SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

 

:::COD BIXIN:::


  • Kismaayo: Bannanbax Loogu Gogol Xaarayo Maalinta Haweenka
  • Ganacsato Soomaaliyeed oo ka furay London Makhaayad kuwa Casriga ah.

Boqolaal isugu jira haween dhalinyaro iyo odayaal ayaa shalay isugu soo baxay faagaaraha weyn ee beerta xoriyad ee magaalada kismaayo ayagoo Soo dhawaynaya ama u sii googol xaaraya maalinta haweenka aduunka ee sideeda maarso oo foodna inagu soo haysa

WD: Cabdiqadar Nuur Maxamed "filipiin" | Kismaayo

Banaanbaxaan loogu gogol xaarayo maalinta haweenka aduunka ee fooda inagu soo haysa ee sideeda maarso ayaa waxaa ka soo qayebgalay dhamaan ururada haweenka uruda dhalinyara maamulka degmada iyo odayaaal iyo waxgarad kale ayadoo manta ay haweenka magaalada ismaayo ay socdaal ku soo mareen wadooyinka waa weyn ee magaalada kismaayo.

Bananabaxaa ayaa waxaa sidoo kale saakay ka soo qayebgalay dadwayne aad u fara badan oo ka kala socday dhamaan xaafadaha magaalada kismaayo iyo walibakooxda baanbayda qaraacda ayadoo halkaasi laga soo jeediyay qudbado lagu amaanayo haweenka islamarkaana lagu sheegayo doorka lama ilaawaanka ah ee ay ka galeen islaaxinta iyo xal u helida nabada umada soomaaliyeed .

Hadaba masuuliyiintii halkaas qudbadbadaha ka soo jeediyaya ayaa waxaa ka mid ahaa gudoomiyaha degmada mudane Daahir Maxamed cilmi (Daahir Carabey) oo ku dheeraaday sida hagar la aanta ah ee ay haweenaka magaalada kismaayo ugu istaageen buuxinta kaalimaha oga aadan nabad u raadinta gobolkan isagoo sidoo kale gudoomiyha uu ku bogaadiyay haweenka banaanbaxoodaan ay ugu googol xaarayaan maalinta qaaliga ah ee haweenka aduunka .

xaawo ugaas

daahir

Sidoo kale waxa uu sheegay gudoomaiyaha waxa ay manta haweenka u dhigayaan banaanbaxaan oo isagu jira aqoon iswaydaarsi ay sheegeen haweenaka in maalinta barri ah qaban doonaan ay tahay in la dareensiiyo bulshada aan garanayen waxa ay haweenku ku fadhiyaan waxa ay qabanayaan taas oo ah in la fahmo, isagoo sidoo kalena sheegay in ay tahay qodob aan maangaabku garanayen in la xuso maalinta haweenka aduunka ugu danbayentii waxa uu sheegay gudoomiyha in ay fiicantahay in lasoo jiito indhaha caalamka kuwa shacabka iyo kuwa dadka waxgaradka ah isagoo sheegay in la dareemo midnimada haweenaka qabiil la aanta iyo sida ay isugu duubanyahiin asagoo intaasi ku daray in ay haweenku yahiin kuwii hayay caruurta kuwii laga dilayay curadka kuwii laga dilay odayga kiwii ay u imaanayeen kii baahnaa sidaasi daraadeedna uu u sheegay haweenaka in ay nabada ayaga ku xirantahay colkana ay ayaga ku xirayanahay hadii ay nabada ka shaqysaane ay hirgalayso oo ay yiraahdaan wiilka qoriga wata jog odayga jog sidaasina ay nabada ku hirgalayso.

Sidoo kale waxaa halkaas qudbad kasoo jeedisay gudoomiyaha uruka haweenka magaalada kismaayo marwo xaawo ugaas xirsi oo sheegtay in ay manta bananabaxaan ay ugu googol xaarayaan maalinta sideeda maarso ee fooda inagu soo haysa islamarkaana ay rabaan in ay caalamka tusaan awooda ay leeyahiin haweenka magaalada ksimaayo iyo qaabka ay u nidamsanayahiin islamarkaana ay diyaarka ugu yahiin nooc kasta oo nabad ah, wax soo saarka, korinta caruurta, kaalmayenta haweenka, caafimaadka, fayadhoworka, ayadoo sheegtay in qolo waliba ay maalin leedahay isla markaana ay sidoo kale sheegtay maalinta barri ah ay bilaabayaan howlo nadaafadeed aydoona carabka ku dhufatay in howlaaas nadaafada ah ay ugu danaynayaan dhamaan bulsho weynta reer kismaayo si caafimaadkooda loo ilaaliyo waxaa ay sidoo kale sheegtay gudoomiyaha haweenka in ay maalinta barri ay ay ururka haweenak reer kismaayo ay yeelan doonaan aqoon iswaydaarsi ayna oga hadli doonaan sida ay u hor marin lahayeen dorka ay kaga jiran bulshada iyo waliba sidii ay u meel marin lahaayeen howlaha looga fadhiyo sidoo kale waxaa halkaasi buraanburo qiiro leh kasoo jeediyay xubin kamid ah ururka haweenka oo lagu magacaabo saynab maxamed cali oo u si weyn wax oga taabatay nabada iyo dowladnimada.

Isku soo wada duuboo baanbaxaan ay manta yeesheen haweenka reer kismaayo ayaa waxa uu ahaa mid hordhac u ah kan sideeda maarso oo lagu qabandoono magaalada kismaayo ayna ka qayeb qaadan doonaan haween badan oo kala imaan doona dagmooyinka gobolka jubada hoose.

Sikastooy ahaataba qudbadahii kala duwanaa ay manta soo jeediyeen haweenaka reer kismaayo ayaysan kusoo darin sida ay u soo dhawynayaan dowlada FDKG ah ee soomaaliyeed iyo aragtidooda ku aadan in dalka lakeeno ciidamo shisheeye oo hubka ka dhiga maleeshiyada nubaysan eek u sugan dalka

WD: Cabdiqadar Nuur Maxamed "filipiin" | Kismaayo
Kismaayo soomaaliya

 


Ganacsato Soomaaliyeed oo ka furay London Makhaayad kuwa Casriga ah.
 
Ridwaan Xaaji Cabdiwali-London.
ridwanhaji@yahoo.com
1/3/2005
 
Waxaa xalay Magaalada London laga furay Makhaayad kuwa Casiriga ah oo lagu Magacaabo THE OCEAN RESTURANT oo ay leeyhiin Ganacsato Soomaaliyeed oo dagan Magaalada London ee dalkan Britain.
 
Makhaayadan oo astaan u ahayd noocyada Casriga ah ee Dunida waxaa ay ku talaa xaafadda Shepher Bush ee Magaalada London, waxaana ka soo qayb galay Marti sharaf aad u fara badan oo gaarayay ilaa 200 oo qof , kuwaasi oo isugu jiray Soomaali iyo Ajaanib kala duwan iyo Aqoonyahanada Soomaliyeed ee ku nool Magaalada London.

Dadka ka soo qayib galay ayaa waxaa kamid ahaa Halgame Axmad Sheel ayaa Sheegay in uu aad uugu faraxsanyahay THE OCEAN RESTAURANT oo u qaab dhiganta sida Makhaayadaha waawayn ee Hindida iyo Africaanka ee Casriga ah kuna yaala Caalamka.

Waxaa kale oo uu sheegay Sheel in 40 sano ka hor aanay jirin Makhaayadaha Soomaaliyeed, balse ay jirineen Makhaayado Itoobiyaan ah iyo kuwa Hindida..

Dhinaca kale waxaa halkaas ka hadlay Cabdulaahi Cabdi Maxamed (Cabdulaahi Talifoon) oo kamid ah Milkilayaasha THE OCEAN RESTURANT ayaa khudbadiisa ugu horayntii u mahadnaqay ka soo qayb galayaashii furitaanka Makhaayadaasi isagoo sheegay in ay ku dadaalayaan sidii Ganacsiga Soomaalidu ula saan qaadi lahaa Aduun waynaha, waxaa kaloo hadaladiisa kamid ahaa ''qaabka quruxsan ee caawa aad idinku soo dhoweeynay waa qaab hormarka Soomaaliyeed mid astaan oo ay kor usii qaadi doonaan waxyaabaha Soomaalida lagu amaani karo. Waxaa kale oo uu sheegay ''Resturantiga wuxuu ku shaqayn doonaa dhaqanka Soomaaliyeed oo la hormariyay,waxaad u barateen in aad tiraadaan Cajeero Itoobiyaan ayaan rabnaa laakin halkan waxaa ka heli doontaan Cajeero Soomaaliayuu yiri Cabdulaahi Talifoon oo si kaftan ula hadlayay martidaasi.

Xaflada furitaanka waxaa ka soo qayb galay kaloo is kugu yimid Shaqsiyaad Caan ka ah Magaaladan London oo ay ka mid yihiin Halgame Xirsi Jaamc,Gudoomiyaha SCG Md.ing.Yariisow, Md.Maxamd Axmad Nuur (Tarsan) Gudomiyaha ururka Dhaq dhaqaaqa Gobolada Koofureed Md.Maxamad Xuseen Cadow,Gudoomiha ururka daadihiye Marwo Dahabo Ciise Dahabo Dowlo,Gudoomiyaha SIIC Md.Saciid Axmad C/Waaxid (Saciid Nabadoon) iyo Warbaahinta Soomaaliyeed xubno ka socday.

Soomaalida dalkan oo mudooyinkan danbe uu aad usoo kobcayo dhaqaalohooda waxaa ay dalka intooda badan soo galeen 10kii sano ee ugu danbaysay kadib markii Soomaaliya ay ka dahaceen Dagaaladii sokeeye ee 1991, iyadoo ay qaar badan halkan wax ku barteen isla markaana ay dhaqaale ka abuuraan gudaha Dalka Soomaaliya.

ridwanhaji@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 2, 2005

"BARLAMAANKU MA SHARCIYEYN-DOONAA GELISTA ITOOBIYA EE SOMAALIYA?"
Sidaas waxaa yiri Cabdi Cabdulle Saciid (Jinni Boqor) oo ah Xildhibaan BFKMG oo.... Guji.. March 1

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD