SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed& Raysul wasaare Gedi  ayaa Xarunta Madaxtooyada ee Liibiya kula Kulmay Hogaamiyaha Liibiya  Mucamar Al Qadaafi

Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuuuf Axmed iyo wafdii uu horkacayay  ayaa Maanta la kulmay Hogaamiyaha Jamaahiiriyada Liibiya Mucamar al Qadaafi kulankaa oo ay labada Hogaamiye ku qaadaa dhigeen xiriirka Soo jireenka ah ee Labada wadan. 

Waxaa ku wehliyay madaxwaynaha Soomaaliya Rasulwasaare Cali Maxamed Geedi, ku xigeenada wasiirka koowaad Eng Xueen Maxamed Faarax Caydiid, Saalim Caliyoow Ibroow, Wasiirka Arimaha Dibada Prof Cabdulaahi Sh Imaaciil, Xuseen Ceelaabe Faahiye Afayeenka Xukuumada C/rixmaan Nuur Maxamed Diinaari, 

Kulanka waxaa madaxwaynaha liibiya looga codsaday in uu Soomaaliya ka taageero dhinacyada dhaqaallaha Caafimaadka waxbarahada iyo Xoolaha waxaa kaloo madaxwayna Liibiya laga Codsaday in wadamada Carabta& Afrika ku dhiiri galiyo taageerida Xukuumada Soomaalida, 

Kulanka ayaa ku dhamaaday jawi afgard iyo farxad badan sida uu Qadka Taleefoonka iigu xaqiijiyay Afayeenka Xukuumada Federalaaka ah ee Soomaaliyeed C/rixmaan Nuur Maxamed Diinaari.

Madaxwaynaha Liibiya ayaa Wafdiga Xukuumada Soomaaliyeed ugu Sameeyay Casho Sharaf qasriga Madaxtooyada ee Liibiya isaga oo balan qaaday in Soomaaliya uu ka taageeri doono dhinacyada dhaqaalaha& Siyaaada, 

Dhinaca kale waxaa isla Maanta kulan yeehay Rasulwasaare ku xigeenka Soomaaliya Eng Xuseen Maxamed Faarax Caydiid iyo dhigiisa liibiya waa wasiirka arimaha gudahee Naasir Mabruuk Cabdalle oo ay wehliyaan safiirka Cabdulaahi Xasan waxaa kaloo kulankaa Joogay afiirka Soomaaliye ee liibiya Maxamed Huseen Ilko dahab, 

Labada masuul waxa ay kawada hadleen arimo badan oo Quseeya Labada ee Walaalaha ah ee Liibiya iyo Soomaaliya guud ahaana waa la isku afgartay qodobadii ay kawada hadlen waxaana ka mid ah qodobada ay kawada hadleen 

1-     in ay Dowlada Liibiya kayb libaax ka ciyaarto siyaasada Soomaaliya walibana ay ciidamada Carbeed ee ka qayqaadanaya Xasilinta soomaliya ka mid noqoto

2- in Xukuumada Liibiya kaqeyb qaataan Tababarka Ciidamada Boolika Soomaaliyeed walibana ay Liibiya oo Dirato Quburo  dhinaca in Loo ameeyo Imkaaniyaad Maleeshiyooyinka soomaaliyeed 

2-     In labada Dal Soomaaliya iyo Liibiya iska kaashadaan sidii loo joojin lahaa Dadka qaxootiga ah ee soomaaliyed kuna dhimanaya Badaha Liibiya iyaga oo ku sii jeeda Wadamada Yurub,

3-     In Dadka Soomaaliyeed ee doonaya in ay ku laabtaan Dalkooda soomaaliya ay Xukuumada Liibiya ka bixiso tahsiilaadka dhinaca Duulimaadka,

4-     Wasiirka Arimaha Gudaha ee Soomaaliye Eng Xuseen  Maxamed Faarax Caydiid waxa uu mahad balaaran uga celiyay Xukuumada Liibiya Sii daynta ay siidaayeen Maxaabiistii Soomaaliyeed  waxa uuna ku ii adkeya in ayan Xirin Dadka Soomaaliyeed ee Muhaajiriinta ah, 

Wasiirka Arimaha Gudaha ee Liibya Naasir Mabruuk Cabdalle ayaa si farxad badan ku soo dhaweyay dhamaan cosdigii ka yimid dhinaca soomaaliya iga oo xusay in Soomaaliya tahay mid ka mida wadamada Carbeed ayna ku dadaalayaan sidii ay cagaheeda iskugu tagi lahayd,

WAA KUMA QADAAFI... GUJI....

Faafin: SomaliTalk.com | Maarso 31, 2005


Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
iyo Shirkadda Dahabshiil oo Sanduuq Mucaawino u Furtay Samsam...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay...
Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD