SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - USA
WARAR DEG DEG AH EE KHUSEEYA SOMALIDA DEGGAN DALKA MARAYKANKA
  • Sharciyaqaan Sh. Xasan Jaamici, Juris Doctor.
    Legal Aid Society of Minneapolis
    phone (612) 332-1441| Email: hmohamud@midmnlegal.org

Waxaa March 7, 2005 shir deg deg ah ku yeeshay Xafiiska Legal Aid ee Minneapolis dhowr sharci yaqaan oo ka kala socda hay'adaha difaaca xuquuqda dadka laga badan yahay (minority rights) ama qaxootiga (immigrant rights) iyagoo ka doodaya talaabada ay qaadi lahaayeen ka dib markii dad badan oo Soomaaliyeed loo soo diray warqado ka timid Homeland Security (wasaaradda Amniga Gudaha). Warqadahaasi waxaa ku qoran (intent to revoke their asylum status or legal status) in wasaaradda Homeland Security ay damacsan tahay inay soo ceshato sharciyada waddanka Maraykanka ay dadkaasi ku deganayeen ka dib marka la soo ogaaday in waddama kala duwan ay sharci ku lahaayeen ama ka codsadeen. Dowladda Maraykanka waxay baryahan bilowday in faraha (fingerprint) qofka codsanaya Green Card ama Warqadda Dhalashada (Citizenship) ay u dirto waddamada Yurub iy Canada.

Usbuuc gudaheeda ayaa xafiiskayga waxaa la soo xiriiray ilaa toban Soomaali ah oo wada rag ah (male Muslims) oo loo soo diray warqadahaasi loona sameeyey balan deg deg ah oo lagaga qaadi lahaa sharciyada ay heysteen. Waxaa jira heshiis ah in dowladda Maraykanka iyo Canada iyo Waddamada Yurubta qaarkood is dhaafsadaan macluumaad dadka u kala gooshayo waddamadooda si ay isaga ilaaliyaan waxay ay ku tilmaamaan argagixisada dibadda ka imaaneysa.

Fadhigii dheeraa ee dhacay Maarso 7 waxaan isku raacnay in dadweynaha soomaaliyeed la wargeliyo arimaha soo socda:

1-In qof kasta oo warqaddaasi oo kale hela uu si deg deg u yimaada Xafiiska Garyaqaanada ee legal Aid ee ku yaal 430 1st Avenue North, Suite 300, Minneapolis, MN, Arbaco March 9,2005 markay saacaddu tahay 9:00 ilaa 11:30 subaxnimo, halkaasoo heegan kugu ahaan doono anagoo ah ugu yaraan afar sharci yaqaan oo isku dayi doona inaan kaa difaacno ka qaadista sharciga waddanka aad ku joogto. (Xusuusin: Waxaan nahay sharciyaqaano madax banaan, ma nihin sharciyaqaano u shaqeeya dowladda Maraykanka ee ha ka biqin inaan dowladda gacanta kuu gelino. Ogowse inay dantaada ku jirto inaad sharciyaqaan aragto si ay kuu raacaan maalinta balanta).

2-Maanta wixii ka dambeeya inaadan buuxin Codsiga green card (sharciga deganaansha US) ama citizenship (sharciga dhalashada) adigoon la kulmin qareen ama sharciyaqaan aqoon u leh arimaha immigrationka iyo kiisaska dadka soomaalida si looga hortago khatar ku iman karta sharciga aad waddanka ku joogto iyo dadka aad ku keentay (ogow khatarta kugu timaado inay u gudbi karto qof kastoo aad keentay). Waxaa suura gal ah inaad weligaa heysato I-94 ama sharciga qaxootiga ay kuu noqon karto ikhtiyaar sax ah.

3-Inaadan arimaha la xiriira sharciga aad ku joogto waddanka Maraykanka aadan kala sheekeysan qof aan qareenkaaga aheyn waayo jawaasiistaa badatay.

4-Waxaa jira tuhun weyn in Soomaalida ay dhexdooda is jaajuusaan oo ayan isku naxriisan iyagoo si xun u kala qeybsan qabiil qabiil oo hilmaamay diintooda tilmaantay in la midoobo oo leys weheshado siiba xiliyada dhibka lagu jiro. Waxay kaloo ay ilaabeen in Soomaalidu loo fiirsanayo: (1) Muslimnimo (2) Qaxootinimo (3) Madawnimo. Taasi micniheeda waa haddii lagaa helo khalad yar inaan lagu cafin mar haddii lagu kacsan yahay muslimiinta lagana shaqeynayo sidii waddanka lagaga dhoofin lahaa (war aakhiradaada adduunyo yar oo beri dhammaan doonto ha ku gadan. Ogow in cidna cadaabta Ilaahey u adkeysan karin). In kastoo aan rumeysnahay in qof weliba meeshuu Ilaah u qoro uu ku noolaan doono kuna dhiman doono, haddana waxaa iga xusuusin ah in diinta Islaamka ay xarimtay jaajuusnimada (fiiri aayadda 12aad ee suuradda Al-xujuraat) oo qofkii shaqa ka dhigtana ciriiri adduunyo iyo cadaab aakhiro ay sugi doonto.

4-In bisha March 26 ee shirweynaha Islaamka ee Muslim American Society (MAS) ay qaban qaabisay ee ka dhici doona Minneapolis Convention Center ay iman doonaan qareeno lacag la'aan talo ku siin doona iskuna dayi doonaan inay kaa difaacaan khatarta ku iman karta sharciga waddanka aad ku joogta.

5- Dadkaan kiisaskooda aragnay waxaan u kala qaadnay afar kooxood:

a- kuwa sharcigooda loo ilaalin karo

b- Kuwa sharcigooda haddii laga qaado TPS ama withholding (sharciyo ku meel gaar loo raadin karo inta laga celinayo)

c-kuwo fursado u heli karo mar kale inay sharci cusub codsadaan (Asylum)

d- kuwan aan rajo laheyn laakiin ka caawino karno si nabad gelyo in loo celiyo wadamada ay ka qaateen dhalashada.

Wixii faah faahin ah la soo xiriira xafiiskeena Legal Aid Tel. (612)332-1441.

Diyaariyey:

Sharciyaqaan Sh. Xasan Jaamici, Juris Doctor.
Legal Aid Society of Minneapolis
430 1st Avenue North, Suite 300
Minneapolis, MN 55401-1780
phone (612) 332-1441
fax (612) 334-5755
hmohamud@midmnlegal.org
xasanjaamici@yahoo.com 

BARO XUQUUQDAADA... GUJI....

Faafin: SomaliTalk.com | Maarso 9, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD