan ku tilmaamay mid sharci darro ah, isla markaana aanuu aqoonsan doonin arrimaha ka soo baxa. 

Ciidammada Itoobiya oo xayiraad ku soo rogay magaalada Waajid. 

Ciidammada Itoobiya ee ku sugan magaalada Waajid ayaa xayiraad ku soo rogay diyaaradihii ku soo degi jiray Waajid, waxayna mamnuuceen in garoonka diyaaradaha ee magaalada Waajid ay wax diyaarad ahi ku soo degto. Garoonka diyaaradaha ee Waajid waxaa isticmaala diyaaradaha u shaqeeya ururrada samafalka ah ee gobolladaas ka hawlgala. 

Ujeeddada xayiraadan laga leeyahay ayaa lagu tilmaamay inay  ciidammada Itoobiya halkaas ka soo dejinayaan hub iyo saanad kale oo millatari oo loo keenayo kooxaha gacan-saarka la leh ee deegaannadaas ku sugan. 

Warar kale ayaa iyaguna sheegaya in tuulada Turdho, oo ku taal meel ku beegan xadka u dhexeeya gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, ay ku sugan yihiin baabuur rasaas iyo hub u sidda maamulka Maxamed Cumar Xabeeb “Maxamed Dheere” ee ka arimiya demgada Jawhar. Baabuurtan oo ka kooban shan baabuur ayaa la sheegayaa inay halkaas ugu hakadeen cillad ku timid qaar ka mid ah. Baabuurtani waxay ka timid dhinaca magaalada Xuddur, waxaana saaran hub iyo rasaas ay Itoobiya ugu deeqday maamulka Maxamed Dheere. 

Dhinaca kale ciidammada Itoobiya ee ku sugan ee magaalada Doolow ee gobolka Gedo ayaa dadwaynaha halkaas ku dhaqan u diiday inay isticmaalaan lacagta shilin soomaaliga ah, waxayna lacago badan oo shilin soomaali ah ka uruuriyeen ganacsatada magaaladaas ku dhaqan. 

Ciidammada Itoobiyaanka ah ayaa dadwaynaha magaalada Doolow u sheegay in tallaabo laga qadayo qofkii lagu arko lacag shilin soomaali ah, waxayna ku amreen inay isticmaalaan lacagta Itoobiyaanka ee Birta loo yaqaano. 

 Radio Xoriyo

13 May. 2005

C/nuur Sh. Mohamed

radioxoriyo@ogaden.com
raadioxoriyo@yahoo.com 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | May 13, 2005


Zenawi: Soomaaliya waa Argagixiso, C/laahi iyo Geedi:  Itoobiya waa saaxiibadeen!
Zenawi ayaa Markale Soomaalida Ku Sheegay "Argagixiso" kaddib markii ay waraysatay AP... Guji May 13

BFKMG oo ansaxiyay in dowladu dagto Baydhabo & Jowhar

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD