SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UK

Dhaqdhaqaaqa Nabadda Soomaaliyeed

DH/N/S/011/2005                                     London, 13/05/05

Dhaqdhaqaaqa Nabadda Soomaaliyeed wuxuu soo dhaweynayaa dhamaan dhaqdhaqaaqyada nabadeed ee ka socda gudaha iyo dibedda dalka ay dagaallada aafeeyeen ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Dhaqdhaqaaqu wuxuu mar kale ugu digayaa dhamaan madaxda iyo hoggaamiyayaasha Soomaaliya in ay ka haraan abaabulka dagaal ee ay ka wadaan Gobollo iyo Degmooyin ka tirsan kuwa Koofurta Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Baydhabo.

Sidoo kale wuxuu dhaqdhaqaaqu ka xun yahay qilaafka u dhaxeeya madaxda dowladda fereraalka KMG ah ee Soomaaliya, qilaafkan soo kala dhexgalay mas'uuliyiinta ugu sarreysa maamulka siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo maraya meel xasaasi ah darteed, Dhaqdhaqaqa Nabadda Soomaaliyeed ka codsanayaa in lagu xalliyo wada hadal, haddii taasi la waayana ay dhici doonto burbur gebi ahaanba ku yimaada dowladda feredaalka KMG ah ee Soomaaliya.

Waxaan si cad u taageereynaa isla markaana ku tartarsiineynaa dhameystirka dadaalka ay wadaan hoggaamiyayaashii hore ee magaalada Muqdisho, hadana noqday wasiirada, waxna  looga qabanayo amaanka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, si loo suurtagaliyo in ay ka howl gasho dowladdii lagu soo dhisay shirkii dib u heshiisiinta ee Nairobi.

Waxaan Tacsi u direynaa dhamaan Qoyskii, Ehelladii iyo Qaraabadii ay ka geeriyoodeen dadkii waxyeelada ay ka soo gaartay qaraxii ka dhacay Stadio Muqdisho, qaraxan oo aan fileynayo in uusan waxba u dhimi doonin howlaha lagu doonayo in lagu xasilliyo magaalada Muqdisho.

Waxaan la yaabannahay isla markaana beenineynaa hadalkii ka soo yeeray hoggaamiyaha dowladda federaalka dimoqraadiga ee Itoobiya Atto Melles Zanawi kuna saabsanaa in Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho ay tahay goob ay ka howlgalaan ururro Argagaxiso ah, taas oo ay horey u beeniyeen laamaha sirdoonka ee wadamada isu xilsaarey ladagaalankooda.

Hadalkan oo aan u heysano in uu yahay mid uu qiil ugu sameynayo xalaaleysashada in ciidamadiisu ay ka howl galaan gudaha dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyadoo dadka Soomaaliyeed intooda badani diidan yihiin, kuna taageeraya ciidamadiisa xubno ka tirsan madaxda uu qilaafka ka dhaxeeyo ee dowladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya.

Waxaan xusuusineynaa Atto Melles Zanawi abaalkii ay u galeen shacbiga Soomaaliyeed xilligii ay la dagaalamayeen xukuumaddii Mingistu Heyle Mariam , Hadalkanna uu yahay abaal ka dhacyo uu u geysano ummadda Soomaaliyeed, dadka Soomaaliyeedna ay ka jawaabi doonaan wax kasta oo xume ah oo loo geysto.

Codsi:- Ugu dambeystii waxaan ka codsaneynaa dhamaan madaxda urur gobolleedka IGAD iyo AU in aysan ciidamo u soo dirin Soomaaliya, ka hor inta laga xallinaayo qilaafka u dhaxeeya hoggaamiyayaasha sar sare ee xukuumadda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya. 

                Xoghayaha Guud 

 Dhaqdhaqaaqa Nabadda Soomaaliyeed
C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban" 
xildhiban@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 13, 2005


Zenawi: Soomaaliya waa Argagixiso, C/laahi iyo Geedi:  Itoobiya waa saaxiibadeen!
Zenawi ayaa Markale Soomaalida Ku Sheegay "Argagixiso" kaddib markii ay waraysatay AP... Guji May 13

BFKMG oo ansaxiyay in dowladu dagto Baydhabo & Jowhar

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD