SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
  • Is-faham daro ka dhex taagan mas'uuliyiinta ugu saraysa labada Gole
  • Muqdisho oo si weyn looga xusay maalinta LaanQayrta Cas iyo Bisha Cas

... Is-faham daro ka dhex taagan mas'uuliyiinta ugu saraysa labada GoleSomali President Abdullahi Yusuf Ahmed     

Warbixintii Canab Mumtaz | SomaliTalk | Kenya
Email:
canabmumtaz@yahoo.com

May 11, 2005

Sadexdan shaqsi oo ah kuwa baarlamaanka badankiis ay u garteen in ay ummadda Somaliyeed ku hagaan wadada Nabad iyo Amaan ku soo dabaalidda dalka Somaliya dunida ku taageertay ayaa waxaa ka jira iyaga Laftooda khilaafkii ugu xooganaa kaas oo ah mid la dhashay dhismihii labada Gole kana soo bilowday Doorashadii Mas'uuliyiintan kor uu kaaga muuqdo sawirkooda.

 
laga soo bilaabo xiligii dhidibada loo taagay dowladda iyo baarlamaanka ilaa hadda oo ay ku dhawdahay muddo dhowr bilood ah dhismahoodi ka dib waxaa ka dhex taagan mas'uuliyiinta ugu saraysa dowlada iyo baarlamaanka Khilaaf siyaasadeed oo aan lahayd Tanaasul iyo dhamaad midna.
 
Maalmihii la soo dhaafay waxa ay yeesheen sadexdan mas'uul shirar kala gooni gooni ah,kuwaas oo lagu raadinayay in la helo waddo ay iskugu yimaadaan meel dhexe,waxaana kala qaybqaadnayay Shaqsiyaad ka socday beesha caalamka oo si gaar gaar ah iyo wada jirba kulamo ula yeelanayay kana dalbanayay in ay isfahmaan laakiin dhamaantood ma noqon kuwo lagu guulaysto.
 
Khilaafkan xoogiisa waxa uu la xiriiraa Go'aan dowlada Qaadatay iyo mid baarlamanka qaatay oo aad u kala fog marlka loo fiiriyo isku soo dhawaanshaha Sadexdan Mas'uul oo kala hogaamiya Labada golle,go'aamadaas oo ah in In dowladdu guurto dagtona baydhabo ma jowhar mid Baarlamaankuna,ansaxiyo iyadoo ansaxintaasna loo marayo in shariifku isku keeno codna u qaado inta ku sugan nairobi ee labada Golle ka tirsan. 
 
Dhibka ugu wayn ee hadaba ka jira Go'aamadan waa mid ku tiirsan xildhibanada iyo gollaha wasiiradda oo iyagana siyaasadoodu kala taabacsan tahay Sadexda Mas'uul oo kala wadda kooxo iyaga kala taageera hadaan si kale u dhignono waxaa isku dhinac ah (Xagga Dowlada )C/llaahi Yuusuf iyo Cali Geddi, Shariif Xasan oo kaligiis ka soo jeeda dhinac haystana Go;aankii Baarlamaaka ee ahaa in la diiday safka hore in ay guurista baarlamanka iyo dajintiisa Jowharba ay u taalla Xildhibaanada ee uusan isaga awood u lahayn in uu baarlamaanka amar ku siiyo in dagaan Baydhabo ama jowhar mid,iyadoo aan la qaadanin go'aan cod ah 
 
Somali President Abdullahi Yusuf AhmedCali Gedi iyo C/llahi Yusuf waxa ay dhowr jeer isku dayeen in ay gudoomiyaha kala hadlaan sidii uu iskugu keeni lahaa baarlamaanka kadibna loogu codayn lahaa labadaas magaalo mid ka mid ah,laakiin waxaa dhib badan ka qabsaday in sharifku aqbalo,waxa uu laftiisa diidan yahay in codayn sameeyo xili ay maqan yihiin xildhibaano badan somaliya jira,waxaa kale uu ku xiray in awooda ay leeyihiin baarlamaanka oo go;aan qaata kadibna uu ku dhawaqayo Go;aanka ay qaateen.
 
Dowladda wali kuma qancin arrintan waxa ayn la kaashanayeen beesha caalamka laakiin waxaa mar walba lagu wargalinayay in inta ay ku qayilayaan hotelada Nairobi oo ay didan yihiin dalkooda aan la siin doonin caawimaad iyo taageero midna hadalkoodana cidna meel kama soo qaadin.
 
Hadaba dhibka ugu wayn ee hadda taagan marla la soo koobo waxa uu yahay In loo codeeyo sidii ay dowladda u guuri lahayd una dagi lahayd meel ka mid ah jowhar iyo baydhabo oo hadda baydhabo ay taagan tahay xiisaddo colaadeed,iyo tan kale shariifku baarlamaaka u hogaamsamo amarka dowladda baarlamaankana u rarro jowhar.
 
Laakiin xaqiiqda jirta sadexdan shaqsi midkoodna ma waddo maslaxo, waayo lama hayo mid tanaasulayo.

Warbixintii Canab Mumtaz | SomaliTalk | Kenya
Email:
canabmumtaz@yahoo.com


Muqdisho oo si weyn looga xusay maalinta LaanQayrta Cas iyo Bisha Cas

  • W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
    E-Mail AmiinKhasaaro@hotmail.com


Maalintii shalay (May 9) ahayd ayaa Hotel Shaamow ee magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay xaflad aad u balaaran waxaana xafladaasi lagu xusayay maalinta LaanQayrta Cas iyo Bisha Cas,waxaana munaasabadaasi ka soo qaybgalay xildhibaano, wasiiro, qaybaha kala duwan ee bulshada iyo madaxda Hay’addaha samafalka waxaana ugu horeyntii halkaasi ka hadlay madaxa LaanQayrta Cas ee Muqdisho Xuseen Cali Salaad oo isagu si aad ah ugu dheeraaday u jeedooyinkii iyo sababihii loo aasaasay Hay’addaha LaanQayrta Cas iyo Bisha Cas wuxuuna sheegay in la aasaasay markii ugu horeysay hay’adda LaanQayrta 1863-dii waxaana fikrada aasaaskeeda lahaa nin u dhashay wadanka Switzerland oo lagu magacaabo Henery Dunnan kaddib markii uu arkay dad fara badan oo ku dhaawacmay dagaal ay isaga hor yimaadeen labo wadan.

     Xuseen Cali Salaad waxa uu sheegay in markii ugu horeysey LaanQayrta Cas ee Soomaaliya ka qayb qaadato xuska 8-da May isagoo sheegay in xuskaan ku ekaan jiray Bisha Cas ee Soomaaliyeed hase yeeshee labada hay’addood si wada jir ah ayay u xusayaan maalinkaasi oo uu sheegay in ay tahay maalin ku weyn bulshada caalamka.

     Waxa uu sheegay in Soomaaliya Hay’adahaasi ay ka hirgeliyeen barnaamijyo badan oo samafal ah oo ay ka mid yihiin daaweynta dadka ku dhaawacma dagaalada, dadka ay ku dhacaan musiibooyinka sida fatahaada, cudurada iyo Iwm.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay wax ka qabteen dhinaca biyaha isku xirka dadkii ku kala lumay dagaaladii sokeeye iyo la socoshada xaaladda dadka maxaabiista ah ee ku xirxinan xibsiyada waxa uuna tusaale u soo qaatay iyagoo ka war hayn jiray xaaladda nololeed maxaabiistii ay kala qabsadeed Soomaaliya iyo Itoobiya dagaalkii 1977-kii. Waxaa kalloo halkaasi ka hadlay madaxa Bisha Cas Max’ed Axmed Cadale oo isna si aad ah ugu dheeraaday howlaha ay qabato Bisha Cas ee soomaaliyeed wuxuuna sheegay in dalka ka hirgeliyeen barnaamijyo fara badan oo dhanka samafalka ah wuxuuna sheegay in soomaaliya ka furan yihiin in ka badan 44 xarumood isagoo sheegay in labo ka mid ah xarumahaasi ay haatan xiran yihiin wuxuuna u soo jeediyay xubnaha labad gole ee dowladda Federaalka, qaybaha kala duwan ee bulshada in la furo xaruntii degamda Ceel Buur oo uu sheegay in ay u xiran tahay  amaan daro sidoo kale waxa uu sheegay in amaandaro u xiran tahay xaruntii Farjano. Ee Kismaanyo

Waxaa hobolada Horyaal Band halkaasi ku soo bandhigeen ruwaayad ay ugu magacdareen FIKRADII SHEEKADA waxayna ruwaayadaani ka hadlaysay u jeedooyinkii loo aasaasay hay’addaha LaanQayrta Cas iyo Bisha Cas, waxayna ruwaayadaasi dareen xoog leh ku abuurtay dadkii daawanayay oo iyagu maalinkaa ka dhergay waxaayaba ay qabtaan labada Hay’adood.

     Miss Anita oo ah madaxa isgaarsiina ee Hay’adda LaantaQayrta Cas ee soomaaliyeed ayaa iyadu halkaasi ku soo bandhigtay filim ka hadalaya waxyaabaha ay qabtaan hay’addaha LaantaQayrta Cas iyo Bisha Cas oo ay ka mid haayeen daaweynta dadka dhaawaca ah, ka warqabka maxaabiista lagu qabto dagaalada, wax ka qabashda musiibooyinka sida dabeylaha, fatahaadaha, dhul gariirada Iwm, sidoo kale waxaa filimkaasi lagu muujiyay sida Hay’adahaasi baadi goobka ugu sameeyaan dadka ku lumay dagaalada iyadoo u sahasha dhinaca Telefoonada iyo waraaqaha waxaana Miss Anita la gudoonsiiyay qoraal farshaxan ah oo ay soo diyaarisya Iftin Arts waxa uun farshaxankani uu muujinayay sawiro ah waxyaabaha ay qabtaan Hay’addaha LaantaQayrta Cas iyo Bisha Cas waxaana ka dhex muuqday calaamadaha labada Hay’adood waxaana gudoonsiiyay gudoomiyaha Iftin Arts Cilmi Dheere.

     Duqa magaalada Muqdisho Ibraahim Cumar Sabriye Shaaweeye ayaa koobkii munaasabada 8-da May gudoonsiiyay mutadawiciinta Bisha Cas ee degmada Xamar Jabjab kaddib markii ay ka adkaaden Mutadawiciinta degmada Waabari.

     Dhinaca kale xaflad tan la mid ah ayaa lagu qabtay degmada Marka ee gobolka Sh/hoose waxaana soo qabanqaabiyay Hay’addaha LaantaQayrta Cas iyo Bisha Cas waxaana ka qaybgalay qaybaha kala duwan ee bulshada, madaxda Hay’adaha samafalka iyo mas’uuliyiinta maamulka gobolka Sh/hoose waxaana ugu horeyntii halkaasi ka hadlay xoghaya samafalka ee maamulka C/llaahi C/raxmaan (Tootoole) oo isagu u mahadceliyay intii soo qabanqaabisya xafladaasi waxaa kalloo ka hadlay gudoomiyaha Bisha Cas ee Marka Garweyne Kuulow Aweys oo isna faahfaahiyay u jeedooyinkii loo aasaasay Hay’adaha Bisha Cas iyo LaantaQayrta Cas, waxaa kalloo ka hadlay madax u qaybsanaha ICRC ee gobolka Sh/hoose Max’ed Ibraahim Ducaale, waxaa kalloo ka hadlay Xoghayaha Bisha Cas ee G/Sh/Hoose Jamaal Cali Siciid waxayna xubnahaani dulmar ku sameeyeen waxqabadka Hay’adahaasi waxaana halkaasi lagu soo bandhigay ruwaayad loogu magacraday ha takoorin qofka qaba Aids 

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail AmiinKhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 11, 2005


Rayaale oo Kabadbaaday Maamuus kaxayuubin
Shir gudoonka golaha wakiilada Somaliland ayaa kudhawaaqay in goluhu galayo fasax mudo 45 cisho ah, kaas oo.. Guji..

Nin Jarmal ah oo Diley Xaaskiisii oo Soomaali ah, Laba Carruur ah iyo Labadiisii waalid. 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD