SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Barnaamijkii Radio Xoriyo

29 Mar. 2005

  • Dagaallo lagu naafeeyay ciidamadda cadowga Itoobiya.
  • Dad rayad oo gumaysiga Itoobiya u gaystay dhibaatooyin kala duwan.Ururka haweenka Ogaadeenya ee dalka Norway oo shir isugu yimid.
  • Ciidammada Gumaysiga Itoobiya oo baabuur ku qaqabtay Ogaadeenya.
  • Dagaallo uu ururka OLF ku jabiyay ciidammada gumaysiga Itoobiya.
  • Waraysi aanu la yeelanay Sahra Ismaaciil oo kamid ah masuuliyiinta jaaliyadda Ogadenya ee dalka Norway.

======================

Ciidamadda xoreynta Ogadenya oo dagaal toos ah oo aan kala joogsi lahayn kula jira ciimdamada dacdaraysan ee taliska Addis-ababa ayaa waxaa kamid ah dagaaladii ugu dambeeyey ee uu cwxo ku wax yeeleeyey ciidamada cadowga gumaysiga Itoobiya dagaal ka dhacay:

-24/02/05 Las-Galool oo ka tirsan Gobolka Jarar,dagaalkaas ayaa ciidanka naf la-caariga ah ee taliska Itoobiya qudha lagaga jaray 2 askari.

Dagaal ka dhacay Huuraale, oo Dhagaxbuur ka tirsan 25/02/05 ayaa waxaa cadowga lagaga dilay 4 askari,halka 5 kalena lagaga dhaawacay.

Meesha la yidhaahdo Las-dharkaynley oo kal tirsan Gobolka Jarar iska horimaad dagaal oo dhexmaray cdxo iyo midka gumaysiga itoobiya ayaa ciidanka cadowga lagaga dilay 2 askari, 1 kalana laga dhaawacay.

05/03/05 Dhagax-Madow oo ka tirsan Nogob waxaa cadowga lagaga dilay 2 askari, iyadoo dhaawacyo halis ahna lagaadhsiiyey 3 kale.

Dagaal gaadmo oo ay qaadeen cwxo 13/03/05 kuna qaadeen calooshood ushaqaystayaalka gumaysiga itoobiya oo ku sugnaa Karinka Soole oo ku yaalla Gobolka Jarar ayaa 1 calooshiise u shaqayste ah lagu dilay.

-15/03/05 Xaashaa-lille oo ka tirsan Gobolka Qorraxay waxaa cadowga lagaga dilay 5 askari, 3 kalana waa laga dhaawacay.

Dad rayad oo gumaysiga Itoobiya u gaystay dhibaatooyin kala duwan

Ciidanka cadowga een naxariista lahayn wuxuu shacabka aan waxba galabsan ku hayaa dhibaatooyin badan, sida dilka, dhaca iyo xidhxidhka . Markii uu goobaha dagaalka ku guul darraystay ayuu ku gaydhaday shacabka aan waxba galabsan ee miyiga iyo magaalooyinka ku nool.

Ciidammada maxaysatada ah ee taliska Addis Ababa waxay sidoo kale bilaabeen inay dadweynaha Ogadenya argagixiyaan, si ay ugu gogol xaadhaan doorasho ku sheega ay caalamka maqashiiyeen inay dalka Ogadenya ka qabanayaan. Waxay billaabeen olole ballaadhan oo isugu jira dil, dhac iyo xadhig is daba-jooga. Sida hadda wararku nagu soo gaadhayaan wuxuu cadowgu 15/03/05 meesha la yidhaahdo Madax Maroodi ku dilay 4 qof oo rayad ah markii dagaal meeshaas ka dhacay lagaga adkaaday.

Afartan qof ee la dilay ayaa waxay kala yihiin:

  1. Maxamed Beddel Gaani
  2. Maxamed Daahir
  3. C/rashiid C/laahi

iyo wiil yar oo 11 jir ah oo magaciisii aanaan haynin.

Sidoo kale 23/03/05 wuxuu cadowgu magaalada Yucub ku dilay C/wahaab Macalim Axmed.

Dhinaca kale magaalada Godey waxaa lagu xidhxidhay dad badan 20/03/05. Dadkaas waxaa ka mid ah guddoomiyihii gobolka iyo ku xigeenkiisii; taliyihii ciidanka booliska iyo ku xigeenkiisii. Dadkaas waxaa lagu masabitay inay taageeraan JWXO, hase yeeshee Maxkamad la horkeenay ayaa wax dambi ah ku wayday, balse waxaa diiday in la sii daayo Ciidanka Cadowga Itoobiya ee magaalada Godey.

18/03/05 magaalooyinka kala ah Dhanaan iyo Shiniile oo ka tirsan Gobolka Shabeelle waxaa iyagana lagu xidhxidhay dad 100 kor u dhaafaya. Waxaana ka mid ah dadka la xidhxidhay oo magacyadoodu nasoo gaadheen :

  1. Xasan Raage Nuur
  2. Ardo C/lahi Cumar
  3. Riish Saxane
  4. Shurkri Doolaal Cumar
  5. Naa’ib Xuseen

08/03/05 magaalada Dhagax-Madwow waxaa lagu xidhxidhay dad badan ooy ka mid yihiin:

  1. Mawliid C/laahi Maxamed
  2. C/lahi Rashiid Sh. Muxumed
  3. Axmed Xasan Maxamed
  4. Mukhtar Axmed Cabdi
  5. Maxamed Fatxi Cabdi
  6. Sh.Mukhtar Macalim
  7. Shaafi Xasan Gooni
  8. Maxamuud mahad Guhaad
  9. Hinda Cabdi Basho
  10. Sh. C/raxmaan
  11. Cumar Weli Cabdi

Magaalada Dhagaxbuur waxaa sidoo kale lagu xidhxidhay intii ka denbaysay 20/03/05 dad badan oo ay ka mid yihiin culumadii magaalada. Waxaana ka mid ah dadka la xidhay Iimaamkii masjidka magaalada DhagaxbBuur, Sh Cabdi Qalinle.

Magaalada Sagag ayaa 23/03/05 lagu xidhay dad badan ooy ka mid yihiin:

  1. Muxumed cabdi Xarbi
  2. Mukhtar Cabdi Xarbi
  3. Xalimo Ismail Goohe (waa gabadh curyaan ah ooy ku masabiteen inay raashin u gaysay Jabhadda, iyada oo aan socon karin)

Waxaa sidoo kale muddo seddex maalmood ah si weyn loo xidhxidhayaa dadweynaha ku dhaqan magaalada Qabridaharre iyo agagarkeeda, waxaana lagu qiyaasay dadka xidhxidhan ilaa 200 oo ruux. Ma cadda sababta ka dambeysa xidhxidhkan aan loo miidaan-deyaynin, hase yeeshee waxaa wararku sheegayan in ololahan ay hoggaaminayaan nin uu gumeysigu u magacaabay guddoomiyaha gobolka Qorraxay iyo nabad sugida TPLF.

Dhinaca kale dadwayanaha ku dhaqan deegaanka Qamuuda oo ka tirsan gobolka Doollo wuxuu cadowga Itoobiya ka uruuriyey 16 milyan oo Shilin soomaali ah, kuwaasoo uu gubay, waxayna gubistan lacagtani qayb ka tahay qorshihii uu gumaysigu ku curyaaminayay dhaqaalaha shacabka Ogaadeenya.
 

Waxaa wali sii kordhaya qaskii iyo maamul xumadii ka jirtay maamul ku sheegga Jigjiga. Toddobaadkii ina dhaafay waxaa wax la xidhxidhay iyo wax shaqadii lag eryay noqday dad badan oo ka mid ahaa dadka lagu sheego inay madax xafiiseed yihiin iyo xubno ka tirsanaa Baarlamaan ku sheegga fadhiidka ah ee gobolka.

Dadka shaqada laga eryey waxaa ka mid ah Cabdi Bile, Siyaad Isaaq, Muuse Sooyan, Anas iyo Salaad Dhabar Yuusuf.

Ururka haweenka Ogaadeenya ee dalka Norway oo shir isugu yimid.

Maalintii sabtida ahayd oo taariikhdu ku beegnayd 26.03.05 waxaa shir wayn isugu yimid haweenka Ogaadeenya ee ku dhaqan dalka Norway. Shirkan waxaa soo qabaqaabiyay Ururka Haweenka Ogaadeenya ee Norwey, waxaana shirkan lagu qabtay hool weyn oo ku yaalla xarunta Jaaliyadda Ogaadeenya ee Norway.

Shirka, oo ujeeddadiisu ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa waxqabadka haweenka Ogaadeenya ee ku aaddan halganka madaxbannaanida lagu raadinayo ee Ogaadeenya ka socda, waxaa furay Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaalida Ogaadeenya ee Norway, kaasoo si wayn u ammaanay sida hagar la’aanta ah ee haweenka Ogaadeenya ee Norway ay heeganka ugu yihiin halganka Ogaadeenya iyo kaalinta muuqatee ay kaga jiraan taageerada halganka loo fidiyo.

Haweenka Ogaadeenya ee Norway ayaa go’aan ku gaadhay inay sii laban-laabaan dadaalkooda, isla markaana sii xoojiyaan taageerada ay la garab taagan yihiin Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya ee dagaalka hubaysan kala soo horjeedda gumaysiga Itoobiya.

Shirkan, oo haweenku isku weydaarsadeen arrimo badan oo ku saabsan halganka Ogaadeenya, isla markaana isugu gudbiyeen xogihii ugu denbeeyay ee dhulkoodii hooyo, waxaa khudbad dheer oo dhinac walba taabanaysa ka soo jeedisay marwo Sahro Ismaaciil. Waxaa sidoo kale iyaduna shirka hadal aad u qiiro badan ka soo jeedisay marwo Xaawo Cisman.

Doodo aqoon is-waydaarsi iyo su’aalo xilli dheer qaatey ka dib wuxuu shirku ku soo gabagaboobey Guul iyo ballanqaadyo la xidhiidha taageero dhaqaale oo degdeg ah oo halganka loogu deeqo.

Ciidammada Gumaysiga Itoobiya oo baabuur ku qaqabtay Ogaadeenya.

Ciidammada gumaysiga Itoobiya ee ku sugan dalka Ogaadeenya ayaa maalmihii ugu denbeeyay baabuur badan oo dalka Soomaaliya laga leeyahay ku qaqabtay magaalooyinka Qabridaharre, Dhagaxbuur iyo Jigjiga.


Baabuurtan ayaa la filayaa in xukuumadda Itoobiya ay u adeegsan doonto daad-guraynta ciidamada ay damacsan tahay inay ku uruuriso meelaha ku dhaw soohdinta u dhaxaysa Ogaadeenya iyo Soomaaliya.

Sida la ogsoon yahay ciidammada Itoobiya ee isaga goosha Ogaadeenya waxay afduubaan oo raacaan baabuurta shacabka, iyagoo ka cabsanaya in baabuurtooda la bar-garto, ka dibna ay dagaal la beegasadaan ciidammada xoraynta Ogaadeenya ee ka dagaallama dalka Ogaadeenya.

Dad baabuurley ah oo ku sugan magaalada Jigjiga ayaa sheegay in baabuur badan oo Soomaaliya laga leeyahay ay hadda ku sugan yihiin xeryaha millatariga ee gumaysiga Itoobiya, waxay kaloo dadkaasi sheegeen in qaqabashada baabuurta shacabka la billaabay bishii hore.

Dagaallo uu ururka OLF ku jabiyay ciidammada gumaysiga Itoobiya.

Ururka Oromada ee OLF ayaa sheegay inuu ciidanka gumaysiga Itoobiya soo gaadhsiiyay guul darro aad u ba’an. Ururka OLF wuxuu sheegay inuu ciidammada gumnaysiga Itoobiya kaga dilay afar askari, shan kalana kaga dhaawacay meesha lagu magacaabo Gara Kuri oo ka tirsan Gobolka Gidami, warkaasna waxaan ka soo xiganay raadiyaha ku hadla afka ururka OLF.

Raadyuhu wuxuu intaas ku daray in dagaalkaas ciidanka cadowga Itoobiya lagaga furtay hub iyo qalab kale oo millatari.

Wuxuu sidoo kale raadyaha OLF sheegay in 20/03/05 ay ciidammada xoraynta ee OLF jabiyeen ciidammo gumaysiga Itoobiya ka tirsan oo ku sugnaa Gara Kuri, halkaasoo kaga dileen askar badan, kuwo kalana kaga dhaaweceen. Dagaalladani waxay qayb ka yihiin weerarro ay ciidammada gumaysigu ku soo qaadeen goobaha ay ku badan yihiin ciidammada OLF.

Dhinaca kale Ururka Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ciidammada Itoobiya ku eedeeyay denbiyada ay ka midka yihiin dil, kufsi iyo jidhdil, kuwaasoo ay u gaysteen qabiilka Anuak, oo ah qabiilka ugu wayn qabiilooyinka dega Gobolka Gambella. Human Rigths Watch wuxuu sheegay in ciidammada Itoobiya ay dileen in ka badan 500 oo qof oo rayad ah oo ka tirsan qabiilka Anuak, kumayaal kalana ay ku qasbeen inay ka qaxaan deegaannadii ay ku noolaayeen.

Chris Albin-Lackey oo Ururka Human Rights Watch uu u xil-saaray inuu arrintan soo baadho ayaa sheegay in dhibaatooyinkan ay ciidammada Itoobiya gaysteen bishii Disember 2003, oo ciidammada Itoobiya ay weerareen toolooyin badan oo qabiilka Anuak ay degganaayeen, wuxuuna arrintaas ku faahfaahiyay warbixin ka kooban 64 bog oo dhibaatadan uu kadiyaariyay.

Waraysiga ka dhegeyso: XORIYO:  Guji halkan

Radio Xoriyo

29 Mar. 2005

C/nuur Sh. Mohamed

radioxoriyo@ogaden.com
raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | Maarso 30, 2005

 


Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
iyo Shirkadda Dahabshiil oo Sanduuq Mucaawino u Furtay Samsam...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay...
Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD