SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
  • Xildhibaanada qaarkood oo cambaareeyay shirkii daraad ee baarlamaaka qaarkiis yeeshay.
  • Gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan oo Axadda u ambabaxaya Mogadisho shirna ku qaban doona.

Xildhibaanada qaarkood oo cambaareeyay shirkii daraad ee baarlamaaka qaarkiis yeeshay.

Canab Mumtaz | SomaliTalk
canabmumtaz@yahoo.com

 
Xidlhibaanada baarlamaanka qaarkood oo shir jar'aad ku kala qabtay Naiorbi iyo Mogadisho ayaa cambaareeyay shirkii uu soo qabanqaabiyay Madaxweynaha Dowalada FKMG ah C/llaaho yuusuf Axmad ee lagu looga hadlayay laba mowshin oo ay la timid dowladda kadiba in ay ansaxiyeen uu ku dhawaaqay gudoomiye ku xigeenka koowaad Prof.Dalxa.
 
Xubahan ayaa shirarkooda ka soo saaray warsaxaafadeedyo ay uga digayaan caalamka in aysan aqbalin go'aankaas ay gaareen xildhibaanada qaarkood,waxa ayna intaas ku dareen in dadka lagu sheegay xildhibaano sida ay hadalka u dhigeen ay ahaayeen dad laga kala keenay daafaha xaafadda islii ee ay soomaalidu dagto iyo xoghayntii cali gedi iyo C/llaahi yuusuf oo laga dhigay xildhibaano.
 
Xubanah oo qaarkoodi ku sugnaa Naiorbi ay shalay soo saareen qoraal dheer oo ay u qaybiyeen ku cambaareeyay shirkaas waxa ayna sheegeen in dalka la rabo loo gacan galiyo cadawa itoobiya taasna aysan qaadan karin,oo ay kala wayn tahay maslaxadda ummadda soomaaliyeed oo ay xilka u wadaan,caasha axamad c/lla oo ka mid ahayd soo diyaariyayasha shirka ayaa sheegtay in itoobiya ay ogaato in dadkii soomaaliyeed uusan burburin haduu uu burburay dalkoodi,ayna ogaadaan melez iyo kuwa uu adeegsnayo in ay jiraan cudud soomaaliyed oo u taagan in ay daafacaan dalkooda.
 
Xubaha soo saaray qoraalkan oo gaarayay boqol xildhibaan waxa ay intaas ku dareen in ay u socdaalayaan dhawaan xamarm,oo ay raacayaan gudoomiyaha baarlamaanka,kadibna ay halkaas ku qaban doonaan dood la xiriirta dastuurka iyo sida uu ugu xadgudbay C//llaahi yuusuf waxa ayan sheegeen in C/llaahi yuusuf iyo Cali geddi aysan matalin Baarlamaanka ee ay ka yihiin xubno.

Gudoomiyaha
baarlamaanka Shariif Xasan oo Axadda u ambabaxaya Mogadisho shirna ku qaban doona.
 
Gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Shiiq Aadan ayaa ku tilmaamay shirkii daraad ay yeesheen qaar ka mid ah baarlamaanka,uuna soo qabanqaabiyay Madaxweyne C/llahi yuusuf mid aan jirin sharcigana aan waafaqasanayn sinaba.
 
Gudoomiyaha waxa uu ka hadlay shirkaas maalintii uu dhacay habeenkeedi isagoo sheegay in uusan jiirn sharci u fasaxaya C/llaahi Yuusuf in uu isku keeno baarlamaanka ogolaanshaha gudoomiyaha la'aantiis,waxa uuna sheegay in arrintan ay tahay xadgudub iyo meel ka dhac uu u bareerayo madaxweynaha dowlada FKMG ah.
 
Shariif Xasan waxaa lagu wadaa in Axada uu ambabaxo magaalada mogadisho halkaas oo uu ku qaban doono shir uu uga warami doona mowqifka uu ka taagan yahay shirkii ay qabteen xildhibaanada qaarkood,ee lagu ansaxiyay in Somaliya gaar ahaan xamar la galiyo ciidamo ka socda midwaga afrika,iyo dowadda sii dagto Baydhabo iyoJowhar xamarna ay ka furtaan xafiis loogu arrimiyo amaanka mogadisho.
 
Dhinaca kale shir lagu waday maanta in uu qabto Gudoomiyaha barlamaanka ayaa baaqday,waxana lagu wadaa in uu shirkaas ku qaban doono magaalada mogadisho,halkaas oo ay ku sugan yihiin xubno ka mid ah labada golle,warar aan la xaqiijina waxa ay sheegayaan in marka uu halkaas tago gudoomiyuhu ay shir qaban xubnaha baarlamaanka kadibna ay muddo u qaban doonaan madaxweynaha iyo wasiirada ku sugan nairobi hadii ay ku imaan waayaan mudadaasna ay xilalka ka qaadi doonaan.

Canab Mumtaz | SomaliTalk
canabmumtaz@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 13, 2005


Zenawi: Soomaaliya waa Argagixiso, C/laahi iyo Geedi:  Itoobiya waa saaxiibadeen!
Zenawi ayaa Markale Soomaalida Ku Sheegay "Argagixiso" kaddib markii ay waraysatay AP... Guji May 13

BFKMG oo ansaxiyay in dowladu dagto Baydhabo & Jowhar

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD