- Ra'iisul wasaaraha
DFKG ah oo ku sugan Dalka Jabuuti.
-
Somali Concern Group oo la kulantay Chris Mullan MP,
- Kismaayo oo Laga
Xusay Maalinta Haweenka
- Boosaaso oo looga
Dabaaldegey 8da Maarso
Wafdi uu
hogaaminayo Ra'iisul wasaaraha DFKG ah oo ku sugan
Dalka Jabuuti.
Wafdiga dowladda ee uu
hogaaminayo wasiirka koowaad Cali Maxamad geddi ayaa
xalay ka ambabaxay magaalada Nairobi iyagoo ku sii
jeeda dhowr dal ka mida ah wadamada IGAD.
Ra'iisul wasaaraha oo
hogaaminaya sideeed xubnood oo ka kala socda labada
golle ayaa wadahadalo la yeelan doona madaxda
dalalkaas uu tagi doono kadib markii uu ka helay
casuumad sida uu xaqiijiyay wasiiru dowlaha
wasaaradda warfaafinta dowalada FKMG ah ee
soomaaliya Salaad Cali jelle.
Wadamadan kala ah
jabuuti,itoobiya iyo yugandha waxa uu waftigu ku
hormaray xalay dalka jabuuti isagoo halkaasna kula
kulmay qaar ka mid ah madaxda dowladda jabuuti
caawana waxaa la filayaa in uu u duulo dalka
itoobiya.
Dalka yugandha shir ka
dhacaya oo ay iskugu imaanayaan wasiirada
gaashaandhiga iyo saraakiisha ciidamada wadamada
IGAD ayaa lagu wadaa in waftiga ay cali geddi ka
qayb galo halkasna waxaa ku sugan wasiirka gashaan
dhiga C/raxmaaan Maxamad.
Socdaalka geddi ayaa la xiriira muran xoogan oo ka
yimid ciidamada safka hore ee ka mid noqonaya
ciidamada IGAD si ay soomaaliya uga howlgalaan,
wadahalo ku saabsan arrintan ayaa la sheegayaa in
wasiirka koowaad la soo yeelan doono wadamadan.
Shalay ayuu baaqday
shir la filayay in barlamanku kaga doodo arrintan
ciidanka loona codeeyo si dhinac uun ay ugu dhacdo
laakiin waxaa baajiyay wadahalo hoose oo u dhaxeeye
labada golle mas'uuliyiintooda kuna saabsan
ciidamada, caasimada iyo halka ay ciidamadu ka
imaanayaan iyo arrimo kale oo aan la shaacinin.
Canab Mumtaz | Nairobi
Somali Concern
Group oo la kulantay Chris Mullan MP, ahna wasiirka arrimaha
dibedda (arrimaha Afrika) ee UK.
Mas’uuliyiinta
ururka Somali Concern Group ayaa maalintii 8da Maarso 2005
kulan ugu tagay xafiiska wasiirka arrimaha dibedda una
qaabilsan arrimaha afrika ee waddankan UK, Chris Mullan
halkaasoo ay uga hadleen arrimo badan ee la xirriira
waddanka Somaliya iyo xaaladda uu ku sugan yahay.
Mas’uuliyiinta SCG ayaa warbixin kooban siiyey wasiirka ku
saabsan ururka SCG iyo howlaha uu qabto.
Masuuliyiinta ayaa ugu mahadceliyey wasiirka waqtigiisa
qaaliga ah ee uu siiyey, iyagoo sheegay in arrintan ay ka
tarjumeyso sida ay dowladda UK diyaarka ugu tahay sidii
waddanka Somaliya wax loogu qaban lahaa. Mas’uuliyiinta SCG
ayaa kala ahaa Guddoomiyaha ururka Mudane Abdirahman Omar
Osman (Eng. Yarisow) iyo Mudane Mohamud Ahmed Nur (Tarzan)
arrimihii ay kala hadleen wasiirka ayaa waxaa ka mid ahaa
ciidamada shisheeye ee lagu wado in la keeno waddanka
Somaliya.
Waxaa
kaloo laga wada hadlay arrimaha deeqda ay siiso dowladda UK
waddanka Somaliya iyo siday u noqon lahaayeen kuwo waxtar u
ah shacabka Somaliya. Wasiirka ayaa sheegay inay UK u
diyaarisay dhaqaalo ay ugu tala galeen dowladda ku meel
gaarka ah, mas’uuliyiinta ayaa ka codsaday in dhaqaalaha la
siinayo waddanka ay ku baxaan shacabka Soomaaliyeed iyo dib
u dhiska iyadoo ay kula taliyeen wasiirka in la sameeyo
hay’ado madaxbannaan oo ka tala bixiya habka ugu habbon ee
kharashkaas loogu adeegi lahaa maslaxadda bulshaweynta
soomaaliyeed. Guddigana ay ku jiraan kubaro soomaaliyeed.
Sdioo
kale waxaa laga wada hadlay sidii waxbarashada waddanka
Somaliya ay dowladda UK qeyb xoog leh uga qaadan laheyd si
looga badbaadiyo carruurta iyo dhalinyarada soomaaliyeed
inay noqdaan kuwo nolol maalmeed ka raadiya qaadashada
qoriga. Isla markaana la xoojiyo ururada bulshada rayidka ah
ee waddanka gudihiisa ka howlgala.
Ugu
danbeyntii mas’uuliyiinta SCG waxey wasiirka ka codsadeen in
si gaar ah loo tixgeliyo qaxootiga soomaaliyeed oo aan dib
loogu celin waddankii illaa xaaladda waddanka amniga uu
isbedelo.
Wasiirka
ayaa ugu mahadceliyey mas’uuliyiinta SCG booqashadooda iyo
dadaalkooda ay u hayaan ummadda soomaaliyeed, kana codsaday
inay sii kordhiyaan dadaalkooda una sheegay in dowladda UK
ay diyaar u tahay inay la shaqeeyaan. Sidoo kale
mas’uuliyiinta SCG ayaa u mahadceliyey wasiirka iyo
waqtigiisa qaaliga ahba.
Warkaan
waxaa lagaal xiriiri karaa:
Abdirahman Omar Osman (Eng.
Yarisow)
Email:
Somali@somaliconcern.org
Banaanbax lagu maamuusayo
xuska maalinta haweenka aduunka ee 8 maarso oo
maanta ku beegneyd oo dhacay maanta magaalada
kismaayo
Banaanbaxaan maanta
ka dhacay magaalada Kismaayo ee lagu soo dhaweynayey
maalinta haweenka aduunka ayaa waxaa uu xoogiisii ka
dhacay beerta xoriyada ee magaalada kismaayo ayadoo
la arkayey ururada haweenka ee magaalada kismaayo oo
ay wehelyaan qolyaha banbayda qaraaca, ardayda
iskulada iyo waliba dadweyne aad u fara badan oo
socod ku marayey laamiyada waaweyn ee magaalada
Kismaayo.
Ururada haweenka ee
magaalada Kismaayo oo maanta soo abaabulay
munaasabdaan lagu xusayo maalinta haweenka aduunka
ee sideeda maarso ayaa dhammaantood waxaa laga
dheehan karay labis u gaar ah oo ahaa dhar cad cad
islamarkaana gacmaha ku sitay calanka buluuga ah ee
soomaliyeed waxay sidoo kale hablaha maanta gacmaha
ku siteen boorar lagu soo qoray halkudhagyo gaar u
ah haweenka oo ay ka midyahiin, haweenka waa
macalinka guriga waana barbaariyaha jiilka soo
koraya iyo erayo kale oo soo jiidasho leh.


Banaanbaxii maanta
ee lagu soo dhaweynayey maalinta haweenka aduunka ee
ka dhacay magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka soo
qayebgalay dhammaan ururada maxaliga ah ee gobolada
Jubooyinka maamulka degmada, odayaal dhaqameedyo,
culumaa udiin iyo waliba masuuliyiin sar sare oo ka
socday maamulka isbahaysiga dooxada jubba aydoo
halkaasi qudbado kala duwan laga soo jeediyey .
Hadaba
dadkii maanta banaanbaxaasi kasoo qeybgalay oo
qudbadaha halkaa kasoo jeediyey ayaa waxaa ka mid
ahaa gudoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee
Isbahaysiga dooxada jubba mudane Cabdi Raxmaan Haaji
Axmed (Waldiire) islamarkaana ka wakiil ahaa
gudoomiyaha isbahaysiga dooxada jubba xildhibaan
barre aadan shire (barre hiiraale) oo isaga halkaasi
ka maqnaa asagoo waldiire carabka ku dhuftay
xaquuqda aasaasiga ah ee ay leeyahiin haweenak iyo
sida ay lama huraanka uga yahiin bulshada dhexdeeda
waxaa sidoo kale waldiire sheegay intii uu halkaas
ka qudbaynayey abaal usan waligiis ilaaweyn oo ay u
gashay gabar soomaaliyeed oo joogta magaalada
nayroobi ee carigaasi Kenya xili uu halkaasi ku
cadibmay ka hor intii uusan horaantii bishan uusan
imaan gobolada jubbooyinka gabadhaan ayuu waldiire
magaceeda ku sheegay nafiso yaasiin islamarkaana ah
buu yiri xaas nin cadaan ah oo u dhashay wadanka
talyaaniga isagoo abaalka gabaahdhan uu ku sheegay
in gabadhaan soomaaliyeed ay soo saartay diyaarad
xili uu ku cidabmay garoonka wilsan Airport ee
magaalada nayroobi ayadoo halkaa ay gabadhaan
dayuurada iga soo saaraysay ay joogeen toban rag ah
oo soomaaliyeed oo ayagu iga raadinaya laftaya
laaluush balse gabadha ay lacag la aan igu soo
saartay dayuurada ayuu yiri xili ay goroonkaasi ka
jirtay dayaarad la aan ayna I hayesteen dano adag
waxaana uu intaas raaciyey waldiire in gabadhaas ay
ku sheegtay abaalka ay u gashay yaradkii uu ku laha
ninkaan cadaanka ah maadaama ay gabar soomaaliyeed
tahay uuna qaboo nin cadaan ah islamarkaana uu
waldiire balan qaaday in gabadhaas uu ugu abaal
gudaayo in uu magaceeda ku xuso kob ama meel walba
oo uu ka hadlo.
Waxaa sidoo kale
halkaasi qudbad kasoo jeediayay gudoomiyaha degmada
daahir maxamed cilmi (daahir carabey) oo isagan ku
dheeraaday doorka lama ilaawaanka ah oo ay haweenka
soomaaliyeed gaar ahaan kuwa gobolada jubooyinka ay
oga qeyb qaateen nabad u raadinta gobolkan iyo
waliba kaalinta xoogan ay ku dhexleeyahiin bulshada
hadii ay ahaan laheyd dhinaca nadaafada, faya
dhoworka isagoo ku tilmaamay dadka aan garaneyn
kaalinta haweenak ay ku dhexleeyahiin bulshada kuwo
wax magarato ah .
Sdioo kale waxaa
halkaa qudbad dheer ka soo jeedisay gudoomiyaha
uruka haweenka reer kismaayo Marwo Xaawo Ugaas
Faarax oo nasiib wanaag ku tilmaantay in maanta ay
halkaan isagu yimaadaan haween ka kala socda
dagmooyinka gobolkan islamarkaana ay si wada jir ah
oga qeyb qaadanayaan maalinta ay gaarka u leeyahiin
ee sideeda maarso
Waxayna Marwo Xaawo
Ugaas bidhaamisay wax qabadka lama huraanka ah ee ay
haweenaka reer kismaayo qabteen intii ay jireen
iyadoo ku boorisay haweenka kale ee ku nool
gobolkan iyo soomaaliya oo dhan in ay u istaagaan
sidii ay dadkooda ula qeybsanlahaayeen dhibaatada
islamarkaana ay muujiyaan firfircooni dheeri ah ayna
kasoo baxaan waajibaadka saaran waxayna ugu
dembayentii Xaawo halkaas oga hanbalyeysay haweenka
aduunka gaar ahaan kuwa soomaaliyeed.

gudoomiyaha uruka haweenka marwo xaawo ugaas
faarax |

af.isbahaysiga dooxada juba waldiire |
Ugu dambeyntii
waxaa halkaas qudbad kasoo jeediyey gudoomiyaha
dalada Jubbo Net oo ay ku bahoobeen in kabadan 35
Urur oo maxali ah oo ka jira gobolkan Mr Cabdi
Naasir (ilka case) ilka case intii uu qudbaynayay
waxa uu ku nuuxnuuxsaday muhiimada ay leeyahiin
haweenk isagoo yiri hadii ladoonayo in la dhiso
bulsho iyo shacab isku xiran ugu horeyn waa in laga
soo bilabaa qoyoska ayuu yir ila case mar uu wax ka
sheegayay doorka haweenka islamarkaana ay kaalin
lixaad leh ka qaateen waa haweenkee daminta
colaadaha iyo burburkii ka jiray soomaaliya waxa
uuna sheegay in ay maanta haweenka mudanyahiin in loo
doorto booska ama xilka dowlada ugu sareeya ee
madaxweynanimo maadaama ay ragii ka miro dhalin
waayeen .
Gunaanadkii
banaanbaxaan maanta ka dhacayay beerta xoriyada ee
magaalada kismaayo ayaa waxa uu koo gabagaboobay
jawi dagan iyo reynrayen aydoo habeenidama caawa
ahna xaflad casho oo lagu sagootinayo xuska maalinta
sideeda maarso ay haweenak reer Ksmaayo iyo kuwa
gobolkan ee weheliya ay ku qaban doonaa hoteelka
Marindian ee magaalada Kismaayo .
cabdi qadar nuur maxamed (filipiin) | SomaliTalk
| Kismaayo

Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Bari Yuusuf Muumin
Bide

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta DGPL Barqad Cali Saalax

Isku xiraha Ha,ayda Nabada iyo Xuquuqda aadanaha ee
Gobolada Puntland Cabdi Faarax Maxamed

Madaxdii oo Fadhida Xafladii 8 Maarso

Sheekh Cali Raage

Waraaqihii Qudbada oo la qaybinayo

Xiriiriyaha Dalada U heelanayaasha Danaha Hawewnka
Xaawo Cali Jaamac |
Maanta oo looga Dabaaldegey
Maalinta 8 Maarso Magaalada Boosaaso
Waxaa Maanta oo ay ku
aadaneed 8 Maarso oo ah maalin lagu magacaabo Maalinka
Haweenka Adduunka oo Guud ahaan looga Dabaaldago Adduun
waynaha ayaa Soomaaliya looga Dabaaldegay si Guud gaar ahaan
Gobolada Puntland Goboladooda oo ay ka mid yihiin Gaalkacyo,
Garoowe, Qardho, Laascaano, Baran, Dhahar iyo Gobolada
Degmooyinkooda waaweeyn, Dabaaldegyadaa oo Qaarkood ay ka
dhacday Magaalada Boosaaso ayaa lagu bilaabay Socod
Maalintii Shalay ee ka horeysay Maalinka 8 Maarso oo ay Guud
ahaan Magaalada Boosaaso Haweewnka kumareen.
Socodkaa ayaa waxaa soo
Qaban qaabiyeen Dalada u heelanayaasha Danaha Haweenka WAWA
oo ay ku Midoobeen Daladaa Ururo badan oo Haweenka, waxaa
kaloo ka mid ahaa Dabaaldegyadaa Xaflad ay Qabteen isla
Dalada u heelanayaasha Danaha Haweenka WAWA manta Xafladaa
oo lagu Qabtay Hoteelka Caanka ah ee Ponarama ee Magaalda
Boosaaso ayaa waxaaa ka soo Qayb galay Wasiirka Diinta iyo
Awqaafta DGPL Barqad Cali Saalax, Gudoomiye Ku xigeenka
Gobolka Bari Yuusuf Nuumin Bide, Isku Duwaha Dowladaha Hoose
ee Gobolka Bari, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari, iyo
Kuxigeenka Duqa Degmada Boosaaso, Waxaa ugu horeentii ka
hadlay Xiriiriyaha Dalada WAWA Xaawo Cali Jaamac oo in badan
ka hadashay Xuquuqda Dumarka iyo sida ay Nimanka
Soomaaliyeed u Duudsiiyaan xuquuqda Dumarka ay leeyihiin
waxaa kaloo ay Halku dhiga manta loogu magic daray ay ku
tilmaantay Sinaanta Raga iyo Haweenka ee Xaga Waxbarashada,
Caafimaadka, Nolasha iyo Shaqada iyadoo tilmaanta in la
joojiyo Dhiiga Dumarka ee la daadinayo oo ay ka waday
Gudniinka fircooniga ee Dumarka aydoo ay Xiriiriyahu ay ka
Aqrisay Qudbad aad u dheer oo ay soo diyaarisay Daladu ayaa
waxaa ay ku soo Dhaweysay Gudoomiye ku xigeenka G/Bari
Yuusuf Muumin Bide oo ka hadlay Dumarka Iyo kaalimaha ay
kaga Jiraan bulshada oo uu soo qaatay kaalintii ay ka soo
qaateen Halgankii Xornimo doonka ee Soomaaliyeed oo ay
iibiyeen Hanti waxay haysteen kuna tageereen Halgama yaashii.
Gudomiye Ku xigeenka waxaa
uu ku soo Dhaweeyay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta DGPL Barqad
Cali saalax oo Xusay Diiniyan in ay Diinta Islaamku
Xuquuqdooda u tilmaantay Dumarka taasna ay tahay in aan meel
loodhaafi karin lakiin Raga Soomaaliyeed ay Aqristaan Diinta
Dumarkana ku dhaqaan waxaa Wasiirka ka dib ka hadlay isku
xiraaha Hay,ada Nabada iyo Xuquuqda Aadanaha ee Gobolada
Puntland Cabdi Faarax Maxamed oo halakaa ka soo jeediyaya
Baaq ku wajahan Dagaalada ka socda Gobolda Mudug iyo
Galgaduu in si shuruud la,aan ah loo joojiyo Xabada laguna
badalo wada hadal iyo Baaq ku wajahan ilaalinta Xuquuqda
Dumarka oo qaarkood lagu xad gudbo isagoo tusaale u soo
qaatay kuwa soo Bara kacay ee ku nool Goobaha aanay si rasmi
ah u daganay oo isla markaana lagu kufsado Dumarka.
Waxaa ugu Dambeyntii ka
hadlay Sheekh Cali Raage oo ku hadlaayey Dhinaca Culimada oo
Diiniyan tilmaamay in la qaato Diinta Islaamaka maadaama
Illaahay Na,abuurtay Aduunkaana noo keenay Cibaado Allahna
aan u Noqonayno waa in aan qaadanaa Kutubka uu noo soo
Dajiyay laguna Dhaqaa Dumarka Xuquuqdoodana si wanaagsan
Illaahay uu inoogu sheegay oo aan laga Qarin lana Baro
kutubka Quraanka Kariimka ayuu yiri Shiikh Cali Raage.
Xafladaa oo lagu soo
Gabagaba Gabeeyey Jawi aad u wanaagsan oo ay kasoo qayb
galayaashii ay ka dhiibteen fagrado ku saabsan Xuquuqda
Dumarka oo fagrad ahaan iskugu soo Ururay in loo ogolaado
Xuquuqda Dumarka Diiniyan waxa ay ka Qabto Diinta Islaamka
maada Soomaalidu tahay Dad Islaama 100%

Banaanbaxii Dumarka ee Dabaal Daga 8 Maarso

Gawaaridii oo ay ku xiran yihiin Calaamadihii Dabaaldaga 8
Maarso
C/Fatax Jamac |
somalitalkpl@yahoo.com | Bosaso
Faafin: SomaliTalk.com |
Maarso 8, 2005
Boorama: Warar
Googoos ah:
»Koox
Dhakhaatiir Samofal ah oo Gaartey Boorama
»Iskuul
Loogu Magac daray Maxamed Galbeedi
»Aqoon
iswaydaarsi: Ilaalinta Xuquuqda Carruurta
Wararka
oo dhan ka akhri halkan...
C/Laahi
Yuusuf & Geeddi oo La Kulamay Mwai Kibaki
Madaxwaynaha DFKMG ayaa
maanta kulan ay albaabadu u xiran yihiin la yeeshay
Madaxweynaha Kenya
Guji.. Mar 7