SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
UK: Jaliyadda Somaliland Leicestershire  iyo Shirwaynihii deeq ururinta Jamacadda Burco 

Xaflad aad aad u balaadhaan oo si heer sare ah  loo soo qabanqabiyey ayaa ka dhacday Goballka Leicestershire Casimadiisa Leicester. Jalliyadan   oo tira ahaan aad u yar aya hadana qaybe lixad leh kaga jira Horimarinta wadankooda hooyo. Jaliyada ayaa shirewayne si qurux badan loo agaasimay ku qabtay 26/3/95 Chairoot Hse

Shirkan oo ujeedadiisu ahayde in ay ka qayb qatan Tabaruuca loo samaynayo Jammacada Burco.Shirka waxa ka soo qayb  galay dad isugu jira  Caruur, Haween, Odayaal, Dhalliyaro.waxa iyaganuna kala qaybe galay shirka Dr Saad Ali Shire (Pro- Chancellor UoB) Ahmed Waqaf, Abdirahman Adan,Fadumo Adan iyo Asha Abokor oo ka tirsan UoB International Support Committee. 

Ugu horaynewaxa halka ka hadlay  Abdirahman Bouh oo halka  ka jeediyay hadalo isugu jira mahadnaq iyo faaiidada ay ledahay aqoontu oo ku nux .Inta ka dib waxa ayado Quranka Kariimka ka soo jeediyey Sheekh Abdi Baasid oo runtii si fahfahsan uga hadilay qiimaha ay leedahay Sadaqadu ifka iyo akhiroba iyo in loo bahanyahay Horimarinta aqoonta wanagsan reer Leicester ku baraujiyey in ay ka qaybe qatan wixii wanagsan ee anifacaya ummada Muslimiinta. 

Inta ka dib wax lagu soo dhaweeyey oo hadal gaban oo qiimo leh ka soo jeediyey Ahmed Jama oo ka mid ah Odayasha  magalada Kuna gobaabiyey reer Leicester in ay ka qaybe qatan tabaruuca loo fidinayo Jammacada Burco  

Inta ka dib waxa isna lagu soo dhawayey Isna  Abdi oo ka hadiay qiimaha ay leedahay Malintani aadna uga hadlay bahida loo qabo aqoonta, iyo dhibatadi  kala danbaysay ee soo martay Ummada reer Sl ayna marwaliba uga baxayeen si wada jira waxanu  tilmaamay reer Leicester in ay iminka in muddo ah degenayeey UK lana qabsadeen nolasha UK loona bahanyahay in ay ka qayb qatan Horimarinta Wadanka isagoo runtii  ku dheraday Burburkii la soo maray iyo sidii Ilhay inooga saray iyo in ay mari waliba mujiyan wada wax qabisiga,tilimaamayna in aanay cid u maqinayne ee layna sugayo. 

Mamuulka jamacada waxay uu mahadnaqayan Cabdi Sooran  iyo Siicid Cali Bashiir,Cabdi Burco,Cali Geele..Mustafe Cabdi Bidix.Cabdirashiid Johari iyo in alla intii ka qay qatatay qaban qabadii iyo hawshii .  

Saad Ali Shire (Pro- Chancellor UoB)

Anigoo ku hadlaya magacayga kan Guddiga waxan idinka mahad celinaya sida quruxda badan ee aydun noo soo dhawayseen iyo sida aydun uga soo qaybe gasheen oo aan oran karo waa shirkii ugu badna ee laysugu yimado intii aanu maraynay Gobollada UK runtii Cardiff iyaguna si heer sare ah ay isagu yimadeen

28 May 2004 ayaan tagey Burco oo aan kala hawl galay gudidii Jaamacada, 19 Jun 2004 si rasmi ah baa loo furay. 13-kii September 2004 ardeyda dufcadii ugu horeysay ayaa bilaabay. Waxa la isla gartay in Diyaarin ardayda lagu sameeyo maadaama ay qaarkood dugsiyada sare dhamayeen wakhti aad u horeeyey, qaar kalena ay Sanadkii la soo dhaafay ay ka soo aflaxeen dugsiyada sare, markaa waxaa muhiim noqotay in la isa soo gaadhsiiyo.

Jaamacad Qaran

Dr. Sa'ad waxa uu sheegay in Jaamacada Burco aanay gaar u ahayn Burco oo keli ah ee ay tahay Jaamacad Qaran sida ta Boorama iyo Hargiesa ay u yihiin Jaamacado Qaran. Tusaale ahaan Kuliyadaha lagu bilaabayo Burco waxaa ka mida Kuliyada Xanaanada Xoolaha (Vetenary), oo aanay Hargeisa iyo Boorama midina lahayn, markaa ardeyga doonaya inuu qaato maadadaa wuxuu uga imanayaa Hargeysa oo kale. Ardega reer Burco ah ee ka soo baxaana waxaa laga yaabaa inuu ka shaqeeyo Ceerigaabo ama Boorama. Markaa Burco waa Jaamacad Qaran, laakiin waxay ku taalaa Burco.
Baahid

Baahida loo qabo Jaamacada

Dadka Burco dega waxaa lagu qiyaasaa 200 000 - 300 000 qof. Waxaa ku yaala 31 Dugsiyada Hoose/Dhexe. Ardayda ka diiwaan gashan dugsiyada hoose, dhexe iyo sare waa 12127 arday. Waxay magaaladu leedahay lix (6) dugsi sare. Iskuulkii 15ka May oo Hadda hawlo dayactir ahi ka socdaan marka la dhmaystirana Burco waxay yeelanaysaa todoba (7) dugsi sare. Baahida Jaamacada loo qabaa waa sidaas. Jaamacadu waxay kalooy noqon doontaa meel aqoonyahanku ku kulmaan oo ay isugu yimaadaan.

Kuliyadaha Jaamacada lagu bilaabayaa waa:
1. Veternary (Xanaanada Xoolaha)
2. Education (Waxbarashada/Macalinimada)
3. Bussiness Studies (Ganacsiga)
4. Islamic Studies (Daraasada Islaamiga)

Waxa kale oo qorshaha ku jira College for Nursing, Department of Engineering, balse qorshuhu waa talaabo talaabo, oo mar keliya looma wada samaynayo.

Qaab Dhismeedka

Maktabada Jaamacada waxaa lagu bilaabay 104 buug oo ay University of Hargeisa ugu deeqday UB. Imikana waxaa yaala in ka badan 3000 buugaag ah. Waxaa lagu bilaabay laba Fasal (Class) 2 xafiis (Office), oo laga siiyey dhismaha Wasaarada Daaqa Qaranka. 3 fasal oo kalena waxaa siiyey Dugsiga sare SH. Bashiir. Muuqaalo sawiro ah ayuu soo bandhigay Dr Sa'ad oo ka duwan muuqaaladii laga daawaday cajalada, sawiradan oo dhawaan laga soo qaaday Jaamacada waxay ku tusayaan tadawurka durba ay ku talaabsatay Jaamacadu. Sidoo kale muuqaaladaa waxa ku jiray sawiro laga soo qaaday University of Hargeisa oo ay dadkii daawanayey aad uga mafsuudeen, oo ay ka mid ahaayeen muuqaalka wajahada laga gelayo Jaamacada Hargeisa. Dr Sa'ad waxa uu tibaaxay in dhismahaa cusub lagu hirgeliyey deeq ay bixiyeen Urur Haween ah oo Hargeisa ka jira, kaas oo ku tusaya kaalinta ay haweenka Somaliland kaga jiraan dib udhiska dalka Jamhuuriyada Somaliland.

Agabka loogu deeqay UB
Ilaa hadda waxaa Jaamacada soo gaadhey:
· 104 buug (UoH)
· 4148 buug (Urur UAE ka dhisan)
· Buugaag iyi cajalado London laga direy
· Photocopy machine & Mini Bus ( Cabdi Daahir, oo USA jooga)
· 2 Computers (Save the Children)
· 1 Computer and printer (Candle Light)

Deeq lacageed
· Dahabshiil ($2,000)
· Dawlada JS ($15,000)
· Xaflad Burco habeen lagu qabtay ($4,000)
· Jaaliyada Canada ($13,000)
· Jaaliyada UAE ($17,000)
· Jaaliyada Norway ($16,248)
· Ahmed Mohamed, USA ($2,000)
· Jaaliyada Virginia, USA ($4,550)
· Jaaliyada Gottenburgh, Sweden ($1,837)
· Save the Children Fund, UK ($6,000)
· Shaqaalaha African Development Bank, Tunis ($6,200)

Wadarta guud ee deeqaha soo gaadhey UB waa $74,000. Kharashka lagu qiyaasay in ay dhismaha Jaamacada oo laga dhisi doono halkuu ahaan jirey dugsigii hore ee Daaqa Qaranka waxaa lagu qiyaasay $212,000. Lacagta ilaa hadda soo xarootay waxay noqonaysaa 35%. Lacagta Jaaliyada Somaliland ee degan United Kingdom lagu soo qaybiyey waa $100,000 (oo u dhiganta 47% wadarta guud). Reer London nus baanu isa saarnay $50,000. magaalooyinka kalena qaarna $5,000, qaarna $10,000. Markaa idinka Cardiff ahaan $10,000 baa la idin saarey.

Hir-Gelinta Dhismaha Jaamacada

Qorshaha dhismaha (Campus-ka) waxay ahayd in bishan la bilaabo, laakiinse markay lacagtu soo wada xarooto baa si deg deg ah loo bilaabi doonaa, si ay ardeyda bilaabaysa sanadda cusub (September) ay ugu bilaabaan dhismaha cusub, Insha Allah.

Inta ka dib waxa bilaamay deeq ururintii iyo is diwaan gaalin  heer sare ah 

www.buraouniversity.com 

 Dayib bare | togdheersports@hotmail.com | UK

Faafin: SomaliTalk.com | Maarso 30, 2005


Waraysiyo: Xubno Kamid ah Ergeda Dib u Heshiisiinta Beelaha Sacad iyo Saleebaan
Warbixin iyo waraysiyo la xiriira dib u heshiisiinta
ka socota gobolka Mudug... Guji...

Wararak Qowmiyadaha Qarnigan  Ku Hoos Nool Gumeysiga
ka akhri Radiyo Xoriyo... 
Guji...

Waftiga DFKMG oo Booqday Magaalada Sabarata, Liibiya
»Prof. Geeddi oo Booqday Idaacadda Codka Afrika
»Cabsi soo wajahday kalluumaystada Jasiiradaha Jubba
Warka oo dhan ka akhri halkan...  Mar 29

Wararka Hargeysa ee Maanta
Golaha wakiilada Somaliland oo looqaybiyay xeerka waxkabadalka doorashada wakiilada iyo jawaabaha mucaaradka.. Guji.. Mar 29

Dawladda Hoose ee Galkacyo oo Nin Ku Dhaawacday Suuqa Weyn ee Magaalada
waraysiyo ay SomaliTalk arrintaas kala yeelatay ninka la dhaawacay iyo
Xoghayaha D/hoose ee Galkacyo.. Guji.. Mar 29

U.N. oo Soomaalida Uga Digtey Badgariir...
»Wasiiro & Xildhibaano Gaaray Magaalada Xudur
»Kismaayo: Kulan looga hadlay dhismaha Maamul Goboleed
»Liibiya: Kulan ay yeesheen waftiga madaxweynaha DFKMG
Warka oo dhan ka akhri... Guji... Mar 28

WARARKA TODOBAADKA EE SOOMAALIYA
»Gudoomiyaha baarlamaanka oo diray baaq nabadeed...
»Xubno ka mid ah DFKMG: "baydhabo itixaad ayaa qabsaday"
»Xidhibaan black oo dagaalka Baydhabo ku eedeeyey DFKMG
»Sh. Aweys oo ka digay ciidamo la geeyo Soomaaliya..
Warka oo dhan ka akhri halkan... Mar 27


Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
iyo Shirkadda Dahabshiil oo Sanduuq Mucaawino u Furtay Samsam...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay...
Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD