Barnaamijkii Radio Xoriyo
10 May 2005
-
·
Sadex qof oo gaajo ugu dhimatay magaalooyin
Ogaadeenya ku yaalla
-
·
Ciidammada itoobiya oo odayaal ku xidhxidhay
degmooyin Doollo ka tirsan
-
·
ONLF iyo OLF oo bayaan wadajir ah soo saaray
-
·
Nayjeeriya oo sheegtay inay Soomaaliya
ciidammo u diyaarisay
-
·
Kumanyaal ka mid ah taageerayaasha mucaaradka
Itoobiya oo isugu soo baxay Addis-Ababa
-
·
Iyo Baynaan ay wadajir u soo saareen ururrada
ONLF iyo OLF
======================
Sadex qof oo gaajo ugu dhimatay magaalooyin
Ogaadeenya ku yaalla
Wararka naga soo gaadhaya meelo ka mid ah gobollada
Ogadeenya ayaa sheegaya in seddex ruux ay gaajo ugu dhinteen degmooyinka
Garigo’an iyo Birqod, iyadoon wali wax gargaar ah la gaadhsiinin dadka
meelahaas ku dhaqan.
Dhinaca Goday ayaa la xaqijiyay in meelo ka mid ah gaar-gaar ay geyeen
Dayuuradaha qumaatiga u kaca, balse magaalooyin kale ayaan ilaa iyo hada
wax gurmad ah gaadhin, iyadoo dhamaan gawaadhidu aysan awood u lahayn inay u
kala gooshaan dhulka ay isku xidho waddada cad, dhibaatada soo gaadhay
waddada cad ee isku xidha Dhagaxbuur iyo Qabridaharre awgeed.
Wararku waxay sheegayaan inay go’day Buundadii ku taallay Sasabane oo markii
horaba ayna xaaladdeedu aad u fiicnayn. Wararku waxay kaloo intaas ku
darayaan inay cudurrada duumada iyo shubanku ka dillaaceen meelihii ay
daadadka xunxun ku dhifteen labadii toddobaad ee u denbeeyay.
Ciidammada itoobiya oo odayaal ku xidhxidhay
degmooyin Doollo ka tirsan.
Ciidammada xukuumadda Itoobiya ayaa xabsiga dhigay
odayaal badan oo laga soo qaqabtay tuulooyin kala duwan oo ka tirsan gobolka
Doollo. Odayaashan waxaa laga qaqabtay tuulooyin hoos yimaadda degmooyinka
Wardheer iyo Gallaadi, waxaana lagu soo warramayaa in odayaashan lagu
eedeeyay dagaallo sokeeye oo dhawaan ka dhacay ka meelahaas, kuwaasoo la
xaqiijiyay in ciidammada Itoobiya ay ka denbeeyeen.
Lama xaqiijinin tirada iyo magacyada odayaashan, hase
yeeshee waxay ciidammada Itoobiya toddobaadyadii u denbeeyay oodhan ka
ugaadhsanayeen tuulooyinka ku teedsan xadka uu Ogaadeenya la leeyahay
gobolka Galguduud iyo gobollo kale oo dalka Soomaaliya ka mid ah.
Dhinaca kale warar xogogaal ah ayaa sheegaya in
magaalada Xuddur ay dhawaan soo gaadheen hub iyo saanad kale oo xukuumadda
Itoobiya ay siisay qaar ka mid ah masuuliyiinta isku haya gobollada Bay iyo
Bakool oo hadda ku sugan Xuddur.
ONLF iyo OLF oo bayaan wadajir ah
soo saaray
Ururrada ONLF iyo OLF ayaa dhawaan
isla soo saaray bayaan wadajir ah oo ay kaga hadleen xaaladda Ogaadeenya iyo
Oromiya iyo mawqifka ay ka taagan yihiin doorasho ku-sheegta la sheegay in
Itoobiya laga hirgelinayo 15 bishan May.
Xubno sarsare oo ka tirsan madaxda
labada urur ee ONLF iyo OLF ayaa seddexdii May isugu yimid kulan ay ku
qadaa-dhigeen xaaladda gobolka ka jirta, isla markaana ay dib ugu qiimeeyeen
xidhiidhkii iyo iskaashigii ka dhexeeyay labada urur ee dhawrkii sano ee u
denbeeyay soo taxnaa.
Labada urur waxay tilmaameen inay ku qanacsan yihiin
qaabka ay u meel-mareen qodabbadii lagu heshiiyay sannadkii 2002 iyo sida ay
isaga kaashadeen arrimo badan oo la xidhiidha halganka ay labada urur kula
jiraan gumaysiga Itoobiya.
Labada urur waxay isla soo saareen baaq ay ku
muujinayaan xadgudubyada xuquuqda aadanaha iyo cadaadiska siyaasadeed ee
lagu hayo dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya iyo Oromiya. Waxayna beesha
caalamka ka codsadeen inay Itoobiya ku cadaadiso inay ixtiraamto xuquuqda
aadanaha iyo xaqa ay labadan shacab u leeyihiin inay aayahooda ka tashadaan.
Waxay kaloo beesha caalamka ugu baaqeen inay xukuumadda
Itoobiya ku cadaadiyaan inay ka waantowdo siyaasadeeda dhul-ballaadhsiga ah
iyo xasillooni darrada ay ku hayso dalalka deriska ah.
Nayjeeriya oo sheegtay inay Soomaaliya ciidammo u
diyaarisay
Dawlada Neyjeeriya ayaa markii ugu horraysay daboolka
ka qaaday inay diyaarisay ciidammadii ay ugu talagashay inay kaga qayb
qaadato qorshaha nabad ilaalinta Soomaaliya, kuwaasoo qayb ka noqon doona
ciidammada ay dalalka IGAD u soo dirayaan dalka Soomaaliya.
Wasiirka gaashaandhigga ee dalka Nayjeeriya Rabiu Musa
ayaa sheegay in dalalka caalamka, gaar ahaan kuwa Afrika, ay u diyaar
garoobayaan sidii ay ciidammo nabad ilaalin ah Soomaaliya ugu diri lahaayeen,
iyadoo waliba meelo Soomaaliya ka mid ah ay dagaallo ka soo cusboonaadeen.
Wasiirku wuxuu sheegay in ciidammada Nayjeeriya ee
loogu talagalay hawlaha nabad sugidda Soomaaliya iyo gobolka Daafuur ee
galbeedka Suudaan ay hadda diyaar yihiin, isla markaana ay sugayaan amar ka
yimaada dhanka Midowga Afrika.
Wasiirku wax faahfaahin ah kama aanuu bixin tirada
ciidamada, goobaha ay tagayaan iyo xilliga ay Soomaaliya ku soo beegan
yihiin, wuxuuna ku gaabsaday oo kaliya in arrimahaasi ay yihiin kuwo u
yaalla Midowga Afrika.
Kumanyaal ka mid ah taageerayaasha mucaaradka
Itoobiya oo isugu soo baxay Addis-Ababa
Dad 20,000 kor u dhaafay oo ka soo horjeeda siyaasada
xukuumadda uu madaxda ka yahay keligii taliye Meles Zenawi ayaa axaddii
isugu soo baxay badhtamaha magaalada Addis Ababa, kuwaasoo sheegay inay
socodkii ugu denbeeyay magaalada ku dhex marayaan, ka hor inta aan la
qabanin doorasho ku sheegta Itoobiya laga qabanayo doono 15 bishan May.
Dadkan ayaa shaaca ka qaaday inay taageeri doonaan
xisbiyada mucaaradka ah, waxayna xukuumadda Zenawi ku eedeeyeen inay ku guul
darraysatay inay wax ka qabato gaajada daashatay malaayiinka qof ee Itoobiya
ku dhaqan, iyo inay shaqooyin abuurto, isla markaana wax ka qabato arrimaha
caafimaadka iyo waxbarashada.
Waxaa la joogaa xilligii is-beddal la samayn lahaa,
xukuumaddanina waxay talada dalka haysatay 14 sano, walina ma haysano shaqo
iyo lacag midna, sidaas waxaa yidhi Rasadana Getahun oo cilmiga
kombiyuutarka soo bartay, isla markaana shaqo raadinayay tan iyo markii uu
waxbarashada ka soo qalan-jabiyay afar sano ka hor.
Doorasho ku-sheegta Itoobiya laga qaban doono
badhtamaha bishan ayaan wax rajo ah laga qabin inay wax ka beddasho wadciga
siyaasadeed ee Itoobiya, sababtoo ah ma noqon doonto doorasho xor ah oo
cadaalad ku salaysan. Waxay noqon doontaa mid aan waxba ka duwanayn kuwii
hore ee magac u-yaalka ahaa ee dunida lagu khaldayay, waxaana sidii hadda ka
hor dhacday ku soo bixi doona isbahaysiga EPRDF, sidaas waxaa rumaysan
xisbiyada mucaaradka ah.
Radio Xoriyo
10 May 2005
C/nuur Sh. Mohamed
radioxoriyo@ogaden.com
raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka
dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha
Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
www.radioxoriyo.com