SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

 

:::COD BIXIN:::


  • Xubnaha Labada Gole ee Beesha Hawiye ayaa Taageeray Go'aankii Xukuumada Maraykanka ee Arimaha Soomaaliya

  • Duqii Degmada Qardho Cusmaan Buux oo Xilkii iska Casilay..

  • Waxaa lagu soo Gabagabeeyey Masajida Rowda ee Magaalada Boosaaso Tartankii Quraanka Kariimka.

  • Sibinaar u socday Macalimiin ka kala socda Gobolo ka mida Puntland oo loo xiray.

  • Munaasibad loogu Baroordiiqayo Samafaladdii Varena Career oo  lagu soo gaba gabeeyay Magaaladda Marka.

Xubnaha Labada Gole ee Beesha Hawiye ayaa Taageeray Go'aankii Xukuumada Maraykanka ee Arimaha Soomaaliya dhinaca kallena magacaabay Gudi Farsamo oo hore u siiwada

Axmed Muusse Cabdulle Idaawaqaca)
Axmeddheere65@hotmail.com
Kenya_Nairobi 

Xubnaha labada Gole ee Beesha Hawiye ee ku sugan Magaalada Nairobi ayaa maanta soo saaray Baaq ay ku taageerayaan go'aankii Xukuumada Maraykanka ee ku aadanaa Arimaha Soomaaliya. 

Xubnahani waxa ay sheegeen in Xukuumada Maraykanku arimaha soo saartay xili loo baahnaa iyagoo sheegay in ay taageersanyihiin Go'aankaa dhinaca kallena ugu baaqay Xukuumada Maraykanka in ay Arimaha Soomaaliya intii ay awoodaan wax ka qabtaan. 

Sidoo kale xubnahani waxa ay iska dhax doorteen Gudii Farsamo  oo ka kooban  Afar Xubnood iyo Gudoomiye Magacyada Gudigaas ayaa ah sedan, 

Eng Xuseen Maxamed Cadoow,                   Gudoomiye
Xidhibaan Cabdi Axmed Dhuxuloow            Xubin
 ,,          Yusuf Mire Seeraar                  ,,
,,           Muusse Cali Cumar                  ,,
,,          Muusse Nuur Amiin                   ,, 

Kulankan waxaa xaadir ku ahaa Xubnaha labada Gole Xukuumada Federaalka ah ee Beesha Hawiye iyadoo ay ku Jireen Hogaamiyaasha Hubaysan ee Caasimada Soomaaliya Hadana Wasiiro ka ah Xukuumada Sida, 

Wasiirka Amniga Qaranka Maxamed Qanyare Afrax Wasiirka Hoowlaha Guud& Guryeenta Cusmaan Xasan Cali Caato,Wasiirka Ganacsiga Al Xaaj Muusse Suudi Yalaxow,Wasiirka Awqaafta& Amuuraha Diinta Cumar Maxamuud Maxamed Filish, 

Kulankan kama qayb qaadan raysulwaasre ku Xigeenka ahna Wasiirka Arimaha Gudaha Eng Xusseen Maxamed Faarax Caydiid laakiin waxaa la ii sheegay in uu Fasax ku maqnaa,

Xubnaha shirkan fadhiyay waxa ay gaarayeen 43 Xidhibaan iyadoo aad moodo in tan& Dalbashadii Xukuumada Soomaalida ay aduunka ka dalbadeen Ciidamo ilaaliya Nabada Hubkana ka dhiga Soomaalida in ay sii kordhaysay isku soo dhawaanshahooda beeshan,

Waxaa jiray Shirar is daba joogo oo ay beeshu lahayd maalmahan iyaga oo mujinayay sida ay uga soo horjeedaan in Soomaaliya la keeno Ciidamo ka socda Wadamada Soomaaliya Dariska la ah Gaar ahaan Itoobiya, 

Xubnahani waxa ay ahaayeen Ragii ku dagaalamayay gacan ku haynta Muqdisho iyo Gobolo&Dagmooyin ka tirsan Soomaaliya dadku waxa ay is waydiinayaan heshiiskoodan& Midnimada ay hada wadaan ma ku raagi donaan mise waxa ay dub ugu laaban Donaan Dirirtii Rakaadisay 14 Sanadood ee la soo dhafay,


Duqa Degmada Qardho Cusmaan Buux oo Xilkii iska Casilay..

C/fataax Jaamac | SomaliTalk.com | Bosaso | somalitalkpl@yahoo.com

Waxaa Bilowgii Bishaan Marso iska Casilay xilkii uu u hayay Duqa Degmada Qardho Cusmaan Buux oo Xilakaa hayay Mudo Sanad iyo Sideed Bilooda Cusmaan oo u Gudbiyay is Casilidiisa Gudoomiyaha Gobolka, Wasiirka Dowladaha Hoose iyo Madaxweynaha DGPL Gen: Cade Muuse ayaa wali wax Jawaaba aysan ka soo bixin Mas.uuliyiintaa.

Duqii hore ee Degmada Cusmaan Buux ayaa is casilidiisa wax ku kalifay marka wax laga waydiiyay ka gaabsaday oo aan ka bixin wax faa,faahina iyadoo uu yiri waxaan rabaa in aan Mas,uuliyadaan aanay igu eer sheegan.

Dhanka kale Duqa Degmada Qardho ee Hore Cusmaan Buux ayaa hore u dhaliili Jiray sida looga Gaabinaayo horumarka Degmada ee laga filayo Dhanka Maamulka Sare iydoo in badan uu aad uga celceliyay in Degmada lala shaqeeyo aadna uga Qayb qaatay Duqu Xiliyadaii Abaaraha iyo Horu marinta Degmada oo in badan uu iskaga xil saari jiray.

Waxaa lagu soo Gabagabeeyey Masajida Rowda ee Magaalada Boosaaso Tartankii Quraanka Kariimka.

Waxaa Tariikhdu markii ay ahayd 02-03-2005 Salaadii Makhrib ka dib laga bilaabay Masjidka way ee Rowda Tartankii Quraanka kariimka oo ay ku tartamayaan Gobolada Mudug, Sool, Nugaal, Sanaag iyo Bari oo hore loogu soo Qabtay Caasumadaha Goboldaa Tartan ka dhexeeya Dugsiyada Quraanka ee ka dhisan Magalooyinka ay ka kooban yihiin Goboladaa Tartaan ka bilowday, Magaalada Boosaaso ee uu ka socdo Tartanka Masjidka Rowda ayaa lagu Tartamayaa Labaatanka Jus, Shan iyo Tobanka Jus, Tobanka Jus, iyo Shanta Jus Tartankaan ayaa ah mid lagu soo Gabagabeynayo Tartanadii hore uga soo Dhacay Magaalooyinka Gobolada aan soo Sheegnay oo lagu Gudoonsiin doono Ardaygii gala Kalinta Koowaad Abaal marin aad u qiimo badan.

Tartankaa oo Sanadkiiba mar la Qabto ayaa waxaa soo Qabanqaabiyay Culimada Dacwada ee Gobolada Puntland ayadoo ay ka Qayb qaadanayaan Ganacsatada Qaarkood oo ah kuwo mar walba ku Tageera Dhaqaalahooda Dacwada Islaamka.

Tartankaa oo lagu soo Gabagabeeyey Shalay Salaadii Jimcaha kadib ayaa Lagu balamay in Ardayda la gudoonsiiyo Malinka Axada ee Habeenimada Isniinta soo galayso Salaada Maqrib kadib waxaan idiin soo Gudbin doonaa Cida ku guulaysata iyo Gobolka uu ka socdo Ardaygaa.

Sibinaar u socday Macalimiin ka kala socda Gobolo ka mida Puntland oo loo xiray.

Waxaa shalay loogu Xiray sibinaar uga socday Iskoolka Imaamu Nawawi Boosaaso Macalimiin Mudo Afar Casho ah Sibinaarkaa ayaa ku saabsanaa sidii loo taageeri lahaa Dimoqoraadiyada tasoo oo aan ahayn mid u gaara Wadamada Reer Galbeedka lakiin ay tahay mid ka dhexaysa Ummada ku nool Dunida Dusheeda, Sibinaarkaan ayaa waxaa ka soo Qayb galay Macalimin ka socota Magaalooyinka Gaalkacyo, Garoowe, Qardho, Boosaaso iyo Magaalooyinkaele Macalimiinta ayaa sibinaarkaan loo siiyay sidii ay u gaarsiin lahayeen Dadweynah ugana Dhaadhicin lahayeen Nidaamka Dimoqoraadiyada.

Sibinaarkaa ayaa waxaa Tageerada bixiyey Hay,ada Novib waxaana Fulinayey Hay,ada Wadanigaa ee Tadaamun.

Xiritaankii Sibinaarkaa ayaa Waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Hay,ada Tadaamun C/Laahi Sheekh oo Sheegay in ay Macalimiinta ay Qaadeen Mas,uuliyad aad u balaaran aydoo lagu jiro Xili dalku Dowlad la,aan yahay oo ay Dhabarka u riteen in ay ka badbadiyaan Da,ada soo koraysa in ay qadaan Qoriga intii illaahay waafajiyay Gudoomiyaha C/Laahi Sheekh ayaa ku baraarujiya in ay macalimiinta sii wadaan Dadaalkaa Gudoomiyaha ayaa Waalidiinta uga Mahad celiyay sida ay uga Qayb qataan kor u qaadida Waxbarashada Waxaa halkaa ka hadlay Maamule ku xigeenka Iskoolka Imaamu Nawawi Boosaso Cabdixaafid Cali Yuusuf oo Macalimiinta ku dhiira galiyay in ay waxa ay barteen u Gudbiyaan Ummada Waajibka ka saran yahay.

C/fataax Jaamac | SomaliTalk.com | Bosaso | somalitalkpl@yahoo.com


Munaasibad loogu Baroordiiqayo Samafaladdii Varena Career oo Shalay Maqribkii lagu soo gaba gabeeyay Magaaladda Marka.

C/casiis M. Guuleed “Afrika”
abdiguuleed@yahoo.com
Marko, Somalia

Munaasibad si wayn loo soo agaasimay. Isla markaana loogu baroordiiqayay Samafaladdii Varena Career oo 4-tii February 2002-da lagu dilay Magaaladda Marka ayaa Shalay lagu qabtay Xarunta Nabadda Iidda ee Magaaladda Marka.

Munaasibad oo ay ka soo qayb galeen Masuuliyiin kala duwan oo ka socday Maamulka Gobalka Shabeeladda Hoose, Hay'adaha Samafalka, Ururadda Bulshadda Rayidka ah, iyo Dadwaynaha Gobalka Shabeeladda Hoose ayaa waxaa ugu horayntii halkaasi hadalo Furitaan ah ka jeediyay Salaad Muxumud Guuleed oo ka mida Masuuliyiinta Hay'adda New Way Co-operative oo ay Maamuli jirtay Varena Career. Wuxuuna Salaad uga mahad Celiyay dhamaan dadkii ka soo qayb galay Munaasibadaasi Baroordiiqda ah sidii wanaagsanayd ee ay uga aqbaleen Martiqaadkii ay u fidiyeen.

Mr Guuleed waxa uu sheegay in Varena aysa ka dhiman Qoyskeeda oo kaliya balse ay ahayd Qof Muhiim ah oo ay waayeen Shacabka Soomaaliyeed. Wuxuuna sheegay in Varena iyadoo gudanaysa Waajib Bini'aadanimo inay ku dileen Magaaladda Marka Kooxo Dablay ah oo aan lahayn Damiir Bini'aadanimo.

Mr URIS oo ah Wiil ay dhashay Varena Career oo Xubin ka ah Hay'adda New Way Co-Operative, isla markaana ka yimid Dalka Switzerland ayaa isna Khudbad uu halkaasi ka jeediyay waxa uu Mahad ballaaran u jeediyay Dadka Reer Marko oo uu sheegay inay yihin Bulsho Nabadeed. Wuxuuna si gaar ah ugu mahad celiyay Kooxihii kala duwanaa ee halkaasi ku soo bandhigay Ciyaaraha. isagoo si gaar ah ammaan ugu jeediyay Masuuliyiinta Xafiiska New Way ee Marka oo soo qaban qaabiyay Munaasibadan.

intii ay socotay Munaasibadaasi waxaa dhex socday Ciyaaro kala duwan oo lagu maamuusayay Varena Career. Waxaana Ciyaarahaaasi lagu billaabay Ciyaarta Baskett Ball-ka oo ay isaga hor yimaadeen Labo Kooxood oo Gabdho ah kana dhisan Magaaladda Marka. iyadoo Ciyaartaasna ay aad uga maqsuudeen intii ka soo qayb gashay. Waxaana Gabdhahaasi oo ay da'dooodu ay aad u yarayd ay halkaasi ku soo bandhigeen Ciyaar Farsamadeedu sarayso.

Kooxo Gabdho iyo Wiilal isugu jira ayaa iyaguna Orod ay ka soo billaabeen Ceel Jaalle waxay ku soo gabagabeeyeen Xarunta Nabadda Iida oo ay ka socotay Munaasibadda Baroordiiqda ah. Waxaana Kooxahan Dhinaca Wiilasha Kaalinta Koowaad galay Maxamed Yuusuf Dhiblaawe oo ka socday Bisha Cas, Kaalinta Labaad waxaa galay Aways Xasan Muumin oo ka socday Shirkadda Nation Link, halka Kaalinta Saddexaadna uu galay Abuukar Maxamed Yuusuf.

Dhinaca Gabdhaha waxaa Kaalinta Koowaad gashay Najmo Maxamed Boore oo ka socotay Hay'adda IIDA, Kaalinta Labaad waxaa gashay Amaal Maxamed Malakoow oo ka socotay B.H.O, halka Kaalinta Saddexaadna ay gashay Faadumo Maxamed Malakoow oo ka socotay Iftiin Team.

Lixdan Qof ee Dhinaca Orodda ka galay Kaalimaha Koowaad ayaa halkaasi waxaa lagu guddoonsiiyay Billado. Waxaana guddoonsiiyay Billadahaasi Madaxwaynaha New Way Co-Operative iyo Xubin ka socday Maamulka Gobalka Shabeeladda Hoose.

Munaasibaddan Baroor Diiqda ah oo ahayd mid si wayn loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu xardhay Darbiga Goobta ay ka dhacaysay Hal ku dhigyo ka tarjumaya sida ay Shacabka Gobalka Shabeeladda Hoose uga murugaysan yihii Dhacdadii foosha xumayd ee lagu dilay Samafaladdii u dhalatay Switzerland ee Varena Career. Waxaana ka mid ahaa Hal Ku dhigyadaasi HOOYO VARENA, HOOYADDII NAXARIISTA LAHAYD, HOOYADDII DHAMAAN BULSHO WAYNTA MARKO, WAAN XASUUSAN DOONAA ADIGA IYO WAXQABADKAAGII, HOOYO VARENA WAXAAD U DHIMATAY KUWA TABAALAYSAN DARTOOD, WAXA KALIYA EE AAN SAMAYN KARNO WAA INAAN LAABTA KUGU HAYNO.

Munaasibadan Baroordiiqda ah ayaa sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Shaqsiyaad Ajanabi ah oo ay ka mid ahayd Megda, iyo Gabar ka socota Hay'adda COSV. Waxaana ay ku dhamaatay Xafladaasi jawi wanaagsan.

C/casiis M. Guuleed “Afrika”

abdiguuleed@yahoo.com
Marko, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 5, 2005


AWOODA BAARLAMAANKA OO LA DHIMAY
»Waftigii Dawladda oo ku soo laabtay Kenya
»Dawladdu ma waxay dagtay Baydhabo....
»Mareynka oo Mar kale Ka hadlay Arrimaha Somaliya..
ka akhri Warbixitii & Faalladii Mumtaz... Guji....

Qaramada Midoobey oo diiddan in ciidamo Itoobiyaan ah Soomaaliya la keeno
& Meles Zanawi oo mar kale ku celiyay inuu ciidamo u dirayo Soomaaliya.. ka akhri wararkii Mar 4

Warar Googoos ah
»Hargeysa: Khilaaf kadhex taagan rayaale iyo baarlamaanka
»Nairobi: Gen Badmaceeyay oo iska fogeeyay  itoobiya
»Kismaayo: Ciidamadii Xogga Dalka oo La Diwaan gelinayo
Wararka oo dhan ka akheri halkan... Mar 3

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD