SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

 

:::COD BIXIN:::


  • Shir ka dhacay London oo looga hadlay Keenista Ciidamo la keeno dalka Somalia.
  • Kalfadhigii baarlamaanka DGPL oo soo Gabagaboobay Maanta
  • Xafladii Gabagabada Tartankii Quraanka Gobolada Puntland oo lagu Qabtay Masjid Rowda.
  • Bannaanbax Lagu Taageerayo Warkii Maraykanku Kasoo Saaray Ciidamaad IGAD oo Ka Dhacay Muqdisho
  • Dhaca Baabuurta oo ku soo badanaay Kismaayo
Shir ka dhacay London oo looga hadlay Keenista Ciidamo la keeno dalka Somalia.
 
6.3.2005
Ridwaan Xaaji C/wali.
 
Waxaa London lagu qabtay dood looga hadlayay keenista Ciidamo Shisheeye in la keeno dalka oo ay soo qaban qaabiyay Somali Concern Group ee fadhigoodu yahay Magaalada London, waxaana ka hor inta aysan bilaaban dooda halkaasi ka hadlay Jabriil Ibraahim Cabdu
lle oo ka tirsan Xarubta cilmi baariste ee CRD iyo Cismaan Jaamac Kaluun oo ahaa ra'isul wasaare ku xigeenkii Dawladii uu Madaxwaynaha ka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan.
 
Shirkaasi oo uu furay Gudoomiyaha SCG Eng Cabdirahman Cumar Yariisoow ayna ka soo qaybgaleen Mas'uuliyiin iyo Aqoonyahano Soomaaliyeed oo uu kamid yahaya Bashiir Goobe oo dhowaan loo doortay Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed iyo Mas'uuliyiin kale oo ku nool Dalkan Britain waxaa ay si wayn uga doodeen Arinta Ciidan keenista dalka Soomaaliya iyo Dawladaha ay ka imanayaan Ciidamadaasi oo lagu kala aragti duwanaa.
 
Waxaa dooda inteeda badan looga hadlay Keenista Ciidamo ka socda Dawladaha Safka hore ah oo qaarkood ay soo dhoweynayeen halka qaar badan oo kalana ay ka soo horjeedeen fikirka ah in Dalka la keeno Ciidamo ka socda Dawladaha Dariska ah oo Ethiopia ay kamid tahay.
 
Sidoo kale waxaa Xoghayaha Ururkaasi Cabdulaahi taleefan uu halkaasi ka akhriyay War Murtiyeedkii ay soo saareen Ururka oo ay ku sheegeen in ay soo dhowaynayaan Ciidamo hub ka dhigis ka sameeya Dalka Soomaalia hase yeeshee aysan ka qaybgalin Ciidamo ka socda Dawaladaha Safka hore.
 
Jabriil Ibraahim Cabdulle oo kulanka lagu maritqaaday oo Waraysi aan la yeeshay ayaa waxaa uu ka hadlay sida hubka loo dhigi karo waxaana uu yiri: '' labo siyaabood ayaa hubka looga qaadaa Dal bur buray, midi waxaa ay ku dhisantahay nabadayn iyo heshiis ay gaaraan kooxaha ama laba dhinac ee dagaalamay sidaas ayayna hubka isaga ururiyaan waana dib u heshiisiin. waxaa ay ka dhacday dalal badan oo ay ku jirto Seralion hawsha ka socota.
 
Mida kalana waxaa ay tahay qasab iyo xoog , waxaana taasi ay dhacdaa marka nabad jiri wayso , waxaana ay abuuraysaa in kooxaha hubaysan qasab looga qaado.''
 
Waxaa uu kaloo uu sheegay in hubka waa laba nooc midka fud fudud iyo midka cul culus ee waawayn, waxaa muhimadda la saaraa marka dagaal sokeeye uu dhaco hubka cul culus in la ururiyo. sababtoo ah kooxaha iska leh waxaa uu siiyaa awood Ciidan waxaana macquul ah in dad badan ay dhibaato gaarsiin karaan iyagoo dhanka kalana u isticmaala wax ay ku gor gortamaan siyaasad ahaan.
 
Midka fud fudud marka ay nabad timaado Shacabka iyagaa keena oo waa laga iibsadaa , waxaana loo baahanyahay in kooxaha hubaysan ay hubka iska dhigaan oo heshiiskii ay galeen ay fuliyan Dawladdana hubka lagu wareejiyo. Dawladduna waa in ay la timaadaa qorshe cad oo laga iibsadaa hubka iyadoo ay bar barsocdaan dad la socda in dadkii hubka laga iibiyay ayna markale dib ugu laaban gacantooda hubka.
 
Waxaana inta badan sameeyo dad ka madax banaan kooxaha is haysta oo banaanka ka yimaada oo iyaga hubka lagu wareejiyo , lana xisaabiyo noocyadiisa oo heshiis Caalami ah uu yimaado isagoo intaasi ku daray in kooxaha hubka sita ay wada hadlaan oo ay is aaminaad timaado.
 
Cusmaan Jaamac Kaluun ayaa isna sheegay in loo baahanyahay in la is aamino oo shakiga Soomaalidu ay ka baxdo, isagoo sheegay in Umadda soomaaliyeed ay hubka iyagu iska dhigi karaan loona baahanyahay in Magaalooyinka Soomaaliyeed nabad laaga hirgaliyo.

ridwanhaji@yahoo.com

 


Kalfadhigii baarlamaanka DGPL oo soo Gabagaboobay Maanta

C/fataax Jaamac | somalitalkpl@yahoo.com | Bosaso | Mar 6

Waxaa maanta lagu soo gaba gabeeyay xarunta Golaha wakiilada DGPL ee casumada Magaalada Garoowe kal fadhigii 13aad ee golaha wakiilada kal fadhigaas ayaa waxaa ka soo qaybgalay Madaxwaynaha DGPL Gen: Maxamuud Muuse Xirsi (Cade) Kalafadhigaa ayaa waxaa ugu horeyntii ka hadlay Gudoomiya Baarlamaanka Cismaan Dalmar Yuusuf oo sheegay intii baarlamaanka kalfadhiaga u socday ay u qabsomeen howlo badan oo ay ka mid yihiin Ansaxintii misaaniyada Dowlada lakiin waxa uu xusay oo wali horyaal Xubnaha Baarlamaanka ay yihiin Xeerka Caasimadda, Shuruucda Badaha iyo Dawladaha Hoose.

Waxaa ugu Dambeyntii ka hadlay oo Kalfadhigaa Xiritaankiisa Madaxweynaha DGPL Gen: Maxamud Muuse Xirsi (Cade) oo uga mahad celiyay howlihii ay baarlamaanka soo Qabteen iyo sida ay ugu diyaarka yihiin in ay ummadooda u shaqeeyaan.

Waxaa kalfahdigii maanta lagu sheegay in kan xiga kalfadhigaan ee 14aad uu qabsoomi doono laba bilood kadib oo ay howlaha u dhiman Baarlamaanka Guda gali doonaa. 

Xafladii Gabagabada Tartankii Quraanka Gobolada Puntland oo lagu Qabtay Masjid Rowda.

Waxaa magaalada Boosaaso lagu Qabtay Xafladii Gabagabada Tartanka Quraanka Kariimka ah Xafladaa oo lagu qabtan Masjidka wayn ee Rowda ayaa waxaa ka soo Qayb galay Culimada Gobolada Puntland oo ugu horayntii ka hadlay Gudoomiyaha Gudiga Tartanka Quraanka Macalin Mowliid waxaa kaloo ka hadlay Sheekh Daahir, Shekh Xasan Xuseen iyo Culimo kala duwan oo kuligood ka hadlay Fadliga iyo kor uqaadida Aqriska Quraanka iyo faa,iidada uu u leeyahay ku tartamida Quraanka Dhalaanka soo koraaya oo ay u noqonayso Tarbiyad.

Xafladaa oo ahayd mid aad loo soo Agaasimay ayaa waxaa lagu gudoon siiyay Abaalmarino Tartamayaashii Quraanka oo lagu sharfay in uu Gudoonsiiyo Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika Dr: Cabduqaadir tartamayaashiina waxay u kala heleen Abaalmarinadii sidaan

1- Guuleed Yuusuf Maxamed oo ku Tartantamayey 20 Jus ayaa galay kalinta Koowaad waxana uu ka socday Gobolka Bari waxa la Gudoonsiiyay $1000 iyo Dhar/Kutubo iyo Buugaag

2- Cabduqaadir Maxamed Qadi oo ku Tartamaayay 15 Jus ayaa Waxa uu Galay kalinta Koowaad waxana uu ka socday Gobolka Bari waxa uu helay $700 iyo Sidoo kale Dhar/Kutubo iyo Buugaag

3- Axmed Cali Yuusuf oo ka socday Gobolka Bari kuna Tartamaayay 10 Jus kana socday Gobolka Bari ayaa waxa uu galay kaalinta Koowaad waxana la Gudoonsiiyay $500 iyo sidoo kale Dhar/Kutubo iyo Buugaag

4 Mahad Maxamed Maxamud oo ku Tartamaayay 5 Jus oo ka socday Gobolka Nugaal ayaa waxa uu Galay Kalainta Koowaad waxana la Gudoonsiiya $400 iyo sidoo kale Dhar/Kutubo iyo Buugaag.

Waxaa ayagana la gudoonsiiya ilaa kaalimaha Sadexaad ee Aradayda Tartamayaasha ah Lacag iyo Dhar/Kutubo iyo Buugag ayadoo Ardayda ku Tartamaysay Quraanka Guud ahaan la Gudoonsiiyay Abaalmarino kala duwan waxaa kaloo lagu soo Bandhigay Xafladaa Su,aalo Diiniya iyo kuwo Aqoon Guud oo loo soo Bandhigay Dadweynihii kasoo Qayb galay oo Cidii ka Jawaabtaa la Gudoonsiinayay Abaalmarin.

C/fataax Jaamac | somalitalkpl@yahoo.com | Bosaso | Mar 6


Banaanbax lagu taageerayay warkii Wasaarada Arimaha Dibada USA ka soo saartay ciidamada IGAD ayaa ka dhacay mogadisho.

Canab Mumtaz | SomaliTalk | Kenya | Mar 6

 
Banaanbaxan oo ay ka soo qaybgaleen dadweyne aad u badan waxaa lagu taageerayay mowqifkii ay ka istaagtay dowladda mareykanka Arrimaha dooda dhaliyay baryahaan dambe ee ku aadanaa ciidamo ka socda IGAD (safka hore) oo la geeyo soomaaliya si ay dowladda uga caawiyaan  hubka ku daadsan dalka soomaaliya guud ahaan sidii ay u maarayn lahayd.
 
Dadweynaha ku nool caasimada soomaaliya ee xamar oo horey banaanbaxyo noocan oo kale ah u qabtay ayaa hadaladooda waxaa ka dhex muquday soo dhawayn hadalkii diidmada ahaa ee maraykanku ku mamnuucayay in ciidamo la geeyo soomaaliya ka socda IGAD gaar ahaan kuwa safka hore.
 
Shacabka magaaladaas ayaa ka dalbaday dowlada FKMG ah ee soomaaliya  in aysan keenin wax ciidamo ah oo ka yimaada dalalka la isku yiraahdo IGAD dadkan ayaa si wayn uga soo horjeeda dalka itoobiya kuna tilmaamay imaanshahooda mid sii xumayn karta xaalada ka jirta dalka soomaaliya.
 
C/llaahi firimbi oo qudba dheer u jeediyay dadkii halkaas iskugu yimid ayaa sheegay in ay ku taagersan yihiin dadka soomaaliyeed hadalkii ka soo baxay dowalda maraykanaka ahaa ee inaan la gaynin soomaaliya wax ciidamadamo ah oo yimaada IGAD ugana mahadceliyay dowladaas iyo wadamadii kale iyo Hay'adihii is hortaagay go'aankaas.
 
Dhinaca kale waxaa lagu wadaa maalinta bari ah in baarlamaanka ay iskugu yimaadaan shir looga hadli doono arrimo badan oo iskugu jira ciidamadamada la gaynayo soomaaliya,halka ay dowladdu dagayso iyo waraaqihii ay soo saareen dhawaan mareykanka e ku aadanaa in aan soomaaliya la gaynin wax ciidan ah dowladuna ay ka warbiixn doonto safaradii ay ku tagtay soomaaliya meelo badan oo ka mid ah.

Canab Mumtaz | SomaliTalk | Kenya


Dhaca ay maleeshiyo beeleedyada hubaysan ay u gaysanayaan baabuurta dadwaynaha ayaa ku soo badanaya  magaalada kismaayo xili xaalada amaan ee magaalada ay tahay mid nabdoon  

Cabdiqadar Nuur Maxamed "filipiin" | SomaliTalk | Kismaayo 

Hal baabuuur oo ah nooca homayda ah ayaa xalay lagu dhacay gudaha magaalada kismaayo ayadoo ay baabuurkaas dhaceen niman maleeshiyo beeleed ah oo hubaysan.

Isla markaana ay u kaxeesteen dhankaa iyo tuulada janaay cabdala oo 35 km u jirta magaalada kismaayo . 

Dhaca gaarigaas homayda ah loo gaystay habeenimadii xalay ahayd  ayaa waxa uu ku salaysnaa hab aargoosi ah ayadoo maleeshida dhacday baaburkas la sheegayay in ay ugu aargudayeen baabuur horaan looga dhacay oo ay dhaceen beesha  uu ka dhashay ninka hada baabuurkan leh. 

Hadaba waxaa sidoo kale saakayna dhac daba socda kii xalay maleeshida hubaysani ay ku fuliyeen  baabuurka homayda ah loo gaystay baabuur waaraad ah  oo sida lasheegay loogu aar gudayo isna baabuurka xalay la dhacay ayadoo ilaa iyo iminka aysan jirin odayaal iyo wax garad kala dhex galay labadaasi beel ee wax kala tabanaya islamarkaana ay cira isku sii shareerayso falalka dhaca ah ee loo gaysanayo gaadiidka dadwaynaha. 

Sikastooy ahaataba arintaan ah dhaca loo gaysanayo baaburta ayaa waxa ay ku soo beegantay xili ay xaalada amaan ee magaalada kismaayo dagantahay islamarkaana ay jiraan howl galo ay fulinayaan ciidanka amaanka ee isbahaysiga dooxada jubba ee ka arimiya gobolkaan

Cabdiqadar Nuur Maxamed "filipiin" | SomaliTalk | Kismaayo 

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 6, 2005


AWOODA BAARLAMAANKA OO LA DHIMAY
»Waftigii Dawladda oo ku soo laabtay Kenya
»Dawladdu ma waxay dagtay Baydhabo....
»Mareynka oo Mar kale Ka hadlay Arrimaha Somaliya..
ka akhri Warbixitii & Faalladii Mumtaz... Guji....

Qaramada Midoobey oo diiddan in ciidamo Itoobiyaan ah Soomaaliya la keeno
& Meles Zanawi oo mar kale ku celiyay inuu ciidamo u dirayo Soomaaliya.. ka akhri wararkii Mar 4

Warar Googoos ah
»Hargeysa: Khilaaf kadhex taagan rayaale iyo baarlamaanka
»Nairobi: Gen Badmaceeyay oo iska fogeeyay  itoobiya
»Kismaayo: Ciidamadii Xogga Dalka oo La Diwaan gelinayo
Wararka oo dhan ka akheri halkan... Mar 3

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD