WARAYSIYO AAN LA
YEELANAY XUBNO KAMIDA ERGEDA DIB U HESHIISIINTA BEELAHA
SACAD IYO SALEEBAAN.
Galkacyo: (somalitalk).
Talaado, 29,03,05:
Waxaa in mudo ahaydba
shirar kala duwan ay ka soconayeen Hotel Taar city ee
magaalada Galkacyo, shirarkan oo taxane soo ahaa tan iyo
horaantii bishan Maarso, ayadoo ay fureen kulanka waftigii
ka socday dowladda federaalka' oo uu hogaaminayay
Madaxwaynaha DFKS & Raysulwasaaraha DFKGS iyo waftigii ka
socday PL oo isna uu hogaaminayay Madaxwaynaha PL. (Waftiga
DFKMG oo gobolada PL soo booqday dhammaadkii bishii hore ee
Febraayo ilaa bilowgii bishan Maarso).
Kulanka shirka oo ku soo
beegmay xili ay DFKGS ay marayeen meelo
kamida gobolada soomaaliya ayadoo dowladdu ka soo bilowday
socdaalkeeda magaalada Jowhar, Baladwayn,
Garoowe, Qardho magaalada Boosaaso, iyo magaalada Galkacyo.
Hadaba waxaa
Madaxwaynaha iyo Ray,sulwasaaraha u suurto gashay
in ay isugu yeeraan beelaha ku dagaalamayay deegaanada hoos
yimaada Mudug iyo Galgaduud, kulanka madaxwaynaha uu isugu
yeeray beelaha Saleebaan iyo Sacad' ayuu ka hor uga
warbixiyay sababta dhalisay in gaalkacyo ay sidan isu
badesho waxa uuna ku tilmaamay in ay ka danbaysay heshiiskii
dhexmaray isaga iyo alla ha u naxariistee Gen. Maxamed
Caydiid.
Madaxwaynaha DFKGS
Mud, Cabdulaahi Yusuf ayaa beelaha ugu baaqay in
lahelo nabad taabagal ah oo dhexmarta labada garab ee iska
soo horjeeda waxa uuna sheegay in ay aad uga xumaadeen
dagaalka ka dhacay gobolda Mudug iyo Galgaduud asagoo
sheegay in ay murugo way ku haysay mudadii ay dowladdu ku
sugnayd magaalada Nayrobi ee xarunta Kenya, waxa uuna yiri
waa ilaahay mahadii hadaan haatan idin horfadhino oo
labadiiniiba aan isu keennay.
Madaxwaynaha
ayaa sheegay in uu ahaa nin dagaal lagu yaqaanay balse
haatan doonaya in uu noqdo oday beeleed, waxa uuna u sheegay
uguna baaqay marlabaad iyo mar sadexaadba in dagaalka la
joojiyo' asagoo tusaale u soo qaatay Gen. Cadde Muuse iyo
isaga wixii dhexmaray iyo haatan sida ay isku yihiin waxa
uuna mar labaad sheegay in beesha sacad ay jabisay
heshiiskii u dhexeeyay isaga iyo Gen, M/ed Caydiid uuna
sheegay in la soo nooleeyo heshiiskii taaba galka ahaa ee
lagu dagay gobolka Mudug.
Waxaa isna ka hadlay
madasha nabadaynta beelaha Prof Cali Maxamed Geedi waxa uuna
sheegay in ay horu,dhac u tahay guud ahaan beelaha
soomaaliya gaar ahaanna beelaha Saleebaan iyo Sacad,
Dowalduna ay tahay mid ku dhisan dib u heshiisiin iyo soo
celinta qarankii umada Soomaaliyeed.
Madaxwaynaha iyo
Raysul,wasaaraha DFKGS ayaa waxa ay kulankan
bilaabeen 1 iyo 2 bishan maarso ee sandka 20005, waxa ayna
magacaabeen labo xubnood oo ka socda DFKGS oo ay sheegeen
madaxwaynha iyo Raysul,wasaaruhuba in ay yihiin labadan
xubnood kuwo la shaqayndoona maamulka PL, gudi ay iyaguna
dhankooda ka magacaabi doonaan.
Dowaladda
federaalka ayaa iska soo xushay cidii dhankooda u
matalaysay waxayna kala yihiin Ciise Axmed Dalabay (Ciise
dheere) iyo Gen. C/qaadir Diiriye (Subxaanyo). Ciise dheere
oo DFKGS ay u magacaabatay in uu yahay gudoomiyaha gudiga
qaranka ee dib u heshiisiinta beelaha saleebaan iyo Sacad.
Waxaa suurto gal u noqotay
DFKGS in ay isu keento gacantana isu galiso labada Suldaan
ee labada beelood ayagoo balan qaaday heshiiska labada
dhinac in ay ka shaqayn doonaan.
Hadaba waxaa DFKGS ay uga
tagtay dhankeeda in ay matalayaan siina wadaan howsha
nabadaynta' labada xubnood ee ka socda dhankooda, ayadoo
dowlad GPL, uu madaxwaynaheeda isna magacaabi doono ayuu
yiri madaxwaynaha federaalka gudi uu ka soo xulo gobalada
PL.
hadaba waxaa
noo suurto gashay maadaama uu shirku socday muddo bila
natiijadii ka soo baxday iyo halka ay wax marayaan in ay
nooga waramaan qaar kamida DFKGS iyo Ergada DGPL.

Ciise Axmed Dalabay "Ciise dheere" |
Waxaan ugu horayn waraysi kala
yeeshay arintaa Gudoomiyaha Gudiga Qaran ee dib u
heshiisiinta beelaha Sacad iyo Saleebaan" Ciise Axmed
Dalabay "Ciise dheer"
Su,aal:
Gudoomiye waxaad nooga war bixisaa halka ay wax idiin
marayaan ?
Jawaab:
waxaa noo suurto galay in aan isu keenno ergo ka socota
beelaha la heshiisiinayo oo ay sahashay keenisteeda Maamulka
PL iyo ergooyin kale oo ay dalbadeen beelaha in ay heshiiska
goob joog ka noqdaan.
Marka waxaan u mahad
celinaynaa DGPL sida wanaagsan oo ay howsha u fududeynayaan
aydoo sidoo kalana aan u mahad celinayno Maamulaha Hotel
Taar Sity Siciid Cabdi Oray, sida wanaagsan ee uu noogu kala
wado socodsiinta howsha nabadaynta waxaanse oran karnaa in
uu maamuluho kaalin wayn ka qaatay arimaha geedi socodka
heshiisiinta.
Su,aal.Gudoomiye
maxaad filaysaa in ay arintu ku danbayso?
Jawaab:
horta ilaahay ayaa cilmi qayka garanaaya lakin uma
malaynayno in aan ku guul daraysanayno, waxaan kaloo shalay
magacownay guddi u ambabixi doona illaa bari deegaanada
dagaalka uu ka dhacayo gudigaas oo ka kala socda beelaha
Mareexaan, Cayr, iyo labada beelood ee Sacad iyo Saleebaan.
Gen. Subxaanyo
ayaa isna sidoo kale u madah celiyaya beelaha sida
wanaagsan oo ay gacan nooga siisay in ay aqbasho heshiiska
ayadoo labada dhinacba ay maanta galinka danbe ku kala
tageen farxad qosul iyo kaftan dhexmaray dhamaan gudiga iyo
labada dhinac, waxaa taa lagu tilmaami karaa mid aad qiimo u
leh oo u soo hoyatay walaalaha dagaalku ka dhexeeyo. waxaan
sidoo kale mahad balaaran u soo jeedinayaa Maamulaha Hotel
Taar Sity oo siwacan oo soo dhoweeyay ayadoo ay wax kalana u
laabantahay maadaama ay soo laabanayaan gudiga shalay
lamagacaabay ayadoo ay 10, casho ku maqnaan doonaan goobaha
lagu dagaalamayo.

Cismaan Xaaji Nuur Yusuf |
Waxaa noo suurto gashay
labo xubnood oo kamida ergadii laga soo magacaabay beelaha
PL, waxa ay maanta kawada hadleen in ay nooga warbixiyaan
waxaan marka hore waraysi la yeeshay Cismaan Xaaji
Nuur Yusuf, oo kamida ergadii madaxwaynaha PL uu ka
soo magacaabay magaalada Boosaaso ee xatunta G/bari.
Su,aal
Cismaan waxaad nooga warantaa ujeedadii la,idiin soo
magacaabay in ay idiin suurto gashay?
Jawaab,
Marka hore aniga iyo Daahir M/ed Garaase
waxaan nimid 7,bishan Maarso wxaana u nimid nabadaynta
labada beel oo uu noo soo magacaabay Madaxwaynaha Pl,
aniga oo jooga magaalada Boosaaso ayuu iyi waxaad ka qayb
qaadanaysaa heshiisiinta lagu qabanayo magaalada Galkacyo,
waxa uuna ii sheegay madaxwaynuhu in Garoowana uu ka
magacaabay Daahir maxamed Garaase waxaa ka loo uu yiri
madaxwaynuhu waxaad galkacyo kula kulmaysaan duqayti sideeda
oo iygana aan ka magacaabay magaalada galkacyo sidaas ayaa
nakeentay, ka dib waxaa naloo soo dhoweeyay sifiican oo
sharafleh waxaana ka mid ahaa cidda na soo dhowaysay Goborna
tooraha magaalada Galkacyo.
waxaa noo suurto gashay in
aan u yeero ergo kale oo ka socota beesha cayr iyo Mareexaan
waxaan u fariisanay falanqayn waxay soo jiitanto waxaan ku
heshiinay in aan 45, xubnood oo isugu jira beesha Cayr,
beesha Mareexaan labada beelood oo is haya iyo Galkacyo dad
kamida;
waxaan shalay iska
magacownay guddi aan u kala dirayno labo dhinac oo isugu
jira dhinacyo kala duwan waxa ayna gudiga 23, iyo 3, gaari
isugu u ambabaxayaan, Dagmada hobyo illaa ceel huur Xageed,
dhanka cadaado iyo galinsoorna waxaan u diraynaa 23,xubnood
iyo 3, gaari waxayna isku yihiin 46,xubnood iyo 6, gaari,
waxa ayna kala yihiin qar aan uga maarmi waynay ciidan
amniga suga qaarka kalana waxay yihiin qaybaha kala duwan ee
gobolda kakal socda ayna ku jiraan qaar ka socda dhinaca
waqooyiga galkacyo.
Hadaba waxa shalay naloo
dhiibay xabad joojinta dhamaantayo anaguna waxaan isu
waafaqnay in ladiro dadkaa la sameeyo xabadjoojin dagadaga
ciidanka oo lakala qaado
Su,aal:
hadii ay suurto galiwaydo arimahan aad sheegatay maxaa idiin
gudbood oo samaynkartaan?
Jawaab,
taa ilaahay kama baryin laakin rag talo kama dhamaatee talaa
noo gudboon.
Su,aal:
waxaa dhacay dagaal adinkoo wada heshiiskii maka hadasheen
arintaa waxay ku dhacday maadaama la heshiiyay DFKS iyo PL,
horteedana ay ku dhaarteen labada Suldaan, ee labada beel.
Jawaab:wax
walba waa dhacaan oo anagu masuul kama nihin ilaahay ayaan
ka baryaynaa in ay san markale dhicin salaadiintuna kama
masuul ahayn waxa dhacay waayo halkan ayay wax ka wadeen oo
ay doonayeen ISLAAX BAYNA NAAS marka taa
waa laga heshiiyay illaahayna naguma soo cesho.
Su,aal:
waxaa jiray odayaal idinka horeeyay oo waday heshiisiin oo
lagu dilay deegaanada aad ergada u dirteen sidee ku
aaminteen marka in aad dirtaan ergo horle oo isugu jirta
qabaaillo kala duwan mase jirtaa go, aamo aad ka soo
saarteen hadii la gaysto fal kii horde lamida.?
Jawaab:arwaaxda
dhimatay waasabab oo lama joojinkaro tan ah go,aanadana
waxaa gar lagalaa iyo go, aan xiligeeda ee haatan ma ahayn
in aan gaaro go,aan eewaxaan ka yeeli doonno xiligeeda
halagaaro howshuna waa sangow guddo iyo
dhbaabaco isla sug.

Daahir Maxamed Garaase |
Waxaa sidoo
kale aan waraysanay Daahir M/ed Garaase oo laga soo
magacaabay garoowe.
Su,aal:yaa
idiin furay shirka?
Jawaab:
waxaa noo furay Islaan bashiir
Su,aal
maxaa shalay maxaabiista loogu wareejiyay beesha cayr oo
kaliya ayadoo idinka mid ahayd maadaama ay gogosha nabaddana
beesha cayr u fidisay PL.
Jawaab:
waxa arintaa ay ahayd meel ku dhac ayadoo aan nala ogaysiin
hadaan nahay DGP, DFKG isimo iyo beelo kala duwan waanna u
qabsanay beesha cayr wayna naga raali galisay oo waxay
samaysay tanaasulaad.
Sahro Sheikh |
sahrosiglan@hotmail.com
SomaliTalk Gaalkacyo Soomaaliya
Faafin: SomaliTalk.com |
Maarso 29, 2005