SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORIYO
April 2, 125
Daabaco Boggan | Print

 

:::COD BIXIN:::


Barnaamijkii Radio Xoriyo

01 Mar. 2005

  • ·        Xaafad ku taal magaalada Yucub oo dadkii degganaa xoog lagaga raray

  • ·        Ciidamo Itoobiyaan ah  ka soo goostay  taliska dhiig-yacabka ah ee Males Zanawi

  • ·        Hoggaamiyayaasha Muqdisho oo diiday ciidamo ka socda dalalka deriska la ah Soomaaliya

  • ·        Iyo Barnaamijkii Aragtida Halgamaaga

====================== 

Xaafad ku taal magaalada Yucub oo dadkii degganaa xoog lagaga raray 

Gumaysiga itoobiya ayaa Sidii caadada u ahayd dhib aad u badan ku hayaa shacabka reer Ogadenya, hadday noqon lahayd naftooda iyo hantidoodaba. Waxaana wali sidii u socda boobka aan loo miidaan dayin ee cadawgu ku hayo hantida shacabka,dadka rayidka ah oo sabab la,aan la iska laayo, kufsadaa gabdhaha, iyo weliba  xidhig aan sharci ahayn. 

Waxaana ugu danbeeyay dilka, dhaca, kufsiga, Cajajuglaynta, loo gaysto shacabka iyo weliba dagaalada dhex maray CXO iyo ciidamada gumaysiga itoobiya dhacdooyinkan soo socda. 

25/02/05 Yucub oo ka tirsan gobalka Doollo, wuxuu cadawgu ka raray xaafad balaadhan oo ugu xigtay xagga xeryaha ciidamada cadawga dadkii deganaa isagoo marmarsiinyo ka dhigtay in loogu soo gabbanayo. Dadka xaafaddaas laga raray ayaa lagu qiyaasay 100 qoys, waxayna hadda ku

dac- darraysan yihiin duleedka magaalada.Mana jiro Wax gargaar ah oo dadkaasi ay ka heleen dawlada gumaysiga  iyo hay’adaha gargaarka midna. 

Dhacdooyinkii dagaalada ee ugu danbeeyay 

10/02/05, Dheenlay oo ka tirsan gobalka Nogob, dagaal ku dhexmaray CXO iyo kan gumaysiga nacabka ah ayaa cadawga lagaga dilay 7 askari, 5 kalana lagaga dhaawacay.  

CXO ayaa  13/02/05 dagaal ku qaaday ciidanka cadowga itoobiya ee ku sugan Warma-gaalo oo ka tirsan gobolka Nogob Dagaalkaas ayaa ciidanka nacabka gumaysiga itoobiya lagaga dilay 5 askari halka lagaga dhaawacay 3 kale. 

26/02/05 Awaare oo ka tirsan gobolka Dh/bur, ayuu CXO dagaal mir ah  ku qaaday saldhiga taliska cadawga wixii khasaare gaadhayna dib ayaan ka soo sheegi doonaa.  

 Sidoo kale  dagaal mir oo ay Cxo ku qaadeen 27/02/05 Dh/bur, ayaa ciidanka gumaysiga itoobiya khasaare laxaad leh loogu gaystay.  

Dhinaca kale 18-20/02/05 Waxaa magaalada Wardheer lagu xidhxidhay saraakiil badan oo ka tirsanaa ciidanka cadawga, waxaana la sheegayaa inuu xidhxidhkaasi lug ku leeyahay khilaafka ballaadhan ee ka dhex jira ciidanka cadawga. 

Ciidamo Itoobiyaan ah  ka soo goostay  taliska dhiig-yacabka ah ee Males Zanawi. 

Lix askari oo Itoobiyaan ah ayaa isu soo dhiibay dawlada Eritereya, kuwaasoo sheegay inay mucaarad ku yihiin xukuumadda TPLF ee ka talisa dalka Itoobiya, taasoo ay sheegeen inay ciidamo ka soo xasuuqdo qaybaha kala duwan ee Itoobiya, isla markaana ay ku soo uruuriso furinta ay la wadaagto dalka Eritereya. 

Askaratani waxay sheegeen in ciidamada gurmadka Qaranka ee Itoobiya ay xaalad aad u qallafsan ku sugan yihiin, isla markaana ciidamadii kaydka ahaa oo dhan la isugu yeedhay oo la faray inay waajibaadkooda millatari qabsadaan. 

Lixdan askari waxay kala yihiin: Cabdi Caddow Cali, oo qowmiyada soomaalida ka tirsan,

Aberra Selasse Degoye, oo qowmiyada Welayta ka tirsan, Molla Ayalew Melesse iyo Demol Melaku Adamu oo qowmiyada Amxaarada ka tirsan, Tsege Asefa Gebremeskel iyo Dereje Girma Haile oo qowmiyada Tigreega ka tirsan. 

Hooggaamiyayaasha Muqdisho oo diiday ciidamo ka socda dalalka deriska la ah Soomaaliya. 

Hooggaamiyayaasha kooxaha hubaysan iyo xubnaha Baarlamaanka dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya ee ka soo jeeda magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda ayaa axaddii diiday qorshaha ah in Soomaaliya la keeno ciidamo ka socda dalalka safka hore ee IGAD, si ay u sugaan xasilloonida dalka Soomaaliya. 

Qiyaastii 61 xubnood oo Baarlamaanka ka tirsan oo ay ku jiraan qaar ka mid ah wasiirrada dawlada ku meelgaadhka ah, ayaa sheegay in ciidamo ka socda dalalka Itoobiya, Jabuuti iyo Kenya oo la keeno dalka Soomaaliya ay wiiqayaan dadaalka loogu jiro in la soo afjaro dagaalka sokeeye ee Soomaaliya ka socday 14-kii sano ee ina dhaafay. 

Itoobiya waxay si toos ah lacag iyo bub siisaa kooxaha soomaaliyeed, ciidamadeeduna waxay ka shaqayn doonaan danaha Itoobiya oo kaliya haddii Soomaaliya la keeno, sidaas waxaa yidhi ra´iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Xuseen Maxamed Caydiid. 

Wuxuu kaloo intaas ku daray inuuna ka soo horjeedin in ciidamo caalami ah oo nabad ilaalin loo keeno dalka Soomaaliya, balse uu diiddan yahay in dalalka deriska ahi ay lug ku yeeshaan ciidamada nabad ilaalinta ah. 

Dhinaca kale wasiirka waxbarashada ee dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya Cali Cabdulaahi Cosoble oo maalmihii denbe oo dhan ku sugnaa magaalada Baladweyne, ayaa booqasho ku tegay magaalada Godey ee dalka Ogadenya, waxaana la sheegay inuu halkaas kula kulmi doono saraakiil Itoobiyaan ah. 

Ma cadda arrimaha ay ka wada-hadli doonaan wasiirka iyo Saraakiisha Itoobiyaanka ahi balse wasiirku wuxuu horay u sheegay in Itoobiya ay dhexdhexaad ka tahay arrimaha Soomaaliya, wuxuuna si wayn u taageeray imaatinka ciidamo Itoobiyaan ah oo Soomaaliya la keeno. 

Radio Xoriyo

01 Mar. 2005 

C/nuur Sh. Mohamed 

radioxoriyo@ogaden.com 
raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9820 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | March 2, 2005

Warsaxaafadeed: Ururka SCG
Somali Concern Group (SCG) si aad iyo aad ah ayuu uga welwelsanyahay in ciidamo shisheeye Guji.. mar 2

Kismaayo: Bannanbax Loogu Gogol Xaarayo Maalinta Haweenka  
iyo Ganacsato Soomaaliyeed oo ka furay London Makhaayad kuwa Casriga ah... ka akhri halkan...  Mar 2

"BARLAMAANKU MA SHARCIYEYN-DOONAA GELISTA ITOOBIYA EE SOMAALIYA?"
Sidaas waxaa yiri Cabdi Cabdulle Saciid (Jinni Boqor) oo ah Xildhibaan BFKMG oo.... Guji.. March 1

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.



HTML CD