- Waftiga Madaxweynaha oo Booqday
Magaalada
Sabarata, Liibiya
- Prof. Geeddi oo Booqday Idaacadda Codka Afrika(Voice of Africa)
- Cabsi soo wajahday kalluumaystada
Jasiiradaha Jubbada Hoose
Waftiga Madaxweynaha oo Booqday Magaalada
Sabarata, Liibiya
war1- 29-tripoli... Madaxweynaha Dowladda Federaalka
ee KMG Soomaaliya Mudane Cabdullahi Yuusuf Axmed oo uu
wehliyo Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Prof Cali maxamed
Geedi iyo ku-Xigeenadiisa dhinaca Arrimaha Gudaha iyo
Maaliyadda ayaa maanta booqasho ku tagay Magaaladda
Sabarata oo ah Magaalo Taariikheed oo ay dhiseen
Ilbaxnimadii Finiiqiyiinta iyo kuwii Romanka.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa markii ay tageen
Magaaladaasi Sabarata, waxaa halkaasi si diiran ugu
soo dhaweeyay gudomiyaha gobalkasi iyo Masuuliyiinta
Dowladda Liibiya, waxaana lagu soo wareejiyay
dhismooyinka Qadiimka ah ee ku yaala Magaaladasi
burburtay, taasoo ay sheegeen Masuulka Xaruntaasi in
Sabarata la dhisay qarnigii Labaad ee Dhalashadii Nebi
Ciise ka hor.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG Mudane cabdullahi
Yuusuf waxa uu uga mahadnaqay masuuliyiinta Dalka
Liibiya, gaar ahaan kua gobalka Sabaraata, sidii
walaaltinimada leh ee ay isaga iyo Wafdigiisa ugu soo
dhaweeyeen isdaga iyo wafdigiisa, isagoo ku tilmaamay
Magaalo xambaarsan Taarikh fog iyo Ilbaxnimo soo
jireen ah.
Prof. Geeddi oo Booqday Idaacadda Codka Afrika(Voice of Africa)
War 2.. 29 march... Raaisul Wasaaraha Xukuumadda
Federaalka KMG prof Cali Maxamed Geedi ayaa maanta Soo
booqday Idaacadda Codka Afrika(Voice of Africa) oo ku
hadasha in ka badan 11 Af oo looga hadlo Qaaradda
Afrika.
Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliyeed markii
halkaa tagay waxaa si xamaasad leh ugu soo dhaweeyay
Agaasimaha Idaacadda Codka Afrika Suxufiyiinta iyo
Shaqaalaha Idaacadaasi, wuxuuna siiyay wareysi dheer
oo uu kaga waramay Heshiiskii Dib u Heshiisiinta
Soomaaliyeed ee lagu dhisay Dowladda federaalka, sida
ay haatan isugu diyaarineyso in dib Dalka Soomaaliya
ugu Guurto.
Mudane Cali Maxamed Geedi, wuxuu kaloo wareysigiisaasi
ku xusay doorka ay Jamaahiiriyadda Liibya ka soo
qaadatay gacansiinta Shacbiga Soomaaliyeed muddadii ay
ku jireen Dagaaladda Sokeeye, wuxuu amaanay Safaaradda
Liibiya ay ku leedahay Magaaladda Muqdisho oo uu
sheegay in ay Ummadda Soomaaliyeed ay la qeybsadeen
xiligii adkaa ay soo mareen.
Raiisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliyeed waxuu kaluu
xusay doorka uu Hoggaamiyaha Jamaahiiriyadda Liibya
mucamaral Khadafi ka qaatay dib u habeynta Ururkii
Midowga Afrka iyo dadaalka uu ugu jiro Mideynta
Dalalka ku yaala Qaaradda Afrika.
Afhayeenka Dowladda Soomaaliyeed Mudane Cabdiraxmaan
Nuur Maxamed diinaari oo kulan la yeeshay Agaasimaha
Idaacadda Codka Afrika ayaa ka waddahadalay sidii ay
Idaacadaasi Dowladda Soomaaliyeed gacan ugu sii
laheyd dhismaha Idaacad,iyo Tababarida Shaqaalaha
Warfaafinta ee Dalkan Soomaaliya.
Diinaari iyo Agaasimaha waxay fadhigaasi iskula soo
qaadeen in Luqadaha ka baxa Idaacadaasi lagu daro Afka
Soomaaliga, taasoo uu soo dhaweeyay Agaasimaha,
wuxuuna balanqaaday in wixii qalab, Tababarid iyo
Isdhaafsi dhinaca Warfaafinta ay gacan ku siin doonaan
Dowladda soomaaliyeed.
Isha: Diinaari | Liibiya
Cabsi xooggan ayaa soo wajahday
kaluumaysatada iyo dadka deggan jasiiradaha gobolka
jubbada hoose kadib markii la dareemay dabaylo xooggan
oo wata duufaano oo ka bilowday xeebaha badweynta
hindiya oo marta gobolka J/Hoose
- Cabdi qadar nuur
maxamed (filipiin)
Kismaayo soomaaliya
Kaluumaysatada gobolka
Jubbada Hoose ayaa waxa ay sameeyeen shaqo joojin kadib
markii habeenimadii xalay uu bad gariir ku dhuftay qaar
ka mid ah jasiiradaha ku yaala wadanka indonusiya oo ay
martyo bad weynta hindiya.ayado sidoo kale ay feejignaan
xoggan ay ku jireen dadka deggan xeebaha iyo jasiiradaha
gobolkan.
Kaluumaysatadaan ayaa
walwal baaxad leh ka muujiyay ka shaqaysiga xeebaha
gobolkan ayadoo ay sheegeen in haatan ay jiraan dabaylo
xoogan oo aan horay loogu arag xeebaha ayadoo ay horayna
u jirtay dad badan oo ay waxyeelaysay duufaantii
tsunaami oo kow iyo toban dal oo aduuunka ka mid ah ku
dhufatay 26 December ee sanadkii tagay islamarkaana ay
ka mid aheyd wadanka soomaaliya meelahii ay waxyeelada
ka soo gaartay musiibadaasi tsunaami.
Hadaba ayadoo oo ay
wali muuqanayso qasaarahii soo gaaray qaar ka mid ah
kaluumaysatada ku dhaqan jasiiradaha ku teedsan gobolka
jubbada hoose ayaa haatan dadkaasi la dareemayaa in ay
ka bara kaceen goobahii ay daganayeen ee ku dhawa
xeebaha si ay oga gaashaantaan dhibaatooyinka laga fili
karo bada hadii ay la timaado wajiyo shabaha kuwii
musiibada tsunaami.
Dhanaka kale wafti ka
socda hay'ada world concern oo booqasho ku marayay
jasiradahi ay saamaysay duufaantii sunaami ayaa kor meer
howled kusoo maray maanta jasiiradaha gobolkaan oo ay ka
midka yahiin kudhaa koyaamo iliis kiyaanboomi iyagoo
kormeerkoodaan oga gol leh in ay soo indha indheeyeen
islamrkaana soo xaqiijiyaan dhibaatada haysata dadka ku
taabaaloobay waxyeeladii tsunami sanadkii tagay
dabayaaqadiisa iyagoo sheegay dadka ay la kulmeen in ay
dhibaato ba anai ka haysatay dhanaka biyaha iyo agabaka
hoyaatinka ayagoo dadkaasi ay horay oga burbureen
baraagahii ay biyaha ku kayedsan jireen qalabkii
kaluumaysiga iyo waliba qalab kale oo mihiim ah.
Hadaba kormeerayaashan
oo ay weheliyeen masuuliyiin ka socday hay ada afric ee
uu fadhigeedu ayahay magaalada kismaayo ayaa si wada jir
ah dadkaasi oga caawin doona dhinacyada biyaha qalabka
kaluumaysiga iyo kuwa hoyaatinka aydoo horey ay u jirtay
mucaawino ka socota haysada walrd consern loona soo
mariyaya hay ada afric ay horey u gaartay dadkii ku
waxyeeloobay musiibadii tsunami qaarkood
Cabdi qadar nuur
maxamed (filipiin)
Kismaayo soomaaliya
Cabdiqadar84@hotmail.com
Faafin: Somalitalk.com | Maarso 29, 2005
U.N.
oo Soomaalida Uga Digtey Badgariir...
»Wasiiro
& Xildhibaano Gaaray Magaalada Xudur
»Kismaayo:
Kulan looga hadlay dhismaha Maamul Goboleed
»Liibiya:
Kulan ay yeesheen waftiga madaxweynaha DFKMG
Warka
oo dhan ka akhri... Guji...
Waraysi Samsam
iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
iyo
Shirkadda Dahabshiil oo Sanduuq Mucaawino u Furtay Samsam...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u
gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay...
Guji...
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|